You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israa'iil iyo Xisbullah oo xabbad-joojin gaaray, sida uu xaqiijiyay sarkaal Mareykanka ah

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sidoo kale mar sii horreysay sheegay in ay duqeeyeen 80 bartilmaameed oo lala xiriirinayo kooxda hubeysan ee Iran ay taageerto ee Xisbullah ayna dileen “tobaneeyo”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Obama: “Halkii hore meel ka liidato ayaan joognaa”

    Xabbad-joojinta maanta ka hirgashay Lubnaan waxay qeyb ka tahay heshiis-Is-afgrad ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, kaas oo la saxeexay Arbacadii, ujeeddadiisuna tahay in la soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

    Balse ilaa iyo markii heshiiskaas la daabacay, waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka, gaar ahaan Barack Obama, oo markii ugu horreysay ka hadlay heshiiska.

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka wuxuu sheegay in uu “aad ugu faraxsan yahay” in uu arko xabad-joojin, wuxuuna “rajeynayaa” in aan la jabin xabad-joojintan.

    Balse waxa uu sidoo kale su’aal galiyay sababta loo galay dagaalka Iran, isaga oo ka hadlay in Maraykanku ku bixiyay “balaayiin doolar” isla markaana “dad badan ay ku dhinteen”.

    “Waxay u muuqataa in aan ku laabanay halkii aan joognay ka hor intaan dagaalku bilaaban, marka laga reebo in laga yaabo in ay xaaladdu wax yar ka sii xun tahay,” ayuu yiri Obama oo la hadlay NBC News.

    Madaxweyne Trump ayaa si weyn hore u dhaleeceeyay heshiiska nukliyeerka Iran ay dowladdii Obamaba la gashay.

    Sii akhri

  2. Israel ayaa weli duqeyneysa Lubnaan

    Koox BBC-da ka tirsan ayaa maalintii oo dhan ku sugnaa isbitaalka Nabatieh ee koonfurta Lubnaan. Isbitaalka wuxuu ku yaal meel sare oo magaalada oo dhan laga daawan karo

    Intii ay halkaas ku sugnaayeen waxay shaqaalaha BBC-da tiriyeen tobaneeyo goobood oo hawada laga duqeeyay.

    Markii ay isbitaalka ka soo tageen ayaa lagu dhawaaqay xabadjoojionta. Shaqaalaha isbitaalka oo ay la xiriireen waxay u sheegeen in weli ay duqeyntu socoto.

    Sida laga soo xigtay adeegga gurmadka degdegga ee isbitaalka Nabatieh, ilaa iyo 12 goobood ayaa la duqeeyay kaddib markii xabadjoojionta lagu dhawaaqay.

    Dadka magaalada rajo weyn kama qabaan in xabadjoojinta ay dhaqangaleyso, lana ixtiraamayo.

    Dagaalka xalay ka dhacay koonfurta Lubnaan waxa uu muujinayaa in Trump uusan awood u laheyn in uu damaanad qaado dalabka Iran. Dhabtii waxa uu dareemayaa niyadjab iyo carro.

    Sii akhri

  3. Iran ayaa qorshaynaysa in ay dacwad rasmi ah u gudbiso xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

    Waxay Iran ka cabanaysa shuruucda fiisaha ee Mareykanka inta Koobka Adduunka 2026 uu socdo.

    Sida xeerarka hadda jira ay dhigayaan, xulka Iran wuxuu geli karaa Mareykanka hal maalin oo kaliya ka hor ciyaaraha, waana in uu ka baxaa isla maalinta ay ciyaaruhu dhammaadaan.

    Iran waxay sheegtay in shuruudahani ay yihiin kuwo aan caddaalad ahayn oo carqaladeeyay diyaar-garowga kooxda, isla markaana aysan siinayn dhammaan xulalka ka qaybgalaya tartanka fursado isla eg.

    Tababaraha xulka, Amir Ghalenoei, ayaa ku tilmaamay Iran in ay tahay kooxda “ugu dulman” tartanka.

    Qaar ka mid ah shaqaalaha xulka qaranka Iran ayaa loo diiday fiisaha iyo sidoo kale taageerayaasha. Iran oo inta tartanka socda deegaankoodu yahay Mexico ayaa sheegtay in codsiyadoodu ahaa in ay hore u timaado ciyaaraha lagu qabanayo Los Angles loo diiday.

    Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay hore u aqbashay shuruudahan ka hor inta uusan tartanku bilaaban. Hadda Iran waxay ku dhawaaqday in ay si rasmi ah arrintan ugu gudbin doonto FIFA.

    Sii akhri

  4. Ugu yaraan 47 qof ayaa ku dhintay weerarada Isreal ee Lubnaan

    47 ayaa ku dhintay, 97 way ku dhaawacmeen duqeynta Israel ee maanta ka dhacday Lubnaan sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

    Qoraal ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa lagu sheegay in dhimashada ugu badan ay dhacday intii u dhexeysay habeen barki ilaa iyo galabta ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabadjoojinta Israel iyo Xisbullah.

    Xiriirka Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu ayaa xumaaday kaddib markii la saxiixay heshiiska Iran iyo Mareykanka iyado Israel-na ay sii waday duqeynta Lubnaan.

    Sii akhri

  5. Xabad-joojin ayaa dhexmartay Israel iyo Lubnaan sida ay IDF sheegeen

    Ciidamada difaaca Israel ee IDF ayaa xaqiijiyay in xabbad-joojin ay ka dhexmartay ururka Hezbollah ee Lubnaan iyo Israel.

    Afhayeenka IDF, janaraal Effie Defrin, ayaa bayaan uu soo saaray sidan ku sheegay, “"Waxaan galnay xabbad-joojin. IDF waxay diyaar u tahay inay sii waddo dagaalka haddii loo baahdo ama lagu amro."

    Qodobka ugu horreeya heshiiska Mareykanka iyo Iran wuxuu sheegayaa in si “degdeg ah oo joogto ah” loo joojinayo dhammaan hawlgallada milatari ee ka socda “dhammaan jihooyinka”, oo ay ku jirto Lubnaan.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa hore u sheegay in inkastoo Lubnaan ay ku jirto xabbad-joojinta hadana bixitaanka ciidamada Israel ee dhulka Lubnaan in aanu ahayn shuruud ka mid ah heshiiska.

    Sii akhri

  6. Kabtanka xulka Morocco, Xakiimi, ayaa maxkamad loo soo taagayaa kufsi

    Kabtanka xulka qaranka Morocco, Ashraf Xakiimi, ayaa la horgeyn doonaa maxkamad si uu uga jawaabo eedeymo kufsi, sida ay xaqiijiyeen dacwad-oogayaasha Faransiiska.

    Haweeney ayaa ku soo eedeysay difaaca kooxda Paris Saint-Germain in uu ku kufsaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Paris sanadkii 2023-kii, xilligaas oo ay 24 jir aheyd.

    Xafiiska dacwad-oogaha ee degmada Nanterre ee galbeedka Paris, ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah bishii Maarso 2023.

    Xakiimi, oo la filayo in uu hoggaamiyo xulkiisa kulankooda labaad ee ciyaaraha adduunka ee ay la ciyaarayaan Scotland maanta, ayaa si joogto ah u beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

    Xakiimi ayaa hadalkan ku qoray bartiisa bulsho, “Nidaamka cadaaladda markii ay qiyaaseen ayey dhaheen, “Hadii aadan caan ahaan laheyn wax kiis ah ma jiri laheyn”.

    “Sanado ayaan ka aamusnaa. Waxaan aaminsanaa in aan ku ilaaliyo sharafteyda, aamusnaan, iyo in go’aamada saxd ay yihiin in aan aamino cadaaladda”.

    Qareenka gabadha dacwadda ku soo oogtay, Rachel-Flore Pardo, ayaa bayaan ku sheegtay:

    “In ka badan saddex sano dacwad socotay, iyo kaddib markii gabadha dacwadda soo oogtay ay dareentay in sumcadeeda la dhaawacay oo uu si xun ula dhaqmay Ashraf Xakiimi go’aankan wuxuu u keenayaa rajo.

    Sii akhri

  7. Netanyahu: Aniga ayaa amray ciidamada in ay weeraraan Xisbullah kaddib markii ay jabiyeen xabadjoojinta

    Raysalwasaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo ka jawaabayay dilka taliyaha guutada 52-aad iyo saddex askari oo kale, ayaa ku qoray barta X in uu rajeynayo in dhiigga askarta daatay loo aargudi doono.

    Netanyahu wuxuu ku tilmaamay weerarka Xisbullah mid si cad ugu xadgudubaya xabadjoojinta, wuxuuna ku qoray barta X, “Xalay waxaan ku amray ciidamada Israel in ay awoodooda oo dhan ku weeraraan Xisbullah”.

    Sida uu sheegay Netanyahu, ciidamada Israel ayaa weeraray in ka badan 80 goobood oo ay Hezbollah ku sugnaayeen, isla markaana dilay tobannaan xubnood oo ka tirsan ururka.

    Wuxuu mar kale ku celiyay in Israel aysan u dulqaadan doonin weerarrada lagu qaado askarteeda ama dhulkeeda, ayna ka bixinayaan jawaab culus.

    Raysalwasaaraha ayaa sheegay in saaka uu qiimeyn ku sameeyay xaaladda howlgalada ka socda koonfurta Lubnaan isaga, wasiirka Difaaca iyo taliyaha guud ee ciidamada dalkiisa, wuxuuna mar kale ku celiyay in “Israel ay sii joogi doonto koonfurta Lubnaan inta ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta deegaanada waqooyiga.”

    Sii akhri

  8. Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa joojiyay booqashadiisa Mareykanka kaddib hadallo uu Trump ka sheegay Ms. Meloni.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa joojiyay safar uu ku tegi lahaa Mareykanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hadallo ka sheegay raysalwasaaraha Talyaaniga. Hadalada ayaa u muuqday kuwo lagu jeesjeesayo Giorgia Meloni.

    Antonio Tajani, oo la qorsheeyay in uu booqasho ku tago Mareykanka inta u dhexeysa 21–22 June, ayaa ku qoray bartiisa bulsho sidan, “Erayada aflagaadada ah ee ka soo baxay madaxweyne Trump...waxay meel ka dhac ku yihiin dhammaan shacabka Talyaaniga”.

    Raysalwasaare Meloni ayaa sidoo kale sheegtay in ay “la yaabtay” hadallada Donald Trump, mar ay wareysi siisay warbaahin Talyaani ah.

    Qoraal lagu daabacay wargeys Talyaani ah ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku hadlay erayadan, “Marwo Meloni waxay si weyn u dooneysay in ay sawir ila gasho shirkii G7, sababtuna waxay aheyd in qalbiga ay ka xanuunsaneysay”.

    Trump wuxuu kaloo sheegay in Giorgia Meloni ay ku faraxday in aan la hadlo, inkastoo aan ku qasbaneyn in aan la hadlo.

    Meloni ayaa hadalladaas ku tilmaantay “been-abuur”, waxayna hadalkeeda ku dartay, “Aniga iyo Talyaaniguba cidna ma baryeyno.”

    Donald Trump ayaa aragti xun ka qaatay Giorgia Meloni bishii April, kaddib markii ay difaacday Pope Leo iyo aragtidiisa ka dhanka ah dagaalka, taas oo uu Trump si adag u dhaliilay.

    Sii akhri

    Madaxweyne Trump oo sheegay inuu "mudnaan siinayo" arrinta biyo-xireenka Itoobiya

  9. Rag hubeysan ayaa 35 qof ku dilay garoonka diyaaradaha ugu weyn ee Niger

    35 qof ayaa geeriyooday kaddib markii rag hubeysan ay soo weerareen garoonka diyaaradaha ugu weyne dalka Niger maanta sida ay sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan.

    Weerarkan ayaa ahaa kii labaad ee lagu soo qaado garoonka in ka yar shan bilood. Dad ay la hadashay BBC-da ayaa u sheegay in saladda subax kaddib ay maqleen qarax iyo rasaas ka dhaceysa dhinaca garoonka diyaaradaha caalamiga Diori Hamani ee magaalada Niamey.

    Wasiirka difaaca Niger ayaa sheegay in dadka dhintay ay isugu jiraan 22 weerarka soo qaaday, 11 askari iyo labo qof oo rayid ah.

    Kooxda weerarka soo qaaday oo lagu magacaabo Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) kuwaas oo xiriir la leh Al-qaeda ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen weerarka.

    Bishii Janaayo ee sanadkan ayey koox xiriir la leh kooxda la baxday dowaldda Islaamka sheegatay in ay ka dambeeyeen weerar kale oo lagu soo qaaday isla garoonka diyaaradaha. In ka badan 10 sano ayey Niger ka socdaan dagaalada xagjiriinta.

    Ciidamada ammaanka ayaa xaaladda caadi ku soo celiya baraqadii maanta, waxayna bilaabeen in ay raadiyaan haraadigii kooxda.

    Madaarka ayaa sidoo kale ah saldhig militari taas oo ka dhigeysa goobta ugu muhiimsan Niger.

    Sii akhri

  10. Masar ayaa martigelineysa kulan afar geesood ah oo u dhexeeya wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga, Turkiga, Masar iyo Pakistan

    Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa ku dhawaaqay in wasiirka arrimaha dibadda , Badr Abdel Ati uu martigelinayo kulanka Sacuudiga, Turkiga, Masar iyo Pakistan ee beri dhacaya.

    Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda, Mr. Abdel Baty waxa uu Axadda qabanayaa kulan afar geesood ah oo ay ka soo qeybgalayaan wasiirada saddexda dal. Kulanka kaddib waxay qabanayaan shir saxaafadeed wadajir ah.

    Hadalka dowaldda Masar ka soo baxay laguma xusin mowduuca laga hadlayo balse afartan dal waxay ku lug lahaayeen dadaalada dhexdhexaadinta dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa kulmay saddex bilood ka hor. Kulankan ayaa dhacaya iyadoo la filayo in Mareykan iyo Iran ay ku kulmaan Switzerland.

    Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in la joojiyay booqashadii la qorsheeyay ee aheyd in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ku tago Switzerland si uu uga qaybgalo wadahadalka.

    Heshiiska Mareykanka iyo Iran oo ay internetka ka sixiixeen madaxweynayaasha Iran iyo Mareykanka ayaa ujeedkiisu yahay in dagaalka lagu soo afjaro, laguan furo marinka Hormuz. Heshiiska waxaa kaloo ku jiro in dagaalka Lubnaan la soo afjaro.

    Sii akhri

  11. Lubnaan ayaa sheegtay in Israel ay duqeyn ku dishay 18 qof halka Xisbullahna ay ka dileen afar askari.

    Ugu yaraan 18 qof ayaa lagu dilay koonfurta Lubnaan kaddib markii ay Israel duqeysay xalay sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

    Militeriga Israel waxay iyaguna sheegeen in afar ka mid ah askartooda la dilay. IDF waxay kaloo sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahannada iyo kaabayaasha lala xiriirinayo Xisbullah.

    Lebanon says Israeli strikes killed 18, Israel says four of its soldiers killed by Hezbollah

    Lebanon says Israeli strikes killed 18, Israel says four of its soldiers killed by Hezbollah

    Lebanon says Israeli strikes killed 18, Israel says four of its soldiers killed by Hezbollah

    Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii Mareykanka iyo Iran ay saxiixdeen heshiis ujeedkiisu yahay in lagu dhameeyo dagaalka Bariga Dhexe, waxaana heshiisk ka mid ah xabadjoojinta Lubnaan.

    Weerarada Israel iyo Xisbullah ayaa weli socda ilaa markii lagu dhawaaqay heshiiska. Arintan waxay keentay su’aasha ku saabsan mustaqbaka xabadjoojinta Mareykanka iyo Iran.

    Heshiiska Mareykanka iyo Iran waxa uu ku baaqaya in la joojiyo dhammaan dagaalada ka socda dhinac kasta, lana ixtiraamo xorriyadda iyo madaxbannaanida dhuleed ee Lubnaan.

    Israel waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in ciidamadeeda ay kala baxdo Lubnaan, waxayna ku adkeysatay in dagaalka ay kula jirto Xisbullah uu yahay mid ka duwan kan Iran.

    Wakaaladda wararka Lubnaan waxay ku tilmaantay weerarkii xalay ee ka dhacay degmada Nabatieh ee koonfurta lubnaan kii ugu darnaa ilaa markii dagaalka uu bilowday.

    Weerarka Israel ee Lubnaan waxaa ku dhawaacmay 33 qof, waxaana lagu burburiyay dhismooyin badan.

    Xisbullah waxay sheegtay in ay weerartay ciidamada Israel ee koonfurta Lubnaan iyadoo burburisay saddex taangi. Waxay kaloo sheegteen Xisbullah in sidoo kale ay gantaal la heleen askarta Israel.

    Sii akhri

  12. Mareykanka oo qaaday xayiraadii dekedaha Iiraan

    Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhamaadka go'doominta "si waafaqsan amarka Madaxweynaha", waxayna sheegeen in maraakiibta Mareykanka qaarkood ay ku sii sugnaan doonaan "goobta".

    Wax yar ka dib, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in uu ogolaaday heshiiska lala galay Maraykanka in kasta oo uu leeyahay "aragti kala duwan", isaga oo aan faahfaahin. Waxa uu sheegay in uu u ogolaaday in heshiiska la saxiixo ka dib markii uu ballanqaaday madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in uu "ilaali doono xuquuqda qaranka Iiraan".

    Khamenei waxa uu sheegay in madaxweyne Trump uu " quus ama rajo-xumo darteed u adeegsaday dhammaan wax kasta" si uu heshiiska u gaaro.

    Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan ayaa sheegay in inkasta oo ay jiri doonaan "wada xaajood shakhsi ah mustaqbalka" oo u dhexeeya Tehraan iyo Washington, haddana tani "aysan macnaheedu noqon doonin aqbalaadda mowqifka cadowga".

    Tani waa markii ugu horeysay ee Khamenei uu ka jawaabo heshiiska. Laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Maarso ka dib dilkii aabihiis iyo taliyihii ka horreeyay, Ayatullah Ali Khamenei, oo lagu dilay 28-kii Febraayo duqeymo ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan oo dhaliyay dagaalka gobolka.

    Sidoo kale akhriso

  13. 7-daan calaamadood hadii aad isku aragto wuxuu noqon karaa kansar

    Dad badan marka ay maqlaan ereyga kansar, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah iyo cawaaqib xumo. Laakiin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada ee cudurka ayaa korortay saddex sababood dartood, taasoo ay ugu wacan tahay fahankii laga haystay ee hore.

    Kansarka qaybihiisa badan waxaa lagu daweyn karaa natiijooyin wanaagsan bukaanka marka la ogaado.

    Sida laga soo xigtay cilmi-baadhis ay samaysay xarunta Cancer Research UK, in ka badan kala badh dadka Britain ayaa mar uun la kulmay mid ka mid ah calaamadaha muujinaya jiritaanka kansarka, laakiin kaliya 2% ayaa u maleeyay inuu ku dhici karo cudurkan.

    Saddex meelood meel ayaa gabi ahaanba iska dhega tiray digniinta oo ma aadin dhakhaatiirta.

    Katrina Whitaker, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda London, isla markaana hormuud ka ah cilmi-baadhistan ayaa sheegtay in kuwan yihiin tusaale fiican.

    “Dadku waxay u malaynayaan inaanan ku dhiirigelin dadka inay wax ka ogaadaan xaaladahooda caafimaad, laakiin waxay dhibaato ku tahay dadka ka xishoonaya inay tagaan dhakhtarka sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay wakhti lumin doonaan,” ayey tiri Katrina.

  14. Israa’iil oo sii wada weerarada ay ka geysaneyso Lubnaan

    Israa’iil oo sii wada weerarada ay ka geysaneyso Lubnaan

    Saraakiisha caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo Israa'iil ay ka geysatay koonfurta dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed iyo toban qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan soddon kale.

    Wararka ayaa sheegaya in dhowr dhismo lagu burburiyay duqeynta oo xalay ka dhacday degmada Nabatieh (taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah weeraradii ugu xoogganaa ee ilaa hadda dhaca.

    Waxaa sidoo kale la soo wariyay madaafiic ay Israa'iil ku garaacday magaalada Nabatieh iyo dhowr magaalo oo u dhow.

    Ciidanka Israa'iil ayaa dhankooda sheegay in afar askari looga dilay hawlgallo ay ku beegsanayeen Xisbullah.

    Dhanka kale, Mareykanka ayaa joojiyey go'doomintii badda ee uu ku hayay Iiraan kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka bariga dhexe.

    Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhamaadka go'doominta "si waafaqsan amarka Madaxweynaha", waxayna sheegeen in maraakiibta Mareykanka qaarkood ay ku sii sugnaan doonaan "goobta".

    Wax yar ka dib, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in uu ogolaaday heshiiska lala galay Maraykanka in kasta oo uu leeyahay "aragti kala duwan", isaga oo aan faahfaahin. Waxa uu sheegay in uu u ogolaaday in heshiiska la saxiixo ka dib markii uu ballanqaaday madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in uu "ilaali doono xuquuqda qaranka Iiraan".

    Sidoo kale akhriso

  15. Waxay qoyskeedu u heysteen inay jinniyo qabto, muxuuse noqday xanuunkeeda?

    *Aamina, waxay ahayd 18 jir, markii magaalada Muqdisho loo geeyay in laga daweeyo xanuun daran oo ay dareemeysay.

    Mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa lagula tacaalayay, qoyskeeda oo ka keenay miyiga mid ka mid ah gobollada Soomaaliya, ma aysan garan karin xanuunka hayay gabadhooda muddo saddex sano ah, markii ay u taag waayeen ayay usoo kaxeeyeen Muqdisho.

    "Waxay qoyska u heysteen inay gabadhu qabto jinniyo iyo waxyaabo kale, sababtoo ah xanuunka qabanaya ma ahayn mid caadi ah," ayay tiri Dr. Maryan Cabdullaahi Sheekh Nuur oo ku takhasustay xanuunnada haweenka, kana tirsan Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kana howlgasha Isbitaalka Dr. Sumait ee magaalada Muqdisho.

    Baaritaan dheer kaddib, ayay dhaqtaraddu sheegtay in Aamina ay la xanuunsan jirtay caadada, oo ku dhacday markii ay 15 jir ahayd.

    "Xilliga caadada keliya ayuu xanuunka u imaan jiray. Maalin kahor caadada ayuu bilaaban jiray, kaddib sariir ayay isku diyaarin jirtay. Labo maalmood camal waxay ahayd qof aan miirkeeda joogin oo kale," ayay tiri Dr. Maryan.

    Inkastoo sida ay Dr. Maryan sheegtay inta badan gabdhaha Soomaaliyeed ay la xanuunsadaan caadada, haddana kiiskan waa kii ugu darnaa ee ay dhaqtaraddu la kulanto.

  16. Mojtaba Khamanei oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska la gaaray

    Mareykanka ayaa joojiyey go'doomintii badda ee uu ku hayay Iiraan kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka bariga dhexe.

    Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhamaadka go'doominta "si waafaqsan amarka Madaxweynaha", waxayna sheegeen in maraakiibta Mareykanka qaarkood ay ku sii sugnaan doonaan "goobta".

    Wax yar ka dib, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in uu ogolaaday heshiiska lala galay Maraykanka in kasta oo uu leeyahay "aragti kala duwan", isaga oo aan faahfaahin. Waxa uu sheegay in uu u ogolaaday in heshiiska la saxiixo ka dib markii uu ballanqaaday madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in uu "ilaali doono xuquuqda qaranka Iiraan".

    Khamenei waxa uu sheegay in madaxweyne Trump uu " quus ama rajo-xumo darteed u adeegsaday dhammaan wax kasta" si uu heshiiska u gaaro.

    Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan ayaa sheegay in inkasta oo ay jiri doonaan "wada xaajood shakhsi ah mustaqbalka" oo u dhexeeya Tehraan iyo Washington, haddana tani "ay macnaheedu noqon doonto aqbalaadda mowqifka cadowga".

  17. Israa'iil oo u jawaabtay Mareykanka eedeynna u jedisay

    Wasiirka amniga qaranka ee garabka midig ee Israa'iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa ku eedeeyey dowladda Mareykanka inay la macaamileyso naaziyiin, ka dib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanku uu si adag u dhaleeceeyey mowqifka diidmada ah ee Israa'iil ay ka taagan tahay heshiiska Nukliyeerka Iran.

    Is-maandhaafkan sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labadan dal ee xulafada ah, ayaa khatar gelin kara iskaashi dhow oo soo jiray muddo tobanaan sano ah.

    Madaxweyne ku xiigeenka Mareykanka, JD ayaa eedayn u jeediyay xubnaha golaha wasiirada ee raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo dhaleeceeyay heshiiska Iiraan, isaga oo sheegay in ay "kacaan oo ay arkaan xaqiiqada jirta".

    "Haddii aan ka mid ahaa golaha wasiirrada ee xukuumadda Israa'iil, waxaa laga yaabaa inaanan weerari lahayn saaxiibka kaliya ee awoodda badan ee iiga haray adduunka oo dhan" ayuu madaxweyne ku xigeenka u sheegay suxufiyiinta.

    Wareysi uu siiyay New York Times oo sidoo kale la daabacay Khamiistii, Vance ayaa ku tilmaamay wasiirka amniga qaranka Israa'iil Itamar Ben Gvir iyo wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich kuwa dhaleeceeya heshiiska.

    Wuxuu yiri: "Waxaan filayaa in jawaabta aan ka bixinayo ay noqon doonto - waa maxay soo jeedintaada saxda ah? Waxaad tihiin waddan ay ku nool yihiin sagaal milyan oo qof. Kaliya dil kuma xallin kartaan kartaan sidii aad u xallin lahaydeen dhibaato kasta oo amniga qaranka ah oo idin haysata".

    Netanyahu qudhiisa ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado xiriirka dhow ee Israa'iil ay la leedahay Mareykanka Khamiistii, isagoo sheegay in Washington ay "garab istaagtay" dalka intii uu socday dagaalka Iiraan.

    Sidoo kale akhriso

  18. Sida dagaalka Iiraan uu banaanka u soo saaray awoodda Mareykanka

    Dagaalkani waxa uu ahaa khaladkii ugu xumaa ee uu sameeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ugu yaraan ilaa hadda siyaasadda arrimaha dibadda.

    Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu cadawgiisa is ka celiyo.

    Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.

    Mas'uuliyiinta dalalkan ayaa durba si gaar ah uga hadlaya sidii ay u kala duwanaan lahaayeen xulafadooda iyo sidii ay Iran ula noolaan lahaayeen. Shiinaha ayaa sidoo kale si dhow isha ugu hayay iyadoo Mareykanka uu daalan yahay keydkiisa hubka ee ay adag tahay in la bedelo.

    Heshiiskan ayaa haddii aanu la kulmin wax caqabado ah daqiiqadaha ugu dambeeya, waxa uu soo afjarayaa dagaal salka ku haya aragti been ah oo ay Maraykanka iyo Israa'iil ka aaminsan yihiin xoogga cadawgooda ee Iran. Tani waxay nasteexo weyn u keeni doontaa dhammaan dadkii ay noloshoodu ku cuslaatay dagaalka, oo ay ku jiraan dadka rayidka ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

  19. Sida farac kamid ah Al-Qaacida u noqday ururrada argagixiso ee ugu halista badan Afrika

    Walwalka ku saabsan xasilooni-darrida sii kordheysa ee gobolka Saaxiil ee Galbeedka Afrika ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo rabshado baahsan ay wadaan kooxaha xagjirka ah oo ku fidaya dalalka Burkina Faso, Maali, iyo Niger.

    Koox la xiriirta al-Qaacida ayaa sheegata inta badan weerarradan, laakiin waa tee kooxdaasi, maxayse doonaysaa?

    Kooxda Taageerada Islaamka iyo Muslimiinta (JNIM) ayaa muddo kooban gudaheed ku noqotay mid ka mid ah kooxaha jihaad-doonka ugu halista badan Afrika.

    Asal ahaan waxaa laga aasaasay Maali, waxayna hadda ka howl-gashaa guud ahaan gobolka Saaxiil waa dhul lamadagaan ah oo baaxad leh kana kooban toban waddan, laga bilaabo xeebaha galbeedka Afrika ilaa bariga Qaaradda.

    Kooxdan ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeysay in ka badan kala badh rabshadihii siyaasadeed ee ka dhacay gobolka dhexe ee Saaxiil intii u dhaxeysay Maarso 2017 ilaa Sebtembar 2023.

    Sannadka 2024, qiyaastii 19% dhammaan weerarrada argagixiso ee ka dhacay caalamka iyo in ka badan kala badh dhimashooyinka la xiriira argagixisada ee dunida oo dhan waxay ka dhaceen gobolka Saaxiil, sida lagu sheegay Tusmada Caalamiga ah ee Argagixisada ee 2025 (Global Terrorism Index), oo uu daabaco Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (Institute for Economics and Peace).

  20. Tirada dhimashada weerarkii Niger oo korortay

    Soddon iyo shan qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay weerareen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Niger Khamiistii, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.

    Waa weerarkii labaad ee ka dhaca dalkaas wax ka yar shan bilood gudahood.

    Dadka ku nool waddankaas ay Muslimiintu ku badan yihiin, ayaa BBC-da u sheegay in markii ay ka baxeen salad subax, qaraxyo iyo dhawaq rasaas ah laga maqlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani, oo ku yaal caasimadda Niamey.

    Wasaaradda difaaca ee Niger ayaa sheegtay in dhimashada ay ka koobnayd 22 qof oo ah kooxihii weerarka soo qaaday iyo 11 askari, iyo laba qof oo rayid ah.

    Fiidnimadii Khamiista, kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo gacan saar la leh Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

    Niger ayaa la dagaallamaysay kacdoon Islaamiyiin ah muddo toban sano ah, bishii Janaayo,urur lala xiriiriyay kooxda Dowladda Islaamiga ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar ka dhacay isla garoonka diyaaradaha.

    Hub badan oo ay ku jiraan qoryaha RPG-7, qoryaha AK-47, walxaha qarxa, bam-gacmeedyo, qalabka isgaarsiinta iyo kumanaan rasaas ah ayaa sidoo kale la sheegay in la qabtay.

    Agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa la xiray galabnimadii Khamiista, iyadoo ciidamada amniga ay baarayaan gawaarida soo galaya iyo kuwa ka baxaya aagga.