You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Mareykanka oo ka fiirsanaya inuu ciidamadiisa kala soo baxo Sacuudiga

Sacuudiga ayaa muddo ka mid ahaa xulufada Bariga Dhexe ee Mareykanka, waxaase hadda soo baxaya in la isku maan-dhaafay arrimo ku saabsan dagaalka Bariga Dhexe

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo u jawaabtay Taliska Dhexe ee Mareykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa bayaan uu soo saaray kaga jawaabay war-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM, isagoo yiri:

    “Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ma amni ayuu gobolka u keenay mise amni-darro? Jawaabtu waa mid cad. Ciidamadeenna xooggan waxay caddeeyeen in quwadaha shisheeye aysan xitaa awoodin inay is-difaacaan. Nabadda gobolkeenna waxay sii jiri kartaa oo keliya haddii ay noqoto mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada ay ka wada qaybqaataan, isla markaana aysan jirin faragelin shisheeye.”

    Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qabatay shir looga hadlayay amniga gobolka, kaas oo ay martigeliyeen Ciidamada Difaaca Baxrayn, ayna ka qeyb galeen taliyeyaal ciidan oo ka kala socday 12 dal.

    Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in kulanka loo qabtay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, kor u qaadidda wada-shaqeynta iyo isu-duwidda dalalka gobolka, iyo ka doodista caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

  2. Maxey salka ku haysaa doodda u dhaxeysa Madaxweyne Cirro iyo madaxweyne hore Biixi?

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus.

    "Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno," ayuu yiri.

    Guddoomiyaha oo mar kale hadlay ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro inuu marar badan kasoo horjeestay shirar hore loo galay.

    Sii akhri:

  3. War deg deg ah, War cusub oo ku saabsan cudurka Ebola oo la shaaciyay

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu ka billowday tijaabada laba daawo oo suurtagal ah oo lagu daweynayo nooc ka mid ah cudurka Ebola, kaas oo sababay dhimasho badan.

    Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in tijaabada caafimaad ay si rasmi ah u bilaabatay, kadib markii bukaankii ugu horreeyay lagu daray. Wuxuu arrintan ku tilmaamay horumar muhiim ah oo laga gaaray dadaallada lagu xakameynayo cudurka.

    Ilaa hadda ma jiraan tallaal ama daawo si rasmi ah loo ansixiyay oo loogu talagalay nooca dhifka ah ee Bundibugyo ee cudurka Ebola.

    Khubarada WHO ayaa sheegay in tijaabadan ay qaadan doonto dhowr bilood, isla markaana laga yaabo inay u baahato in ka badan 1,000 bukaan si loo helo natiijooyin sugan oo lagu kalsoonaan karo.

    Sida ay WHO sheegtay, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa ilaa hadda laga diiwaangeliyay 438 dhimasho iyo in ka badan 1,400 kiis oo la xaqiijiyay oo cudurka Ebola ah.

  4. Maxey ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Daalibaan?

    Amir Khan Muttaqi, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Daalibaan, ayaa u safray Tehraan si uu uga qeybgalo aaska Ali Khamenei, waxaana uu halkaas kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji.

    Faahfaahin ku saabsan waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen kulankan weli lama shaacin.

    Sida aan hore u soo sheegnay, afhayeen ku xigeenka dowladda Daalibaan ayaa sheegay in marka laga soo tago Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abdul Ghani Baradar Akhund, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Daalibaan isla markaana ah ku xigeenka siyaasadda ee ra’iisul wasaaraha, uu isaguna ka qeybgeli doono munaasabadda aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Ilo xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Herat ay siisay muwaadiniinta Afgaanistaan in ka badan laba kun oo fiiso oo lacag la’aan ah, si ay uga qeybgalaan munaasabadda.

    Sida ay sheegayaan ilahaasi, fiisooyinkan gaaban ee bilaashka ah waxaa inta badan la siiyay dhaqdhaqaaqayaasha bulshada rayidka ah iyo kuwa dhaqanka ee Afgaanistaan, waxaana la filayaa in dadka intooda badan ee helay ay Iiraan ka galaan iyagoo sii maraya gobolka Herat.

  5. Sultaanka Cumaan iyo Ra'iisul Wasaaraha Uk oo ka wadahadalay arrimaha gobolka Bariga Dhexe

    Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq Al Said, ayaa maanta magaalada London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain, Mr. Starmer ayaa kulanka ku muujiyay garab istaaggiisa Cumaan iyo dhammaan dalalka ay iskaashiga gobolka ka dhexeeyo. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaallada dhexdhexaadinta ee Cumaan oo gacan ka geystay in la gaaro heshiis u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

    Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dadaallada lagu soo celinayo xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in maraakiibtu si nabad ah ugu gudbi karaan marinkaas.

    Cumaan ayaa sannadihii u dambeeyay door firfircoon ka qaadatay dhexdhexaadinta u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka. Waxa kale oo ay, bayaan wadajir ah oo ay soo saartay Iiraan, ku muujisay taageeradeeda Heshiiska Is-afgaradka ee Islamabad, iyo sii wadidda wada-hadallada lagu hirgelinayo heshiiskaas.

  6. War deg deg ah, Weerarka Ruushka oo niyad jab ku riday madaxweynaha Ukraine

    Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in mid ka mid ah bakhaarrada muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda Ukraine ee Kyiv uu ku burburay weerarkii uu Ruushku habeenkii xalay qaaday, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 qof.

    Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in ku dhowaad saddex-meelood meel milyan oo qalab iyo agab gargaar bani’aadannimo ah ay ku baaba’een weerarka.

    Bakhaarka ayaa waxaa ku kaydsanaa agab gargaar degdeg ah oo qiimihiisu gaarayo 2 milyan oo doollar, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen matoorro koronto qalabka kuleylinta, sariiraha lagu qaado dhaawacyada, qalabka dib u kiciya garaaca wadnaha ,qalabka baaritaanka, iyo sidoo kale bustayaal iyo teendhooyin

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo si cad uga muuqatay niyad-jab, ayaa booqday mid ka mid ah goobihii la duqeeyay. Wuxuuna sheegay in haddii saaxiibada Ukraine ay ballanqaadyadooda ku fulin lahaayeen waqtigii loogu talagalay, ay suurtagal ahaan lahayd in guryo badan iyo nafaf badan la badbaadiyo.

  7. War deg deg ah, Faahfaahin hor-leh oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay caasimadda Suuriya

    Waxaa weerar bambaano ka dhacay gudaha maqaaxi ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla bartamaha magaalada Dimishiq (Damascus).

    Mas'uuliyiinta Suuriya ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen, halka 22 kale ama ka badan ay ku dhaawacmeen, taasoo ka dhigaysa weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday kaniisad sannadkii hore.

    Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen gaadiidka gurmadka degdegga ah oo si xawli ah ugu socda goobta, qaraxu ka dhacay.

    Aagga uu weerarku ka dhacay, oo ku dhow Qasriga Caddaaladda iyo Suuqa taariikhiga ah ee Hamidiyeh, ayaa waxaa xiray ciidamada ammaanka, waxaana laga mamnuucay dadka inay galaan.

  8. War deg deg ah, Israa'iil oo laga xusay weerarkii Xamaas

    Dadka ku nool Israa’iil ayaa xusay 1,000 maalmood tan iyo weerarkii ay Xamaas ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, iyagoo dalka oo dhan ku qabtay munaasabado xusuus, aamusnaan iyo bannaanbaxyo.

    Magaalada Tel Aviv, kumannaan qof ayaa u lugeeyay Fagaaraha La Haystayaasha oo noqday xarunta ugu weyn ee ololaha lagu dalbanayo sii deynta xubnaha qoysaska iyo saaxiibbada ay Xamaas afduubtay.

    Weerarkii ay Xamaas qaaday ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, halka 251 qof loo kaxaystay Marinka Qasa iyagoo la haystayaal ah.

    Ololihii militari ee ay Israa’iil xigay ku qaaday Qasa ayaa lagu dilay in ka badan 73,000 oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa oo ay maamusho Xamaas, tirooyinka ay soo saarto oo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

  9. Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Koonfur Afrika iyo Ghana

    Xiisad diblomaasiyadeed ayaa ka dhex aloosantay dalalka Koonfur Afrika iyo Ghana, kaddib markii dowladda Ghana ay sheegtay in muwaadin u dhashay dalkeeda lagu dilay mudaharaadyo looga soo horjeeday dadka ajaanibta ah, eedeyn ay mas'uuliyiinta Koonfur Afrika si cad u beeniyeen.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ghana ayaa sheegtay inay "si weyn uga naxday" wararka sheegaya in Bashiru Isak, oo 40 jir ahaa, lagu toogtay laguna dilay maalintii Talaadada xaafadda Khayelitsha. Wasaaraddu waxay sheegtay inay dirtay warqad cabasho oo rasmi ah, isla markaana ay dacwad u gudbisay booliiska.

    Dhankiisa, Wasiirka Caddaaladda ee Koonfur Afrika ayaa muujiyay walaac ku aaddan in mas'uuliyiinta Ghana ay sii faafinayaan xog uu ku tilmaamay mid aan sax ahayn oo la xiriirta Koonfur Afrika, gaar ahaan arrimaha socdaalka sharci darrada ah.

    Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inaanay haynin wax diiwaan ah oo muujinaya dilkii ka dhacay Khayelitsha sida ay dowladda Ghana sheegtay.

    Hase yeeshee, booliisku waxay xaqiijiyeen inay baarayaan dilka muwaadin kale oo u dhashay Ghana, Kwabena Boagen, oo 35 jir ahaa, kaas oo lagu dilay maalin ka hor deegaanka Nyanga.

    Booliisku waxay sheegeen in dilkaasi uu la xiriiro fal dambiyeed ku saabsan lacag baad ah oo laga qaado ganacsiyada si loogu sheego "lacag amni".

    Iyagoo ka jawaabaya bayaanka dowladda Ghana, booliiska Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Ghana inay la wadaagaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dilka la sheegay inuu ka dhacay Khayelitsha, si baaritaan dhammaystiran loogu sameeyo kiiska.

  10. Boqolaal eey oo lagu laayay magaalo ku taalla Itoobiya kadib dhimasho ka dhalatay cudurka raabiyada

    Dadka ku nool magaalada Hosaana ee bartamaha Itoobiya ayaa lagu qasbay inay dilaan boqolaal ka mid ah eeyahooda, kaddib markii saddex carruur ah ay u dhinteen cudurka raabiyada oo ka dhashay qaniinyo Eey.

    Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in maamulka magaalada ay ku amreen dadka inay dilaan eeyahooda, iyagoo uga digay in ganaax iyo xarig la marsiin doono cid kasta oo ka hor timaadda amarkaasi, xitaa haddii eeyga laga tallaalay cudurka raabiyada.

    Duqa magaalada Hosaana, Samuel Shigute, ayaa sheegay in amarkan la soo saaray kaddib markii saddex carruur ah ay dhinteen, halka ku dhowaad 80 qof oo kale isbitaallada loo dhigay dhaawacyo ka dhashay qaniinyo eeyo.

    Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in markii amarka la dhaqan geliyay, qaar ka mid ah milkiilayaasha oo ka caga jiidayay dilka eeyahooda ay ku dileen iyagoo ul ku garaacay, halka kuwo kalena loo dhiibay dad loo xil saaray inay gowracaan.

    BBC ayaa sheegtay inay heshay sawirro muujinaya meydadka eeyo geedaha ka laalaada iyo kuwo kale oo dhowr eey oo dhintay ay yaalliin dhul bannaan, iyadoo qoortooda ay ku xiran yihiin xarig. Sawirradaas ayaan la baahin karin maadaama ay yihiin kuwo aad u naxdin badan.

  11. Qiimaha Shidaalka Ruushka ayaa hoos u dhacay 27% bishii la soo dhaafay

    Celceliska qiimaha Shidaalka Ruushka, oo saldhig u ah miisaaniyadda, ayaa bishii June hoos ugu dhacay $63.52 halkii foosto, taasoo qiyaastii 27 boqolkiiba ka hooseysa qiimihii bishii May.

    Sida ay qortay Reuters, iyadoo soo xiganaysa xogta Wasaaradda Dhaqaalaha ee Ruushka, qiimuhu wuxuu bishii May ahaa $86.52 halkii foosto.

    Dagaalka Iiraan, oo billowday dabayaaqadii bishii Febraayo, ayaa sare u qaaday qiimaha Shidaalka caalamka, iyadoo uu kor u dhaafay $100 halkii foosto. Si kastaba ha ahaatee, qiimuhu si weyn ayuu hoos ugu dhacay kadib markii bishii June la gaaray xabbad-joojin aan cago adag ku taagnayn.

    Qiimaha Shidaalka nooca Brent ayaa hoos u dhacay ku dhowaad $45 halkii foosto intii u dhexeysay rubucii koowaad iyo rubucii labaad ee sannadka, taasoo noqotay hoos u dhicii ugu weynaa ee saddexdii biloodba mar tan iyo qalalaasihii dhaqaale ee caalamiga ahaa ee sannadkii 2008.

  12. Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegay inay dileen 5 xubnood oo ka tirsan xisbiga Kurdistan

    Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay dileen shan xubnood oo ka tirsan Xisbiga Kurdistan Democratic Party of Iran (KDPI), kuwaas oo lagu dilay aagga buuraha ee xadka Piranshahr.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in IRGC ay sheegtay in raggan lagu qaaday weerar gaadmo ah oo ka dhacay dhul buuraley ah oo u dhow Piranshahr, gobolka West Azerbaijan, kadib markii ay galeen gudaha dhulka Iran.

    Waqtiga saxda ah ee howlgalka lama shaacin, hase yeeshee kooxda xuquuqul insaanka ee Hengaw ayaa sheegtay in isku dhacu dhacay fiidkii Arbacada.

    KDPI ayaa muddo tobannaan sano ah ku lug lahayd iska horimaadyo goos goos ah oo ay la galeen dowladda Iran, iyadoo Tehran ay u aragto kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta inay yihiin khatar kala.

  13. Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Dimishiq

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya iyo warbaahinta rasmiga ah ayaa sheegtay in qarax uu ka dhashay walax qarax ah oo lagu rakibay kafateeri ku taalla aagga Hejaz, oo u dhow Qasriga Caddaaladda ee magaalada Dimishiq, kaas oo sababay dhimashada 5 qof iyo dhaawaca tiro kale.

    Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, iyagoo sameeyay go’doomin amni, isla markaana bilaabay hawlgallo gurmad iyo daadgureyn caafimaad, waxayna sidoo kale fureen baaritaan ku saabsan dhacdada.

    Sida uu sheegeen ilo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Suuriya oo la hadlay BBC News Arabic, ugu yaraan 5 qof ayaa dhintay halka 16 qof kalena ay dhaawacmeen, taasoo ah tirakoob hordhac ah oo ka soo baxay qarax ka dhacay kafateeri ku dhow Qasriga Caddaaladda ee bartamaha Dimishiq.

    Warbixinno hordhac ah ayaa muujinaya in qarax xooggan uu gilgilay aaggaas, kaas oo sababay burbur hantiyeed oo soo gaaray kafateeriga iyo sidoo kale tiro dhismayaal kale oo deris la ahaa.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  14. Qarax ka dhacay bartamaha Dimishiq

    Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in qarax bam uu ka dhacay gudaha kafateeri aad u camiran oo ku taalla bartamaha magaalada Dimishiq, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

    Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib uu dhacay jahawareer iyo cabsi xooggan, iyadoo gaadiidka gurmadka degdegga ah ay si degdeg ah u gaareen goobta, isla markaana la xiray waddooyinka ciriiriga ah si ay u gaaraan dhaawacyada.

    Kafateerigu wuxuu ku yaallaa mid ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda, una dhow Qasriga Caddaaladda iyo Suuqa Taariikhiga ah ee Hamidiyeh.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  15. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka qeybgalaya aaska Cali Khamenei

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif uu safar ku tegi doono Tehran si uu uga qeyb galo aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Cali Khamenei.

    Taher Andarabi ayaa sheegay in Mr. Sharif uu safar ku mari doono Iiraan iyo Türkiye inta u dhexeysa 3-da ilaa 5-ta July, iyadoo Tehran ay noqon doonto halka uu safarkiisu ka bilaabanayo.

    Pakistan ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu waaweyn ee wadaxaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Dhanka kale, Hindiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Syed Atta Hasnain, Guddoomiyaha gobolka Bihar, iyo Pabitra Margarita, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, ay dalkaasi u matali doonaan xafladda aaska rasmiga ah ee Ali Khamenei.

    Aaska Ali Khamenei ayaa ka bilaaban doona Sabtida magaalada Tehran, waxaana la soo gabagabeyn doonaa 8-da July, marka lagu aaso magaalada uu ka soo jeedo ee Mashhad.

  16. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya oo booqasho ku tegay Lubnaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, oo booqasho ku jooga Lubnaan, ayaa kulan iyo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabih Berri.

    Booqashada Asaad Shaibani ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dimishiq adkaysay inaysan wax damac ah ka lahayn faragelin milatari oo ay ku sameyso Lubnaan, inkastoo uu jiro cadaadis uga imaanaya Maraykanka.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan sheegay in Suuriya ay awood u leedahay inay "wax ka qabato Xisbullah", isagoo sidoo kale dhaliilay istaraatiijiyadda Israa'iil ee dagaalka ay kula jirto kooxda uu Iiraan taageerto.

    Hase yeeshee, Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Sharaa ayaa sheegay inuusan qorsheynayn inuu faragelin ku sameeyo arrimaha gudaha ee Lubnaan.

    Bishii October 2025, Asaad Shaibani ayaa furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee sarkaal sare oo Suuriyaan ah uu ku tago Lubnaan tan iyo markii isbahaysiga Islaamiga ahi uu talada ka qabtay Suuriya.

    Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa isna booqday Suuriya bishii Maayo.

    Maamulka cusub ee Suuriya ayaan xiriir wanaagsan la lahayn Xisbullah, oo hore u ahaa xulafo muhiim u ah madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad.

    Tan iyo dabayaaqadii sannadka 2024, waxaa la jaray waddooyinkii ay Xisbullah u mari jirtay maalgelinta iyo hubka ee gudaha Suuriya, iyadoo mas'uuliyiinta Dimishiq ay sheegeen inay fashiliyeen isku dayo dhowr ah oo hub si qarsoodi ah loogu gelin lahaa Lubnaan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  17. Sacuudiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga iyo dhiggiisa Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday is-afgarad (Memorandum of Understanding) lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga.

    "Waxaan dib u xaqiijinay sida ay nooga go'an tahay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, waxaana saxiixnay is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga, Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naayif.

    Wuxuu sheegay in tallaabadani ay muujinayso adkeysiga iskaashiga istaraatiijiga ah iyo baaxadda xiriirka taariikhiga ah ee muddada dheer ka dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

    Intii uu booqashada ku joogay Riyadh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa sidoo kale booqday Xarunta Midaysan ee Hawlgallada Amniga 911 ee gobolka Riyadh.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  18. Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa ka digay xaalad adag oo caafimaadka oo ka jirta halkaasi

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in 15,000 oo qof oo ku dhaawacmay ama si daran u xanuunsan intii uu socday dagaalku aysan helin daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin, halka 300 oo qof ay dhinteen iyagoo sugayay in caafimaad ahaan looga daadgureeyo meel ka baxsan Gaza.

    Dalalka qaabila bukaannada ayaa inta badan leh shuruudo gaar ah oo lagu aqbalayo dadka loo dirayo daaweynta, waxaana bukaannadu maraan dhowr heer oo baaritaanno amni ah, oo ay ku jiraan kuwa ay sameyso Israa'iil, ka hor inta aysan ka bixin Gaza.

    Sida ay sheegayaan tirakoobyada Qaramada Midoobay, in ka badan 600 oo xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Gaza, ku dhawaad 30 xarumood oo keliya ayaa si buuxda u shaqeynaya.

    Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in Israa'iil ay weli xaddidayso gaarsiinta dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee muhiimka ah ee Gaza, eedeyntaas oo Israa'iil ay beenisay.

    Cinwaan: Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa soo sheegay xaalad adag oo ka jirta daaweynta dadka dhaawacmay.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  19. Taliska Guud ee Khatam al-Anbiya: Ku xadgudubka maraakiibta ee jidka loo asteeyay Marinka Hormuz wuxuu halis gelinayaa ammaankooda

    Taliska Guud ee Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in haddii maraakiibtu ka baxaan waddada ay Iiraan u asteeysay ama ay iska indhatiraan xeerarka hagidda maraakiibta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ay taasi "halis gelin doonto badqabka maraakiibta ku xadgudba."

    Talisku wuxuu sidoo kale bayaan ku sheegay in faragelin kasta oo Maraykanku ku sameeyo Marinka Hormuz ay "la kulmi doonto jawaab degdeg ah oo adag oo ay bixiyaan ciidamada qalabka sida."

    Bayaanka ayaa Marinka Hormuz ku tilmaamay "dhul hoos yimaada madaxbannaanida aan muranka lahayn ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan,".

    "wuxuuna dhammaan maraakiibta, oo ay ku jiraan kuwa shidaalka qaada iyo maraakiibta ganacsiga, ugu baaqay inay raacaan waddada ay Iiraan u cayimisay si ay si nabad ah uga gudbaan marinka.

    Taliska Khatam al-Anbiya ayaa intaas ku daray in ka leexashada waddadan ama ku xadgudubka habraacyada hagidda maraakiibta ee Iiraan ay la kulmi doonaan "jawaab degdeg ah oo xooggan" oo ay qaadaan ciidamada qalabka sida.

    Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in joogitaanka joogtada ah ee diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Maraykanka ee dul heehaabaya Marinka Hormuz ay yihiin arrimo sii kordhinaya amni darrada marin-biyoodkan isla markaana khatar ku ah amniga gobolka.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  20. Maxay tahay hantidaan la xanibay Iiraan?

    Ma jiro tiro tiro rasmi ah oo lagu ogaanayo wadarta guud ee hantida Iran ee la xayiray, laakiin qiyaasuhu waxay u dhexeeyaan ku dhawaad $27 bilyan ilaa in ka badan $100 bilyan.

    Lacagtan laguma hayo hal akoon oo la heli karo.

    Taas beddelkeeda, waxa ku jira dakhliga saliidda, gaaska, iyo dakhliga dhoofinta, kaydka lacagaha qalaad ee bangiyada shisheeye, iyo hanti loo xayiray sababo la xiriira khilaafaad sharci, kuwaas oo qaarkood tobaneeyo sano jir ah.

    Marka Iran ay saliid ku iibiso dibadda, lacagta ka soo baxda iibka guud ahaan waxaa lagu shubaa xisaabaadka bangiyada ee waddanka wax iibsanaya.

    Laakiin cunaqabataynta ayaa inta badan ka hor istaagta Tehran in ay lacagtan ku celiso dalkeeda.

    Mowjadihii ugu horreeyay ee hantiyeed ee la xayiray ayaa billowday 1979-kii ka dib xiisaddii afduubka ee safaaradda Mareykanka ee Tehran.

    In kasta oo hantida qaar lagu sii daayay heshiiskii kama dambaysta ahaa, haddana sheegashooyinka iyo hantidii la xiirta qandaraasyadii milatari ee ka hor 1979 kacaankii Islaamiga ahaa weli lama xalin.

    Mowjadda labaad iyo tan ugu ballaaran ee xayiraadda ayaa bilaabatay 2011 iyo 2012 iyada oo cunaqabatayn adag la saaray barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo ka saarista Iran qaybo ka mid ah nidaamka bangiyada caalamiga ah.

    Xayiraadahan ayaa la sii adkeeyay markii Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA) ee 2018.

    Dakhliga Iran ayaa ku xayiran dalal shisheeye ama la kulmay xayiraad.

    Waxaa ka mid ahaa xayiraadaha meesha iyo sida loo isticmaali karo iyo meelaha aan laga isticmaali karin.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: