War deg deg ah, War cusub: Israa'iil oo la sheegay ina y gacanta ku dhigtay maraakiib
Israel ayaa bilowday in ay qabato maraakiibta gargaarka u sida Qasa, kuwaas oo ka fog xeebaha Israa’iil sida ay sheegtay Idaacadda Ciidanka Israa’iil.
Faah-faahin intaa dheer lagama bixin arrintaan waxaase walaac laga muujinayaa in arrintaan ay caqabad ku tahay in dadka reer Qasa ee dhibaataysan ay helaan gargaarka ay u baahanyihiin.
War deg deg ah, Israa'iil oo si adag ugu dhaaratay Koonfurta Lubnaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Taliyaha
guud ee ciidamada Israa’iil Eyal Zamir ayaa wacad ku maray in uu beegsan doono xaruumaha
Xisbullaah ee waqooyiga Webiga Litani iyo meelaha ka baxsan si gaar ah waxa loo
yaqaan “khadka Cas”, intii uu booqasho ku joogay aagag ay ciidamadiisu ka
haystaan koonfurta Lubnaan.
Zamir
ayaa sheegay, sida lagu sheegay bayaan militari oo la soo saaray kadib
booqashadiisa ciidamada ku sugan gudaha “aagga amniga” ee Israa’iil ka samaysay
koonfurta Lubnaan, in “hanjabaad kasta, meel kasta oo ay ka timaaddo, oo ka
dhan ah bulshooyinkeenna ama ciidamadeenna, xitaa ka baxsan aagga amaankaah iyo
waqooyiga Litani, la baabi’in doono
War deg deg ah, Trump oo shaaciyay war cusub oo ku saabsan wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka
Donald
Trump ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay
socdaan iyadoo la adeegsanayo wicitaan dhanka teleefoonka ah, sida ay ku
warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wuxuu
sheegay in xiriirka labada dhinac uusan u baahnayn hadda safarro rasmi ah,
maadaama wada-hadalla lagu wadi karo qadka teleefoonka isla markaana ay hadda
socdaan.
Hadalkaan
ayaa imaanaya xilli Trump uu horey u baajiyay safar ay ergada Mareykanka ku
tegi lahaayeen Pakistan, kaasoo lagu waday in halkaas lagaga wada hadlo
arrimaha Iiraan.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii soo dhoweeyay go’aanka Imaaraadka
Carabta ay uga baxeen ururka OPEC, isagoo sheegay in tallaabadan ay gacan ka
geysan karto hoos u dhaca qiimaha saliidda.
Isagoo
la hadlayay suxufiyiinta Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay: “Waxaan u arkaa
go’aan aad u wanaagsan.”
OPEC
ayaa wajahaya cadaadis xooggan kadib markii Imaaraadku ay Talaadadii ku
dhawaaqday inay ka baxayso ururka, taasoo timid xilli xiisad dhanka tamarta
aduunka ah oo weyn ay ka dhalatay dagaalka Iiraan.
Trump
wuxuu intaa ku daray in go’aankani uu “ugu dambeyn hoos u dhigi doono qiimaha
gaaska iyo saliidda, xitaa qiimaha badeecadaha kale,” isagoo sidoo kale xusay
in OPEC ay la kulmeyso caqabado.
War deg deg ah, Dood ka dhalatay caafimaadka maskaxeed ee madaxweyne Trump
Xigashada Sawirka, EPA
Muran
ayaa ka dhex dhacay Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth iyo xildhibaanad
Dimuqraadi ah oo la yiraahdo Sarah Jacobs, kadib dood ku saabsan qoraallo uu
barta “Truth Social” ku daabacay Madaxweyne Donald Trump.
Jacobs
ayaa kulanka ku soo bandhigtay laba tusaale oo qoraallo hore oo Trump leeyahay,
mid ka mid ahna wuxuu ahaa sawir lagu sameeyay AI oo uu Trump isku ekaysiiyay Ciise Masiix, kaasoo uu markii dambe tiray.
Jacobs
ayaa su’aal adag weydiisay Hegseth, iyadoo tiri: “Madaxweynaha ma u aragtaa
inuu leeyahay xasillooni maskaxeed uu ku hoggaamiyo dalka?”
Hegseth
ayaa si degdeg ah uga jawaabay, isaga oo su’aal kale ku celiyay: “Ma Joe Biden
ayaad sidaas oo kale u weydiisay afartii sano ee la soo dhaafay?”
Wuxuu
intaa ku daray in Dimuqraadiyiintu ay difaaceen Biden inkastoo uu, sida uu
sheegay, “mararka qaar si caadi ah aanu u hadli jirin.”
Jacobs
ayaa ku jawaabtay in Biden uusan ahayn musharraxa madaxweyne ee doorashadii
2024, taasoo sii adkaysay doodda labada dhinac.
War deg deg ah, Degdeg: Koox Islaamiyiin ah oo sheegtay weerarkii ka dhacay Uk iyo waxa ay yihiin
Koox
qarsoodi ah oo loo malaynayo inay xiriir la leedahay dowladda Iiraan ayaa
sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Golders Green, inkastoo aysan soo
bandhigin wax caddeyn ah.
Kooxdaas
oo la yiraahdo Harakat Ashab al-Yamin al-Islamiya (Hayi), oo micnaheedu yahay
“Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Dadka Gacanta Midig,” ayaa horey u sheegatay inay
ka dambeysay lix weerar oo kale oo lala beegsaday dhismayaal ama danaha bulshada
Yuhuudda ah ee UK.
Si
kastaba ha ahaatee, wax badan lagama yaqaan kooxdaas. Waxaa la rumeysan yahay
inay noqon karto koox wakiil u ah Iiraan, maadaama sheegashadooda lagu faafiyo
kanaallo Telegram ah oo taageera Shiicada.
Sheegashadan
lagu faafiyay baraha bulshada oo ay arkeen khubarada BBC Monitoring ee la socda
xagjirnimada Islaamiga ah, waxay weerarka ku tilmaameen mid uu fuliyay “qof
kaliya ,” waxayna sidoo kale arkeen muuqaal laga duubay goobta.
BBC
waxay fahamsan tahay in baarayaasha la dagaallanka argagixisada ay ka warqabaan
sheegashadan, balse waxaa jira digniin ah in aan si degdeg ah loo rumaysan.
Waxaa
suuragal ah in sheegashadu tahay mid fursad looga faa’iideysanayo. Waayihii
hore, kooxaha sida Daacish ayaa marar badan sheegan jiray weerarro ka dhacay
Yurub, xitaa marka aysan si toos ah uga dambeyn ama ugu lug laheyn.
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Uk oo ku dhawaaqay tallaabooyin ammaan oo degdeg ah
Xigashada Sawirka, PA Media
Qoraalka sawirka, Ra’iisul wasaare Keir Starme
Ra’iisul
wasaare Keir Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay maalgelin dheeraad ah si
loo xaqiijiyo amniga bulshada Yuhuudda.
Hadalkan
ayuu jeediyay kadib kulan degdeg ah oo lagu falanqeeyay jawaabta dowladda ee
weerarka, iyadoo la filayo inuu la kulmo hay’adaha cadaaladda.
Wuxuu
sheegay inuu la hadlay Community Security Trust, isagoo xusay in horey loo
kordhiyay amniga, balse loo baahan yahay in la sii la xoojiyo si loo gaaro
heerka ilaalinta loo baahan yahay.
Starmer
ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah
khataraha dibadda, isla markaana ay muhiim tahay in la wajaho asalka
xagjirnimada iyo dadka muujinayao naceybka bulshada Yuhuudda ah.
Wuxuu
carrabka ku adkeeyay in dowladda ay waajib ku tahay in bulshada Yuhuudda ay
dareento ammaan iyo kalsooni, isla markaana si dhab ah loo xalliyo sababaha
keena naceybka iyo xagjirnimada.
War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo shaaciyay ilaa iyo hadda dhaqaalaha uga baxay dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Adam
Smith, oo ah xubinta ugu sarreysa ee Xisbiga Dimuqraaddiga ee guddiga su’aalaha
wyadiinaya wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa weydiiyay inta uu gaarsiisan
yahay kharashka ku baxay dagaalka Iiraan ee Mareykanka ilaa hadda, iyo in
sharci-dejiyeyaashu heli karaan qiimeyn buuxda oo ka timaadda Pentagon-ka.
Jules
Hurst, oo ka hadlayay isla dhageysiga, ayaa sheegay in kharashku yahay
qiyaastii $25 bilyan, iyadoo hubka iyo rasaastu ay ka yihiin qaybta ugu badan.
Smith
ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ugu dambeyn la helo tiradaas, isagoo
xusay in muddo dheer ay sugayeen xogtan. Kadib wuxuu su’aal waydiiyay Pete
Hegseth xogyaha Wasaaradda Difaaca Mareykan, isaga oo weydiiyay sida dowladda u
qorsheyneyso inay u soo afjarto khatarta nukliyeerka ee Iiraan.
Hegseth
ayaa ku eedeeyay maamulladii hore inay galeen “heshiisyo xun”, isagoo xusay
heshiiska Joint Comprehensive Plan of Action ee la saxiixay 2016 xilligii
madaxweynihii hore Barack Obama.
Smith
ayaa arrintaas ka hor yimid, isagoo yiri: “Taasi waa wax hore, maxaa
mustaqbalka dhici kara?” wuxuuna su’aal geliyay haddii ay jirtay khatar
nukliyeer oo degdeg ah oo sababtay dagaalka.
Hegseth
ayaa sheegay in Iiraan aysan ka tanaasulin hamigeeda nukliyeerka, taasoo uu ku
sababeeyay tallaabada Mareykanka iyo Israa’iil ay ka qaadeen Iiraan.
War deg deg ah, Iiraan oo soo bandhigtay wax ay ku sheegtay ujeedda Trump uu ka leeyahay Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in xayiraadda badda ee
Mareykanku ku soo rogay dalkiisa ay ujeedadeedu tahay kicinta kala qaybsanaanta
gudaha iyo “in nalagu riixo burbur gudaha ah.”
Telefishinka
qaranka ee Iiraan ayaa soo xigtay Qalibaf oo leh in Madaxweynaha Mareykanka,
Donald Trump, “uu dalka u kala qaybinayo laba garab: kuwa ad-adag iyo kuwa
dhexdhexaad ah, kadibna si cad uga hadlaya xayiraad badeed si uu ugu qasbo
Iiraan inay is dhiibto iyadoo la adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo hurinta kala
qaybsanaanta gudaha.”
Kadib
dilkii tiro hoggaamiyeyaal Iiraaniyiin ah oo ka dhashay weerarrada Maraykanka
iyo Israa’iil, oo uu ku jiro Hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei, waxaa si weyn loo
hadal hayay dheelitirka awoodda gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Trump
ayaa horaantii bishan Abriil sheegay in dowladda Iiraan ay “si qoto dheer u
kala qaybsan tahay, taasoo aan la yaab lahayn.”
Saameynta
Qalibaf ee gudaha go’aan-qaadashada ayaa sii xoogaysatay tan iyo markii uu
qarxay dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo,
wuxuuna sidoo kale hoggaamiyay wafdiga dalkiisa ee wada-xaajoodkii halka mar ahaa
oo ilaa hadda dhex maray Tehran iyo Washington kana dhacay Islamabad.
Qalibaf
wuxuu yiri: “Cadowgu wuxuu galay marxalad cusub isagoo isku dayaya inuu kiciyo
cadaadis dhaqaale isla markaana huriyo kala qaybsanaanta gudaha iyada oo loo
marayo xayiraadda badda iyo buuqa warbaahinta, si uu noo daciifiyo ama xitaa
noogu riixo inaan gudaha ka burburno.”
Wuxuu
ku baaqay “in la ilaaliyo midnimada” taasoo uu ku tilmaamay xalka keliya.
Mareykanka
ayaa xayiraad ku soo rogay dekedaha Iiraan kadib markii Tehran ay xirtay
marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta saliidda iyo gaaska.
War deg deg ah, Jarmalka: Xiriirkeena Donald Trump weli waa mid fiican
Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Mertz iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Friedrich Mertz ayaa sheegay
xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Maraykanka uu weli mid ‘’wanaagsan’’,
kadib markii Donald Trump ka falceliyay dhaliishiisa dagaalka Iiraan.
‘’Aragtidayda, xiriirka shakhsi ahaaneed ee aan la leeyahay
madaxweynaha Maraykanka weli waa mid wanaagsan. Bilowgii dagaalka Iiraan waxaan
ahaa mid ku qancin, waana sababta aan u caddeeyay arrintaasi,’’ ayuu yiri Meretz, sida laga soo
xigtay Reuters.
Donald Trump ayaa ka cambaareeyay Mertz baraha bulshada
maalinkii shalay, gaar ahaan halka uu ka taagan yahay dagaalka Iiraan, isaga oo
yiri hoggaamiyaha Jarmalka ‘’ma yaqaan waxa uu ka hadlayo’’
War deg deg ah, Faransiiska oo muwaadiniintiisa ugu baaqay inay ka baxaan dalka Mali
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Caasimada Mali, Bamako
Faransiiska ayaa ka codsaday muwaadiniintiisa inay isaga
baxaan dalka Mali ‘’sida ugu dhakhsaha badan, kadib weerarka ay soo qaadeen
ciidamada mucaaradka, gaar ahaan kuwa mintidiinta iyo dagaal yahanada gooni u
goosadka.
Digniinta ka timid Faransiiska maanta oo Arbaca ah ayaa sidoo
kale looga digay muwaadiniinta Faransiiska in aysan u safrin dalka Galbeedka
Afrika, iyaga oo xaalada ku tilmaamay mid ‘’aad u halis ah’’.
Qaraxyo iyo rasaas aan kala joogsi lahayn ayaa laga soo
sheegay guud ahaan dalka oo ay ku jirto caasimada Bamako, Sabtidii.
Kati, wasiirkii difaaca Sadio Camara ayaa lagu dilay
ismiidaamin qaraxyo ay sameeyeen mintidiinta, halka Waqooyiga kooxaha gooni u
goosadka ay la wareegeen magaalada Kidal.
Hoggaamiyaha milatariga Mali Gen Assimi Goita ayaa sheegay
xaaladda ammaan ee dalka ay haatan sugan tahay oo ay gacanta ku hayaan.
War deg deg ah, Qiimaha uu Maraykanku ugu kacay dagaalka Iiraan oo la shaaciyay
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada difaaca Maraykanka ayaa
sheegay in dagaalka Iiraan uu ugu kacay milatariga Iiraan kharash dhan 25
bilyan oo doolar ilaa iyo hadda.
Jules Hurst ayaa u sheegay guddiga adeega ciidamada hubaysan
ee baarlamanka in inta ugu badan kharashaynta ay la xiriirtay rasaasta.
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa qaaday duqaymaha ka dhanka ah
Iiraan dhammaadkii Febraayo, waxaana uu yahay hadda mid aan degenayn in kasta
oo ay xabbad-joojin jirto.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa heerka qiimayntiisa ee gudaha
ay hoos u dhacday tan iyo intii ay bilowdeen duqaymaha Iiraan iyada oo tobanaan
ciidamada Maraykanka ay ilaa iyo hadda ku dhinteen colaada iyada oo boqolaal ay
ku dhaawacmeen.
Waxaa mar kale kacay qiimaha shidaalka, kadib markii ay soo baxeen
warbixinada in Maraykanka uu qorsheynayo inuu sii dheereeyo xirnaanshiyaha dekeddaha
Iiraan.
Heerka shidaalka cayriin ee Brent ayaa kor u kacay iyada oo uu gaaray 117 doolar fuustadii. Waxaa
ay Shan doolar ka badan tahay intii ay ahayd fiidnimadii Talaadada.
War deg deg ah, Ruushka: Ka bixitaanka UAE ee OPEC waxa uu kordhinayaa hoos u dhaca qiimaha shidaalka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, OPEC
Wasiirka maaliyada Ruushka Anton Siluanov ayaa sheegay
Arbacadii in go’aanada Imaaraatka ay isaga baxday ururka Opec ay tahay mid ku keenaysa
dowladaha soo saara shidaalka inay kordhiyaan soo saarista, taasi oo hoos u
dhigaysa qiimaha shidaalka caalamka ee mustaqbalka, sida ay tabisay wakaalada
wararka ee Reuters.
Ruushka xubin ayay ka tahay OPEC+, waxaana loo arkaa inay
tahay tan faa’iidada ugu badan ka hesha kororka sicirka shidaalka ee ka dhashay
dagaalka Bariga Dhexe.
Siluanov ayaa intaa ku daray ‘’Waxaynu maqlaynaa in mid
kamid ah dowladaha oo ah Imaaraatka ay isaga baxayso Opec. Taasi maxay la mico
tahay? Waxay la micno tahay in dowladda ay suurtagal u tahay soo saarista in ka
badan tirada shidaalka awoodeeda ah ee u oggolaanaya soo saarista iyo suuq
gaynteeda’’
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiraan
Arbacadii inay ‘caqli lahaadeen sida ugu dhakhsiiyaha badan’ ayna saxiixaan
heshiis, iyada oo dabasocota maalmo kama dambays ah oo lagu raadinayay dadaalka
in lagu dhammeeyo colaada, waxaana warbixino ay sheegayaan in Maraykanku uu
kordhinayo sii xirnaanshaha dekeddaha Iiraan.
Qoraal uu soo dhigay barta bulshada Truth Social ayaa Trump
sheegay in Iiraan ay soo wici karaan haddii ay wadahadal doonayaan, waxaana uu
adkeeyay si laalabasho leh in Tehran aysan yeelan karin Nukliyeer.
Wargayska Wall Street Journal ayaa tilmaamay saraakiisha
Maraykanka ay sheegeen Madaxweynaha (Trump) uu u sheegay kaaliyayaashiisa inay
isku diyaariyaan sii xirnaanshiyo wakhtiga loo dheereeyay oo lagu soo rogayo dekedaha
Iiraan, taasi oo ah iskuday Iiraan loogu khasabayo inay is-dhiibto.
War deg deg ah, Starmer ‘’Weerarka bulshada Yahuuda waa weerar lagu soo qaaday Britain’’
Xigashada Sawirka, Reut
Qoraalka sawirka, Keir Starmer
Warar dheeri ah oo ka imaanaya dhanka ra’iisul wasaaraha
Ingiriiska Keir Starmer, kaas oo waxyar kahor u sheegay xildhibaanada in uu ‘aad
uga walaacsan yahay’’ weerarka Golders Green ayaa mar kale ka sheegay qoraal uu
soo dhigay barta bulshada in ‘’weerarka Yuhuud nacaybka ee Golders Green uu ‘’gabi
ahaanba yahay mid si weyn looga walaaco.’’
Starmer ayaa u mahadceliyay Kooxaha Bulshada Yahuuda ee Shomrin
iyo Hatzola iyo booliska , ‘’sida dhakhsaha badan’’ ee ay uga jawaabeen, waxa
kale oo uu ballan qaaday in cadaalada la hor keenayo uuna yahay ‘’weerarka
bulshada Yahuuda weerar lagu soo qaaday Britain,’’ sida uu sheegay.
War deg deg ah, Duqa London oo ka hadlay weerarka lagu qaaday bulshada Yuhuuda
Xigashada Sawirka, PA Media
Qoraalka sawirka, Duqa London Sadiq Khan oo kormeer kula jira ciidamada Met Police
Duqa magaalada Londn ayaa xaqiijiyay xiritaanka ay sameeyeen
booliska London. Qoraal uu soo dhigay barta-bulshada Sadiq Khan ayaa ku
xaiijiyay weerarka lagu qaaday labo kamid ah Yuhuuda reer London ee Golders
Green.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay inay boolisku sameeyeen xiritaano.
‘’Waxaan xiriir dhow la leeyahay @MetPoliceUK, kuwaasi oo
ina siinaya warbixinadii u dambeeyay,’’ ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray ‘’
Met (booliska magaalada) waxa ay kor u qaadeen roondada muuqata ee aagga 'uu shilku
ka dhacay'’’.
Isaga oo ka hadlayay Baarlamanka, ra’iisul wasaaraha
Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay toorriyaynta maanta ee Golders Green waa
mid ‘’walaac xooggan keh’’.
Waxaa uu sheegay inuu baaritaan socdo, isaga oo intaasi ku
daray in dalku uu u baahan yahay ‘’gabi ahaan meel cad laga istaago
doonitaankeena la macaamilida weeraradan sida aynu ka aragnayba in badan
muddooyinkii u dambeeyay’’.