You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israa'iil iyo Xisbullah oo xabbad-joojin gaaray, sida uu xaqiijiyay sarkaal Mareykanka ah

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sidoo kale mar sii horreysay sheegay in ay duqeeyeen 80 bartilmaameed oo lala xiriirinayo kooxda hubeysan ee Iran ay taageerto ee Xisbullah ayna dileen “tobaneeyo”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo sheegay in Itoobiya ay dhibaato weyn ku hayso Masar

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu "si buuxda mudnaan u siinayo" khilaafka ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo‑xireenka Itoobiya, isla markaana uu doonayo in xal caddaalad ah laga gaaro.

    Madaxweyne Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu Faransiiska kula kulmay madaxweynaha Masar Abdel Fattah al‑Sisi, intii uu socday shirkii dalalka hodanka ah ee G7 oo la soo gabagabeeyay Arbacadii.

    Shirkaas waxaa ka qayb galay Maraykanka, Faransiiska, Boqortooyada Midowday (UK), Jarmalka, Japan, Talyaaniga iyo Kanada, iyo sidoo kale Midowga Yurub. Afrika waxaa ka soo qayb galay hoggaamiyeyaasha Masar iyo Kenya.

    Intii lagu jiray wada-hadalkooda warbaahinta hortooda, Trump wuxuu sheegay inuu ogyahay in biyo‑xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Nile uu "dhibaato ku hayo Masar".

    Tan iyo markii Itoobiya billowday dhismaha biyo‑xireenka ee webiga Nile, waxaa jiray khilaaf u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Inkastoo wadahadallo socdeen muddo 14 sano ah, haddana wali lagama gaarin heshiis dhamaystiran oo ay saddexda dal ku wada qancaan.

    Biyo‑xireenka, oo Itoobiya dhamaystirtay dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa la filayaa inuu soo saaro in ka badan 5000 megawatt oo koronto ah.

  2. Wararkii saacadihii u dambeeyay ee heshiiska Iran iyo Mareykanka

    Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa soo saaray fariin cusub oo uu kaga hadlayo heshiiskii ay la agleen Mareykanka.

    "Anigu, mabda’ ahaan, waxaan qabay aragti ka duwan tan; hase yeeshee, maadaama madaxweynaha sharafta leh ee Iran — isagoo ah madaxa Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka — uu ii ballanqaaday isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca xubnaha kale ee golaha, in la ilaalin doono xuquuqda shacabka Iran iyo tan Jabhadda Iska-caabbinta, ."isla markaana uu si cad u aqbalay masuuliyaddaas, waxaan bixiyey oggolaanshahayga.” ayaa lagu yiri fariinta.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyey in la qaaday xanibaaddii badda ee lagu hayay dhammaan gaadiidka badda ee galayey ama ka baxayey dekedaha Iran.

    Bayaan uu soo saaray, ayuu ku sheegay in "dhammaan hawlgalladii ciidamada Maraykanku ku dhaqan-gelinayeen xanibaadda la joojiyey", isla markaana ciidamada Maraykanku aysan mar dambe "carqaladaynayn ama hor istaagayn socdaalka maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran" ee ku sugan Gacanka.

    Maraakiibta maraya marinka Hormuz ayaa laga doonayaa inay maraan nidaamka isku dubaridka Iran, sida ay sheegeen Golaha Ammaanka Qaranka ee Iran.

    Bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladda Iran ayaa lagu sheegay in lacagihii canshuuraha ama khidmadaha laga qaadi jiray maraakiibta la hakiyey, isla markaana Iran ay bixin doonto kharashaadkaas muddo 60 maalmood ah, iyadoo taas qayb ka tahay heshiiska is-afgarad (Memorandum of Understanding) ee ay wada gaareen Iran iyo Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, maraakiibta weli waa inay codsi u gudbiyaan hay’ad cusub oo la yiraahdo Persian Gulf Strait Authority, taas oo Iran samaysay intii uu dagaalku socday si ay u xoojiso xakamaynta marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in xabbad-joojin guud laga hirgeliyo “dhammaan jihooyinka,” oo ay ku jiraan Lebanon iyo colaadda u dhexeysa Israel iyo Xisbullah.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoraal cusub oo uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay in uu rajaynayo in dalalka Bariga Dhexe ay “ilaaliyaan ballanqaadkooda si ay suurtagal uga dhigaan in wada-hadalladeennu dhacaan.”

  3. Iyadoo uu jiro heshiiska Mareykanka iyo Iran, su'aalaha ayaa weli ku taagan colaadda Lubnaan

    Israel iyo Lubnan ayaa ku heshiiyay inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad-joojin jilicsan oo hore u jabtay bilowgii June, halka heshiiska is-afgarad ee Iran iyo Maraykanka uu dhigayo “joojinta degdegga ah iyo joogtada ah” ee hawlgallada militari ee Lubnaan.

    Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil waxay ku doodaysaa in dagaalka ay kula jirto Xisbullah—oo ah koox hubeysan oo Iran taageerto oo ka hawlgasha koonfurta Lubnaan—ay ka duwan tahay dagaalka ay la gashay Iran, isla markaana ay tahay in la sii wado.

    Labada dhinac ee Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sidoo kale is weydaarsaday weerarro tan iyo markii heshiiska Iran–Maraykanka lagu dhawaaqay.

    Waxaa ka mid ah weerarro la sheegay in maanta laga fuliyay Lubnaan, halkaas oo warbaahinta dowladda Lubnaan ay sheegtay in saddex qof la dilay.

    Wada-hadallada soo socda ee ka dhacaya Switzerland ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran kuma jiraan Xisbullah, kooxduna waxay diidday shuruudaha xabbad-joojinta ee Maraykanku taageerayo ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

    Sidaas darteed, inkastoo wada-hadallada nabadeed ay socdaan, xabbad-joojinta hadda jirta waxay weli reebaysaa su’aalo badan oo aan laga jawaabin oo ku saabsan mustaqbalka Lubnaan.

  4. Xassan Rouhani oo soo dhaweeyay heshiiska isfahamka ah ee lala galay Mareykanka

    Xassan Rouhani, madaxweynihii hore ee Iran, ayaa soo dhaweeyay heshiiska kadib saxiixa is-afgaradka Iran iyo Maraykanka, isagoo sheegay in “warbaahinta qaranka iyo dhammaan masuuliyiintu ay gacan ka geystaan mideynta, isla markaana ay ka fogaadaan kala qaybin,.”

    Wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in hadda “tallaabadii ugu horreysay ee guusha,” oo ay horseedeen tallaabooyinka Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka iyo hoggaaminta nidaamka, ay keentay ku dhawaaqista joojinta dagaalka iyo is-afgarad horudhac ah, isla markaana waa in guushan la “ilaaliyo.”

    Sidoo kale wuxuu ka digay in “labada bilood ee soo socda, oo ku xusan is-afgaradka horudhaca ah oo loogu talagalay sii wadista wada-hadallada, ay yihiin maalmo aad u xasaasi ah oo go’aamin kara mustaqbalka Iran iyo gobolka.”

    Qoraalkiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in Israa’iil laga yaabo inay isku daydo inay carqaladeyso ama aysan u dhaqaaqin xoojinta heshiiskan

  5. Koobka Adduunka: Switzerland oo guul muhiim ah ka gaartay Bosnia una soo baxday hogaanka Group-ka.

    Koobka adduunka:bilowga wareegga labaad ee ciyaaraha group-yada, Switzerland ayaa 4–1 ku garaacday Bosnia and Herzegovina saacad ka hor.

    Natiijadan ayaa ka dhigtay Switzerland—oo ciyaartii hore barbardhac la gashay Qatar—in ay noqoto hoggaamiyaha Group B iyadoo leh afar dhibcood.

    Ciyaarta xigta ee group-kan waxaa martigelin doona Canada iyo Qatar.

  6. Iran o ku baaqday wadahadal lala yeesho dalalka Khaliijka

    Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa wadahadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, isagoo adkeeyay baahida loo qabo wadahadal lala yeesho dalalka Carabta ee Gacanka Persian Gulf si loo yareeyo waxa uu ugu yeeray “is-faham la’aan” loona xoojiyo xiriirrada gobolka.

    Mr. Araghchi ayaa arrintan ka hadlay Khamiistii isagoo la hadlayay Abdullah Ali Al-Yahya.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale muujiyay rajo ah in heshiiska nabadeed ee lala galay Maraykanka uu gacan ka geysan karo soo celinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Sidoo kale akhriso

  7. Trump oo ka hadlay cidda bixinaysa lacagta 300 bilyan ee dolar

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in "aysan jirin lacag dhan 300 bilyan oo doollar oo Maraykanku siinayo Iran" oo ku jirta heshiiska ay labada dal saxiixeen.

    "Taasi waa war been abuur ah !" ayuu ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

    Wuxuu intaas ku daray:"Waxa keliya ee Maraykanku ka helayo waa guul, hoos u dhaca qiimaha Shidaalka, iyo guul weyn. Eega suuqa saamiyada. Waa dacaayad ay wadaan Dimuqraadiyiintu!!!"

    Qodobka ka hadlay arrintan: Qoraalka heshiiska ayaa sheegaya in Maraykanku uu la shaqayn doono saaxiibadiisa gobolka si loo diyaariyo qorshe kama dambays ah oo labada dhinac ku heshiiyaan, kaas oo ugu yaraan lagu maalgelinayo 300 bilyan oo doollar dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Iran, balse ma sheegayo in Maraykanku uu wax ku biirin doono sanduuqa.

    Sidoo kale akhriso

  8. Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu filayo xabbad joojin dhinac walba ah oo ay ku jirto Lubnaan

    Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in xabbad-joojin guud laga hirgeliyo “dhammaan jihooyinka,” oo ay ku jiraan Lebanon iyo colaadda u dhexeysa Israel iyo Xisbullah.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoraal cusub oo uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay in uu rajaynayo in dalalka Bariga Dhexe ay “ilaaliyaan ballanqaadkooda si ay suurtagal uga dhigaan in wada-hadalladeennu dhacaan.”

    Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan filaynaa in xabbad-joojin dhammaystiran laga hirgeliyo dhammaan jihooyinka, oo ay ku jiraan Lubnaan, iyo colaadda u dhexeeysa Xisbullah iyo Israa’iil.”

    Bogga koowaad ee heshiiska is-afgarad ee ay kala saxiixdeen Iran iyo Maraykanka ayaa xoogga saaraya “joojinta degdegga ah iyo joogtada ah ee hawlgallada militari ee dhammaan jihooyinka,” oo ay ku jirto Lubnaan.

    Sidoo kale akhriso

  9. Golaha ammaanka ee Iran ayaa sheegay in maraakiibtu ay tahay inay dalbadaan maridda Hormuz

    Maraakiibta maraya marinka Hormuz ayaa laga doonayaa inay maraan nidaamka isku dubaridka Iran, sida ay sheegeen Golaha Ammaanka Qaranka ee Iran.

    Bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladda Iran ayaa lagu sheegay in lacagihii canshuuraha ama khidmadaha laga qaadi jiray maraakiibta la hakiyey, isla markaana Iran ay bixin doonto kharashaadkaas muddo 60 maalmood ah, iyadoo taas qayb ka tahay heshiiska is-afgarad (Memorandum of Understanding) ee ay wada gaareen Iran iyo Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, maraakiibta weli waa inay codsi u gudbiyaan hay’ad cusub oo la yiraahdo Persian Gulf Strait Authority, taas oo Iran samaysay intii uu dagaalku socday si ay u xoojiso xakamaynta marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Horaantii maanta, Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa wariyeyaasha u sheegay in marin-biyoodka caalamiga ahi ay tahay inuu ahaado mid lacag la’aan lagu maro, isla markaana marinka Hormuz aan mar kale loo adeegsan "meel lagu ceejiyo dhaqaalaha caalamka".

    Sidoo kale akhriso

  10. Maraykanka ayaa madaxda TPLF iyo qoysaskooda ku soo rogay xayiraad fiisaha

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa xayiraado fiiso ku soo rogtay hoggaamiyeyaal ka tirsan (TPLF iyo xubnaha qoysaskooda.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in xiisadda ka taagan waqooyiga Itoobiya ay dib u hurin karto dagaal, isla markaana ay khatar gelin karto nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo tixraacaya iska horimaadyo dhex maray ciidamada amniga Tigray iyo ciidanka Itoobiya horaantii sanadkan, ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo dagaalkii 2020–2022.

    Dagaalkaas ayaa lagu qiyaasaa inuu sababay dhimashada ku dhowaad 600,000 oo qof, isla markaana uu horseeday macluul iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo oo ba’an gobolka.

    Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in boqollaal kun oo qof ay ka barakaceen guryahoodii waqooyiga Itoobiya iyagoo ka cabsi qaba in dagaal kale dib u qarxo.

    Marco Rubio, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay xayiraadaha fiisaha ee lagu soo rogay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha TPLF iyo xubnaha qoysaskooda.

    Maraykanku ma sheegin magacyada saraakiisha TPLF iyo qoysaskooda oo mamnuucida fiisaha ay saameyn doonto.

  11. Trump wuxuu aad ugu dheeraaday dhaleeceynta Israa'iil si ka badan maamul kasta oo Mareykan ah taariikhda

    Dhaleeceynta cad ee uu maanta jeediyay JD Vance ee ku wajahan wasiirrada golaha wasiirrada Israa’iil ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay niyad-jabka maamulka Donald Trump ee ku aaddan xulafadiisa ugu muhiimsan ee Israel.

    Trump ayaa toddobaadkan ku eedeeyay Israa’iil inay adeegsatay awood aad uga badan intii loo baahnaa, iyadoo dishay dad rayid ah intii lagu jiray weerarrada ay ku qaadayeen Hezbollah oo ay taageerto Iran.

    Vance ayaa u sheegay The new York Time in fariintiisu ku socotay wasiirrada Israa’iil ee aadka u waddaniyiinta ah ay ahayd:

    "Ma dili kartaan dadka oo keliya si aad uga baxdaan dhibaatooyinka amniga qaranka."

    Kadib wuxuu saxafiyiinta u sheegay in Israa’iil ay si weyn uga go'doonsan tahay caalamka, isla markaana Trump uu yahay hoggaamiyaha ugu weyn ee weli si cad u taageeraya dalkaas.

    Marka la isku geeyo dhammaan arrimahan, waxay u muuqdaan dhaleeceyntii ugu adkayd ee si fagaare ah uga timaadda maamul Maraykan ah oo ku wajahan Israa’iil tan iyo markii la aasaasay dalkaas.

    Waxay sidoo kale muujinayaan sida uu Trump uga xanaaqsan yahay in colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Hezbollah ay halis gelin karto heshiiskiisa uu la galay Iran.

    Waxaa jira qodob kale oo muhiim ah: maadaama uu yahay sanad doorasho, mustaqbalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Trump wuxuu si weyn ugu xiran yahay badbaadada iyo guusha heshiiskan.

    Qayb ka mid ah khilaafkan fagaarayaasha u soo baxay ee kala dhexeeya Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale u muuqata farriin loo dirayo xulafadiisa Carbeed ee Khaliijka iyo sidoo kale Iran, si loo muujiyo inuu isku dayayo inuu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa xabbad-joojin ka hirgasha Lebanon.

    Sida rajada Trump ee ku aaddan dhammaadka dagaalka, khilaafkiisa Netanyahu wuxuu u wareegi karaa arrin gadaal loo dhaafo haddii iyo marka heshiiska Iran uu noqdo mid xasilloon oo sii jira.

    Sidoo kale akhriso

  12. Dadka deggan Waqooyiga Israa'iil 'waxay ka baqayaan musiibo' haddii ciidamadu ka baxaan Lubnaan

    Gudaha Israa’iil, Olga oo ku nool magaalada Shlomi ee ku dhow xadka Lebanon ayaa sheegtay inay "ka baqayso masiibo."

    "Wax faa’iido ah kama arko heshiiskan. Uma fiicna dunida, gaar ahaanna uma fiicna Israa’iil," ayay tiri.

    Qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta ayaa u sheegay Reuters inay aaminsan yihiin in ciidamada Israa’iil ay tahay inay sii joogaan aagga amaanka ah ee koonfurta Lubnaan, kaas oo sidoo kale loo yaqaan "aagga jaallaha ah".

    Noa Rotem, oo ku nool Kibbutz Matzuva, ayaa tiri:"Waxaan ka baqayaa in marka ay ciidamadu ka baxaan aagga jaallaha ah, aan si aad u degdeg ah ugu laaban doonno xaalad la mid ah tii 7-dii Oktoobar."

    Hamas ayaa weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Maalintaas ayaa ahayd tii ugu dhimashada badnayd taariikhda Israa’iil, waxayna horseedday dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Gaza. Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee ay maamusho Hamas, dagaalkaas waxaa ku dhintay 72,742 Falastiiniyiin.

    Dhanka kale, Esther Yaakobi, oo iyaduna ku nool meel u dhow xadka Lubnaan, ayaa sheegtay in heshiisku yahay:"Mid Iran u xaglinaya."

    "Xisbullah ma damacsana inay joojiso dagaalka, welina waxay doonaysaa inay na baabi’iso."

    Deriskeeda, Nissim Swissa, ayaa isaguna yiri:"Dhibaatadu waa koonfurta Lubnaan. Haddii ay (ciidanka Israa’iil) ka baxaan, annaga waa naloo yaabaa."

  13. Muxuu Netanyahu ka yiri heshiiska Iran?

    Benjamin Netanyahu ayaan si muuqata wax hadal ah ka soo saarin tan iyo markii Maraykanka iyo Iran ay xalay saxiixeen heshiis is-afgarad oo lagu joojinayo dagaalka.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa u muuqda inuu iska fogeeyey heshiiskaas, isagoo Isniintii u sheegay telefishinka Israa’iil in Donald Trump uu hoggaaminayey wada-hadallada.

    "Waxaan aragtidayda ku cabbiray wada-hadallo kala duwan," ayuu yiri Netanyahu sida ay werisay Fox news.

    "Sida aan sheegay, marar badan waan isku raacnaa, mararna waan isku khilaafnaa. Taasi waxay ka dhacdaa xitaa qoysaska ugu wanaagsan."

    Israa’iil si toos ah ugama qaybgelin wada-hadallada nabadda, balse Trump ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ka hor saxiixa heshiiska, sheegay inuu Israa’iil u diray nuqul ka mid ah qoraalka kama dambaysta ah ee heshiiska.

    Sida hore loo sheegay, wada-hadallo adag ayaa weli u socda Maraykanka iyo Israa’iil oo ku saabsan Lubnan, inkastoo heshiiska is-afgaradku uu dhigayo in hawlgallada militari ee dalkaas la joojin doono.

    Dhanka kale, hadallada xubno ka tirsan xisbiga Likud ee Netanyahu iyo wasiirrada midigta fog ee ku jira xukuumaddiisa ayaa muujinaya cadaadiska siyaasadeed ee uu kala kulmayo dhinaciisa.

    Itamar Ben-Gvir, oo ah wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil kana tirsan garabka midigta fog, ayaa Isniintii ku qoray baraha bulshada:

    "Heshiiska Trump nama waajibinayo,Annagu qayb kama nihin heshiiskan aan dammaanad qaadayn ammaankeenna."

    Guud ahaan, qoraalkani wuxuu muujinayaa in inkastoo heshiiska Maraykanka iyo Iran la saxiixay, haddana gudaha Israa’iil ay weli ka jiraan kala aragti duwanaansho iyo walaac ku saabsan saameynta heshiiskaas, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xaaladda Lubnan.

    Sidoo kale akhriso

  14. Mareykanka oo xaqiijiyay in uu qaaday go’doominta ciidamada badda ee Iran

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyey in la qaaday xanibaaddii badda ee lagu hayay dhammaan gaadiidka badda ee galayey ama ka baxayey dekedaha Iran.

    Bayaan uu soo saaray, ayuu ku sheegay in "dhammaan hawlgalladii ciidamada Maraykanku ku dhaqan-gelinayeen xanibaadda la joojiyey", isla markaana ciidamada Maraykanku aysan mar dambe "carqaladaynayn ama hor istaagayn socdaalka maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran" ee ku sugan Gacanka.

    Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyey:"Maraakiibteenna waaweyn ee ciidamada badda waxay sii joogi doonaan deegaanka guud si loo hubiyo in dhammaan qodobbada heshiiska la raaco, loo hoggaansamo, isla markaana ay si buuxda u sii jiraan una dhaqan galaan."

    Sidoo kale akhriso

  15. Hogaamiyaha ugu sareeya Iran ayaa sheegay inuu aqbalayo heshiiska inkastoo uu qabo 'fikrad ka duwan'

    Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa soo saaray fariin cusub oo uu kaga hadlayo heshiiskii ay la agleen Mareykanka.

    "Anigu, mabda’ ahaan, waxaan qabay aragti ka duwan tan; hase yeeshee, maadaama madaxweynaha sharafta leh ee Iran — isagoo ah madaxa Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka — uu ii ballanqaaday isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca xubnaha kale ee golaha, in la ilaalin doono xuquuqda shacabka Iran iyo tan Jabhadda Iska-caabbinta, ."isla markaana uu si cad u aqbalay masuuliyaddaas, waxaan bixiyey oggolaanshahayga.” ayaa lagu yiri fariinta.

    Macnaha guud ahaan waa in Mojtaba Khamenei uu sheegayo inuusan markii hore taageersanayn heshiiska is-afgaradka.

    Balse waxaa uu xusay uu oggolaaday kadib markii madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, uu si cad ugu ballanqaaday in xuquuqda shacabka Iran iyo danaha waxa uu ugu yeeray “Jabhadda Iska-caabbinta” la ilaalin doono, isla markaana uu qaadan doono masuuliyadda arrintaas.

    Sidoo kale akhriso

  16. XF Soomaaliya oo cambaaraysay safarka madaxweyne Cirro ee Israa’iil

    Kulanka toddobaadlaha ee ay yeeshaan golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa qodobadii lagu soo bandhigay uu qayb ka ahaa safarka Madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil.

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay, sida lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

    ‘’Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.’’

  17. War deg deg ah, Iiraan oo u aragta heshiiska inuu ka dhigay mid xoog badan

    Dowladda Iiraan ayaa u aragta heshiiska ay la galeen Maraykanka inuu ka dhigay mid ka xoog badan sidii hore, kaasi oo salka ku haya siyaasad iyo aragti istiraatiiji ah.

    Ujeeddada ugu weyn ma ahayn in si buuxda looga adkaado Maraykanka ama Israa’iil ciidan ahaan, balse Jamhuuriyadda Isaalmiga ah ay kasoo baxdo dagaalka iyada oo aan liicin, hoggaankeeduna weli shaqaynayo iyo awooddeeda wadaxaajoodka oo aan la burburin.

    Heshiiska ayaa oggolaanaya inay Iiraan sheegato inay gaartay yoolkeeda iyo in ay dagaalka ka baxday iyada oo aan is-dhiibin, isla markaana ay kasoo baxday iyada oo ah mid xooggan.

    Halista ugu weyn ee Gudaha Iiraan waa mucaaradka, waxay ku eedeyn karaan dowladda iyo kooxda wadaxaajoodka inay ku laabanayaan ‘’khiyaanadii’’ 2015 xilligaasi oo Madaxwyne Xasan Ruuxaani lagu eedeeyay inuu sameeyay tanaasulaad badan oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

    Madaxweynahah hadda Pezeshkian iyo guddoomiyaha baarlamanka Ghalibaf ay u baahan inay ka dhigaan qaab-dhismeedka xabbad-joojinta guul siyaasadeed kahor inta aysan xooggaysan mucaaradooda.

  18. War deg deg ah, Israel “waa inay Ilaalisaa geeddi‑socodka nabadda”

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa wax laga weydiiyaa aragtida Donald Trump ee ku aadan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isaga oo tixraacaya dhaliilaha Trump ee ku saabsan ficillada Israa’iil ee Lubnaan.

    Vance ayaa sheegay inuusan doonayn inuu ka qaado Israa’iil xaqa ay u leedahay inay is‑difaacdo — balse wuxuu ku daray in Israa’iil, “sida qof walba oo kale, ay tahay inay difaacdo geeddi‑socodkan nabadda.”

    “Waxaan u muuqannaa inaan ku dhow nahay guul weyn oo heshiiska ah, ka dibna si lama filaan ah ayaa qarax weyn ugu dhacay xarun dadweyne oo ku taalla Bayruut,” ayuu yiri Vance, isagoo sharxaya niyad‑jabka Trump. “Taasi waa wax aan la aqbali karin,” ayuu ku daray.

    Vance wuxuu sheegay inuu doonayo isku‑xirnaan dhow oo lala yeesho Israa’iil iyo “qaab dhismeed goboleed” oo joojin kara lacagta u socota Xisbullah isla markaana ka hortagi kara weerarrada Xisbullah ee Israa’iil.

  19. War deg deg ah, Durba heshiiska Iiraan waxa uu miro dhal u yahay shacabka Maraykanka - Vance

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay in heshiiska Iran uu durba ‘’mirodhal u yahay shacabka Maraykanka,’’

    ‘’12.5 milyan oo fuusto saliid ah ayaa ka gudbay marinka Hormuz kadib saxiixa heshiiska is-fahamka (MoU)’’ ayuu yiri Vance.

    Wuxuu sheegay in Iran aysan wax rasaas ah ku ridin maraakiibta ka gudbaya marinka, halka Mareykankuna uu oggolaaday ku dhowaad toban markab inay ka gudbaan xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka.

    Vance wuxuu intaa ku daray in barnaamijka nukliyeerka Iran iyo ciidamadeeda guud ay "wali burbursan yihiin," iyo sida kale awooddeeda ay ugu "hanjabi karto" dalalka deriska ah.

    Vance ayaa sidoo kale sheegay in qayb ka mid ah MoU‑ga si khaldan loo fasiray, isagoo si gaar ah u tixraacaya sanduuqa dib‑u‑dhiska ee $300 bilyan (£224 bilyan) oo Iran laga yaabo inay hesho qayb ka mid ah heshiiska.

    Wuxuu ku daray in "hal senti oo keliya" aan Mareykanku u diri doonin Iran, isagoo sheegay in Iran ay ka faa’iideysan doonto heshiiska oo keliya "haddii ay si buuxda u hoggaansamaan oo ay beddelaan dhaqankooda."

  20. War deg deg ah, Munaasabadii saxiixa heshiiska Switzerland oo la joojiyay

    Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar ayaa u sheegay BBC Urdu, in saxiixa xafladda ee beri ka dhici lahayd Geneva la joojinyay, sababtuna ay tahay in is-fahamka (MoU) horayba loogu saxiixay si fogaan arag ah.

    Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Pakistani ah ayaa markii hore u sheegay BBC‑da in Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, uu dib u dhigay booqashadiisa Geneva, isagoo leh: “Wajiga xiga wuxuu ku socon doonaa farsamada waddooyin kale oo ka duwan oo aadan arrimo badan”

    Su’aalo ayaa markii ugu horreysay laga keenay suurtagalnimada xafladda kadib markii Sharif uu beddelay qoraalkiisa X (Twitter) aroornimadii, isagoo ka saaray qaybta ku qornayd: Pakistan oo ay taageerayaan dhexdhexaadiyaasha Qatar waxay martigelin doontaa xafladda rasmiga ah sida loo qorsheeyay 19 Juun 2026 ee Switzerland, si loo xuso dhacdadan taariikhiga ah loona bilaabo wada‑hadallada farsamada sare”

    Gudaha, ilo xog ogaal ah ayaa subaxnimadii BBC‑da u xaqiijiyay in xafladda wali socoto. Laakiin fiidkii qorshahaas waa is beddelay. Sharif wuxuu ka mid ahaa saxiixayaasha MoU‑ga isagoo dhexdhexaadiye ah.