War deg deg ah, Maersk: Hakad ku-meelgaar ah oo ku yimid maraakiibta u socda Bariga Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Shirkadda maraakiibta ee Maersk Shipping Group
Jimcihii, shirkadda maraakiibta ee Maersk Shipping Group ayaa
ku dhawaaqday hakad ku-meelgaar ah oo lagu joojinayo adeeggeeda FM1, kaas oo
isku xira Bariga Fog iyo Bariga Dhexe, iyo sidoo kale adeeggeeda ME11, kaas oo
isku xira Bariga Dhexe iyo Yurub.
Shirkaddu waxay bayaan ay u dirtay macaamiisheeda ku tiri:
“Go’aankan waxaa loo qaatay tallaabo taxaddar leh si loo
hubiyo badbaadada shaqaalaheenna iyo maraakiibteena, isla markaana loo yareeyo
carqalad kasta oo ku timaadda hawlgalka shabakaddeenna guud.”
Kooxda Maersk waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn
dunida ee bixiya adeegyada isku dhafan ee maraakiibta iyo saadka (logistics)
War deg deg ah, Tirada dhimashada iyo dhaawacyada Israa’iil ee duqaymaha Iran iyo Xizbullah
Ilaa 40 qof ayaa ku dhaawacmay Israa’iil hal maalin
gudaheed, halka 10 qof lagu dilay goobaha gantaalladu ku dhaceen tan iyo markii
weerarku bilowday.
Wasaaradda Caafimaadka ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in
140 qof la dhigay isbitaallo 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhalatay
iska horimaadka Iran iyo Hezbollah.
Wasaaraddu waxay ku sheegtay bayaan ay ku daabacday Telegram
in tirada guud ee dadka dhaawacmay tan iyo bilowgii howlgalka “Lion's Roar” ay
gaartay 1,619 qof, kuwaas oo loo qaaday isbitaallada ilaa subaxnimadii Jimco, 6
Maarso.
Dhankeeda, adeegga ambalaasta Israa’iil ayaa sheegay in 502
qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallo intii lagu jiray toddobaadkii ugu
horreeyay ee dagaalka.
Waxay sidoo kale sheegtay in 138 qof ku dhaawacmeen goobaha
ay gantaalladu ku dhaceen, kuwaas oo ay ku jiraan: 10 qof oo dhintay, 2
xaaladood oo halis ah. 6 dhaawac dhexdhexaad ah iyo 120 dhaawac fudud.
Haddii aad hadda nagu soo biireyso, halkan waxaa ku qoran
horumarradii ugu muhiimsanaa ee saacadaha la soo dhaafay:
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in diridda ciidamo
dhulka ah oo Iiran lagu weeraro ay tahay "wakhti lumis".
Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth ayaa sheegay in
awoodda dagaalka ee Iran loo adeegsado ay si weyn u fido doonto.
Qaraxyo ayaa ka dhacay caasimadda Lubnaan, Bayrut, ka dib
markii ciidanka Israa’iil ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsadeen kaabayaasha
Hezbollah.
Sacuudi Carabiya ayaa ku qabatay saddex diyaaradood oo aan
duuliye lahayn (drones) bariga Riyadh.
Kuuriyada Koonfureed ayaa kala tashanaysa Maraykanka u
wareejinta Iiraan nidaamyada difaaca gantaallada Maraykanka, si loogu
isticmaalo dagaalka
Washington ayaa siisay India oggolaansho ku meel gaar ah si
ay u iibsato saliida Ruushka.
Nala soco si aad u hesho horumarrada ugu dambeeyay ee ku
saabsan dagaalka u dhexeeya Israa’iil, Maraykanka oo isku dhinac ah iyo Iiran.
War deg deg ah, Shiinaha oo kala hadlaya Iiraan in marin ammaan ah la siiyo maraakiibta saliida Qadar
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Marinka Hurmuz
Shiinaha ayaa la gorgortamaya Iiraan si maraakiibta sidda
saliida ceyriin iyo gaaska Qadar ay si nabad ah uga gudbaan Gacanka Hormuz,
sida ay qortay Reuters, iyadoo tixraacaysa ilo aan la magacaabin.
Haddaba, maalinta toddobaad ee dagaalka u dhexeeya
Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan, boqolaal markab ayaa ku xayiran hareeraha
marin muhiimka ah ee biyahan, kaas oo dhex mara qiyaastii shan meelood meel
saliida iyo gaaska adduunka.
Iyadoo dagaalkan cusub ee Bariga Dhexe ka socda, qiimaha
tamarta ayaa sidoo kale korartay.
Reuters iyo Bloomberg, iyagoo tixraacaya xogta raajada maraakiibta,
ayaa sheegay in markab saliid sida oo la rumeysan yahay inuu Shiinaha leeyahay
uu ka gudbay gacanka Khamiistii, inkasta oo BBC aysan weli xaqiijin karin
dhaqdhaqaaqiisa.
Shiinaha waa mid ka mid ah iibsadayaasha ugu waaweyn ee
saliida Iiraan wuxuuna cambaareeyay weerarada Israa’iil iyo Mareykanka ee
Iiraan.
War deg deg ah, Iiraan oo loo soo wareejinayo nidaamyada difaacyada gantaalada Maraykanka ee Kuuriyada Koonfureed
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Nidaamka difaaca gantaalada Maraykanka ee Patriot
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamada dalkeedu la
hadlayaan ciidamada milatariga Mareykanka si ay uga wada xaajoodaan
suurtagalnimada in qaar ka mid ah nidaamyada difaaca gantaalada ee Patriot ee
ay Mareykanku halkaas ku leeyihiin loo wareejiyo loona dagaalka ka dhan ah
Iiraan.
War deg deg ah, Weerarkii u dambeeyay ee Sacuudiga iyo talaabo ay qaadeen
Wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka hortagtay
weeraro gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn oo gudaha dalka ka dhacay
habeenkii.
Warar dhowr ah oo ay ku baahisay X, waxay sheegeen in
gantaal dulmar ah (“cruise missile”) lagu “joojiyay laguna burburiyay” meel u
dhow magaalada Al-Kharj, koonfur-bari ka xigta caasimadda Riyadh.
Saacaddii ugu dambeysay waxay sidoo kale soo sheegtay in
dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn la riday meel u dhow caasimadda
lafteeda.
War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo kororsi hal
sano ah, taasi oo uu siinayo dastuurka cusub ee Arbacadii la meel mariyay in
muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, sida uu sheegay guddoomiyaha
baarlamanka Aadan Madoobe.
‘’Baarlamaanka wuxuu shaqayn doonaa inta dastuurka uu
tilmaamay. Dastuurka kan hadda la ansixiyay inta uu tilmaamay buu baarlamanku
joogi doonaa. Kii KMG ma aha yaah… Dastuurka rasmiga ah inta uu tilmaamay ayuu
baarlamanka shaqeyn doonaa iyo hay’adaha dastuuriga ah’’
Xildhibaanada ka maqan fadhiyada baarlamanka ayuu ugu baaqay
inay soo xaadiraan kulamada goloha si loo sii waddo shaqooyinka muddada
sanandka ee haatan uu sheegay Madoobe inuu ugu oggolaanayo dastuurka cusub ee
222 xildhibaan ay u codeeyeen.
‘’Kalfadhiyada noo harsan Insha Allaah shuruuc badan oo laga
gaari waayay iyo waxyaabo badan oo dowlad dhiska kamid ah fadhiyada noo harsan
samayn doonaa, xoogaa fursad ah ayaan siinaynaa xildhibaanada, fasaxa waan u
dheeraynaynaa si si ay cibaadada usoo gutaan. Xildhibaanadii la ganaaxayna
waxay lamid yihiin xildhibaanada kale… imaada ganaaxiini waa dhammaaday’’
War deg deg ah, Israaiil oo ka digtay weerar sii xoogaysta oo ka dhan ah Iran
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarradoodii habeenkii
hore ay ku beegsadeen waxa ay ugu yeereen “kaabayaasha nidaamka” ee Tehran.
Waxay sidoo kale sheegeen inay weerarayaan “kaabayaasha Hezbollah” ee meelaha
xoogga badan ee kooxda hubeysan ku leeyihiin Bayruut.
Milatariga Israaiil ayaa xoogga saaraya waxa ay ku
tilmaamayaan “tallaabo isku duuban” iyo “iskaashi taariikhi ah oo dhab ah” oo
ay la leeyihiin ciidamada Maraykanka.
Taliyaha guud ee Ciidanka Israaiil, Eyal Zamir, ayaa sheegay
in wejigii hore ee “weerarka lama filaan ah” uu ku lug lahaa helitaanka “ku awood
roonaanta cirka” iyo weerar lagu qaaday goobaha gantaallada. Wuxuu sheegay in
wejiga xiga uu jiri doono “lama filaano dheeraad ah” si “si kale loogu
burburiyo nidaamka.”
Habeenkii, diyaaradaha dagaalka Israaiil ayaa fuliyay mowjad
afraad iyo tobnaad ee weerarada Iran tan iyo Sabtida, iyadoo duqeymo culus laga
soo sheegay Tehran iyo magaalooyin kale. Khamiistii, qaylo digniin u ah
gantaallada Iran ayaa si isdaba joog ah uga dhawaaqayay Israaiil, iyadoo mid ka
mid ah weerarrada la isticmaalay gantaal leh madaxa kooxaysan – in kastoo
dhaawac la soo sheegin.
Lubnaan, qaraxyo dheeraad ah ayaa ka dhacay Bayruut
koonfureed habeenkii, ka dib markii milatariga Israaiil uu digniino siiyay
dadka inay ka baxaan xaafado dhan – taasoo abuurtay xaalado cabsi ah.
War deg deg ah, Waa “Wakhti lumis” in ciidamada dhulka ee Maraykanka loo diro Iiran
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Donald Trump
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay NBC
News in hadda ay tahay “wakhti lumis” in ciidamada Maraykanka loo diro Iiran,
islamarkaana aysan ahayn wax uu hadda ka fikiraayo.
“Wakhti lumis ayey tahay. Waxay lumiyeen wax walba. Waxay
lumiyeen ciidamada badda. Wax walba oo ay lumi karaan way lumiyeen,” ayuu Trump
u sheegay NBC Khamiistii.
Wuxuu intaas ku daray in hadalladii hore ee Abbas Araghchi
uu NBC ku sheegay in Iiran diyaar u tahay in la weeraro ciidanka dhulka ee
Maraykanka ama Israa'iil ay ahayd “hadal waqti lumis ah”.
Trump sidoo kale wuxuu sheegay inuu doonayo inuu nadiifiyo
qaab-dhismeedka hogaaminta Iran ee hadda jirta.
“Waxaan rabnaa inay yeeshaan hogaamiye wanaagsan. Waxaan
haynaa dad qaar oo aan u maleynayo inay shaqo fiican qaban doonaan,” ayuu yiri,
isagoo aan magacaabin qof gaar ah.
War deg deg ah, Sawirro: duqeymaha ka dhacaya Bariga Dhexe
Warbixino ayaa sheegaya in duqeymo habeenkii ka dhacay
Bariga Dhexe, iyadoo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka‑Israa'iil oo isku dhinac ah l iyo
Iiran uu galay maalintii toddobaad.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qiic lagu arkayo dusha Manama, Baxreyn kadib diyaarad drone- ah oo Iiraan leedahay oo la qabtay
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Duqeyn bartamaha Tehran, Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qiic cas ayaa ka muuqda Beirut, Lubnaan, kadib markii Israa’iil sheegtay inay bilowday inay ku weerarto xaafadaha koonfureed ee magaalada fiidnimadii Khamiista.
War deg deg ah, “Heerka weeraradu aad ayay u sarreeyaaan”
Inta lagu jiro dagaalkan, wariyayaasha BBC ayaa loo diray
guud ahaan Bariga Dhexe. In kasta oo aanay joogin gudaha Iiraan, haddana
saaxiibadeen ayaa ku guuleystay inay la xiriiraan qaar ka mid ah dadka gudaha
dalka inkastoo internet-ka uu goo go’ayay.
Waa qaar ka mid ah waxa dadka dhulka joogay ay noo sheegeen:
“Tirada qaraxyada, burburka, waxa dhacaya – waa wax la yaab
leh,” ayuu yiri Salar (magaciisa waa la beddelay) oo ku sugan Tehran. “Maalin
kasta waxay u muuqatay sida bil,” ayuu sii raaciyey. “Heerka weerarka ayaa aad
u sarreeya.”
“Annagu uma baran in gantaallo korkeena lagu joojiyo,” ayuu
wariye iyo saameeye Hofit Golan, oo ku nool Dubai, u sheegay BBC News. “Waxaan
arkay gantaallo la qabtay iyo qiiq ka soo baxay The Palm.”
“Ha dhahaan waxa ay doonaan – anigu ma aadi doono Beirut waddooyinka
la iigu arko,” ayuu yiri Maxamed, oo ka mid ah rayidka koonfurta Lebanon oo la
faray inay ka tagaan guryahooda sababtoo ah howlgal militari. “Anigu ma joogayo
agagaarka Hezbollah ama kaabayaasha ay leeyihiin, sidaas darteed waan nabadgeli
karaa,” ayuu raaciyey, isagoo intaa ku daray inuu doorbido inuu gurigiisa ku
dhinto halkii uu ka carari lahaa.
Andrew Crow iyo Jean Weir, oo ka yimid Glasgow, ayaa ka
baxay hoteelka Fairmont The Palm ee Dubai saacado ka hor intii aanu qarax weyn
ka dhicin Sabtidii. “Duulimaadku wuxuu ahaa mid dheer markaan soo noqonay, waan
hubaa, laakiin waan ku faraxsanahay inaan guriga joogno,” ayuu yiri Andrew.
War deg deg ah, Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato
Haddii aad hadda kusoo biirtay, kuwan waa horumarradii ugu
muhiimsanaa ee saacadihii u dambeeyay:
Shir jaraa’id oo ka dhacay taliska dhexe ee Maraykanka (US
Central Command), Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in awoodda weerarrada ee ka dhanka ah Iiraan si weyn loo kordhin doono.
Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu garaacayo
nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) iyo gantaallada Iiraan
saacad kasta.
Hegseth wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku sii wadi karo
ololahan militari inta uu doono, isla markaana dhowr xulafo oo Maraykan ah ay
iyaguna gacan ka geysanayaan.
Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne Trump uu door weyn ku
yeelan doono cidda maamuli doonta Iiraan, halka Trump uu horay ugu sheegay
warbaahinta Maraykanka in uu “ku lug yeelan doono” magacaabista hoggaamiyaha
xiga.
Dhanka kale, qaraxyo ayaa laga soo sheegay Beirut; Baxreyn
waxay sheegtay in Iiraan ay weerartay hoteel iyo dhismayaal la deggan yahay;
Qatarna waxay sheegtay inay hawada ku qabatay drone lagu weeraray saldhig
Maraykan leeyahay.
Diyaaraddii ugu horreysay ee dowladda UK u dirtay
daad-guraynta muwaadiniinteeda Bariga Dhexe ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha
Stansted Airport ee London kadib markii ay ka soo duushay Cumaan.
War deg deg ah, Maraykanka oo oggolaansho u siiyay Hindiya iibsashada saliidda Ruushka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Narendra Modi iyo Donald Trump
Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah
u fududeysay cunaqabataynta si Hindiya loogu oggolaado inay iibsato saliid
Ruush ah oo hadda ku xanniban badda.
Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa sheegay in
oggolaanshahan 30-maalmood ah uu u saamaxayo saliidda inay sii gasho suuqa
caalamiga ah, isla markaana uu “yareyn doono cadaadiska ka dhashay isku dayga
Iiraan ay ku doonayso inay tamarta caalamka u afduubnaato.”
Tallaabadan, ayuu Bessent ku sheegay bartiisa X, inay tahay
“go’aan si ula kac ah u ah oo ku-meel-gaar ah,” isla markaana “aan siin doonin
faa’iido dhaqaale oo weyn dowladda Ruushka,” maadaama ay khusayso oo keliya
saliid horay badda ugu xannibnayd.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn
saaray saliidda Ruushka kadib duullaankii Moscow ku qaaday Ukraine, taas oo ku
qasabtay iibsadayaasha inay raadiyaan ilo kale oo saliid ah.
Washington ayaa si gaar ah cadaadis u saartay Hindiya—oo ah
iibsade weyn oo tamarta Ruushka ah—si ay u joojiso iibsashada saliidda Ruushka,
si loo yareeyo lacagta loo isticmaalo maalgelinta duullaanka.
War deg deg ah, Qatar oo ka hortagtay weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday saldhiga Maraykanka
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Qatar ayaa sheegtay in ciidanka
cirka ee dalkaasi ay si guul leh u joojiyeen weerar ay fulinayeen diyaarado aan
duuliye lahayn (drone) oo lagu bartilmaameedsaday saldhigga cirka ee Al-Udeid,
kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Maraykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe.
Warkan ayaa yimid ka dib markii dowladda Qatar ay hore
digniino amni ugu dirtay taleefoonnada gacanta ee dadka ku nool dalka, iyagoo
uga digay dadka inay ka fogaadaan daaqadaha iyo meelaha bannaan.
War deg deg ah, Xisbullaah oo diginin u dirtay dadka Israa’iil inay ka baxaan meelaha ku dhow xadka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xisbullah ayaa uga digtay dadka Israa’iil ee
deggan magaalooyinka ku jira 5 km (3 mayl) gudaha xadka Lubnaan inay si degdeg
ah uga guuraan.
Digniintan ayaa lagu baahiyay fariin lagu qoray
afka Cibraaniga oo lagu daabacay kanaalka Telegram ee ururka subaxnimadii
Jimcaha hore, sida ay sheegtay Reuters.
“Duullaanka ay ciidankiinnu ku hayaan
madaxbannaanida Lubnaan iyo muwaadiniinta nabadda ah, burburinta kaabayaasha
rayidka, iyo ololeyaasha barakicinta ee aad waddaan ma ahaan doonaan kuwo aan
jawaab laga bixin,” ayay tidhi Xisbullah.
Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay mowjad
weerarro ah oo ka dhan ah Lubnaan fiidkii Khamiista, kadib markii ay dadka ku
amreen inay ka baxaan xaafadaha koonfureed ee magaalada Beyruut, oo ah goob ay
si weyn uga xooggan tahay Xisbullah.
Wax
yar ka horna, ciidanka Israa’iil (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bilaabeen
“mowjad ballaaran oo weerarro ah oo lagu beegsanayo kaabayaasha nidaamka
argagixisada ee Iran ee magaalada Tehran.”
War deg deg ah, 'Musiibo weyn ayay ku noqon doontaa iyaga' Iiraan oo ka hadashay suurtogalnimada weerar dhulka ah oo lagu qaado
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araqchi,
ayaa wareysi uu siiyay NBC ku sheegay in Iiraan
aysan dalban xabbad-joojin ama wada-xaajood ay la gasho Maraykanka
“Xaqiiqadu waxay tahay inaanan lahayn waayo-aragnimo wanaagsan oo ku saabsan
wada-xaajood lala yeesho Mareykanka, gaar ahaan maamulka hadda
jira. Waxaan wada-xaajoonnay laba jeer sanadkii hore iyo sanadkan, waxaana
dhexda wada-xaajoodka ay nagu qaadeen weerar,” ayuu yiri Araqchi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegay
inuusan wax xidhiidh ah la yeelan Steve Witkoff ama Jared
Kushner tan iyo toddobaadkii hore.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan suuragalnimada weerar dhulka ah oo Mareykanku
ku qaado iyo sida Iiraan uga falcelin doonto, ayuu sheegay in
ciidamada milatariga ee dalkiisu ay sugayaan iska horimaad dhulka ah oo ay la
galaan askarta Mareykanka, sababtoo ah sida uu sheegay “waxaan ku kalsoonahay inaan la tacaali karno,
taasina waxay u noqon doontaa musiibo weyn.”
Wuxuu sidoo kale ka hadlay weerarrada Iiraan ku qaaday
dalalka gobolka, isagoo yiri: “Waxaan beegsanay bartilmaameedyo Mareykan ah iyo
saldhigyo iyo xarumo Mareykan ah oo nasiib darro ku yaalla dhulka dalalka
deriska nala ah.”
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ka hadlay weerar Mareykanku
ku qaaday markabka IRIS Dena, kaas oo sababay dhimashada 87
badmaax oo ku sugnaa Badweynta Hindiya.
Wuxuu yiri: “Markabka ku degay Badweynta Hindiya ma uusan
hubaysnayn, wuxuuna siday saraakiil tababar ku jiray. Weerarka markabkan waxaa
loo arkaa dambi dagaal, waxuuna ficilkaas Mareykanku ku
abuuray xaalad aad u halis ah.”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada milatari ee ay Iiraan
ka helayso Shiinaha iyo Ruushka,
isagoo sheegay: “Iskaashiga milatari ee naga dhexeeya Ruushka
muddo dheer ayuu ahaa mid si fagaare ah loo ogaa.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu
sheegay inuusan bixin doonin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan iskaashigaas
sababo la xiriira xaaladda dagaalka.
War deg deg ah, Iiraan oo beegsatay laba hoteel oo ku yaala Baxrayn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Bahrain ayaa sheegtay in laba hoteel iyo
dhisme la deggan yahay oo ku yaal caasimadda Manama lagu bartilmaameedsaday
weerar ay fulisay Iran.
Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu sababay “khasaare hantiyeed balse ma jiro wax
dhimasho ah”, ayay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku sheegtay qoraal ay ku
daabacday X.
Horaantii toddobaadkan, saldhigga ciidanka badda ee Maraykanka ee ku yaal
Bahrain ayaa sidoo kale lagu weeraray gantaallo ay ridday Iran.
War deg deg ah, Mareykanka oo amar ku bixiyay in shaqaalahiisa laga saaro safaaradiisa kuweyd ayna burburiyaan xogaha sirta ah
Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in la
daadgureeyo safaaraddiisa ku taalla Kuwait, sida ay werisay CBS
News, oo bahwadaag la’ah BBC-da.
Daadgureyntan ayaa la qorsheeyay inay dhacdo habeenka u dhexeeya illaa Jimcaha, waxaana
shaqaalaha safaaradda lagu amray inay burburiyaan xogta iyo inay tirtiraan keydadka
xogaha sirta ah, sida ay laba sarkaal oo
Mareykan ah u sheegeen CBS.
Amarka daadgureynta ayaa yimid xilli ciidanka Kuwait ay
sheegeen in difaacooda cirka ay iska caabiyeen weerar gantaal ah oo soo galay
hawada dalka.
“Hawlgalkii lagu soo riday gantaalka wuxuu sababay in qaar ka mid ah
burburka uu dhulka ku dhaco, taasoo keentay khasaare yar oo hanti ah oo ku
koobnaa dhaawac soo gaaray hal gaari, iyadoo aan wax dhaawac ah oo dad ah la
diiwaangelin,” ayuu ku qoray afhayeen u hadlay milatariga Kuwait
bayaan lagu daabacay X.
War deg deg ah, Maxaan ka ogaanay hadaladii ugu danbeeyay ee Donald Trump, Pete Hegseth iyo Taliska Dhexe ee Maraykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Halkan waxaa ku qoran qodobbada ugu muhiimsan ee laga soo qaatay hadal jeedintii ay dadweynaha u sameeyeen saacadihii
la soo dhaafay Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Pete Hegseth, Madaxa Taliska Dhexe
ee Maraykanka Brad Cooper, iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump:
Maraykanku
wuxuu haystaa hub iyo rasaas ku filan, wuxuuna sii wadi karaa ololihiisa ka
dhanka ah Iiraan inta uu u baahdo, sida uu sheegay Hegseth.
Ku
dhowaad 200 bartilmaameed ayaa ciidamada Maraykanku duqeyn ku garaaceen gudaha
Iiraan 72-kii saac ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaa la quusiyey in ka badan
30 markab oo Iiraan leedahay, sida uu sheegay Cooper.
Awoodda
militari ee hawada laga adeegsanayo ee ka dhanka ah Iiraan ayaa si weyn u sii
kordhi doonta, sida uu sheegay Hegseth.
Qaar
ka mid ah xulafada Maraykanka ayaa kor u qaaday taageeradooda, sida uu sheegay
Hegseth.
Dagaalku
ma sii fidayo, balse “wuu fududaanayaa” maadaama dalal badan ay ku midoobayaan
ka hortagga Iiraan, ayuu sii raaciyey.
Trump
wuxuu sheegay in Iiraan ay wacday oo ay dalbatay in heshiis la gaaro, balse
“annaga hadda waxaan rabnaa inaan dagaalno xitaa ka badan sida ay iyagu
rabaan.”
Maraykanku
wuxuu saacad kasta duqeynayaa nidaamyada gantaallada iyo diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ee Iiraan, sida uu sheegay Trump.
Maraykanku
wuxuu burburinayaa awoodda Iiraan si ka dhaqso badan jadwalkii hore loo
qorsheeyay, sida uu sheegay Trump.
War deg deg ah, 'Waxaan quusinay in ka badan 30 markab oo Iiraan ah' madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka
Waxaan quusinay in ka badan 30 markab oo Iiraan ah, sida uu
sheegay madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka