Wargeyska
The Wall Street Journal ayaa sheegay in Israa’iil ay Washington la wadaagtay
xog muujinaysa, in Iiraan ay ka fiirsanayso qorshe cusub oo lagu khaarijinayo
madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Sida
warbixintu sheegayso, xogtan ayaa u muuqata inay si weyn u saameysay fikirka
Madaxweynaha Mareykanka. Maalmihii u dambeeyay, Trump ayaa dhowr jeer si
fagaare ah uga hadlay hanjabaadaha dilka ee lagu hayo, isagoo yiri: "Waxay
doonayaan inay khaarijiyaan hoggaamiyaha Mareykanka, aniga," iyo "Magacaygu
wuxuu ku jiraa dhammaan liisaskooda."
Xogta ay
Israa’iil siisay Trump, oo ay weheliso isku daygii fashilmay ee lagu dili lahaa
bishii Luulyo 2024 ee gobolka Pennsylvania—kaas oo Trump ku andacoonayo inuu
ahaa qorshe ay dejisay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan—ayaa sababtay in
madaxweynaha Mareykanku arrinta isku dayga dilka uu ka dhigo wax ka baxsan oo
keliya arrin amni, isla markaana uu uga faa’iidaysto qayb ka mid ah fariintiisa
siyaasadeed.
Qaar ka mid
ah dadka dhaliila siyaasadaha Trump ayaa aaminsan, in tani ay tahay xeelad uu
ku doonayo inuu ku kasbado naxariis iyo taageero gudaha Mareykanka.
Si kastaba
ha ahaatee, kuwo kale ayaa khatarta u arka mid dhab ah, iyagoo tusaale u soo
qaadanaya eedeymihii sanadkii 2022 ee ku saabsanaa, isku day la sheegay in ay
ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ku doonayeen inay ku khaarijiyaan John
Bolton, oo ahaa lataliyihii hore ee amniga qaranka ee Donald Trump.
Si kastaba
ha ahaatee, xitaa haddii Trump uu arrintan u adeegsado olole siyaasadeed,
waayo-aragnimada taariikhiga ah ee Mareykanka waxay muujinaysaa, in isku dayada
lagu dilo madaxweynayaasha aysan mar walba horseedin koror ku yimaada
taageeradooda siyaasadeed.
Tan iyo
sanadkii 1950, waxaa dhacay ugu yaraan lix isku day oo lagu qaarijinayey
madaxweynayaal Mareykan ah, kuwaas oo u dhexeeyay dilkii lagu guuleystay ee
John F. Kennedy iyo isku dayadii fashilmay ee lagu beegsaday Harry Truman,
Gerald Ford iyo Ronald Reagan.
Inkastoo
Truman iyo Ford aysan ku guuleysan inay dib u soo celiyaan taageeradoodii hoos
u dhacday kadib weerarradaas, Reagan ayaa noqday mid ka duwan, maadaama
degganaantiisa iyo kaftankiisii kadib weerarkii 1981 ay abuureen mowjad weyn oo
taageero iyo koror muuqda oo ku yimid sumcaddiisa.
Hadda, dad
badan ayaa aaminsan in Trump—oo Reagan uu yahay madaxweynihii uu ugu jeclaa—uu
isku dayayo inuu isu muujiyo hoggaamiye adag oo geesi ah, isagoo si joogto ah u
xoojinaya hadallada ku saabsan khatarta lagu hayo noloshiisa.