War deg deg ah, Degdeg: Xisbiga KAAH ee Somaliland oo dhaliilay safarkii dhawaan ee Cirro
Xisbiga KAAH ee jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Sonaliland ayaa kahor yimid safaaradda ay Somaliland dhawaan ka furatay Somaliland.
“Xisbiga KAAH marnaba ma aqbalayo wuxuuna hoosta ka xariiqayaa in arrimaha aqoonsi raadinta la dul saaro oo lagu qariyo arrimaha masiiriga ah ee jamhuuriyadda Somaliland”, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda Xisbiga KAAH, Ambassador Barkhad M Kaariye oo muuqaal soo dhigay barta Facebook-ga ee xisbiga.
“Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa heshiisyada uu soo galay oo dhameystiran isla markaana aan ku koobnayn heshiisyo qodoba ah oo kooban”, ayuu yiri.
Waxaa uu xisbigu sheegay in laga digayo in xukumadda maanta talada haysa ay meel madoow la gasho masiirki umadda, waa siday iyagu hadalka u dhigeene.
Somaliland ayaa dhawaan saafaradeeda ka furatay Qudus.
“ Xukuumaddu iyadaa hore u tidhi Jihaad wuxuu yaallaa Quddus oo jidaynaysay, maantana iyadaa wax kale ku hadashay! Waa jahawareerka siyaasadeed ee Xukuumaddeena haysta”, ayaa lagu yiri qoraalka muuqaalkaas xisbiga KAAH.
Dhanka kale, dhawaan madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.
Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in laga feejignaado waxa ka imaan kara heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, isagoo si gaar ah xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay aad uga fiirsato waxa ka dhalan kara gelitaanka heshiisyada caalamiga ah si aaney wax ugu dhimin Somaliland, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa: