You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Nairobi oo maanta xiran, suuqa Islii oo badi aan la furin iyo dadka oo guryaha ugu jira cabsi daraadeed

Dareenkan ayaa dhashay ayadoo laga baqayo in mudaaharaadyada mucaardku ku baaqeen ay rabshado ka dhashaan

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Cirro oo ku soo laabtay Hargeysa kadib safarkii Israa'iil

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Hargeysa, kadib safar toddobaad qaatay oo uu ugu maqnaa Israa'iil.

    Madaxweyne Cirro ayaa si weyn loogu soo dhaweyay Hargeysa, iyadoo muddadii uu joogay Israa'iil uu la kulmay madaxda Israa'iil, waxaana uu goob joog ka noqday safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada Qudus.

  2. War deg deg ah, Mareykanka oo sii wada hanjabaadaha Iiraan ku wajahan

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in cunaqabataynta ee 60-ka maalmood ah ee lala galay Iiraan uu yahay tallaabo ku meel gaar ah, isla markaana Maraykanku rajaynayo in Iiraan ay fulin doonto ballanqaadyadii ay ku gashay heshiiska.

    Sida ay qortay BBC Urdu, isaga oo warfidiyeennada kula hadlayay magaalada Kuwait, Marco Rubio ayaa sheegay in haddii Iiraan ay ku guuldarraysato inay fuliso ballanqaadyadeeda, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu haysto xulashooyin badan oo ay ka mid noqon karto dib u soo celinta cunaqabataynta.

    Wuxuu yiri: “Ma sheegayo inay tani si dhab ah u dhici doonto, balse madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu dib u soo rogo cunaqabataynta.”

    Marco Rubio ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan ay ballanqaadyo cad samaysay intii lagu jiray wada-hadalladii ka dhacay dalka Switzerland, isla markaana Madaxweyne Trump uu si cad u sheegay in ay muhiim tahay in ballanqaadyadaas la ilaaliyo.

    Wuxuu intaas ku daray in haddii Iiraan ay fuliso ballanqaadyadeeda, horumarka wada-hadalladu uu sii socon doono. Haddii kale, Maraykanku wuxuu leeyahay ikhtiyaarro kale oo uu xaaladda wax uga qaban karo.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo war cusub ku dhawaaqday iyo Trump oo hanjabaad cusub diray

    Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa “u qoondeeyay maraakiibta marin cusub oo ay uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz.”

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in marinka keliya ee loo oggol yahay maraakiibta inay isticmaalaan marka ay marayaan Marin-biyoodka Hormuz uu yahay kan ay Iiraan ku dhawaaqday. War-saxaafadeedkooda ayaa lagu sheegay in maraakiibtu ay ku safraan “Kanaalka 16-aad “isla markaana ay xiriir joogto ah la yeeshaan ciidamada Iiraan.

    Waxaa xusid mudan in dalka Cumaan uu shalay ku dhawaaqay inuu furay marin-badeed cusub si gaadiidka maraakiibtu ugu gudbaan Marin-biyoodka Hormuz si fudud oo degdeg ah. Hase yeeshee, bayaanka Ilaalada Kacaanka ma caddayn in marinka ay ka hadlayaan uu yahay isla marinka cusub ee Cumaan ku dhawaaqday iyo in kale.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in “Iiraan ay u xaqiijisay Maraykanka inaan wax canshuur ah, kharash caymis ah, ama lacag kale oo nooc kasta ah laga qaadin maraakiibta maraya Marin-biyoodka Hormuz.”

    Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii xogtaas ay noqoto mid aan sax ahayn, wadahadallada si degdeg ah loo joojin doono.

    Sii akhri wararka kale:

  4. Muxuu ka cabsadaa hugaamiyaha Taliban?

    Hogaamiyaha xukuumadda Taliban ee waddanka Afghanistan kaas oo ay u aqoonsan yihiin inuu yahay ‘Amiir al-Mu’minin’, ayaan lagu arag banaanada iyo warbaahinta intaba. Wax khudbado ah kama sii daayo telafishanada, balse codad uu leeyahay ayaa marar badan lagu baahiyay warbaahinta.

    Sida caadiga ka ah dunida, nolosha iyo dabciga hugaamiyeyaasha ayaa laga sameeyaa barnaamijyo qaarkood yihiin dokumentariyo.

    Si kastaba wax xog ah lagama hayo hugaamiyaha Taliban oo lag magacaabo Mawlanaa Hibatullah Akhundzasa, noloshiisa iyo kulamada uu galo intaba.

    Hogaamiyahaan sidiisaba lama kulmo wariyaasha, taas ayaana ah sababta warbixintaan ay ugu tiirsanaan doonto xog aan ka helnay dad la kulmay, si joogto ahna wali ula kulma.

    Ugu yaraan 10 qof ayana ku wareysanay warbixintaan. Saddex kamid ah ayaa ah culimo diineed oo ka soo kala jeeda magaalooyin lagu kala magacaabo Paktia, Zabul iyo Pasktika. Sidoo kale waxaa kamid ah wadaad kale oo sheegay in ay is yaqaaneen Akhundzara tan markii ugu horeysay ee uu xil u qabto Taliban.

    Sidoo kale waxaa kamid ah kuwa sheegay in ay dhaliilaan nidaamyada ninkaan.

    Wax caadi ah dunida in hugaamiyaasha dunida ay ku noolaadaan nolol casri ah ama ugu yaraan waxa ugu fiican eee markas la heli karo. Balse ku dhawaad 10 kii qof ee aan la hadalnay waxay isku raaceen in hugaamiyaha Taliban u uku noolyahay nolol caadi ah oo dhaldhalaal lahayn marka loo barbar dhigo tan hugaamiyaasha caalamka.

  5. Cuntooyinka madaxweynaha Uganda ka caawiyay inuu iska rido 30 kiilo

    Cunto ka kooban xidiidka loo yaqaanno kasaafada, bataatiga iyo khudaarta dabiiciga ah ayaa ka caawiyay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni , inuu iska rido miisaan dhan 30 kiilo, sida uu isaga qudhiisa u sheegay BBC-da.

    "Aniga mar walba caafimaadkeygu wuu fiican yahay, laakiin dhakhaatiirka ayaa soo saaray khaladaadka ka dibna waxaan go'aansaday inaay culeyska iska dhimo", ayuu yiri Mr Museveni.

    Hoggaamiyahan 75 jirka ah ayaan markii hore la soconin culeyskiisa oo gaaray ilaa 106 kiilo.

    Wuxuu beeniyay qoraallo faallo ahaan looga bixiyay baraha bulshada, oo lagu sheegayay "inuu daal ka muuqdo", isagoo sheegay inuu xoogaa iscaateeyay kaliya.

    Bartiisa shakhsi ahaaneed ayuu bishii lasoo dhaafay ku yiri: "Waxaan isku fasaxay cayil jirka oo dhan iga galay, sababtoo ah dhakhaatiirku iima sharrixin inuu dhibaato keenayo ama in loo baahnaa in cayilka lala dagaallamo".

    Wuxuu intaas ku daray in hadda miisaankiisa uu yahay 76 kiilo, kaasoo ku habboon dhirirkiisa oo ah 5ft 7in (170cm).

    Hase ahaatee Mr Museveni ma uusan sheegin muddada ay ku qaadatay inuu iska rido 30 kiilo.

    "Waxaan cunaa xoogaa xididka kasaafada ah, sababtoo ah ma cuno raashinkiinna Yurub iyo kuwa Aasiya toona. Waxaan cunaa raashinkeenna sida; kasaafada, mooska, misirta iyo khudaarteenna dabiiciga ah", ayuu yiri Mr Museveni oo u warramayay BBC-da.

  6. Kuleyl daran oo ka jira qeybo kamid ah Yurub oo la filayo inuu sii socdo

    Mowjad kulayl daran oo muddooyinkan ka jiray qaybo ka mid ah Yurub ayaa la filayaa inay sii socoto maalinta Khamiista. Hay’adda saadaasha hawada ee Faransiiska ayaa mar kale ka digtay in heerkulku gaari doono ama ka badan doono 40°C meelo ka mid ah bartamaha iyo waqooyiga dalka.

    Heerkulka laga diiwaangeliyey Faransiiska maalintii Arbacada ayaa noqday kii ugu sarreeyey ee abid la diiwaangeliyo, halka Ingiriiskuna laga diiwaangeliyey heerkulkii ugu sarreeyey ee bisha Juun.

    Midowga Ururrada Shaqaalaha Yurub ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inuu hirgeliyo tallaabooyin shaqaalaha siinaya xaq ay ku qaadan karaan fasax yar inta lagu jiro maalmaha kulaylka daran, iyada oo aan wax mushahar ah laga jarayn.

    Waddamada Galbeedka iyo Bartamaha Yurub oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska,Spain iyo Faransiiska ayaa soo saaray digniino casaan ah oo la filayo in kulayl kale uu dhaco iyo suurtagalnimada in heerkulku uu dhaafo 40 darajo Celsius.

    In ka badan kala bar dalka Faransiiska ayaa hadda ku jira feejignaan heer sare ah oo la xiriirta cimilada, waxaana boqolaal iskuul lagu amray in la xiro.

    Heerkulka ugu sarreeya ee abid laga diiwaan geliyo dalka Faransiiska, ayaa lagu qiyaasay 44.3 darajo Celsius, waxaana laga diiwaan geliyay gobolka Pésos, halka maalmihii u dambeeyay la xaqiijiyay in ugu yaraan 40 qof ay ku qaraqmeen xilli ay ku dabaalanayeen meelaha qaar oo aanay jirin wax kormeer ah.

    Wasiirka Isboortiga iyo Dhallinyarada ee Faransiiska Marina Ferrari ayaa u sheegtay raadiyaha Faransiiska: "Dabaasha inta lagu jiro kulaylka meelaha aysan ka jirin nidaam ilaalin ma ahan arrin fudud."

    Ferrari ayaa intaa ku daray in dad badan ay ku qulqulayeen wabiyada iyo kanaalada si ay u qaboojiyaan kuleylka iyada oo aan la qiimeynin khatarta ka iman karta.

  7. Ebolihii Congo ka dilaacay oo gaaray dal Yurub ah

    Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inay xaqiijiyeen inuu cudurka Ebola ka dillaacay dalkaas, ka dib markii dhakhtar ka soo laabtay shaqada samafalka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) uu ku dhacay cudurka.

    Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in dhaqtarkaas loola cararay isbitaal gaar ah, xaaladdiisuna ay haatan wanaagsan tahay.

    Kani waa kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay ee Ebola ee Yurub.

    Si kastaba ha ahaatee, dhakhtar Mareykan ah oo cudurkan ugu dhacay dalka DRC ayaa mar lagu daweeyay Jarmalka.

    Uganda ayaa sidoo kale xaqiijisay inuu cudurkan ka dilaacay, iyadoo la soo sheegay 20 kiis oo cudurka ah, oo ay ku jiraan laba dhimasho ah.

    Cudurkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu dib ugu soo laabtay DR Congo bishii hore, laakiin khubaradu waxay qiyaaseen inuu bilaabay inuu faafo xitaa ka hor inta aan la shaacin cudurka.

    In ka badan 260 qof ayaa cudurka ugu dhintay DR Congo halka in ka badan 1,000 qof uu soo ritay gudaha dalkaas.

    Mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin wax khatar ah oo la xiriira in fayrasku ku faafo dadweynaha guud ahaan.

    Waxay sidoo kale sheegeen inay sii wadaan dabagalka qof kasta oo la xiriira dhakhtarka si looga hortago faafitaanka cudurka, kaas oo si sahlan la isugu gudbin karo dididka, gaar ahaan shaqaalaha caafimaadka.

    Sidoo kale akhri

  8. Maraykanka oo qorsheynaya in uu cunaqabteynta ka qaado Eritrea xiriirna la yeesho

    Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, isla markaana dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Asmara, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.

    Eritrea waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, kaddib markii ay taageertay maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

    Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.

    Ka dib sanado badan oo cilmi baaris ah oo ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo Eritrea, kooxda baarista Qaramada Midoobay ma helin cadeymo lagu qanci karo cunaqabateynta Eritrea ee 2009 ee taageerada maleeshiyada al-Shabaab.

    Waxay ku eedaysay Maraykanka oo markaa u madax ka ahaa Obama inuu wado olole dublamaasiyadeed oo uu ku doonayo "in Eritrea loogu ciqaabo siyaasad madax-bannaan oo dibadda ah."

    Sidoo kale, bishii February 2017, Maraykanku wuxuu cunaqabatayn u gaar ah ku soo rogay ciidamada badda ee Eritrea, taasoo ka careysiisay dowladda Eritrea.

    "Waa tallaabo dheeraad ah oo aan la fahmi karin oo aan macquul ahayn... waa ciyaar duug ah oo aan sharci ahayn," ayay yiri Eritra.

    Bishii Maarso 2021, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay cunaqabatayn fiisaha ah oo ka dhan ah saraakiisha hadda joogta iyo kuwii hore ee dawladda, xubnaha ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaad uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin ciidamada gobolka Tigray ee Itoobiya.

  9. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

    Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.

    Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?

    Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.

  10. Mareykanka oo matoorada diyaaradaha dagaalka ka iibinaya Turkiga

    Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu horey u sii wado iibinta tobanaan matoorada diyaarado loo dirayo dalka Turkiga, kuwaas oo qiimahoodu dhan yahay boqolaal milyan oo doolar, in kasta oo ay jiraan diidmo ka yimid xubno ka tirsan Koongareeska Mareykanka, sida ay sheegeen afar ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan maalintii Arbacada, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Ankara, ka hor shir-madaxeedka NATO ee halkaas ka dhici doona bisha soo socota.

    Matooradan oo ay soo saartay shirkadda General Electric (GE.N), ayaa awood siin doona diyaaraddii ugu horreysay ee dagaalka oo uu Turkigu isagu gudihiisa farsameeyo oo la yiraahdo KAAN, waana mashruuc weyn oo la bilaabay sannadkii 2016-kii, kaas oo qayb ka ah dadaallada dalka Turkiga oo xubin ka ah NATO ku doonayo inuu ku noqdo mid isku filan dhanka gaashaandhigga.

    Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xirmadan ay ku kacayso lacag ka badan $700 oo milyan.

    Turkiga iyo Mareykanka ayaa guud ahaan xiriirkkoodu aad u wanaagsanaa xilligii Trump, kaas oo si joogto ah u ammaanay Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan.

    Si kastaba ha ahaatee, xiriirkooda waxaa xoogaa wiiqay is-mari-waa muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan go'aan kii Washington ay Turkiga kaga saartay barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee dhuumanaya ee F-35, ayna ku soo rogtay cunaqabatayn ka dib markii Ankara ay soo iibsatay nidaamka difaaca hawada ee S-400 oo uu Ruushka sameeyo, kaas oo Mareykanku sheegay inuu khatar ku yahay amniga.

    Markii la weydiiyay maalintii Arbacada matoorada diyaaradaha, barnaamijka F-35, iyo qorshihiisa ku aaddan shir-madaxeedka Ankara, Trump ayaa yiri: "Waxaan u badan tahay inaan sameeyo wax iyaga ay aad uga farxin doonaan."

    Sidoo kale akri

  11. Hadii aad iskaabulanimo ku gaarto 35 sano khatartan wayn ayaad wajahaysaa

    Ragga go’aansada in ay aabbeyaal noqdaan marka ay da’dooda dhaafto 35 sano ayaa wajahaya suurtagalnimada in ay dhalaan carruur dhicis ah ama qaba cudurka ilmaha maskaxdooda waxyeelleeya ee loo yaqaanno “autism”.

    Taas waxaa sii dheer in sanad walba sanadka kasii dambeeya ay raggan kasii yaraanayso awoodda shahwada iyo tiradeedaba, haddii aysan guursan.

    Arrimahan waxaa lagu ogaaday daraasado badan oo la sameeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa daraasadahaas ka mid ah mid ay soo saartay Jaamacadda Caafimaadka ee Stanford, oo ku taalla Mareykanka, taasoo cilmibaaris iyo qiimayn ku samay in ka badan 40 milyan oo carruur markaas dhalatay ah.

    Inkastoo ay yar yihiin dadka ka war qaba xogta ku saabsan taranka bani’aadanka, haddana waxaa war wanaagsan ah in khubaradu ay ku talinayaan in dadka ay baaritaanno sameeyaan marka hore si ay uga hor tagaan khatarta ku imaan karta carruurtooda cusub.

    Dr. Karla Giusti Zacharias, oo ku taqasustay taranka bani’aadanka, xubinna ka ah kooxda caafimaadka ee isbitaalka São Luiz Itaim Hospital ee magaalada São Paulo, ayaa sheegtay inay si joogto ah ula kulanto ragga jecel in ay carruur yeeshaan.

    "Waxaa ii yimid niman kor u dhaafay da’da 50 ilaa 60 sano oo guursaday dumar dhallinyaro ah islamarkaana doonaya in uur loo qaado,” ayay tiri.

    “Su’aasha ay I waydiinayeen waxay ahayd: “maxay tahay khatarta ay la kulmaan ragga iyagoo da’doodu wayn tahay aabbeyaasha noqonaya?.”

    “Sida guud, unugyada taranka ee ragga iyo kuwa dumarka waxay u shaqeeyaan siyaabo kala duwan,” ayay tiri. “Halka ay dumarku ka leeyihiin unugyo taran oo xaddidan, raggu unugyadooda way shaqeeyaan inta ay nool yihiin oo dhan.”

  12. Booliska Kenya oo xiray waddooyinka waaweyn iyadoo laga cabsi qabo banaanbaxyo dhaca

    Booliska ayaa jidgooyooyin iyo baro kontaroolo dhigay meelo badan oo muhiim ah oo laga galo bartamaha magaalada Nairobi, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa ka hor inta aan la qaban munaasabadda xuska Gen Z.

    Gaadiidka Matatuga loo yaqaano ee dadweynaha iyo kuwa kale ayaa laga hor istaagayaa inay soo galaan magaalada, taasoo ah tallaabo sababi karta in dadka safarka ah ay xayirmaan oo sababi karta carqalado waaweyn oo dhanka gaadiidka ah.

    Qaar ka mid ah dadweynaha Kenya, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday toogashada booliska, ayaa qorsheynaya inay sameeyaan dibadbaxyo qaran oo iyadoo la shidayo shumacyo si ay u maamuusaan geesiyaasha ku geeriyooday banaanbaxii weynaa ee gilgilay Kenya sanadkii 2024-kii iyo 2025-kii.

    Ganacsiyada magaalada ayaa inta badan xiran oo ay ku jirto xaafadda Soomaalida ee Eastleigh, iyo faras-magaalaha Nairobi.

    Dibadbaxyadii dhacay Juun 25, 2024 ayaa horseeday inay dadkii dibedbaxayay ay qaarkood gudaha u galaan baarlamaanka waddanka, kuwaas oo qaar la toogtay.

    Dhalinyarada Kenya, oo loo yaqaan Gen Z, ayaa ka soo horjeestay Sharciga Maaliyadda ee soo jeediyay kordhinta canshuurta xad-dhaafka ah, cadaadiska lagu saarayo anshaxa siyaasiyiinta iyo xitaa in xilka laga qaado Madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyeyaasha kale.

    Sannadkii 2025, dadweynaha Kenya waxay u dabaaldegeen sannad-guuradii koowaad ee dibadbaxyada Gen Z, taasoo keentay dhimashada 16 qof oo dheeraad ah oo ka dhashay dhaawacyo rasaas iyo dhaawacyo ka dhashay isticmaalka awoodda xad-dhaafka ah ee booliiska.

    Waa sanadkii labaad ee la qabanayo xuska 25-ka Juun.

    Sidoo kale akhri

  13. Daawo: Markii uu dhulgariir xooggan ku dhuftay Venezuela kaas oo khasaare geystay

    Tirada dadka ku dhintay labo dhulgariir oo ku dhuftay Venezuela ayaa kor u dhaaftay 32 qof.

    Laba dhulgariir oo waaweyn oo ilbiriqsiyo gudahood isku xigay ayaa ku dhuftay caasimadda Venezuela ee Caracas kii hore wuxuu ahaa xooggiisu 7.2, kii labaadna 7.5.

    Dhismayaal ayaa dumay iyadoo dadka degganaa ay waddooyinka u soo baxeen, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu dadka ka codsaday inay guryahooda ka baxaan.

    Hoos ka daawo markii uu dhulgariirku dhacay.

  14. Dagaalka Iiraan: Ninka 'qarsoon' ee qabtay shaqo aan caadi ahayn

    Wasiirka Qatar Ali Al-Zawadi ayaa ka mid ahaa liiska madaxda iyo saraakiisha sarsare ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka 23-kii bishan. Sida laga soo xigtay Trump, hogaamiyayaashan ayaa la siiyay warbixin ku saabsan wada xaajoodka.

    Isla markii lagu dhawaaqay saxiixa heshiiska is-afgaradka ee Washington iyo Tehraan, waxay warbaahintu farta ku fiiqday muhiimadda Pakistan iyo sidoo kale doorka dhexdhexaadinta Qatar, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa wasiirkan Qatar.

    Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah wararka Mareykanka, Ali Al-Zawadi wuxuu u safray Tehran afar jeer 10 maalmood ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska ay garwadeenka ka yihiin Pakistan iyo Qatar.

    Ali Al-Zawadi waxa ay warbaahinta Maraykanka ku tilmaamtay inuu yahay dhexdhexaadiye Qatar ah oo dahsoon oo jecel inuu qabto shaqo la taaban karo halkii uu ka ahaan lahaa nin ciwaannada ka muuqda.

    Ali Al-Zawadi malaha waa tusaalaha ugu wanaagsan ee dublamaasiyadda aamusan ee Qatar. Mar dhif ah ayuu ka soo muuqdaa indhaha bulshada, ma jiraan xog yar oo isaga ku saabsan oo ka baxsan wareegyada dublamaasiyadda, mana laha akoono rasmi ah oo baraha bulshada ah.

    Haddana sannadihii u dambeeyay, Ali al-Zawadi waxa uu u soo baxay in uu yahay shakhsiga ugu saamaynta badan diblomaasiyadda, magaciisana waxa uu inta badan ka soo muuqday marxaladaha muhiimka ah ee wada xaajoodka dagaalka Gaza iyo dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran.

  15. Afar dal oo Yurub ah oo oggol baasaboor Soomaaliga

    Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

    Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay'adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

    Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

    Dadka heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa marka ay dalbadaan dal-ku-galka Talyaaniga waxaa baasaboorkooda si caadi ah loo saaraa fiisaha.

    Dalal badan oo kale ayaa qofka Soomaaliga ah aan baasaboorkiisa ku dhajinin fiisada, iyagoo warqadda caddeynta fiisaha si gaar ah u siiya. Dowladaha sidaas sameeya waxaa ka mid ah UK, inta badan dalalka Yurub, Canada, Australia iyo Mareykanka.

    Waxaa xusid mudan in Talyaaniga uu ka mid yahay gumeysteyaashii Soomaaliya, sidoo kalena yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Soomaaliya.

  16. Trump oo kulan albaabadu u xiran yihiin oo aad u kulul la yeesha Senatarrada Jamhuuriga

    Madaxweyne Trump ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin oo aad u kulul la yeeshay xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, halkaas oo uu si toos ah uga horyimid qaar ka mid ah senetoorrada kadib codbixin Talaadadii dhacday, markaas oo afar xildhibaan oo ka tirsan Jamhuuriga ay ku biireen Dimuqraadiyiinta si ay u canbaareeyaan dagaalka Iiraan.

    Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli maamulka Trump uu weydiisanayo Congress-ka lacag dheeraad ah oo gaareysa siddeetan iyo siddeed bilyan oo doolar oo loogu talagalay dadaallada dagaalka.

    Dhowr ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ayaa sheegay in Mr. Trump iyo Senator-ka xisbiga Jamhuuriga ee xilka ka degaya Bill Cassidy uu dhexmaray muran iyo qaylo.

    Mr. Cassidy ayaa caqabad ku noqday madaxweynaha, isaga oo sheegay in heshiiska hordhaca ah ee uu todobaadkii hore la saxeexday Iiraan aanu xaqiijin midna yoolalkii uu sheegay.

    Trump ayaa weriyayaasha u sheegay ka dib markii uu ka tagay kulanka in aanu jeclayn dad yar oo ka tirsan Jamhuuriga oo uu kala jeedo kuwii codeeyay.

    Sidoo kale akhri

  17. Soomaalida iyo muwaadiniinta dalal kale oo laga mamnuucay inay galaan dal Afrikaan ah

    Dawladda saldhiggeedu yahay bariga dalka Libya ayaa soo saartay amar cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya inay galaan dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Warbixin ay Reuters ka soo xigatay ilo dowladeed ayaa lagu sheegay in go'aankan looga gol leeyahay "in lagu xakameeyo gelitaanka ajaanibta ee Libya."

    Amarka ay soo saartay dowladda Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Benghazi, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sheegay in "muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya laga mamnuucay inay soo galaan dhulka Libya iyagoo adeegsanaya dhammaan marinnada berriga, badda iyo hawada."

    Si kastaba ha ahaatee, amarku wuxuu ka reebayaa xubnaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha iyo qoysaskooda, sidoo kale shaqaalaha ka shaqeeya waxbarashada iyo caafimaadka, haddii ay soo bandhigaan heshiis shaqo iyo rukhsad sharci ah oo ay bixiyeen hay'adaha ay khusayso.

    Dowladda Benghazi ee uu hoggaamiyo Osama Hammad ayaa xulufo la ah taliyaha militariga Khalifa Haftar, kaas oo maamula bariga Libya iyo qaybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka.

  18. War deg deg ah, Madaxweynaha ku-meelgaadh ka ah ee Venezuela Delcy Rodríguez oo dhawaaqday xaalad degdeg ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    Iyadoo ay garab taagan yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Diosdado Cabello iyo walaalkeed Jorge Rodríguez oo ah madaxa Golaha Qaranka, waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.

    Waxay sidoo kale magacawday jeneraal si uu u kormeero howlaha gurmadka degdegga ah.

    Rodríguez ayaa dalka si ku-meelgaadh ah u haysay tan iyo markii madaxweynihii ka horreeyay, Nicolás Maduro, ay ciidamada Mareykanka qabteen Janaayo, loona qaaday New York si loogu maxkamadeeyo eedeymo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

    Khudbadeeda waxay si gaar ah ugu baaqday midnimo shacabka Venezuela.

    Waxay sidoo kale tacsi u dirtay dadka ay ehelkoodu ku dhinteen dhulgariirka, iyadoo aan sheegin tirada dhimashada.

    Garoonka diyaaradaha ee Maiquetía, oo ah kan ugu weyn ee caalamiga ah ee Venezuela, ayaa la xiray kadib markii uu soo gaaray “burbur culus” oo ka dhashay dhulgariirka, sida ay sheegtay Rodríguez.

  19. War deg deg ah, Natiijooyinka kulamadii ugu danbeeyay ee la ciyaaray Koobka Adduunka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Ciyaaraha heerka group-yada ee ugu dambeeyay, Brazil waxay si raaxo leh 3-0 ugu garaacday Scotland, taasoo ka dhigtay hoggaamiyaha group-ka iyadoo leh 7 dhibcood. Morocco, oo goolkii ugu horreeyay ciyaarta ay Haiti ka dhalisay isla markaana ilaa bartamaha qaybta labaad ku ku jirtay barbaro 2-2 ah, ayaa ugu dambayn 4-2 ku badisay, isla markaana sida Brazil oo kale waxay heshay 7 dhibcood.

    Brazil, Vinícius Jr. ayaa laba gool dhaliyay, halka Neymar uu ugu dambayn ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee wareega sideedda.

    Laba tartan ayaa isla mar la qabtay.

    Saacad ka hor, laba ciyaarood oo isku mar ah ayaa lagu ciyaaray Group B, Switzerland ayaa hoggaanka group-ka qabatay kadib markii ay ka badisay Canada, halka Bosnia ay kaalinta saddexaad gashay kadib markii ay ka adkaatay Qatar.

  20. War deg deg ah, “Waxaan mooday in dhismuhu dushayda kusoo dhacayo” weriye ka hadashay xaaladda dhulgariirka

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    “Waa dhulgariirkii ugu xoogga badnaa ee aan nolosheyda ku dareemo,” ayay tidhi weriye la shaqeysa BBC Mundo ah, Nicole Kolster.

    Waxay ku jirtay dabaqa 7-aad ee dhisme dabaqyo ah oo ku yaalla Palos Grandes, bartamaha caasimadda Caracas, markii dhulgariirku billowday.

    “Waxaan arkay daaqadaha oo dhaqaaqaya, waxa keliya ee maskaxdayda ku soo dhacayna waxay ahayd inaan istaago inta u dhexeysa albaabka hore iyo gidaar dhagax ah, kaas oo aan u arkayay inuu aad u adag yahay, si aan isugu dayo inaan is ilaaliyo,” ayay Kolster sheegtay

    Waxay halkaas ku sii nagaatay “muddo fiican,” ilaa ay maqashay deriska oo ku qaylinaya in qof walba uu u dego waddada.

    “Waxaan mooday in dhismuhu igu soo dumayo,” ayay tidhi.