You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Rai'sul wasaaraha Ingiriiska oo ku dhawaaqay lacago dheeraad ah oo lagu maalgalinayo casriyaynta difaaca

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay £15 bilyan oo dheeraad ah oo lagu maalgelinayo difaaca dalka, ka hor inta aan maanta la soo bandhigin qorshaha muddada dheer ee kharashaadka dowladda.

Tebin toos ah

  1. Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

    Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.

    Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.

    Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.

    Maxay tahay T129?

    Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.

    Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.

    Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.

    Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.

    Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.

  2. Ku simaha wasiirka difaaca iraan: Ma aamineyno cadowga

    Ku simaha wasiirka difaaca ee Iiraan, ayaa sheegay in "haddii ay dhacdo in la jebiyo qodobbada xabad joojinta, ay qaadi doonnaa tallaabo ku habboon oo lagama maarmaan ah".

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA, Majid Ibn al-Reza ayaa arrintan ku soo qaaday wicitaan taleefan oo uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Qatar, isla markaana wuxuu muujiyay sida Iran ay diyaar ugu tahay inay ballaariso iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Qatar".

    Wasiirka ayaa yiri, "Ma aamini karno cadowga”

    Tan iyo markii weerarrada Israa'iil iyo Mareykanka ay bilowdeen, Iiraan waxay qaadday weerarro aargoosi ah, oo ay ku jiraan bartilmaameedyo ku yaal Qatar".

    Qatar iyo Pakistan ayaa hadda wada howlaha, si Iiraan iyo Mareykanka ay u gaaraan heshiis nabadeed oo joogto ah".

    Sidoo kale akhri

  3. Cilmi-baaris war naxdin leh u wadda doobabka iyo garoobbada

    Dadka guursaday waxay u badan tahay inysan u dhiman wadno xanuun marka la barbar dhigo kuwa doobabka ah, sida ku cad cilmi-baaris cusub. Cilmi-baarayaashu waxay arruuriyeen xogta 34 daraasadood oo hore oo ay ku lug lahaayeen in ka badan laba milyan oo qof.

    Waxay ogaadeen iyagoo barbardhigaya dadka guursaday in dadka kala tagay, kuwa laga dhintay ama aan waligood guursanin ay 42 boqolkiiba u dhow yihiin inay qaadaan cudurrada wadnaha,iyadoo sidoo kale 16 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay qaadaan cudurrada halbowlaha wadnaha ku dhaca.

    Dadka aan guursan ayaa sidoo kale boqolkiiba 43 aad ugu dhow inay u dhintaan cudurrada wadnaha halka 55 boqolkiiba ay aad ugu dhowdahay inay u dhintaan faalugga, sida lagu sheegay cilmi-baarista ay sameeysay majaladda Heart.

    Inkastoo cilmi-baarista aan lagu faah-faahin sida guurku u caawin karo hagaajinta caafimaadka wadnaha, haddana waxaa jira sababo badan oo guurka laga yaabo inuu yeesho saameyn ilaalin ah oo ay ku jiraan xasillooni dhaqaale oo dheeraad ah iyo taageero bulsho, ayuu yiri qoraaga sare ee daraasadda Dr. Mamas Mamas oo ka tirsan Jaamacadda Keele ee UK.

    "Tusaale ahaan waxaa la ogsoonyahay in bukaannadu ay qaataan dawoooyinka muhiimka ah sida kuwa wadne xanuunka qaba ama faalugga oo ay cadaadis isku saaraan qaadashada dawooyinka haddii ay lamaane yihiin ," ayuu yiri Dr Mamas.

  4. Kumanaan qof oo saxiixay fatwada Golaha Khubarada Iiraan oo ahayd in la dilo Trump iyo Netanyahu

    Wakaaladda Wararka Mehr ayaa sheegtay, in kumanaan qof ay soo dhaweeyeen bayaanka ka soo baxay Golaha Khubarada.

    Bayaanka oo la soo saaray Sabtidii isla markaana ay saxiixeen 63 ka mid ah 88 xubnood ee Golaha Khubarada ee Iiraan, ayaa loogu baaqay in laga aarguto dilkii Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo fatwo Muslimiinta ugu baaqay inay dilaan Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu haddii ay fursadda helaan.

    Codsiga, oo la gudbiyay 27-ka Luulyo, ayaa waxaa bilaabay "barayaal jaamacadeed, seminaarro, iyo dad heer sare ah," ayaa ururiyay in ka badan 25,000 oo saxiix markii warkan la isku soo ururiyay.

    Isla markii la sii daayay bayaankan, Madaxweynaha Iiraan Masoud Peshkeskian wuxuu la kulmay dhowr ka mid ah madaxda diinta iyo culimada ugu waaweyn dalka intii uu ku guda jiray safarkiisa Qom, isagoo muujiyay walaaciisa ku aaddan waxa uu ugu yeeray "dadaallada qaar ee ka socda gudaha iyo dibadda dalka si loo waxyeeleeyo midnimada qaranka iyo isku xirnaanta, iyo sidoo kale in la carqaladeeyo geeddi-socodka heshiisyada".

    Markii hore waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taaganayd Golaha khuburada Iiraan oo ah hayadda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan.

    Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    Fatwada ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Muslimiinta inay dilaan labada hoggaamiye haddii ay fursad u helaan.

    Si kastaba ha ahaatee, maamulka Golaha Khubarada ayaa ku tilmaamay fatwadan “mid aan caadi ahayn”, iyagoo sheegay in waxa ku qoran ay u baahan yihiin dood iyo falanqeyn dheeraad ah.

    Fatwadan oo ay soo saareen xubno mayal adag ayaa lagu daray warqad loo diray shacabka Iiraan. Warqaddaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tehran aysan ahayn inay oggolaato furitaanka Marin-biyoodka Hormuz ama in barnaamijkeeda nukliyeerka lagaga hadlo wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka.

  5. Inaad labo jeer cadeysato maalintii ma wanaagsana, sababta ogow

    Dhammaanteen waxaan u maleyneynaa inaan naqaanno sida loo cadaydo ilkaheenna - xoqid subax iyo habeen, biyo ku raaci iyo laga yaabee isticmaalka af-dhaq ka sameysan nacnaac oo qiyaas wanaagsan ah.

    Laakiin sida ay qabaan khubarrada ilkuhu, xitaa dadka cadeysiga aadka ugu dadaala waxaa laga yaabaa inay samaynayaan khaladaad yar oo dib u dhigaya shaqadooda wanaagsan.

    Dr Praveen Sharma, oo ka tirsan dugsiga cilmiga ilkaha ee jaamacadda Birmingham, ayaa sheegay in kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool UK uu mar uun ku dhici doono cudurka cirridka iyo calaamadda hore ee cirridka oo dhiig baxaya.

    "Haddii cirridkaagu uu dhiig baxayo ama bararayo waa calaamad ku tusineysa inaad u baahan tahay inaad si fiican u cadayato," ayuu yiri.

    Iyo sidoo kale booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha, halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa afar shay oo isaga iyo daadiheyeyaasha barnaamijka What's Up Docs ee BBC Dr Xand iyo Dr Chris van Tulleken, ay ku sheegeen in qaar badan oo naga mid ah ay hadda khaldan yihiin kuwaas oo haddii aan beddelno hagaajin kara caafimaadka ilkaheenna.

    Inaad mar qura si fiican u cadeysato ayaa ka wanaagsan inaad labo jeer dhaqso u cadeysato.

    aa mid ka mid ah amarrada dhanka ilkaha ee weyn - cadayashada laba jeer maalintii - taasina waa waxa waaxda caafimaadka UK ee NHS ay ku talinayso.

  6. War deg deg ah, Hindiya oo Taaliban-ka Afghanistan garab istaagtay, kadib duqeymihii Pakistan

    Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa lagu cambaareeyay duqeymihii dhinaca cirka ee Pakistan ay habeenkii Axadda ka fulisay Afghanistan.

    Bayaanka oo la soo saaray 29-kii Juun ayaa ku tilmaamay weerarrada Pakistan "gardarro cad iyo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Afghanistan," iyadoo la sheegay inay ku dhinteen dad rayid ah oo badan.

    Pakistan ayaa sheegtay in habeenkii Axadda, iyadoo ku salaynaysa waxa ay ku tilmaantay "xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo," ay ciidamadeedu beegsadeen saddex goobood oo ay ku sugnaayeen kooxaha Jamaat-ul-Ahrar iyo Tehreek-e-Taliban Pakistan ee gobollada Paktika, Paktia iyo Kunar ee Afghanistan, ayna ku dileen 25 dagaalyahan.

    Hase yeeshee, afhayeen u hadlay Dowladda Taliban ee Afghanistan ayaa ku eedeeyay militariga Pakistan inay duqeeyeen goobo ay ku nool yihiin dad rayid ah, taasoo sababtay dhimashada 36 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyo dhaawaca 163 kale. Taliban waxay ku doodaysaa in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen rayid.

    Sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya:

    "Hindiya waxay tacsi u diraysaa qoysaska reer Afghanistan ee waayay ehelladooda, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada inay si degdeg ah u bogsadaan."

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hindiya ay mar kale xaqiijinayso taageeradeeda aan leexleexashada lahayn ee madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Afghanistan.

  7. War deg deg ah, Qarax khasaare gaystay ayaa ka dhacay jasiiradda iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Qarax bam ayaa ka dhacay bartamaha boqortooyada yar ee ku taalla badda Mediterranean-ka ee Monaco, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin maalqabeenka u dhashay Ukraine ee Vadim Ermolaev, lammaanihiisa iyo ilmo 13 jir ah. Labada qof ee waaweyn ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin xaalad halis ah.

    Booliiska ayaa baadi-goobaya qof looga shakisan yahay inuu boorso dhabarka lagu qaato, kaga tagay afaafka hore ee dhisme la deggan yahay wax yar ka hor qaraxa.

    Mr. Ermolaev waxaa saaran cunaqabateyn ay soo rogtay Ukraine, waxaana la xayiray hantidiisa sababo la xiriira xiriirka ganacsi ee uu la leeyahay Ruushka.

    Waxa uu ka mid ahaa maalqabeennadii reer Ukraine ee u qaxay deegaanka xeebaha Faransiiska ee French Riviera ka dib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

  8. War deg deg ah, Ku-xigeenkii Arrimaha Siyaasadda ee Ciidanka Badda Iiraan oo geeriyooday

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Mohammad Akbarzadeh, oo ahaa ku-xigeenka sarkaalka arrimaha siyaasadda ee Ciidanka Badda ee IRGC, uu ku dhintay shil baabuur.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee IRNA, shilku wuxuu dhacay markii baabuurkii uu la socday Mr. Akbarzadeh uu rogmaday isagoo marayay mid ka mid ah waddooyinka u dhexeeya gobollada Yazd iyo Kerman.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in Mr. Akbarzadeh loo qaaday xarun caafimaad, balse uu u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray shilka.

  9. War deg deg ah, Cudurka Ebola oo laga cabsi qabo inuu faafo

    Isu imaatinnada waaweyn ayaa laga mamnuucay caasimadda Kinshasa iyo saddex gobol oo ku yaalla waqooyiga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, sababo la xiriira cabsi laga qabo in cudurka Ebola uu ku faafo halkaas.

    Faafitaanka cudurka ayaa illaa hadda ku koobnaa waqooyi-bari dalka, balse maalmahan dambe waxaa kordhay tirada dadka uu cudurku ku dhacayo.

    Mas'uuliyiintu waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan in cudurku gaaro Kinshasa, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 18 milyan oo qof.

    Hase yeeshee, siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka Kongo ayaa ku doodaya in ujeeddada dhabta ah ee mamnuucidda isu imaatinnada ay tahay in lagu hor istaago dibadbax siyaasadeed oo la qorsheeyay inuu dhaco toddobaadka soo socda.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Toogasho ka dhacday Jarmalka oo dad ku dhinteen

    Booliiska dalka Jarmalka ayaa sheegay in laba nin iyo afar haween ah oo ku dhintay weerar toogasho oo ka dhacay magaalada Stade ee waqooyiga dalkaas ay ahaayeen shaqaale ka tirsan xarun daryeelka iyo taageerada dhallinyarada.

    Booliisku wuxuu sheegay in ninka looga shakisan yahay weerarka, oo la xiray, uu ku lug lahaa muran sharci oo la xiriiray mas’uuliyadda daryeelka gabadhiisa oo saddex bilood jir ah.

    Gabadha yar iyo hooyadeed ayaa ku sugnaa dhismaha xilliga uu weerarku dhacay, hase yeeshee wax dhaawac ah ma soo gaarin.

    Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in laba qof oo kale su’aalo lagu weydiinayo dhacdada, iyadoo baaritaanku weli socdo.

  11. War deg deg ah, Iiraan oo si adag ugu jawaabtay madaxweynaha Faransiiska

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, isagoo sheegay in Iiraan oo keliya ay mas’uul ka tahay miino-baarista marin-biyoodka Hormuz, isla markaana aan dal kale loo oggolaan doonin inuu ka qayb qaato hawshaas.

    Qoraal uu ku daabacay barta X, Gharibabadi wuxuu sheegay in, sida uu dhigayo Heshiiska Isfahamka Islamabad, Iiraan oo keliya ay leedahay awoodda miino-baarista, mabda’ ahaanna aan la oggolaan karin faragelin shisheeye.

    Wuxuu ku tilmaamay xaaladda taagan mid xasaasi ah oo adag, isagoo uga digay Faransiiska inuusan hadalladiisa iyo tallaabooyinkiisu sii hurin xiisadda jirta.

    Dhanka kale, Madaxweyne Macron ayaa dhawaan, intii uu arrimaha amniga kala hadlayay Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq, sheegay in Faransiisku uu la shaqayn doono xulafadiisa si loo miino-baaro marin-biyoodka Hormuz loona sugo ammaanka marinnada maraakiibta.

  12. Muhaajiriinta Koonfur Afrika ku nool oo cabsi wajahaya, xilli loo qabtay Talaadada berri ah

    Kumannaan muhaajiriin ah ayaa isku dayaya inay ka baxaan dalka Koonfur Afrika ka hor xilli kama dambays ah oo aan rasmi ahayn, kaas oo ay u qabteen kooxo ka soo horjeeda soo galootiga.

    Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa isugu yimid xeryo ku-meel-gaar ah oo loo diyaariyey inay fududeeyaan ka bixitaanka dalka. Waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan rabshado ka dhasha dibadbaxyo ballaaran oo la qorsheeyay inay dhacaan maalinta Talaadada.

    Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa sheegay inay dalka kaga tageen lammaanayaashooda u dhashay Koonfur Afrika iyo carruurtooda yaryar.

    Boqolaal qof ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dib loogu celiyay dalalkooda iyagoo raacay duulimaadyo loogu talagalay dib u celinta muhaajiriinta. Sidoo kale, dad badan ayaa isugu soo baxay qunsuliyadaha dalalkooda si ay uga codsadaan in laga caawiyo dib ugu laabashada waddamadooda.

    Ciidamo amni oo aad u badan ayaa la geeyay meelo kala duwan ka hor dibadbaxyada la filayo, halka Madaxweynaha Cyril Ramaphosa uu ugu baaqay shacabka inay isdejiyaan.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxo ay durba bilaabeen inay dadka ka dalbadaan inay soo bandhigaan dukumentiyadooda aqoonsiga iyo socdaalka.

    Dibadbaxayaasha ayaa ku doodaya inay doonayaan in dowladda ay si adag wax uga qabato socdaalka sharci darrada ah, iyagoo ku andacoonaya in muhaajiriintu ay shaqooyinka ka qaadanayaan muwaadiniinta Koonfur Afrika.

  13. War deg deg ah, Kooxaha hubeysan ee Iiraan ay taageerto oo waqti kooban loo qabtay

    Dowladda Ciraaq ayaa siisay kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Iiraan muddo ku eg dhammaadka bisha Sebtembar oo ka dhigan in saddex bilood oo dheeraad ah la siiyay si ay hubka isoo dhiibaan.

    Afhayeen u hadlay dowladda Ciraaq ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib shir jaraa’id oo uu qabtay maanta.

    Ka hor booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq, Ali Fateh Zaidi, ku tagi doono Mareykanka, Washington ayaa cadaadis ku saareysay Baqdaad inay hubka ka dhigto kooxahan.

    Ali Zaidi ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago Maraykanka qiyaastii laba toddobaad gudahood, isagoo ka jawaabaya casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

    Intii uu socday dagaalkii u dambeeyay, qaar ka mid ah kooxahan hubeysan ee Iiraan taageerto, kuwaas oo isku magacaaba “Isbahaysiga Iska-caabbinta” ayaa weerarro ku qaaday xaruumaha Maraykanka ee gudaha Ciraaq.

  14. Wiilka madaxweynaha Uganda iyo warbaahinta oo is wajahaya

    Hay’adda wararka madaxbannaan ee ugu weyn dalka Uganda ayaa sheegtay in aysan weli dib u billaabin howlaheeda, maalin kaddib markii taliyaha ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, uu amar ku bixiyay in la xiro wargeyskeeda, idaacaddeeda iyo telefishankeeda.

    Maareeyaha guud ee hay’adda, Susan Nsibirwa, ayaa BBC-da u sheegtay in wargeysku uusan weli dib u soo bixin, halka idaacadda iyo telefishankuna ay wali xiran yihiin, kaddib markii ciidamada ammaanku ay xireen xafiisyada shirkadda ee ku yaalla magaalada Kampala.

    Waxay sheegtay inay weli ku sugan tahay meel qarsoodi ah, sababo la xiriira hanjabaado loo geystay, inkastoo qaar ka mid ah shaqaalihii la xiray la sii daayay habeenkii Axadda.

    Shirkaddu waxay sheegtay inay sugayso war dheeraad ah oo ka yimaadda mas’uuliyiinta, kaddib markii hay’adda dowladda u qaabilsan nidaaminta warbaahinta ay sheegtay inay baaritaan ku waddo go’aanka lagu xiray xarumaha warbaahinta.

  15. Maxaa ka jira in Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya uu ku lug yeeshay falal ka soo horjeeda amniga iyo xasilloonida Kenya ?

    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa beeniyay warar dhawaan la baahiyay oo sheegayay in laga celiyay garoonka diyaaradaha Joma kenyatta ee magaalada Niarobi, iyadoo loo sababay arrimo kala duwan.

    War qoraal ah oo u uku baahiyay bartiisa Facebook, ayu uku sheegay in wararka laga baahiyay ay yihiin kuwo been abuur ah oo runta ka fog.

    “Waxaan ka warqabaa eedeymaha lagu faafinayo baraha bulshada ee la xiriira safarkaygii dhowaan aan ku tegay Jamhuuriyadda Kenya. Waxaan si buuxda u diidayaa eedeymahaas. Waa kuwo been abuur ah, sal iyo raad aan lahayn, isla markaana aan wax caddeyn ah lagu hayn” ayuu yiri Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanu ku lug yeelan falal liddi ku ah amniga iyo midnimada dhuleed ee dalka Kenya. Qoraalka uu baahiyay ayu uku yiri:“Marnaba kuma lug yeelan wax fal ah oo lagu wiiqayo amniga, madaxbannaanida, xasilloonida ama midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Kenya ama Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan mar walba gudanayay waajibaadkayga qaran anigoo si buuxda u ixtiraamaya sharciga, nabadda gobolka iyo xiriirka wanaagsan ee derisnimo,”.

  16. War deg deg ah, Degdeg: TDegdeg:Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Venezuela oo korortay

    Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Venezuela, Jorge Rodríguez, ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dhulgariirradii dhacay toddobaadkii hore ay kor u dhaaftay 1,700 oo qof.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay telefishinka dowladda, Rodríguez wuxuu sheegay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhaawacmeen musiibada, halka tobannaan kun oo qofna weli la la’yahay.

  17. Aqalka Cad: witkoff iyo Rubio ayaa maanta warbixin Congress-ka ka siinaya arrinta Iran

    Steve witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Donald Trump iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa maanta Congress-ka warbixin ka siin doona heshiiska Iran.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in warbixinta lagu siin doono Aqalka iyo Senatka dhanka taleefanka.

    Donald Trump ayaa maanta ku dhawaaqay in Mareykanka iyo Iran ay ku kulmi doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar maalinta Talaadada ah, kadib codsi ka yimid Tehran.

    Wax yar ka dib, Aqalka Cad ayaa sheegay in Steve witkoff iyo Jared Kushner, oo ah wakiilada sare ee Mr. Trump, ay u safri doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si ay wadahadallada uga dhacaan.

    Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, wada xaajoodyo farsamo ayaa sidoo kale ka dhici doona dhinaca wadahadallada heerka sare ah iyadoo ay joogaan wakiillada sare ee Donald Trump.

    Tehraan wali kama aysan jawaabin warka, laakiin ka hor inta uusan Donald Trump soo saarin kulanka Talaadada ee Qatar, Kazem Gharibabadi, oo ah madaxa kooxda wadahadalka farsamada ee Iran, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta qaarkeed qortay oo ku saabsan qorshahan.

  18. Dowladda Ciraaq ayaa u qabatay kooxaha taabacsan Iran saddex bilood inay hubka ku dhigaan

    Dawladda Ciraaq ayaa u qabatay kooxaha hubaysan ee Iran ku siyaasadda ah ilaa dhammaadka Sebtembar (saddex bilood oo kale) si ay u dhigaan hubka.

    Afhayeenka dawladda Ciraaq ayaa warkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta qabtay.

    Ka hor booqashada Cali Zaidi, Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq, uu ku tagayo Mareykanka, Washington waxay ku cadaadisay Baqdaad inay hubka ka dhigto kooxahan.

    Zaidi ayaa u safri doona dalka Mareykanka muddo labo todobaad gudahood ah kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Donald Trump.

    Dagaalkii ugu dambeeyay, qaar ka mid ah kooxahan hubaysan ee u dhow Iran, oo isku magacaabay "Axis of Resistance," ayaa weeraray danaha Maraykanka ee Ciraaq.

  19. Reuters: Wadahadallada farsamo ee Iran iyo Maraykanku oo ka dhici doona Doha maalmaha soo socda

    Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka ayaa u sheegay Reuters in kooxaha farsamada ay hadda ka shaqeynayaan hab lagu hirgelinayo heshiiska is-afgaradka, waxaana la qorsheeyay inay ku kulmaan Doha maalmaha soo socda.

    Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, dhexdhexaadiyayaashu waxay sameeyeen waddooyin isgaarsiineed si loo yareeyo xiisadaha loogana hortago dhacdooyinka suurtagalka ah, wadahadallada farsamada ayaa sidoo kale la filayaa inay sii socdaan.

    Hadda, Kazem Gharibabadi, oo ah madaxa kooxda gorgortanka farsamada ee Iiraan oo ku sugan Cumaan, ayaa ku dhawaaqay in la qabanayo shirkii ugu horreeyay ee wadajirka ah ee Guddiga Marinka Hormuz ee labada dal ku yeelanayaan Muscat.

  20. Tirada dadka ku dhintay weeraradii Pakistan oo korortay

    Waxaa korortay tirada dadka ku geeriyooday weerarrada ay geystay Pakistan.

    Pakistan waxay sheegtay in habeenkii Axadda, iyada oo ku salaynaysa waxa ay ku tilmaantay "xog sirdoon oo la hubo", ciidamada Pakistan ay dileen 25 dagaalyahan kadib markii ay beegsadeen saddex goobood oo lala xiriiriyay Jamaat-ul-Ahrar iyo Tehreek-e-Taliban Pakistan ee gobollada Paktika, Paktia iyo Kunar.

    Ha yeeshee afhayeen u hadlay Taliban, ayaa ku tilmaamay hawlgalkaas mid "fulaynimo ah" iyo "arxan-darro", isagoo ku eedeeyay in duqeymaha cirka ee ciidamada Pakistan ay beegsadeen goobo ay rayidku deggan yihiin, taasoo sababtay dhimashada 36 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka 163 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Pakistan waxay sidoo kale sheegtay in weerarradan ay sababeen in la burburiyo hub iyo rasaas tiro badan, oo lagu kaydiyay xarumaha ay ku sugnaayeen kooxaha hubeysan.

    Bayaan lagu daabacay barta X oo uu habeenkii Axadda soo dhigay Atta Tarar, Wasiirka Federaalka ee Warfaafinta iyo Baahinta ee Pakistan, ayaa lagu sheegay in kadib dhacdooyinkii la xiriiray xagjirnimada ee Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, iyo weerarkii lagu qaaday xero ay lahaayeen Pakistan Rangers ee Karachi habeenkii Sabtida, la beegsaday xeryo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan Jamaat-ul-Ahrar iyo kooxda loo yaqaan Fitna-ul-Khawarij ee ku yaallay deegaannada xuduudda u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan, iyadoo la fuliyay laba hawlgal oo kala duwan oo si sax ah loo qorsheeyay.

    Sidoo kale akhri