Obama: “Halkii hore meel ka liidato ayaan joognaa”
Xabbad-joojinta maanta ka hirgashay Lubnaan waxay qeyb ka tahay heshiis-Is-afgrad ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, kaas oo la saxeexay Arbacadii, ujeeddadiisuna tahay in la soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.
Balse ilaa iyo markii heshiiskaas la daabacay, waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka, gaar ahaan Barack Obama, oo markii ugu horreysay ka hadlay heshiiska.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka wuxuu sheegay in uu “aad ugu faraxsan yahay” in uu arko xabad-joojin, wuxuuna “rajeynayaa” in aan la jabin xabad-joojintan.
Balse waxa uu sidoo kale su’aal galiyay sababta loo galay dagaalka Iran, isaga oo ka hadlay in Maraykanku ku bixiyay “balaayiin doolar” isla markaana “dad badan ay ku dhinteen”.
“Waxay u muuqataa in aan ku laabanay halkii aan joognay ka hor intaan dagaalku bilaaban, marka laga reebo in laga yaabo in ay xaaladdu wax yar ka sii xun tahay,” ayuu yiri Obama oo la hadlay NBC News.
Madaxweyne Trump ayaa si weyn hore u dhaleeceeyay heshiiska nukliyeerka Iran ay dowladdii Obamaba la gashay.
Sii akhri