You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iran: Marinka Hormuz waa xiran yahay; Mareykanka: Waa furan yahay, waxaana damaanad-qaadaynaa amniga isu-socodka

Hay'adda ay Iiraan u xilsaartay maamulka Marinka Hormuz ayaa horey ugu dhawaaqday in marin-biyoodkaasi uu xiran yahay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Maraykanka iyo Iiraan inay soo afjaraan colaadda

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axaddii ugu baaqay Maraykanka iyo Iiraan inay joojiyaan wareeggan cusub ee dagaalka isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadallada si loo soo afjaro colaadda.

    Guterres wuxuu si gaar ah uga hadlay weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan, iyo sidoo kale weerarrada Iiraan ay ku qaaday maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz iyo saldhigyada ay leeyihiin xulafada Maraykanka ee gobolka Gacanka Faaris.

    "Weerarradan waa in la joojiyaa," ayuu yiri Stephane Dujarric, afhayeenka Antonio Guterres, bayaan uu soo saaray.

    Baaqan ayaa yimid xilli ay iska horimaadyadu sii xoogeysanayeen tan iyo fiidnimadii Axadda.

  2. Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ka wada hadlay xoojinta ciidankooda milateri ee wadajirka ah

    Wasiirrada Difaaca ee Burkina Faso, Mali iyo Jamhuuriyadda Niger ayaa kulan ku yeeshay magaalada Ouagadougou, si ay dib ugu eegaan tallaabooyinka lagu xoojinayo ciidanka wadajirka ah ee Isbahaysiga Dowladaha Saaxil (AES), sida ay sheegtay RFI 11-kii Luulyo.

    Wasiirka Difaaca Burkina Faso, Celestin Simpore, ayaa sheegay in ujeeddada kulanku ahayd in la caddeeyo qorshayaasha iyo hawlaha ciidamada wadajirka ah.

    Kulankan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada kooxaha jihaad-doonka ah, iyadoo weerarro waaweyn ay ka dhaceen Mali iyo Burkina Faso. Weeraradan waxaa lala xiriirinayaa kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  3. Wakaaladda Wararka ee Mehr ayaa sheegtay in laba gantaal ay ku dhaceen jasiiradda Abu Musa

    Wakaaladda wararka ee Mehr, oo soo xiganaysa ilo maxalli ah, ayaa sheegtay in qarax laga maqlay Jasiiradda Abu Musa, oo ku taalla qaybta koonfureed ee Iiraan, iyo sidoo kale magaalada Bandar Abbas.

    Wakaaladdu waxay intaas ku dartay:"Qaraxyo kale oo dhowr ah ayaa laga maqlay Bandar Abbas, kuwaas oo u muuqday inay la xiriiraan rasaas ama wax ku dhacay aagga badda. Si kastaba ha ahaatee, lama soo sheegin wax weerar ah oo ka dhacay Jasiiradda Lark."

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa iyaduna sheegtay:"Dhawaqa qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay bariga Bandar Abbas iyo aagga badda ee Qeshm."

  4. Ciyaaryahan uga qeyb galay Koonfur Afrika Koobka Adduunka oo geeriyooday

    Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Koonfur Afrika, Jayden Adams, ayaa geeriyooday isagoo 25 jir ah, toddobaadyo uun kaddib markii uu dalkiisa u matalay Koobka Adduunka.

    Adams, oo u ciyaari jiray Mamelodi Sundowns, ayaa ka soo muuqday dhammaan saddexdii kulan ee ay ciyaartay xulka Koonfur Afrika, ka hor intii aan laga reebin tartanka kaddib guuldarro ka soo gaartay martigeliyeyaasha Canada.

    "Waxaan si weyn uga naxay ugana murugooday geerida Jayden Adams," ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Wasiirka Ciyaaraha, Fanka iyo Dhaqanka ee Koonfur Afrika, Gayton McKenzie.

    "Waa maalin murugo u ah kubadda cagta Koonfur Afrika. Waxaan weynay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu hibada badnayd ee da'da yar. Dalkeenna wuxuu la murugoonayaa qoyskiisa, saaxiibbadiis kooxda iyo malaayiinta taageerayaal ah ee arkay isaga oo ka soo baxay akadeemiyadda kuna soo baxay heer uu ka noqday ciyaaryahan buuxa oo xulka Bafana Bafana ah," ayuu hadalkiisa ku daray.

    Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan kaddib markii meydka ciyaaryahanka laga helay gurigiisa oo ku yaalla duleedka Cape Town, subaxnimadii Sabtida.

    Wasiir Gayton McKenzie ayaa sidoo kale sheegay:"Sababta dhimashada Jayden weli lama xaqiijin."

  5. Iiraan ayaa sheegtay in wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu saddex jibaarmay

    Wasiirka ku-meel-gaarka ah ee Difaaca Iiraan ayaa sheegay in intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, aan la joojin mashaariicda soo saarista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), balse halkii ay ka sii socdeen, wax-soo-saarka drones-ka uu saddex jibbaarmay.

    Sarreeye Guuto Majid Ibn-e-Reza ayaa hadalkan ka sheegay Sabtidii kulan wadajir ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo xubnaha Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Iiraan.

    "Waxaan si fiican uga warqabnaa daciifnimada cadowga, sidoo kalena si buuxda ayaan u garanaynaa awooddeena," ayuu yiri General Majid Ibn-e-Reza.

    Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Maraykanka iyo Israa’iil ay dagaalka u galeen ujeeddadoodu ahayd inay afgembiyaan nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, balse ay ku guuldarreysteen inay gaaraan hadafkaas.

    "Dagaalladii dhowaa waxay muujiyeen in aqoonyahannada Iiraan iyo maalgelinta tiknoolajiyada casriga ahi ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xoojinayo awoodda difaaca dalka," ayuu yiri Majid Ibn-e-Reza.

    Wasiirka ku-meel-gaarka ah ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay: "Awoodaha difaaca ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, gaar ahaan dhinacyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waa xariiq aan laga gudbi karin marka laga eego dhinaca amniga qaranka. Marna kama mid ahayn, mana noqon doonaan mustaqbalka, waxyaabaha lagu gorgortamo."

  6. Jasiiradda Qeshm ee Iran oo weerar lala beegsaday

    Guddoomiyaha Jasiiradda Qeshm ayaa ku dhawaaqay in weerarro cusub lagu qaaday jasiiradda.

    Hossein Amir-Teimouri ayaa wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA u sheegay in fiidnimadii Axadda ay 10 illaa 11 gantaal ku dhaceen Jasiiradda Qeshm.

    Sida uu sheegay Teimouri, "dhammaan bartilmaameedyadu waxay ahaayeen goobo militari," wuxuuna intaas ku daray in "aysan jirin wax khasaare nafeed ah."

    Horey, warbaahinta Iiraan oo soo xiganaysa ilo deegaanka ah ayaa sheegtay in qaraxyo dhowr ah laga maqlay Bandar Abbas iyo Qeshm.

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in "dhawaqa qaraxyo dhowr ah laga maqlay bariga Bandar Abbas iyo deegaanka badda ee Qeshm."

    Sidoo kale, wakaaladdu waxay sheegtay in "dadka deggan deegaanka Masan, oo ku yaalla koonfurta Jasiiradda Qeshm, ay iyaguna maqleen qaraxyo dhowr ah."

  7. Kuwait oo shaacisay weeraro cusub oo lagu qaaday xarun Shidaal

    War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddda gaashaandhiga Kuwait ayaa lagu sheegay in "saddex xarumood oo ku yaalla waqooyiga Kuwait lala beegsday weerar cadow, taasoo sababtay khasaare hantiyeed."

    Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa sheegay in "goob shidaal oo badeed oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Kuwait lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn , taasoo sababtay khasaare hantiyeed iyo dhaawaca hal shaqaale."

    Ciidamada qalabka sida ee Kuwait ayaa adkeeyay inay diyaar u yihiin inay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka.

    Dhanka kale, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in "la weeraray goobta ay ku sugan yihiin cutubka gantaallada dhulka ee Ciidanka Maraykanka ee Kuwait."

    Ilaa hadda, Ciidanka Qalabka Sida ee Iiraan iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan arrintan.

  8. Mareykanka oo sheegay in Marinka Hurmuz uu faran yahay

    Daqiiqado kaddib markii Iiraan ay mar kale ku celisay in ay xirtay Marinka Hormuz, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in marinkaasi uu weli furan yahay, isla markaana ciidamadoodu ay "diyaar u yihiin oo la geeyay" si loo xaqiijiyo xorriyadda iyo ammaanka maraakiibta.

    "Marinka Hormuz wuxuu u furan yahay dhammaan maraakiibta si sharci ah uga gudbaya marin-biyoodkan caalamiga ah. Ciidamada Maraykanku waa la geeyay, waana diyaar si loo xaqiijiyo in xorriyadda isu-socodka baddu ay sii socoto,."ayaa lagu yiri qoraalka CENTCOM.

    CENTCOM ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay:"Iiraan ma maamusho Marinka Hormuz."

    Saacad ka hor bayaanka CENTCOM, hay'adda ay Iiraan u xilsaartay maamulka Marinka Hormuz ayaa ku dhawaaqday in marin-biyoodkaasi uu xiran yahay.

  9. Ciidamada IRG ayaa sheegay in ay gantaal ku soo rideen dibadda magaalada Khorramabad.

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran IRG ayaa sheegay in ay ku soo rideen “gantaal cadowgu leeyahay” bannaanka magaalada Khorramabad.

    Sida ay sheegtay wakaalada wararka Iran ee IRNA, sarkaalka xiriirka dadweynaha ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka, Abolfazl, ayaa sheegay saakay in qalabka casirga ee difaaca hawada ay soo rideen gantaal Mareykanka soo tuuray.

    Dhanka kale madaxda ammanka ayaa sheegay in gantaal Iran oo kor loo qaadayay uu waxyeelo u geystay meel baabuurta la dhigto oo ku taal magaalada Durood.

    “Dhacdadan wax khasaare nafeed ah kama dhallan ama waxyeelo halis ah, mana jirin gantaal magaalada lagu sooweeraray” ayuu yiri Saeed Pourali oo ah ku xigeenka madaxa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

    Sii akhri

  10. Trump: Shalay inaga oo u dhaw inaan heshiis gaarno ayay Iran weerar bilowday

    Donald Trump wuxuu sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku dhowaayeen "heshiis" gaaraan Sabtidii markii si lama filaan ah Iiraan ay u weerartay markab iyadoo wadata diyaarad aan duuliye lahayn.

    "Wax walba way iska daayeen, ka dibna laba saacadood ka dib waxay weerareen markab iyagoo adeegsanaya diyaarad aan duuliye lahayn," ayuu madaxweynaha Mareykanka u sheegay CNN.

    Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay mas'uuliyiinta Iiraan, isagoo leh, "Dadkan dhibaato ayay qabaan."

    Mr. Trump wuxuu sidoo kale ka yiri jawaabta Mareykanka ee weerarrada Iiraan ee maraakiibta: "Xalay si xun ayaan u garaacnay."

    Horay, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu weeraray "140 bartilmaameed oo militari" oo ku yaal Iiraan isagoo ka jawaabaya weerarkii IRGC ay ku qaadday markab ganacsi oo ku yaal Gacanka Hormuz.

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sidoo kale weeraray saldhigyo Mareykan ah oo ku yaal Qatar, Kuwait, Bahrain, Cumaan, iyo Urdun.

  11. Awoodda shabakadda korontada ee Iran ayaa hoos u dhacday "4,200 oo megawatt" kadib weerarro ay geysteen Mareykanka.

    Shirkadda Tavanir waxay sheegtay in weerarrada Mareykanka ay waxyeello u geysteen shabakadda korontada ee Iiraan, taasoo hoos u dhigtay awooddeeda "qiyaastii 4,200 oo megawatts."

    Mohammad El-Dad, oo ah madaxa shirkadda Tavanir, ayaa sheegay in "in ka badan laba kun oo dhibcood oo shabakadda ah ay waxyeello soo gaartay."

    Sida uu sheegay Mr. Elhadad, "Dhaawaca soo gaaray shabakadda iyo qalabka warshadaha korontada ayaa dhaafay 60 tirilyan oo tomans ah."

    Maamulaha shirkadda Tavanir ayaa ka digay in, marka la eego cadaadiska sii kordhaya ee shabakadda xilliga xagaaga, "in maalmaha soo socda aan lala kulmi doonin wax caqabado ah."

  12. Saafaradda Maraykanka oo dowladda Soomaaliya uga mahad celisay talaabo laga qaaday dad ku xadgudbay calanka Maraykanka

    Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah uga jawaabtay 'shaqsiyaad ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo xushmad-dareeyay calanka dowladda Maraykanka', sida ay hadalka u dhigtay safaaradu.

    Qoraal lagu daabacay barta X ee safaaradda Maraykanka ayaa lagu yiri: "Safaaraddu waxay uga mahad celinaysaa dowladda federaalka Soomaaliya, tallaabadii degdegta ahayd ee xigtay kadib markii shaqsiyaad ka tirsan ciidamada amniga ay xushmad dareeyeen calanka Maraykanka"

    Hadalka ayaa la sii raaciyay: "Shaqsiyaadka ku kaca falalka nuucaan ah waxay dhaawacayaan xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay dowladda Maraykanka".

    Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa qoraal ay baahisay Jimcihii waxa ay ku sheegaty in ay qabatay shaqsiyaad ku labisnaa dareeska ciidamada Soomaaliya, kuwaa oo ay sheegtay in ay ku lug lahaayeen 'fal aan la aqbali karin' oo ka dhan ah calanka dowladda Maraykanka.

    "Ficilada nuucaas ah banaanka ayay ka yihiin qiyamka iyo anshaxa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kamana turjumayaan aragtida dowladda federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka ay soo saartay wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

  13. Qadar iyo Cummaan oo cambaareeyay weerarada Iran

    Qatar ayaa cambaareysay weerarrada Iiraan ay ka geysato dhulkeeda iyo deriskeeda iyadoo ku tilmaantay "uga sii darid qatar badan ee xiisadda."

    War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, oo lagu magacaabay Urdun, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Cumaan, Kuwait iyo dalalka ay bartilmaameedsanayaan duqaymuhu, ayaa lagu yiri: "Qadar waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan."

    Cummaan waxay sidoo kale cambaareysay weerarrada Iiraan ay ka geysatsy dhulkeeda.

    Wakaalada wararka Cummaan ayaa ku qortay barta ay ku leedahay X: "Suldaannimada Cumaan, iyadoo cambaareyneysa oo muujineysa sida au uga xun tahay weerarkan, waxay ku nuuxnuuxsaneysaa inay qorsheysay dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay ula dagaallanto arrinkaan una ilaaliso amniga dalka iyo dadka deggan."

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen saldhigyada Mareykanka ee Qatar, Kuwait, Baxrayn, Cumaan, iyo Urdun si ay uga aargutaan weerarrada Mareykanka.

  14. Wasiirada arimaha dibadda Pakistan iyo Iran oo qadka taleefanka ku wada hadlay

    Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq Dar ayaa wadahadal khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araqchi si ay uga wada hadlaan xaaladda Bariga Dhexe.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa lagu sheegay in Ishaq Dar uu ku boorriyay dhinacyada inay qaataan waddo lagu dejinayo xiisadda oo ay is xakameeyaan.

    Wuxuu sheegay in Heshiiskii Isfahamka ee Islamabad la isku raacay bishii Juun 2026. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in wadahadalka iyo diblomaasiyadda ay yihiin habka kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka laguna gaari karo nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda gobolka.

    Labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen inay xiriir dhow la yeeshaan.

  15. Joran: Saddex gantaal oo Iiraaniyiin ah ayaa sababay khasaare yar

    Ciidanka Jordan ayaa sheegay in saddex gantaal oo Iiraaniyiin ah ay ku dhaceen dhulka dalkaas subaxnimadii Axadda.

    Ilo wareed militari ah oo laga soo xigtay bayaan ay soo saareen ciidamada ayaa yiri: "Saddex gantaal oo laga soo riday dhulka Iiraan ayaa saaka ku dhacay dhowr goobood oo Boqortooyada Urdun ah, laakiin ma geysan wax khasaare ah. Khasaaraha wuxuu ku kooban yahay burbur yar oo agab ah."

  16. Xubin sare oo ka tirsan aqalka Sanet-ka Maraykanka ahna saaxiibkii Trump oo geeriyooday

    Lindsey Graham, oo ahaa senetar sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka isla markaana ah saaxiib dhow oo uu la ahaa Donald Trump, ayaa si lama filaan ah u geeriyooday ka dib xanuun muddo kooban hayay.

    Xafiiskiisa ayaa soo saaray bayaan uu ku shaaciyay geerida Mr. Graham fiidnimadii Sabtida.

    Bayaanku wuxuu yiri: "Qoyska Senator Graham waxay codsanayaan duco iyo taageero waqtigan waxayna codsanayaan in la ixtiraamo asturnaantooda xilligan aadka u adag."

    Senetarkan Jamhuuriga ah ee ka soo jeeda South Carolina ee Aqalka Senate-ka Mareykanka wuxuu ahaa shakhsi caan ka ah dhaqdhaqaaqa muxaafidka ah ee dalka iyo dhaleeceye xooggan oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Mr. Graham wuxuu si isdaba joog ah u taageeray siyaasadda cadaadiska ugu badan lagu saarayo Tehran wuxuuna ku baaqay in la sii adkeeyo cunaqabataynta adag ee ka dhan ah Iiraan sannadihii la soo dhaafay.

    Waxa kale oo uu soo hadal qaaday barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, hawlaha gobolka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo doorka wakiilada Iiraan ee Bariga Dhexe inay yihiin walaacyada ugu weyn ee Washington.

  17. Guurtida Somaliland oo yeelatay guddoomiye cusub

    Muuse Xaaji Cabdi Du’caale ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland. Waxa uu beddelayaa Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta iscasilay.Cod gacantaaga ah ayaa Golaha Guurtida Somaliland ay ku ansixiyeen iscasilaadda guddoomiyahii hore, iyada oo laba mudane diideen laba kalana ka aamuseen.

  18. Guddoomiyihii guurtida Somnaliland oo is casilay

    Guddoomiyahii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadda si rasmi ah isaga casilay jagadaas oo uu hayay muddo la badan 20 sano.

    Golaha Guurtida Somaliland ayaa aqbalay is casilaada gudoomiye Saleebaan. Ka tagaitaankiisa xilka ayaa waxa uu u sababeeyay caqabado ka haysta dhinaca da'da iyo in uu jagadaas fadhiyay muddo dheer.

  19. Amiirkii hore ee dalka Qadar oo geeriyooday

    Dawladda Qadar ayaa maanta ku dhawaaqday geerida Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, Amiirkii hore ee dalkaas ahna aabbaha Amiirka hadda xukuma, isagoo da'diisu ay ahayd 74 sano.

    Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani wuxuu ku dhashay bishii Janaayo 1952 magaalada Dooxa, wuxuuna ku biiray Akadeemiyada Ciidanka ee "Sandhurst" ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka qalin-jabiyay sannadkii 1971.Kaddib markii uu dalkiisa ku laabtay, wuxuu ku biiray Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna ka gaadhay darajooyin ciidan ilaa heerka Sarreeye Guud.

  20. Weerarrada cirka ee Maraykanka iyo Iiraan oo sii xoogaystay

    Weerarrada cirka ee ay is weydaarsanayaan Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii xoogaystay iyada oo Ilaalada Kacaanka ay bayaan ay soo saareen ku sheegtay in ay beegsadeen isla markaana ay joojiyeen markab kale oo marayay Marinka Hormuz, taasoo jawaab u ah weerarrada Mareykanka uu u geystay magaalooyinka ku yaalla koonfurta Iiraan.

    Bayaanka ayaa lagu daray in "wajiga labaad ee aargudashada, gantaalaha ballistic-ga lagu beegsaday saldhigga cirka ee Mareykanka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha dagaalka iyo xaruntii taliska iyo xakamaynta."