War deg deg ah, Boqor Charles oo Ukraine garab istaag u muujiyay
Boqor
Charles wuxuu sheegay in iskaashiga xooggan ee u dhexeeya Mareykanka iyo
Boqortooyada Ingiriiska loo adeegsaday la tacaalidda cadowyo wadajir ah iyo
sugidda amniga dunida.
Hadda,
waxaa loo baahan yahay in lagu ilaaliyo Ukraine iyadoo ay dhexda kaga jirto
dagaal ay kula jirto Ruushka.
“Maanta,
Mudane Guddoomiye, isla go’aankaas adag ee aan leexleexadka lahayn ayaa loo
baahan yahay difaaca Ukraine iyo dadkeeda geesiyaasha ah, si loo xaqiijiyo
nabad dhab ah oo caddaalad ah oo waarta,” ayuu yiri.
War deg deg ah, Boqor Charles oo sheegay in adduunka khatar badan ay ka jirto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqor Charles wuxuu dib u xasuustay awoowgiis Boqor George VI iyo booqashadiisii
Mareykanka sanadkii 1939, xilli “faashiisnimadu ay si xawli ah u fidaysay”.
“Qiyamkeenna
wadajirka ah ayaa guuleysta,” ayuu Boqorku yiri, isagoo intaas ku daray in
inkastoo “aan ku jirno xilli ka kacsan oo khatar badan” marka loo eego 1991,
markaas oo hooyadiisii geeriyootay, Boqorad Elizabeth, ay ka hadashay hoolka uu
hadda hadalka ka jeedinayo.
Wuxuu
sheegay in caqabadaha na horyaalla ay yihiin “kuwa aad u waaweyn oo aan hal
waddan kaligiis qaadi karin.”
“Laakiin
jawigan aan la saadaalin karin, iskaashigeennu kuma tiirsanaan karo guulihii
hore ama ma u qaadan karno in mabaadi’da aasaasiga ahi ay si fudud u sii jiri
doonaan.”
Wuxuu
soo xigtay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, oo bishii hore sheegay
in iskaashigani yahay “lama huraan,” ayna tahay inaan ku sii dhisno. Hadalkan
ayaa keenay sacab xooggan.
Ukraine oo ka hadashay badar laga xaday dhul ay leedahay oo la geeyay Israa'iil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha
Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in Israa’iil ay
heshay waxa Kyiv ay ku tilmaantay badar laga xaday dhulka Ukraine ee Ruushku qabsaday.
Wuxuu
sheegay in mar labaad markab uu isku diyaarinayo inuu ku dejiyo badarkaasi
deked ku taalla Israa’iil, isaga oo tilmaamay inaysan jirin wax sabab ah oo
Israa’iil isaga indhatiri karto waxa socda.
Arrintan
ayaa ku soo beegmaysa xilli Zelensky uu taageerayo Mareykanka iyo Israa’iil
dagaalkooda ka dhanka ah Iiraan.
War deg deg ah, Xog laga helay madaxweynaha Mali iyo shaki weli jira
Xigashada Sawirka, @PresidenceMali
Dowladda
milatariga ee Mali ayaa sheegtay in madaxweynaha uu la kulmay wakiillo ka socda
Ruushka, maalmo yar kadib weerarro ay fuliyeen kooxo hubeysan iyo gooni u
goosadka, kuwaas oo jabiyay ciidamada Mali iyo kuwa Ruushka, isla markaana
dilay wasiirkii gaashaandhigga dalkaas.
Janaraal
Assimi Goita lama arag tan iyo weerarradaas, balse dowladdu waxay daabacday
sawirro muujinaya wakiillo Ruush ah oo la kulmaya nin xirnaa dhar milatari oo
wata magaciisa.
Si
kastaba ha ahaatee, wejiga ninka lama arki karin sababtoo ah wuu daboolay.
Ruushka
ayaa ku adkaystay in xasillooni ay jirto isla markaana wax walba ay hagaagsan
yihiin gudaha Mali.
War deg deg ah, Dowladda Uk oo ka carootay war ay baahisay safaaradda Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda
Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday maantai inay u yeertay safiirka Iiraan u fadhiya UK,
kadib waxa ay dowladdu ku tilmaantay hadallo “aan la aqbali karin oo kicin ah”
oo ay safaaradda Iiraan ku daabacday baraha bulshada.
Wasiirka
Britain ee Bariga Dhexe, Hamish Falconer, ayaa bayaan uu soo mariyay Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ku sheegay in safaaraddu “ay joojiso nooc kasta oo farriimo ah
oo loo fasiri karo kicin rabshado gudaha Boqortooyada Ingiriiska ama
caalamkaba.
War deg deg ah, Warshad saliidda caalamka muhiim u ah oo Ruushku leeyahay oo la duqeyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Aqalka
Kremlin-ka ee Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay hurinayso qalalaase ka jira
suuqyada tamarta caalamka, kaddib oo sababay dab weyn oo ka kacay warshad
sifaysa saliidda oo ku taalla Ruushka.
Wariyaha
BBC ayaa sheegay in tani ay tahay markii saddexaad ee Ukraine ay weerarro drone
ah ku qaaddo xarunta dekedda Tuva bishan gudaheeda.
Dowladda Qadar ayaa ka digtay khatarta ‘’dagaal la joojiyay’’
oo gobolka oo wakhti kasta dib usoo cusboonaan kara, iyaga oo ka hadlay isku
guntanaanta wadahadalada nabadeed ee Iiraan iyo Maraykanka.
Majid Al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar
ayaa ka sheegay shir jaraa’id: ‘’Ma doonayno soo laabashada cadaawada gobolka
wakhtiga ugu dhow, mana doonayno dagaal la hakiyay oo bilaaban kara wakhti
kasta sababo siyaasadeed’’.
Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay Isniintii inay dib u eegayso
soo jeedintii ugu dambeysay ee Iiraan ee dib u furista marinka Hormuz, taasi oo
aan u xirnayn si dhab ah ku dhowaad laba bilood tan iyo intii uu bilowday
dagaalka.
Al-Ansari ayaa intaa ku daray: ‘’Waxaynu rumaysanahay dhammaynta
dagaalka si joogta ah oo xisaabtana lagu darsanayo waxyaabaha aynu qabno ee
gobolka iyo meel ka baxsanba’’.
Wadahadalada nabadda ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan
ayaa ku guul daraystay in si abadi ah loo dhammeeyo dagaalka iyo in si buuxda
loo furo marinka Hormuz tan iyo intii xabbad-joojinta lagu dhawaaqay April 18.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad uu ku martiqaaday odoyaal dhaqameedka Soomaaliyeed oo ka qayb galay caleema saar Ugaas oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in xilligii mucaaradka ay ahaayeen uusan wax u yeeritaan wadahadal ah uusan ka helin madaxweynihii isaga ka horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
''Saaxiibkeey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hal maalin inta noo yeeray inteenii baagamuundada 'mucaaradka' ahayd maxay idin la tahay inama dhihin, aniga iyo madaxweyne Shariif uu hal maalin inta noo yeeray halkan qado nagu siiyay''
''Maadaama aan taas soo joogay wadadaas in aan ka leexdo ayaan go'aan saday''
Waxa uu sheegay in la doortay 2022, uuna casuumayd siyaasiyiinta 2023 uuna wakhtigaasi u sheegay in ay u socdaan qof iyo cod.
Trump: Iiraan oo nasoo wargalisay waxa ay ku jirtaa xaalad ‘’burbur’’ ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social, madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump ayaa sheegay Iiraan ay ‘’hadda nagu soo wargalisay inay ku sugan tahay
xaalad ‘’dowlad burbur ah’’
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan ay doonayso in
Maraykanka uu furo marinka Hormuz ‘’Sida
ugu dhakhsiiyaha badan’’ iyaga ‘’ oo isku dayaya xallinta xaaladooda hoggaamin,’’
waxa uu sheegay inuu aaminsan yahya inay wax dhacayaan.
Qoraalka uu soo dhigay ayuu ku yiri: ‘’Iiraan hadda ayay
nagu soo wargalisay inay ku jirto xaalad dowlad burbur ah. Waxa ay naga
doonayaan in ‘la furo marinka Hormuz’ sida ugu dhakhsiiyaha badan halka ay isku
dayayaan in aynu xallino hoggaankooda (Waxaan aamin sanahay in ay sidaas samayn
karaan).
Soomaali dil loo haysto oo dacwad lagu soo oogay London
Xigashada Sawirka, Google
Laba nin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii nin
24 jir ah lagu tooriyeeyay bariga magaalada London.
Booliiska ayaa looga yeeray Waddada Saint George's Road,
Leytonstone, abbaarihii saacadda Ingiriiska markay ahayd 00:40 Khamiistii, ka
dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in koox dad ah uu muran dhexmaray.
Suhayb Cabdulqaadir ayaa laga helay dhaawacyo tooreey ah,
waxaana uu ku dhintay goobta.
Cabdullaahi Cabdi oo ah 24 jir ka soo jeeda Lincoln Street,
Leytonstone, iyo Hanet Axmed oo ah 25 jir ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah
waxaana lagu wadaa in la soo taago maxkamada Thames Magistrate.
Guud ahaan afar nin ayaa la soo qabtay iyaga oo looga
shakisan yahay dil khamiistii. Cabdi iyo Axmed ayaa dacwad lagu soo oogay, mid
kalena waa la dammaanad qaaday, midkii afraadna waa la sii daayay iyadoo
baaritaan lagu wado.
War deg deg ah, Imaaraadka oo ku dhawaaqay ka bixitaanka ururka dalalka soo saara shidaalka
Dowladda isku-tagga Imaaraatka carabta ayaa sheegtay in ay isaga baxayso ururada ay ku midaysan yihiin dalalka waaweyn ee soo saara shidaalka, ka dib ku dhowaad 60 sano.
UAE ayaa sheegtay go'aanka uu ku salaysan yahay ''Istaraatiijiyadeeda muddada dheer ee aragtida dhaqaalaha iyo taariikhdeeda ku lug lahaanshaha tamarta''
Go'aanka ayaa sida mid kamid ah falanqeeyayaasha uu sheegay ku qeexay ka bixitaanka ''bilowga dhammaadka Opec''.
War deg deg ah, Ukraine oo eedeyn xooggan u jeedisay Israa'iil
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ukraine ayaa sheegtay Markab sida miraha laga soo qaaday xadka dhanka ay Ruushka Ukraine ay ka haystaan ayaa diyaar u ah lagu dejiyo Xaayfa
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay Israa’iil
kadib markii ay ka heshay Ruushka miro laga soo xaday qaybo kamid ah dhulka ay
Ruushku ka haystaan Ukraine.
Shirkadda diyaaradaha Maali ayaa laashay duulimaadyada
tagaya ama ka imaanaya laba magaalo oo dhaca Waqooyiga iyo Bartamaha dalkaasi,
kadib markii mucaaradka ay dileen wasiirkii difaaca dhammaadkii toddobaadka
ayna qabsadeen dhowr magaalo oo muhiim ah.
Wararka ka imaanaya caasimada Bamako ee Koonfur Galbeed
dalkaasi ayaa sheegaya xasilooni aan cago badan ku taagnayn ay saaka jirto.
Hoggaamiyaha kooxda milatari ee dalkaasi ka Talisa ee dalkaasi awoodda ku
qabsatay lix sano kahor Jeneraal Assimi Goita ayaan la arkin ama laga maqal
fagaarayaasha tan iyo intii kooxda mucaaradka ee jihaad doonka ee isbahaysiga
la ah kooxda mucaaradka Tuareg ay qaadeen weeraradooda Sabtida, taasi oo meesha
ka saartay milatarigii iyo calooshood u shaqaystayaashii Ruushka.
Sweden oo ka deerineysa keydka shidaalka diyaaradaha ee ay haysato
Sweden waxay soo saartay “digniin hor dhac ah” oo ku saabsan suurtagalnimada inuu go'o shidaalka diyaaradaha, sabab la xiriiirta saameynta dagaalka Bariga Dhexe.
Wasiirka Tamarta ee Sweden, Ebba Busch, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Talaadadii ku sheegtay in digniintan “lagu soo saaray qiimeyn ay sameysay Hay’adda Tamarta.”
Sida ay sheegtay Hay’adda Tamarta ee Sweden, dalka wuxuu wajihi karaa xadidnaan shidaalka diyaaradaha ah oo noqoneysa xaaladda ugu xun, inkastoo xaaladda mustaqbalka ay ku xirnaan doonto sida suuqu ula qabsado duruufaha hadda jira.
Shirkadda duulimaadyada ee Jarmalka, Lufthansa, ayaa hore u shaacisay inay baajineyso 20,000 oo duulimaadyo gaagaaban oo Yurub ah xagaagan, iyadoo sheegtay in kororka weyn ee qiimaha shidaalka uu ka dhigay duulimaadyadan kuwo “aan faa’iido lahayn.”
Fatih Birol, madaxa International Energy Agency, ayaa laba toddobaad ka hor ka digay in Yurub “laga yaabo inay haysato kaliya qiyaastii lix toddobaad oo kayd shidaal diyaaradeed ah.”
Iiraan oo sheegtay in ay diyaar u tahay in barto dalalka caalamka sida looga adkaan karo Maraykanka
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, PUTIN IYO CARAQJI
Wasiir ku-xigeenka Difaaca Iraan, Reza Talayeh-Nik, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu la wadaago waayo-aragnimadiisa dalalka madaxbannaan ee ku saabsan sida looga adkaan karo Maraykanka.
“Iraan si buuxda ayay diyaar ugu tahay inay khibradeeda la wadaagto dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO),” ayay warbaahinta dowladda Iraan ka soo xigatay mas’uulkan.
Iraan waxay ridday tiro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay dalalka deriska iyo Israa’iil intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay dabayaaqadii Janaayo ilaa horraantii Abriil. Arrintani waxay kordhisay kalsoonida ciidanka militariga Iran.
Dhawaan, saraakiisha Iraan waxay kulamo la yeesheen wasiirrada difaaca ee Ruushka iyo Belarus.
Dhankooda, Ruushka iyo Belarus waxay sheegeen inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin Iraan.
Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka oo sheegay in Iiraan dhawaan wajihi doonto shidaal yari
Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay in xannibaadda badda ay khatar gelisay warshadaha saliidda ee Iiraan isla markaana ay dhowaan sababi doonto in hoos dhac wayn ku yimaado batroolka ay haysato Iiraan.
Scott Besant ayaa ku qoray X-Net: “Iyadoo hoggaamiyeyaasha haray ee Ilaalada Kacaanka ay ku xanniban yihiin sida jiir biyo liqay oo ku jira tuubooyinka bulaacadaha, warshadaha saliidda ee Iiraan waxay ku dhow yihiin inay istaagaan sababo la xiriira xannibaadda Maraykanka.”
Iiraan ayaa soo saartay faahfaahin ku saabsan tirada dhimashada ee ka dhalatay weerar halis ah oo lagu qaaday dugsi ku yaalla Iiraan maalintii ugu horreysay ee dagaalka Bariga Dhexe, sida ay warbaahinta dowladda sheegtay.
Weerarku wuxuu dhacay maalintii ay Mareykanka iyo Israa’iil bilaabeen weerarro ka dhan ah Iiraan. Iyadoo jawaab ka bixinaysa, Tehraan ayaa weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Israa’iil iyo dalalka Khaliijka.
Lix iyo labaatan macallin, toddobo waalid, darawal bas dugsi, iyo fshaqaale farmashi oo ka shaqaynayay rug caafimaad oo ku dheggan dugsiga ayaa sidoo kale ku dhintay sida ay IRIB ku sheegtay qoraal ay ku daabacday Telegram.
Taas ayaa ka dhigaysa tirada dhimashada 155 halkii ay ka ahayd in ka badan 175 oo hore loo sheegay.
Gantaal nooca Tomahawk ee Mareykanka ayaa ku dhacay dugsiga hoose sababo la xiriira qalad ku yimid bartilmaameedka, sida lagu sheegay natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxay baaritaan milatari oo Mareykan ah ee ay tebisay The New York Times.
Madaxweyne Trump ayaa markii hore sheegay in Iiraan lafteedu ay mas’uul ka tahay inkastoo Iiraan aysan haysan gantaalada Tomahawk.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa weerarkaa ku tilmaamay khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay “weerar si qorshaysan oo heerar kala duwan loo fuliyay.”