TOOS, Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay yareeyaan xiisadda oo ay sii wadaan wadahadallada

Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay yareeyaan xiisadda oo ay sii wadaan wadahadallada

Kooban

Tebin toos ah

  1. Reuters: Wadahadallada farsamo ee Iran iyo Maraykanku oo ka dhici doona Doha maalmaha soo socda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka ayaa u sheegay Reuters in kooxaha farsamada ay hadda ka shaqeynayaan hab lagu hirgelinayo heshiiska is-afgaradka, waxaana la qorsheeyay inay ku kulmaan Doha maalmaha soo socda.

    Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, dhexdhexaadiyayaashu waxay sameeyeen waddooyin isgaarsiineed si loo yareeyo xiisadaha loogana hortago dhacdooyinka suurtagalka ah, wadahadallada farsamada ayaa sidoo kale la filayaa inay sii socdaan.

    Hadda, Kazem Gharibabadi, oo ah madaxa kooxda gorgortanka farsamada ee Iiraan oo ku sugan Cumaan, ayaa ku dhawaaqay in la qabanayo shirkii ugu horreeyay ee wadajirka ah ee Guddiga Marinka Hormuz ee labada dal ku yeelanayaan Muscat.

  2. Tirada dadka ku dhintay weeraradii Pakistan oo korortay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa korortay tirada dadka ku geeriyooday weerarrada ay geystay Pakistan.

    Pakistan waxay sheegtay in habeenkii Axadda, iyada oo ku salaynaysa waxa ay ku tilmaantay "xog sirdoon oo la hubo", ciidamada Pakistan ay dileen 25 dagaalyahan kadib markii ay beegsadeen saddex goobood oo lala xiriiriyay Jamaat-ul-Ahrar iyo Tehreek-e-Taliban Pakistan ee gobollada Paktika, Paktia iyo Kunar.

    Ha yeeshee afhayeen u hadlay Taliban, ayaa ku tilmaamay hawlgalkaas mid "fulaynimo ah" iyo "arxan-darro", isagoo ku eedeeyay in duqeymaha cirka ee ciidamada Pakistan ay beegsadeen goobo ay rayidku deggan yihiin, taasoo sababtay dhimashada 36 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka 163 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Pakistan waxay sidoo kale sheegtay in weerarradan ay sababeen in la burburiyo hub iyo rasaas tiro badan, oo lagu kaydiyay xarumaha ay ku sugnaayeen kooxaha hubeysan.

    Bayaan lagu daabacay barta X oo uu habeenkii Axadda soo dhigay Atta Tarar, Wasiirka Federaalka ee Warfaafinta iyo Baahinta ee Pakistan, ayaa lagu sheegay in kadib dhacdooyinkii la xiriiray xagjirnimada ee Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, iyo weerarkii lagu qaaday xero ay lahaayeen Pakistan Rangers ee Karachi habeenkii Sabtida, la beegsaday xeryo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan Jamaat-ul-Ahrar iyo kooxda loo yaqaan Fitna-ul-Khawarij ee ku yaallay deegaannada xuduudda u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, iyadoo la fuliyay laba hawlgal oo kala duwan oo si sax ah loo qorsheeyay.

    Sidoo kale akhri

  3. Saynisyahanno ogaaday waxa keena cirrada timaha, sheegayna in xal loo heli karo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Saynisyahanno Maraykan ah ayaa rumaysan in ay ogaadeen waxa dhaliya cirrada timaha.

    Koox ka tirsan jaamacadda New York (NYU) ayaa muddo darsayay dooli leh unugyada timaha ee bani’aadanka oo kale, waxaana ay ogaadeen in ay jiraan unugyo sameeya midabada timaha oo hawlgab noqda.Saynisyahannada ayaa sheegay in daraasadda ay fure u noqon karto in dawo loo helo cirrada timaha.

    Waxyaabaha keena cirrada

    Khubarada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa sababa in timaha ay cirro yeeshaan.

    Cunno xumida, walwalka badan, iyo qaab dhaxal ah ayaa lagu sheegay sababaha ugu weyn ee keena cirrada.

    Inkastoo dadka badankood aanay jeclayn cirrada timaha, haddana waxaa jira dad aanay dhib ku hayn oo ku qanacsan madaxa cad.

    Khubarada ayaa ka digay in la siibo cirrada timaha, maadaama tinta soo baxda ay weli cirro ahaan doonto.

    Dr Leila Asfour oo ku takhasustay maqaarka bani’aadanka ayaa BBC u sheegtay in ganacsiga midabada la mariyo timaha uu yahay mid ballaaran.

    “Ganacsiga midabada timaha ee caalamka waxaa lagu qiyaasaa mid qiimo ahaan gaari doona 33.7 bilyan oo dollar sanadka 2030. Waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo,” ayay tiri.

    Qaabke ayay timaha cirro u yeeshaan?

  4. War deg deg ah, Degdeg: Xisbiga KAAH ee Somaliland oo dhaliilay safarkii dhawaan ee Cirro

    .

    Xigashada Sawirka, KAAH

    Qoraalka sawirka, .

    Xisbiga KAAH ee jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Sonaliland ayaa kahor yimid safaaradda ay Somaliland dhawaan ka furatay Somaliland.

    “Xisbiga KAAH marnaba ma aqbalayo wuxuuna hoosta ka xariiqayaa in arrimaha aqoonsi raadinta la dul saaro oo lagu qariyo arrimaha masiiriga ah ee jamhuuriyadda Somaliland”, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda Xisbiga KAAH, Ambassador Barkhad M Kaariye oo muuqaal soo dhigay barta Facebook-ga ee xisbiga.

    “Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa heshiisyada uu soo galay oo dhameystiran isla markaana aan ku koobnayn heshiisyo qodoba ah oo kooban”, ayuu yiri.

    Waxaa uu xisbigu sheegay in laga digayo in xukumadda maanta talada haysa ay meel madoow la gasho masiirki umadda, waa siday iyagu hadalka u dhigeene.

    Somaliland ayaa dhawaan saafaradeeda ka furatay Qudus.

    “ Xukuumaddu iyadaa hore u tidhi Jihaad wuxuu yaallaa Quddus oo jidaynaysay, maantana iyadaa wax kale ku hadashay! Waa jahawareerka siyaasadeed ee Xukuumaddeena haysta”, ayaa lagu yiri qoraalka muuqaalkaas xisbiga KAAH.

    Dhanka kale, dhawaan madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.

    Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in laga feejignaado waxa ka imaan kara heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, isagoo si gaar ah xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay aad uga fiirsato waxa ka dhalan kara gelitaanka heshiisyada caalamiga ah si aaney wax ugu dhimin Somaliland, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:

  5. Saraal sare oo boolis ah oo ka badbaaday iskuday lagu khaarijin rabay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Mid ka mid ah saraakiisha booliiska ugu sarreeya Koonfur Afrika ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay magaalada Johannesburg, sida ay booliisku sheegeen.

    Ku-xigeenka madaxa sirdoonka la-dagaallanka dambiyada, Maj-Gen Feroz Khan, ayaa la toogtay fiidnimadii Axadda xili uu ka yimid daawashada cayaar kubadda cagta ah kuna sii socday gurigiisa.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in sarkaalka loola cararay isbitaal, halkaas oo loogu sameeyay qalliin degdeg ah.

    Toogashadan ayaa dhacday maalmo yar ka hor inta uusan Khan ka hor muuqan guddi baaritaan dadweyne oo loo sameeyay in lagu baaro dambiyada iyo musuqmaasuqa ka dhex jira booliiska South Africa.

    Afhayeenka booliiska Koonfur Afrika, Brig Athlenda Mathe, ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii ku sheegtay, in booliisku ay wadaan baaritaan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  6. Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay hoos u dhigaan xiisadda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen inay joojiyaan weerarradii is-daba-joogga ahaa ee ay is-weydaarsanayeen, isla markaana ay bilaabaan wadahadallo cusub oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan Marin-biyoodka Hormuz.

    Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in labada dhinac ay hadda "joojinayaan" colaadda, ayna oggolaanayaan in maraakiibtu si xor ah u maraan marinka.

    Dhanka Iiraan weli ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo arrintan ku saabsan.

    Weerarradii is-dhaafsiga ahaa ee mar kale dib u billowday waxaa sababay is-afgaranwaa ku saabsan nooca marinada loo oggol yahay inay maraan ama isticmaalaan marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Saraakiil ka socota Iiraan iyo Cumaan ayaa yeeshay kulankii ugu horreeyay ee guddi wadajir ah oo loo sameeyay ka doodista arrintan, taas oo halis gelin karta xabbad-joojinta hadda jirta.

    Shirkan ayay ku yeesheen magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan.

    Sida laga soo xigtay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, kulankani wuxuu ku jiraa qaab-dhismeedka cutubka shanaad ee heshiiska is-afgaradka ee Iiraan iyo Mareykanka ee ku saabsan Gacanka Hormuz.

    Waqtigan xaadirka ah, Iiraan iyo Cumaan waxay ku dhawaaqeen laba waddo oo kala duwan oo ay maraan maraakiibta.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  7. Awoodda markabka cusub ee dagaalka ee badda quusa ee Pakistan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Markabkii ugu horreeyay ee ah nooca quusa ee Gujiska ee dagaalka ee Ciidanka Badda Pakistan, Hangor, ayaa soo gaaray dekedda Karachi.

    Si kastaba ha ahaatee, tani ma aha oo kaliya imaanshaha markab quusa oo cusub, balse sidoo kale waa soo noqoshada magac taariikh muhiim ah ku leh Ciidanka Badda Pakistan.

    "Hangor" waa nooc ka mid ah libaax-badeedka oo si aamusan u ugaarsada xawayaanka kale. Wuxuu si dulqaad leh ula socda waxa uu ugaarsanayo ilaa uu helo fursadda ku habboon, dabadeedna si lama filaan ah ayuu u weeraraa.

    Dagaalkii badda ee sannadkii 1971 ee dhex maray markabkii quusa ee Pakistan ee Hangor iyo markabkii dagaalka ee Hindiya ee INS Khukri ayaa ah dhacdo caan ku ah taariikhda dagaallada badda. Iska horimaadkaas ayaa weli loo xusuustaa inuu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay gobolka.

    Hadda, ku dhowaad 55 sano ka dib, markab quusa oo cusub, casri ah, isla markaana sita magaca Hangor ayaa ku biiray maraakiibta quusa ee Ciidanka Badda Pakistan, isagoo sii wada dhaxalka magac si gaar ah uga dhex muuqda taariikhda ciidanka badda ee dalkaas.

    Sida ay sheegeen Ciidanka Badda Pakistan, markabka quusa ee PNSM Hangor, oo lagu sameeyay iskaashi dhinaca difaaca ah oo u dhexeeya Pakistan iyo Shiinaha.

  8. Pakistan ​​oo weerarro dhimasho leh ka fulisay xuduudda Afgaanistaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo weerarro dhulka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ay ku tilmaantay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo ku yaalla gudaha xadka Afghanistan.

    Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa sheegay in weerarradu ay ka dhaceen gobollada Paktia, Paktika iyo Kunar.

    Mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan ayaa dhankooda sheegay in tobannaan qof oo rayid ah la dilay ama lagu dhaawacay weerarradaas.

    Weerarradan ayaa yimid maalmo yar kadib markii koox Islaami ah ay weerartay xero ay leeyihiin ciidamada ilaalada xuduudaha Pakistan (Rangers) oo ku taalla magaalada Karachi ee koonfurta dalka, halkaas oo lagu dilay saddex askari.

    Islamabad waxay ku eedeysay dowladda Taliban ee Kabul inay hoy iyo gabaad siiso maleeshiyaadka weerarrada ku qaada ciidamada Pakistan, eedeyntaas oo maamulka Kabul uu si cad u beeniyay.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  9. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

    Dadka badanaa uu haleelo fayraska HPV, jirka ayaa si dabiiici ah isaga saara sida laga soo xigtay NHS Wales.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sababi kartaa burooyinka xubinta taranka ama xitaa waxay horseedi kartaa kansar, badanaa kansarka madaxa iyo qoorta ragga, iyo kansarka ilmo-galeenka dumarka.

  10. Tirada dhimashada dhulgariirkii Venezuela oo korortay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxo badan oo caalami ah ayaa weli ku sii socda dalka Venezuela, si ay uga qayb qaataan hawlaha samatabbixinta, kadib labadii dhulgariir ee dhacay Arbacadii la soo dhaafay.

    Tobannaan kun oo qof ayaa weli la rumeysan yahay inay maqan yihiin, iyadoo rajadii laga qabay in la helo dad kale oo nool ay sii yaraaneyso.

    Ku dhowaad kun iyo shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay ku dhinteen dhulgariirkaas is xigay.

    Qolka meydadka ee ugu weyn magaalada Caracas ayaa buux-dhaafay oo awoodi waayay inuu qaado meydad hor leh.

    Caro isa soo taraysa ayaa loo muujinayaa dowladda Venezuela, iyadoo dadka deegaanku ay sheegayaan in dowladdu aysan samayn wax ku filan oo lagu caawinayo.

    Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Delcy Rodríguez, ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay dib u soo celinta adeegyada biyaha iyo korontada, iyo sidoo kale dib u furista waddooyinka.

  11. Degdeg: Golaha Khuburada Iiraan oo Fatwooday in la dilo Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taagan Golaha khuburada Iiraan oo ah hay’adda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan.

    Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    Fatwada ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Muslimiinta inay dilaan labada hoggaamiye haddii ay fursad u helaan.

    Si kastaba ha ahaatee, maamulka Golaha Khubarada ayaa ku tilmaamay fatwadan “mid aan caadi ahayn”, iyagoo sheegay in waxa ku qoran ay u baahan yihiin dood iyo falanqeyn dheeraad ah.

    Fatwadan oo ay soo saareen xubno mayal adag ayaa lagu daray warqad loo diray shacabka Iiraan. Warqaddaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tehran aysan ahayn inay oggolaato furitaanka Marin-biyoodka Hormuz ama in barnaamijkeeda nukliyeerka lagaga hadlo wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka.

    Sii akhri:

  12. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha. Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Cilmi-baaris ay daabacday jaamacadda Harvard ayaa muujisay in nooca borotiinka ee loo yaqaan 'cytokine' la soo saaro tiro aad u badan marka dufanku ku ururo aagga caloosha. Barootiinkani waxa uu keenaa caabuqa jirka.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha.

    Sida laga soo xigtay Dr. Shiv Kumar Choudhry, dhakhtarka sare ee wadnaha ee Isbitaalka Fortis Escorts ee Delhi, dufanka caloosha ayaa ka khatar badan dufanka ku kaydsama qaybaha kale ee jirka.

  13. War deg deg ah, Turkiga oo si adag uga horyimid tallaabo Israa'iil qaadday

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay xasuuqii Armeniyiinta ee dhacay intii lagu jiray iyo wixii ka dambeeyay dagaalka koowaad, inuu ahaa xasuuq isir sifeyn ah.

    Ankara ayaa sheegtay in go’aankaasi uu yahay tallaabo siyaasadeed oo Israa’iil ay isku dayayso inay ku leexiso dareenka caalamka eedeymaha loo jeedinayo ee ku saabsan falalka ay ka waddo Qasa iyo waxa ay Turkigu u uku tilmaamay cadaadiska lagu hayo shacabka Falastiin. Israa’iil ayaa beenisay eedeymahaas.

    Inkasta oo Turkigu uu diidan yahay aqoonsigaas, haddana in ka badan 30 dal ayaa si rasmi ah u aqoonsaday xasuuqii Armeniyiinta inuu ahaa xasuuq isir sifeyn ah, waxaana ka mid ah Mareykanka, Ruushka iyo dalal badan oo Yurub ka tirsan.

    Waxaa la qiyaasaa in in ka badan hal milyan oo Armeniyiin ah ay dileen ciidamadii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee gobolka Anatolia, intii lagu jiray olole socday ku dhowaad toban sano oo isugu jiray tacaddiyo, barakicin qasab ah iyo socod lagu khasbay oo ay dad badan ku dhinteen.

  14. War deg deg ah, Madaxweyne Putin oo qirtay dhaawaca ka soo gaaray dagaalka Ukraine

    Putin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa qiray in dalka Ruushka uu wajahayo yaraanta shidaalka, taas oo ka dhalatay weerarrada ay Ukraine ku qaaday kaabeyaasha tamarta ee dalkaas. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xaaladdu aanay ahayn mid halis ah.

    Wareysi uu sii daayay Aqalka Kremlin-ka, Putin ayaa sheegay in mudnaanta ugu weyn ay tahay xoojinta difaaca cirka iyo hubinta in shidaal ku filan la gaarsiiyo dhammaan gobollada, gaar ahaan gobolka Crimea.

    Putin wuxuu kaloo sheegay inuu filayo in Mareykanku uu dib u billaabi doonno dadaalladeeda dhexdhexaadinta marka uu ka yaraado mashquulka arrimaha la xiriira Iiraan.

  15. Warbaahinta madaxa bannaan iyo wiilka madaxweynaha Uganda oo qaati kala taagan

    Janaraal Muhoozi Kainerugaba, wiilka madaxweynaha Uganda

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, wiilka madaxweynaha Uganda

    Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto "go'doomin milatari" ka dib markii taliyaha ciidanka - oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni - uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.

    Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.

    Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.

    Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: "Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka."

    Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.

    Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.

    Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.

    Sii akhri:

  16. War deg deg ah, Iiraan oo u hiilisay Lubnaan iyo dalab ay u gudbisay Mareykanka

    Caraqji

    Xigashada Sawirka, irna

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Lubnaan iyo joojinta dhammaan howlgaladeeda militari ay yihiin shuruudo waajib ah oo ku xusan heshiiska ay wada gaareen Iiraan iyo Maraykanka.

    Caraqji, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq, ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay saldhig u yihiin guusha heshiis kasta oo looga golleeyahay in xasillooni waarta loogu soo dabaalo gobolka.

    Dhankiisa, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismail Baqaei, ayaa sheegay in Maraykanku ay waajib ku tahay inuu qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo in Israa’iil ay joojiso howlgalladeeda militari ee ka socda Lubnaan.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta, Baqaei wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida Lubnaan, xuduudaheeda, amniga iyo karaamada shacabka dalkaas.

    Wuxuu intaas ku daray in joojinta weerarrada Israa’iil ay ka waddo Lubnaan iyo ka bixitaanka ciidamadeeda dhammaan dhulka Lubnaan ee ay weli haysato ay yihiin shuruudaha aasaasiga ah ee lagu gaari karo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobolka.