You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Mareykanka oo ka fiirsanaya inuu ciidamadiisa kala soo baxo Sacuudiga

Sacuudiga ayaa muddo ka mid ahaa xulufada Bariga Dhexe ee Mareykanka, waxaase hadda soo baxaya in la isku maan-dhaafay arrimo ku saabsan dagaalka Bariga Dhexe

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Muuse Biixi oo si adag ugu jawaabay Cirro.

    Madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda gooni isu-taageeda ku dhawaaqday ee Soamlialnd, Muuse Biixi, ayaa sheegay in madaxweyne cirro uu hadallo u soo gudbiyay, taas oo uu doonayo inuu ka jawaabo.

    Qoraal uu hadda soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayu uku sheegay inuu madaxweyne Cirro uu shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa ka sheegay inuu Muuse laba jeer ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.

    “Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay”, ayuu yiri.

    “Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey”, ayuu intaa raaciyay.

    “Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:

    "Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd "Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman”, ayu uku yiri qoraalka uu soo dhigay facebook-ga.

    Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan sidoo kale ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa madaxweyne hore Muuse Biixi ku yiri: sidaan “Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa”.

    Sidoo kale akhri

  2. Ma ku dhibban tahay inay dhaqso hurdo ku qabato? tijaabi khiyaanadan ay sameeyaan milatariga. Ka akhri faallada hoose👇🏾

    Hurdo la'aantu waa arrin ay la il daran yihiin malaayiin qof oo adduunka ku nool, kuwaas oo jeclaan lahaa in ay si deg deg ah oo fudud u sexdaan marka ay isku diyaariyaan waqtiga hurdada.

    Dhibtaada hurdo la'aanta iyo tirada dadka ay hayso waa ay kala duwan tahay balse cilmi baaris ayaa lagu sheegay in inta u dhaxeysa 5% illaa 50% dadka adduunka in ay qabaan dhibaatadan.

    Hurdo la'aantu waxay keentay in dad badan ay raadiyaan habab ay si fudud ugu seexdaan, oo ay ku jirto waxa loo yaqaan "hurdada militariga" oo la sheegay inay qofka ku seexan karo laba daqiiqo gudahood.

    Habkaan ayaa caan ka noqdat barta TikTok, halkaas dad badan ay daawadaan muuqallada, dadka ku jira bartaas ayaa sheegay in dhaqse ku hurdeen marka ay sidaas sameeyeen.

    Si kastaba ha ahaatee, khubaro ayaa ka digtay in isticmaalka habkan uu dib u dhigi karo hurdada sabab la xiriirta isku buuq maskaxeed oo qofka ku iman kara, sidaa darteedna khubaradu waxa ay ka digayaan arrintaan inuu qof caadi ah sameeyo, waxa ayse soo jeediyeen habab kale oo qofka isku dayi karo inuu hurdada dhaqse ku helo.

    Waa maxay jadwalka hurdada militariga?

  3. Vance: Trump ma weerari doono Iiraan sabab la’aan

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uusan dooneyn inuu dib u bilaabo howlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, iyada oo aan la helin ujeedo cad oo gaar ah.

    Vance oo Arbacadii la hadlayay wariyeyaasha, ayaa yiri, "Waxa aan xaqiijin karo waa in Madaxweyne Trump uusan dooneynin inuu ciidankeenna dib ugu soo celiyo halkaas, haddii aysan daruuri ahayn."

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka digay in isku day kasta oo Iiraan ay ku doonayso inay dib u soo noolayso barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay khatar geliso maraakiibta ganacsiga ee badda, ay ku qasbi karto Washington inay beddesho istaraatiijiyaddeeda.

    Vance ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in wadahadallada ka socda Doha ay "horumar wanaagsan sameynayaan" wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in maamulka Mareykanka uu sii wado ka qaybgalka wadahadallada "si niyad wanaag ah."

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  4. Axmed Al shara oo magacaabay 70-ka xubnood ee ugu dambeeya ee baarlamaanka cusub

    Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Shara, ayaa magacaabay 70-kii xubnood ee ugu dambeeyay ee baarlamaankiisa, kadib markii uu xilka qabtay Bashar al-Assad.

    Magacaabistan ayaa u gogol xaaraysay in baarlamaanku uu yeesho kalfadhigiisii ​​ugu horreeyay toddobaadka soo socda.

    Xubnaha cusub ee baarlamaanka, 15 ka mid ah waa haween halka 13 kalena ay yihiin dad la xiray xilligii xukunka Bashar al-Assad, kaasoo xukunka laga tuuray 2024.

    Ma cadda inta xubnood ee uu Shara magacaabay ay ka soo jeedaan kooxaha laga tirada badan yahay ee diimeed iyo kuwa qowmiyadaha.

    Bishii Oktoobar, guddiyada doorashada ee gobollada ayaa doortay saddex meelood laba meel Golaha Shacabka ee 210-ka kursi leh, kuwaas oo mas'uul ka noqon doona hawlaha sharci-dejinta inta lagu jiro xilliga kala-guurka.

    Ka dib markii lix musharax oo dumar ah iyo 10 musharax oo ka socda kooxaha laga tirada badan yahay ay ku guuleysteen kuraasta doorashooyinka, saraakiisha doorashada ayaa ku dhawaaqay in Al Shara auu adeegsan doono awoodiisa magacaabista si ay wax uga qabto dheelitir la'aantan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  5. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

    "Beerka digaagga ama ariga oo si fudud loo heli karo waxa uu hodan ku yahay nafaqooyin. Tusaale ahaan, waxa ku jira macdanta 'heme' ah oo badan, taas oo si fudud jirku u nuugo. Waxay hagaajisaa wareegga dhiigga waxayna ka hortagtaa dhiig-yarida," ayuu yiri Dr. Prashant Arun oo ku takhasusay cudurka macaanka.

    Waxa kale oo uu sheegay in fitamiin B12 uu muhiim u yahay samayska unugyada dhiigga cas, caafimaadka ragga, horumarka maskaxda, iyo xusuusta.

    Sida uu qabo Prashant Arun, beerka xoolaha waxa ku jira borotiin tayo sare leh, kaas oo lagama maarmaan u ah dayactirka murqaha isla markaana ka caawiya soo kabashada kadib xanuun.

  6. Ilaa 300 oo qof oo daryeel la'aan caafimaad ugu geeriyooday Qaza

    Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in 15,000 oo qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka ama cudurro halis ah aysan heli karin daaweynta ay u baahan yihiin, halka 300 oo qofna ay geeriyoodeen iyagoo sugayay in caafimaad ahaan looga daadgureeyo Gaza.

    Dalalka qaabila bukaannada ayaa inta badan leh shuruudo gaar ah, waxaana bukaannadu ay tahay inay maraan dhowr baaritaanno oo amni ah, oo ay ku jiraan kuwa ay sameyso Israa'iil, ka hor inta aan loo oggolaan inay baxaan.

    Tirokoobyada ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa muujinaya, in in ka badan 600 oo xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Gaza, ku dhowaad 30 keliya ay si buuxda u shaqeynayaan.

    Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in Israa'iil ay weli xaddidayso gaarsiinta dawooyinka muhiimka ah iyo qalabka caafimaadka, arrintaas oo Israa'iil ay beenisay.

    Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas, ayaa sheegtay in Amina ay ka mid tahay 300 oo Falastiiniyiin ah oo geeriyooday iyagoo sugayay in caafimaad ahaan looga daadgureeyo Gaza tan iyo markii uu billowday xabbad-joojintii ay Maraykanku dhexdhexaadiyeen ee u dhexeysay Israa'iil iyo Xamaas bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

    Kumannaan kale—oo Wasaaradda Caafimaadku ay hadda ku qiyaastay 15,000 oo qof—ayaa weli sugaya in dibadda loogu qaado daaweyn.

    Qaar waxay qabaan dhaawacyo ka dhashay dagaalka, halka kuwo kalena ay la ildaran yihiin cudurro ay ka mid yihiin kansarka.

    Sidoo kale akhri

  7. Ugu yaraan 13 qof oo ku dhintay weerarro culus oo uu Ruushku ku qaaday Ukraine.

    Saraakiisha ku sugan caasimadda Ukraine ayaa sheegay in weerar ballaaran oo ay Ruushku ku qaadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn uu dilay ugu yaraan 13 qof.

    Dhismayaal la deggan yahay, hoteelo iyo xarun ay ku sugan yihiin gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa la beegsaday xalay.

    Madaxa maamulka militariga ee Kyiv, Timur Tkachenko, ayaa ku eedeeyay Moscow inay si ula kac ah u dishay dad rayid ah.

    Wasaaradda Difaaca ee Russia ayaa sheegtay inay qaaday weerar "aad u ballaaran" oo ay ku sheegtay inuu jawaab u ahaa weerarradii ay Ukraine ku qaaday kaabayaasha rayidka.

    Ukraine ayaa toddobaadyadii u dambeeyay xoojisay weerarradeeda ay ku fuliso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, iyadoo inta badan bartilmaameedsata warshadaha sifeynta shidaalka, si ay ugu cadaadiso Ruushka inuu galo wadaxaajood.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  8. "Waa in uu jiraa yool si cad loo qeexay." - Vance

    J.D. Vance, oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Donald Trump, ayaa sheegay in Trump uusan u janjeerin inuu dib u billaabo hawlgallo militari oo ka dhan ah Iiraan, haddii uusan jirin ujeeddo si cad loo qeexay.

    Vance ayaa Arbacadii u sheegay wariyeyaasha:

    "Waxa aan xaqiijin karo waa in Madaxweyne Trump uusan doonayn inuu ciidamadeenna mar kale u diro halkaas, haddii aysan khasab noqon."

    Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in isku day kasta oo ay Iiraan ku doonayso inay dib ugu dhisto barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay beegsato maraakiibta ganacsiga uu ku qasbi karo Washington inay beddesho istaraatijiyaddeeda.

    Vance wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in wada-hadallada ka socda Doha ay "si wanaagsan u socdaan," isagoo xusay in maamulka Mareykanku uu weli wadaxaajoodyada u wajahayo "niyad wanaagsan," sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale akhri

  9. Tartanka hubka: 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika ee ka hooseysa Saxaraha

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

  10. War deg deg ah, Mareykanka iyo Sacuudiga oo la sheegayo in ay isku khilaafeen dagaalka dagaalka Iiraan

    Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday Wall Street Journal, dowladda Mareykanka ayaa ka fiirsanaysa inay yareyso ama dalal kale ugu wareejiso qayb ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Sacuudi Carabiya. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo ay sare u kacayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Riyaad ee la xiriira dagaalka Iiraan iyo khilaafka ka taagan sida loo sugi lahaa ammaanka maraakiibta maraya Marinka Hormuz.

    Warbixintu waxay sheegtay in sanadkii hore, markii in ka badan 100 diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah ay ka duuleen saldhigyo iyo maraakiib dagaal oo ku yaalla Bariga Dhexe si ay qayb uga noqdaan hawlgal lagu ilaalinayay in Marinka Hormuz uu furnaado, hawlgalkaasi uu la kulmay caqabad lama filaan ah. Sacuudi Carabiya, oo saldhigyadeeda iyo hawadeedu muhiim u ahaayeen hawlgalka, ayaa la sheegay inay diidday inay la shaqeyso Mareykanka.

    Sida ay Wall Street Journal u sheegeen saraakiil Mareykan ah oo xogtan la socday, diidmadaas ayaa ku qasabtay Washington inay hakiso hawlgalka Mashruuca Xorta ah, oo ahaa hawlgal militari oo Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay saacado ka hor si loo xaqiijiyo in maraakiibtu si nabad ah ugu gudbi karaan Marinka Hormuz. Sidaas darteed, hirgelinta hawlgalka ayaa hakad gashay.

    Wargeyskan Mareykanka ah ayaa sheegay in mid ka mid ah fursadaha la tixgelinayo ay tahay in la dhimo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Sacuudi Carabiya, isla markaana qayb ka mid ah ciidamada iyo qalabka loo wareejiyo dalal ay ka mid yihiin Israa’iil iyo Urdun, kuwaas oo, sida Washington u aragto, si weyn ula shaqeeyay intii lagu jiray dagaalka Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, Wall Street Journal ayaa xustay in aan weli la gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan in ciidamada Mareykanka laga saaro Sacuudiga, isla markaana arrintan ay weli ku kooban tahay oo keliya baaritaan iyo qiimeyn lagu sameynayo fursadaha kala duwan.

    Ilaa iyo hadda, saraakiisha Mareykanka ma aysan xaqiijin mana aysan beenin inay jiraan qorshayaal dhowaan lagu saarayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Sacuudiga.

    Sidoo kale akhri

  11. War deg deg ah, Degdeg: Weerar lagu qaaday qaybo ka mid ah dalka Ciraaq

    Warbaahinta xiriirka la leh Iiraan ayaa baahisay warar sheegaya in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu weeraray deegaanno ku yaalla magaalada Erbil ee dalka Ciraaq.

    Muuqaallo ay warbaahintan daabaceen ayaa muujinaya qaraxyo iyo dab ka kacaya goobo ay sheegeen in lagu weeraray xarumaha kooxaha Kurdiyiinta, oo ay ku jirto Xisbiga Xorriyadda Kurdistan.

    Warbaahinta Kurdiyiinta weli kama aysan hadlin warkan. Hase yeeshee, waxaa la sheegay in weerarku lagu beegsaday xarunta Xisbiga Azadi, waxaana xisbigu uu sidoo kale soo saaray bayaan ku saabsan dhacdada.

  12. Ganacsade lagu eedeyay dilka wariye caan ahayd oo maxkamad la soo taagay

    Jasiiradda Malta waxaa ka billowday dacwadda ganacsade lagu tuhunsan yahay inuu amray isla markaana bixiyay lacagtii lagu dilay wariyihii caanka aheyd ee baaritaannada sameyn jiray, Daphne Caruana Galizia, ku dhowaad sagaal sano ka hor.

    Ganacsadaha Yorgen Fenech ayaa iska fogeeyay eedeymaha, isagoo maxkamadda ka hor sheegay inuusan wax dambi ah gelin.

    Waxaa la xiray sannadkii 2019, isagoo saarnaa doon nooca ka sii baxaysay Malta.Daphne Caruana Galizia ayaa lagu dilay qarax lagu xiray gaari, kaas oo ka dhacay meel u dhow gurigeeda.

    Dilkeeda ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah iyo qalalaase siyaasadeed oo xooggan, kaas oo ugu dambeyn horseeday iscasilaadda Ra’iisul Wasaarihii Malta, Joseph Muscat, sannadkii 2020.

    Shan qof ayaa hadda ku xiran xabsi, kadib markii lagu helay dambiyada la xiriira bixinta walxihii qaraxa ahaa ama fulinta dilka.

  13. War deg deg ah, Trump oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan wadahadallada Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii maanta sheegay in arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan Iiraan, isla markaana kulamadii dhowaan ka dhacay Qadar ay sidoo kale u dhaceen si wanaagsan.

    “Geeddi-socodka lagu baabi’inayo barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan si wanaagsan ayuu u socdaa. Waxay yeesheen kulamo aad u wanaagsan,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha ka hor intii uusan u ambabixin gobolka North Dakota.

    Iiraan ayaa marar badan ku adkaysatay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

    Donald Trump ayaa sidoo kale yiri:

    “Waxaan saarnay cadaadis aad u xooggan... laakiin si wanaagsan ayaan isu fahamsanahay.”

    Maanta waxaa magaalada Doha ka dhacay wada-hadallo farsamo oo dadban oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayaan Qadar iyo Pakistan.

  14. War deg deg ah, Degdeg: Diyaarad Mareykanku leeyahay ku dhacday badda Carabta iyo faahfaahin

    Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in hal askari oo Mareykan ah la la’yahay, halka saddex kale ay dhaawacmeen, kadib markii diyaarad qumaatiga u kacda oo nooca MH-60S Seahawk ay si degdeg ah ugu degtay Badda Carabta maalintii Arbacada.

    Ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in shilkan uu ka dhashay weerar lagu qaaday.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen:

    “Cutubyo ka tirsan ciidanka badda ee ku sugan aagga ayaa wada baadi-goobka shaqaalihii diyaaradda, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilka.”

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaraddan qumaatiga u kacda loo diray gobolka iyadoo la socota markabka dagaalka ee diyaaradaha xambaara ee USS George H.W. Bush.

    Khubarada ayaa sheegaya in ku dejinta diyaarad qumaatiga u kacda biyaha ay tahay arrin khatar badan, xitaa duuliyeyaasha khibradda leh, waxaana ay ka dhigaysa inay si fudud ugu weecato dhibaato halis marka ay biyaha ku degaan.

  15. War deg deg ah, Maamulka Trump oo Soomaaliya uga hadlay sidii looga bartay si ka duwan

    Dowladda Mareykanka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyaysay xuska maalinta Qaran ee kowda Luulyo oo ah markii gobollada Koonfureed ay xorriyada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga isla markaana uu dhacay Midowgii Koonfur iyo Waqoooyi.

    Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lagu yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Maalinta Qaranka,”.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed halgankooda ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa, iyo dadaalladooda ay ku dhisayaan mustaqbal barwaaqo badan,”.

    Dowladda Mareykanka waxey intaas ku dartay,” Munaasabaddan sannad-guurada ah, waxaan rajeynayaa sannadka soo socda in si wadajir ah uga wada shaqeyno horumarinta nabadda”.

    Hadalkaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga duwan wararkii looga bartay maamulka Trump ee ahaa inuu Soomaaliya ku tilmaamo meel aysan dowlad iyo adeegyada dowliga ah aaney ka jirin.

    Sidoo kale akhri

  16. Shiinaha oo Mareykanka iyo Iiraan farriin u diray

    Shiinaha ayaa maanta ku baaqay in si degdeg ah loo qaado cunaqabateynta halka dhinac ah ee lagu soo rogay Iiraan.

    Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Mareykanka iyo Iiraan inay hirgeliyaan heshiiska is-afgaradka ee ay hore u kala saxiixdeen, si loo hormariyo wada-hadallada loogana gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran.

    Sida ay qortay AFP, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa shirkiisii jaraa’id ee maalinlaha ahaa ku sheegay in mowqifka joogtada ah ee Shiinaha uu yahay in cunaqabateynta hal dhinac ah ee lagu soo rogay Iiraan sida ugu dhaqsaha badan loo qaado.

    Wuxuu yiri:

    “Waxaan rajaynaynaa in Mareykanka iyo Iiraan ay hirgeliyaan heshiiska is-afgaradka ee ay hore u saxiixeen, isla markaana ay dardargeliyaan wada-hadallada si sida ugu dhaqsaha badan loo gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran.”

    Shiinaha ayaa marar badan ku adkeystay in wada-hadalka iyo diblomaasiyaddu ay yihiin waddada keliya ee wax ku oolka ah ee lagu xallin karo arrinta Iiraan. Waxa kale oo uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay gacan ka geystaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyagoo sii wada geeddi-socodka wada-xaajoodka.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo ku hanjabtay in ay dilayso hoggaamiyaha sare ee Iiraan iyo Iiraan oo ka jawaabtay

    Ergeyga joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ku cambaareeyay hanjabaad ay Israa’iil si fagaare ah ugu jeedisay hoggaanka Iiraan.

    Warqaddaas, ergeyga Iiraan Amir Saeed Iravani ayaa ku tilmaamay hanjabaadda uu Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, u jeediyay Mojtaba Khamenei inay tahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa argagixiso dowladeed iyo xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay.”

    Mr. Iravani ayaa warqaddiisa ku qoray in hadalka Mr. Katz ee ahaa in Mojtaba Khamenei uu yahay “bartilmaameed la doonayo in la dilo” uu qayb ka yahay, sida uu sheegay, “siyaasadda nidaamsan ee Israa’iil ee lagu beegsanayo laguna khaarijinayo mas’uuliyiinta sare ee Iiraan.” Wuxuu intaas ku daray in aamusnaanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Israa’iil ku dhiirrigelisay inay sii waddo waxa uu ku tilmaamay dembiyadeeda.

    Horey, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, oo ka jawaabayay hadallada Wasiirka Difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in hanjabaad kasta oo loo geysto shacabka iyo hoggaanka Iiraan ay la kulmi doonto “jawaab degdeg ah oo adag.”

    Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Mareykanka uu ballan qaaday inuu xakameyn doono Israa’iil, isla markaana haddii Israa’iil ay ka baxdo qaabkaas, Iiraan ay ka jawaabi doonto.

    Sii akhri:

  18. War deg deg ah, Iiraan oo wacad ku martay in ay u aari doonto hoggaamiyihii la dilay ee Ayatollah Cali Khamenei,

    Iiraan ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto dilka loo geystay Hoggaamiyihii Sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, oo lagu dilay weerar ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

    Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa arrintan ku shaaciyay boggooda, iyagoo sheegay inay ka aargudan doonaan dhammaan dadka ku lug lahaan qorsheynta iyo fulinta dilka Khamenei.

    Sida lagu sheegay warka, Khamenei waxaa la dilay 29-kii Maarso, maalintii ugu horreysay ee weerarradii ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan.

    Weerarka ayaa sidoo kale sababay dhimashada tiro ka mid ah mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan qoysaskooda.

    Golaha Amniga Qaranka ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin dadka ka dambeeyay dilka, isla markaana la marsiin doono ciqaab.

    Iiraan ayaa mar kale adkaysay inay qaadayso tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah cid kasta oo ay u aragto inay mas’uul ka tahay geerida hoggaamiyihii sare.

    Dhanka kale, aaska iyo duugista Ayatollah Ali Khamenei ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan inta u dhaxaysa 4-ta iyo 8-da Luulyo magaalooyinka Tehraan, Qom iyo Mashhad.

    Sidoo kale, munaasabado xus ah ayaa lagu qaban doonaa magaalooyinka Baqdaad, Kazmain, Karbala iyo Najaf ee dalka Ciraaq.

  19. Ingiriiska oo la yimid 2:1 DR Congo

    Xulka qaranka Igiriiska ayaa helay daqiiqadii 75aad ee ciyaarta goolka barbar dhaca, weeraryahanka Harry Kane ayaa dhaliyay goolkaasi.

    Goolka labaad ee Ingiriiska ayaa isla Kane uu dhaliyay daqiiqadii 86aad ee ciyaarta.

    Ciyaar xiisa badan ayaa labada kooxood ay soo bandhigeen, waxaana kooxda DR Congo ay soo bandhigtay difaac adag, inkasta oo haatan ciyaarta laga hoggaaminayo.

  20. War deg deg ah, Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

    Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato magdhow Koonfur Afrika, taas oo la xiriirta muwaadiniinta reer Nigeria ee kusoo noqday dalkooda toddobaadyadii lasoo dhaafay kadib rabshado iyo mudaharaadyo ka dhacay Koonfur Afrika oo lagu bartilmaameedsaday dadka aan sharciyeysneyn.

    Kooxdii saddexaad ee muwaadiniinta Nigeria ayaa Talaadadii dib loogu celiyay dalkooda. Sidoo kale, muwaadiniin kale oo ka kala socday dalal Afrikaan ah ayaa ka baxay dalkaas, halkaas oo mudaharaadyo ballaaran oo ka dhan ah socdaalka sharci-darrada ah ay dhaceen Talaadadii.

    Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in 900 qof la xiray guud ahaan dalka, hase yeeshee tiro badan oo ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen ajaanib lagu qabtay dembiyo la xiriira socdaalka sharci-darrada ah. Boolisku weli ma sheegin tirada saxda ah ee ajaanibtaas.