Wasaaradda gaashaandhiga ee sacuudiga ayaa qoraal ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay:
“Saddex gantaal oo ah nooa cruise-ka ayaa la qabtay lana burburiyay bannaanka magaalada Al-Kharj.”
Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalak Iraan waxaa sacuudiga ay la kulmayeen weeraro kaga imanayay dhanKA Iraan.
War deg deg ah, Ciidanka Israel oo sheegay in Iran ay gantaallo ku soo weerartay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay gantaallo dhowr ah u soo dirtay
dhanka Israa’iil saacadaha hore ee aroortii Khamiista, balse isla markiiba lama
soo sheegin wax khasaare naf ah, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP,
iyadoo soo xiganaysa adeegga gurmadka degdegga ah ee dalka.
Saddex digniin oo kala duwan ayaa la bixiyay laba saacadood gudahood,
waxaana weriyeyaasha Agence France-Presse ay maqleen qaraxyo
ka dhacay magaalada Qudus. Si
kastaba ha ahaatee, ciidanku markii dambe waxay u oggolaadeen dadka inay ka
baxaan meelihii gabbaadka.
Warbaahin caalami ah oo dhowr ah ayaa maalmahan soo wariyay in saraakiil iyo hay’ado Mareykan ah ay wadahadallo la yeesheen shaqsiyaad saameyn leh oo ku sugan gobolka Kurdiyiin, iyo sidoo kale qaar ka mid ah kooxaha Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Iran, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada xaalado kala duwan haddii dagaalku ku fido gudaha Iran.
Warbixinadan qaarkood ayaa sidoo kale xusay dood ku saabsan doorka ay yeelan karto sirdoonka Mareykanka (CIA), iyo suurtagalnimada in la taageero kooxo ama dhaqdhaqaaqyo mucaarad ee ka soo horjeeda nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Warbixinadan ayaa la daabacay iyadoo maalmahan ay socdaan dood ku saabsan suurtagalnimada in Mareykanka ay ciidamo dhulka ah u dirto gudaha Iran.
Arrintan ayaa “doqonimo” ku tilmaamay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, balse madaxweynaha Donald Trump si buuxda ugama reebin suurtagalnimadaas.
Trump ayaa hore loo soo xigtay isagoo leh:“Wax cabsi ah kama qabo inaan dirno ciidamo dhulka ah. Ma oranayo sida madaxweynayaal kale oo leh ‘ciidamo dhulka ah lama diri doono.”
War deg deg ah, Canada iyo Australia oo ku baaqay dejinta xiisadda gobolka Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo dhiggiisa Canada Mark
Carney ayaa ku baaqay in xiisadda Bariga Dhexe la dejiyo, iyagoo sheegay in
xabbad-joojin aan la gaari karin ilaa Iiraan laga hor istaago inay samaysato
hub nukliyeer ah.
“Adduunku wuxuu rabaa in la arko dejinta xiisadda… Waxaan aragnaa dalal ka
tirsan Gacanka oo aan colaadda ku lug lahayn oo la weeraray, oo ay ku jiraan
weerarro lagu qaaday goobaha rayidka iyo meelaha dalxiiska. Waxaan sidoo kale
rabnaa in la gaaro ujeeddooyinka la dejiyay,” ayuu Albanese u sheegay
wariyeyaasha shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu kula qabtay Canberra
hoggaamiyaha Canada ee booqashada ku yimid.
Carney ayaa ku celiyay baaqa ra’iisul wasaaraha Australia ee ku aaddan
dejinta xiisadda.
“Hadda waxa socda fiditaanka colaadda. Taasi waan aqoonsannahay. Ka hor inta
aan halkaas la gaarin, waa in la joojiyaa beegsiga rayidka iyo kaabayaasha
rayidka. Kuwani waa shuruudo lama huraan ah ka hor inta aan xabbad-joojin jiri
karin.”
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale muujiyay taageeradooda weerarrada
Israa’iil iyo Maraykanka ku qaadeen Iiraan ee bilaabmay Sabtidii.
Markii la weydiiyay in uu meesha ka saaray suurtagalnimada in Canada ay ku
biirto weerarrada Iiraan, Carney wuxuu sheegay inuusan “waligiis si buuxda u
diidi karin ka qaybgalka,” isagoo kala saaray ficillada weerarka iyo kuwa
difaaca.
War deg deg ah, Ciidanka Maraykanka oo xaqiijiyay xogta iyo magaca askari bilado badan haystay oo ku dhintay weerarkii Kuwait
Xigashada Sawirka, US Army Reserve Command
Qoraalka sawirka, Major Jeffrey O’Brien
Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay magaca askari shanaad oo ku dhintay
weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Iiraan fulisay ka geysatay Kuwait
maalmahii hore ee dagaalka.
Major Jeffrey O’Brien, oo degganaa magaalada Waukee ee gobolka Iowa, ayaa
loo magacaabay sarkaal ka tirsan Signal Corps ee Ciidanka Kaydka Maraykanka
sanadkii 2012. Wuxaana loo diray Kuwait sanadkii 2019, sida lagu sheegay
bayaanka.
O’Brien waxuu haystay bilado badan oo ciidanka Maraykanka ah kuwaas oo kala
ahaa:
Biladda Guusha Ciidanka (Army Achievement Medal), Ammaanta Qaybta Ciidanka
ee Mudan (Meritorious Unit Commendation), Abaalmarinta Qaybta Sare ee Ciidanka
(Army Superior Unit Award), Biladda Guusha Qaybta Kaydka ee Ciidanka (Army
Reserve Component Achievement Medal), Biladda Adeegga Difaaca Qaranka (National
Defense Service Medal), Biladda Hawlgalka Dagaalka Caalamiga ah ee Ka Dhanka ah
Argagixisada (Global War on Terrorism Expeditionary Medal), Xarigga Adeegga
Ciidanka (Army Service Ribbon), iyo Biladda Kaydka Ciidamada Qalabka Sida oo
wata calaamadda “M”.
Askarta Maraykanka ayaa la dilay markii nidaam diyaaradeed oo aan duuliye
lahayn uu ka baxsaday difaacyada cirka si uu u garaaco xarun talis oo ku taalla
Port Shuaiba ee Kuwait maalintii Axadda.
Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa markii hore sheegay in saddex askari ay ku
dhinteen weerarka, balse saraakiishu waxay Isniintii xaqiijiyeen in tirada
dhimashadu labanlaabantay, kadib markii qof dhaawacii u dhintay iyo laba mayd
oo kale laga helay burburka.
War deg deg ah, Colaadda gobolka oo sababtay barakac balaadhan
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in
rabshadaha sii xoogaysanaya ee ka socda Bariga Dhexe iyo meelo kale ay durba
sababeen dhaqdhaqaaq ballaadhan oo dadku ku barakacayaan.
Waxay sheegtay in qiyaastii 100,000 oo qof ay ka baxeen magaalada Tehran
labadii maalmood ee ugu horreeyay ka dib weerarradii dhacay.
Dalka Lubnaan, hay’addu waxay sheegtay in 58,000 oo qof ay ku hoyanayaan
goobo hoy wadajir ah.
Dalka Syria, waxay sheegtay in ku dhowaad 10,000 oo Suuriyaan ah iyo ku
dhowaad 1,000 oo Lubnaaniyiin ah ay ka soo gudbeen xadka Lebanon 2-da Maarso,
taas oo ku dhowaad saddex jeer ka badan celceliska maalinlaha ah.
War deg deg ah, Ukraine oo khibradeeda la dagaalanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku caawin doonta dalalka Khaliijka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay qorsheynayso inay khubaro u
diro wadamada Khaliijka si ay uga caawiyaan xulafada difaaca dalalkooda ka dhan
ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iiraan.
Wuxuu sheegay inuu shalay la hadlay dhiggiisa Imaaraadka iyo Qatar, maanta
na uu la hadlay Jordan iyo Baxreyn.
Ka dib markii uu ka wada hadleen khilaafka Bariga Dhexe wasiirrada iyo
taliyeyaasha, wuxuu ka codsaday inay soo saaraan ikhtiyaarro ay xulafada uga
caawin karaan iyada oo aan la daciifin
difaaca Ukraine laftigiisa.
War qoraal ah oo uu ku daabacay barta X, Madaxweynaha Zelensky ayuu ku yidhi:
“Ukraine waxay ka caawin kartaa ilaalinta nolosha iyo xasilinta xaaladda…”
Wuxuu intaa ku daray: “Ciidamadeennu waxay leeyihiin awoodaha lagama
maarmaanka ah. Khubarada Ukraine waxay ka shaqeyn doonaan goobta, kooxuhuna
horey ayay isugu diyaariyeen. Waxaan diyaar u nahay inaan ka caawinno ilaalinta
nolosha, badbaadinta rayidka, iyo taageerida dadaallada dhabta ah ee lagu
xasilinayo xaaladda iyo dib u soo celinta maraakiibta ammaan ee gobolka.”
War deg deg ah, Saddex qof la dilay ka dib weerarro Israa’iil ka geystay agagaarka Bayruut Wasaaradda Caafimaadka
Saddex qof ayaa la dilay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib labo
weerar oo Israa’iil ka geystay agagaarka caasimadda Lubnaan.
Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada lagu qaaday jidka u dhexeeya
Bayruut iyo Garoonka Caalamiga ah ee Rafik Hariri (RFHA), iyadoo lagu xusay
wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.
War deg deg ah, Arsenal oo sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier halka Mancity lagu dhegay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Arsenal ayaa 1-0 ku garaacday Brighton oo ku ciyaaraysa garoonkeeda Amex Stadium, goolka waxaa u dhaliyay xidigooda Bukayo Saka. Sidaas darteed Manchester City hadda waxay toddobo dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka kadib markii ciyaartii ay la dheeleen kooxda Nottingham Forest ay barbaro kusoo dhammaatay.
Tanina waa natiijo walaac ba'an ku abuuraysa taageerayaasha kooxda Man City halka kuwa Arsenal ay u abuurayso yididiilo ku aadan hanashada horyaalka oo ay muddo ka soomanaayeen.
Man City 2-2 Forest: Semenyo ayaa dhaliyay goolka furitaanka; Gibbs-White ayaa si xeelad leh u dhaliyay goolka barbarraha ka hor inta uusan Rodri mar kale hoggaanka soo celin. Anderson ayaa haddana barbarreeyey.
War deg deg ah, Xisbullah “ma is dhiibi doonto” iyadoo dagaalka Israa’iil uu sii xoogaysanayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem, ayaa sheegay in kooxda ay Iiraan
taageerto “aysan is dhiibi doonin” iyadoo dagaalka ay la galayso Israa’iil uu
sii xoogaysanayo.
Khudbaddiisii ugu horreysay ee dadweyne tan iyo markii colaadda gobolka ay
ku fiday Lubnaan Isniintii, Qassem wuxuu sheegay in Xisbullah ay u
hoggaansantay heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaray dabayaaqadii 2024, balse
Israa’iil “aysan u hoggaansamin mid ka mid ah qodobadiisa”.
“Waxaan oggolaanay xal diblomaasiyadeed oo aan u aragnay fursad ay dowladdu
ku qaadato mas’uuliyaddeeda, balse marar badan ayaan sheegnay in dulqaadku xad
leeyahay,” ayuu ku yidhi khudbadda laga sii daayay telefishanka.
“Doorashadeennu waa inaan ka hortagno ilaa heerka ugu sarreeya ee
naf-huridda, ilaa xadka ugu dambeeya, mana is dhiibi doonno,” ayuu yidhi.
Xisbullah ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay
Israa’iil Isniintii, ka dib markii weerarro ay fuliyeen Maraykanka iyo
Israa’iil lagu dilay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei.
Israa’iil ayaa kaga jawaabtay duqeymo ballaadhan oo cirka ah waxayna ciidamo
u dirtay koonfurta Lubnaan, taasoo sababtay in tobannaan kun oo rayid ah ay ka
barakacaan guryahooda.
War deg deg ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo ka dalbaday dhiggiisa Iiraan in si “degdeg ah looga joojiyo” weerarrada ah
Article Information
Author, Barbara Plett Usher
Role, Reporting from Doha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman
Al-Thani, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu khilaafku bilowday la
xiriiray dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi.
Saraakiisha Carabta ayaa aad uga cadhooday in Iiraan ay boqolaal gantaallo
iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku ridday dalalka deriska la ah oo ay ku jirto Qadar iyada oo bartilmaameedsanaysa saldhigyada
milatari ee Maraykanka, balse sidoo kale ku dhacday kaabayaal rayid iyo kuwo
tamar.
Al-Thani ayaa “si buuxda u diiday” hadalka Araghchi ee ahaa in weerarrada
Iiraan ee maalmahan dambe ay beegsanayeen danaha Maraykanka oo keliya, balse
aysan ku jeedin dawladda Qadar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay
Qadar.
Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay “isku dayayso inay waxyeello u geysato
deriskeeda isla markaana ku jiido dagaal aan iyaga u gaar ahayn,” wuxuuna
dalbaday “in si degdeg ah loo joojiyo” weerarrada.
War deg deg ah, Spain: “Mowqifkeenna ah ‘maya dagaal’ weli waa mid cad oo aan laba macne lahayn.”
“Mowqifkeenna ma isbeddelin” Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Spain oo beeniyey hadalladii Aqalka Cad ee sheegay in dalku
la shaqayn doono milatariga Maraykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda, José Manuel Albares, ayaa sheegay in
mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan dagaalka “uusan waxba iska beddelin” ka dib
markii Aqalka Cad uu sheegay in Isbayn oggolaatay inay la shaqeeyaan milatariga
Maraykanka.
Shalay, Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan
ganacsiga uu la leeyahay Isbaanishka ka dib markii dalku ka mamnuucay
Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyadiisa milatari qayb ka mid ah hawlgalkiisa
Iiraan.
Albares ayaa u sheegay idaacadda Isbaanishka ee Cadena SER: “Mowqifka
dowladda Isbaanishka ee ku aaddan dagaalka Bariga Dhexe, duqeynta Iiraan iyo
adeegsiga saldhigyadeenna waxba iskama beddelin.”
Wuxuu intaas ku daray: “Mowqifkeenna ah ‘maya dagaal’ weli waa mid cad oo
aan laba macne lahayn.”
War deg deg ah, Maraykanka iyo Israa’iil waxay burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awoodda militari ee Iiraan, Paul Adams Wariyaha arrimaha diblomaasiyadd
Xigashada Sawirka, Getty Images
Jawaabtii kululayd ee bilowga ahayd ee Iiraan ka bixisay weerarkii ay ku
qaadeen Israa’iil iyo Maraykanku waxay dhalisay su’aalo.
Miyaan xulafada Maraykanku sii wadi karin inay is difaacaan? Ma u adkeysan
karaan nidaamyadooda difaaca cirka ee qaaliga ah weerarro isdaba-joog ah oo ay
fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo jaban?
Cabsidaas waxay u muuqdaan kuwo yaraaday.
Maraykanku waxay sheegeen in tirada gantaallada ballistic-ga ah ee ay Iiraan
ridday ay hoos u dhacday 86% tan iyo Sabtidii, halka tirada diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ay hoos u dhacday 73%.
Maraykanka iyo Israa’iil waxay burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awoodda
Iiraan, inkastoo saraakiil reer galbeed ahi ay qirayaan in ay suurtagal tahay
in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay qarsanayaan hubka qaar si ay
dagaalka u sii wadaan muddo dheer.
Kadib markii ay heleen sarreynta hawada, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil
iyo Maraykanku hadda si xor ah oo aan lala tartamayn ayay ugu dul duuli karaan
hawada Iiraan.
Tani waxay ka dhigan tahay in aysan mar dambe ku tiirsanaan doonin hubka loo
yaqaan “Weerarka masaafada dheer” gantaallo aad qaali u ah oo laga rido meel fog
oo ammaan ah balse ay hadda bilaabi
karaan inay adeegsadaan kaydkooda ballaaran ee bambooyinka jaban ee lagu hago nidaamka
GPS-ka.
War deg deg ah, BBC-da oo xoghaya warfaafinta Maraykanka ku cadaadisay ka jawaabida weerar la sheegay in lagu qaaday dugsi
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wariyaha BBC-da ee Washington, Daniel Bush, ayaa weydiiyay arrin ku saabsan
waxa mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen inay ahayd weerar ay fuliyeen Maraykanka
iyo Israa’iil oo lagu qaaday dugsi ku yaalla koonfurta Iiraan kaas oo ay sheegeen in ay ku dhinteen in ka
badan 160 qof.
BBC News si madax-bannaan uma xaqiijin karto tirada dhimashada ee ay
sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan.
“Ma sheegi kartaa in ay jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in uusan ahayn
weerar Maraykan ah, sidoo kale ma jiraa qiimeyn ku saabsan doorka suurtagalka
ah ee Israa’iil haddii uu jiroba?” ayuu
weydiiyay.
Leavitt ayaa ku jawaabtay in Wasaaradda Difaaca ay “baadhayso arrintan”,
balse waxay ku celisay hadallo hore oo ay jeediyeen mas’uuliyiin Maraykan ah oo
ahaa: “Ciidamada qalabka sida ee Maraykanku ma bartilmaameedsadaan rayidka.”
Leavitt waxay sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu doorbido
inuu nabadda iyo diblomaasiyadda hormariyo marka hore, halka Iiraan “ay
dooratay jidkan rabshadda iyo burburka, isla markaana ay hadda la kulmayaan
cawaaqibka ka dhashay”.
Waxay sidoo kale sheegtay in nidaamka Iiraan “uu been sheegay, dib u dhigay,
isla markaana isku dayay inuu sii jiitamiyo intii ay socdeen wada-xaajoodyadii
ka horreeyay weerarkii bilowga ahaa ee Maraykanka iyo Israa’iil, si ay waqti
ugu helaan inay dhistaan hub gantaallo ballistic ah iyo hub nukliyeer ah.
Iiraan oo weerartay saldhigyo ay Kurdidu leeyihiin
Iiraan ayaa weerartay saldhigyo ay leeyihiin mucaarad Iiraan u dhashay oo Kurdi ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii Maraykanka, Donald Trump, uu doonayay in kooxahan ay ku lug yeeshaan colaadda ka jirta Iiraan.
Mid ka mid ah saldhigyadaas ayaa la weeraray 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah. Afar dagaalyahan oo ka tirsan Peshmerga-da Kurdida ah ayaa ku dhaawacmay weerarka. Mid ka mid ah ayaa ku geeriyooday isbitaalkii la geeyay.
Gantaalku wuxuu dhulka ka sameeyay god weyn. Bur-burka dhisme la dumiyay ayaa la arki karaa, isagoo ku fidsan aag ballaaran.
Madaxa amniga Iran oo Trump waydiiyay: 'Maraykanku wali ma ka horreeyaa - mise Israa'iil?'
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa amniga ee Iran, Cali Larijani, ayaa uga digay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in dhimashada Ayatollah Khamenei ay "wax
weyn kaa gooyn doonto," ka dib markii hoggaamiyaha Iran lagu dilay
weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran.
Qoraal uu soo dhigay barta X, Larijani wuxuu sheegay in
Trump "uu dadka Mareykanka geliyay dagaal aan caddaalad ahayn oo ay la
galaan Iran," ka dib markii ay "saameeyeen" wax uu ugu yeeray
"ciyaar-dhaqameedka maadeyska ah" ee Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil
Benjamin Netanyahu.
"Miyey weli Mareykanka wax walba ka horreeyaan - mise
Israa'iil?" ayuu is weydiiyay.
Xusuusin ahaan, Mareykanka iyo Israa'iil ayaa weeraro ballaaran
ku qaaday Iran 28-kii Febraayo, waxayna tan iyo markaas sii wadeen beegsiga
goobaha ku yaalla dalkaas oo dhan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa
sheegay in Mareykanku uu ogaa in ay jiri doonaan tallaabooyin ay qaaddo
Israa'iil, taas oo ka dhigan in Mareykanku ay ahayd inuu "horey u qaado
tallaabo ka hortag ah" maaddaama la filayay weeraro ay Iran ku qaaddo
ciidamada Mareykanka.
Sawirro: Gantaal ku dhacay xadka Turkiga iyo Suuriya
Sawirro ayaa lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya gantaal ku dhacay magaalada Qamishli ee waqooyi-bari Suuriya, taas oo ku taalla meel u dhow xadka Turkiga.
Weli lama oga goorta uu gantaalku ku dhacay. Turkiga horey ayuu u sheegay in difaacyada hawada ee NATO ay soo rideen gantaal Iiraan laga leeyahay oo galay hawada Turkiga.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
War deg deg ah, Milateriga Israa'iil oo galay tuulooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay
Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan, ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL), ayaa BBC u sheegay in milatariga Israa’iil ay galeen tuulooyin dhowr ah oo Lubnaan ku yaal oo u dhow Khadka Buluugga ah, oo ah xadka ay Qaramada Midoobay calaamadisay ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.
Ciidamada nabad ilaalinta ayaan islamarkiiba tafaasiil ka bixin baaxadda iyo muddada ay soo duuleen.