War deg deg ah, Yuhuuda Britain oo booliska kala shaqaynaya shilka ka dhacay London
Guddiga ku-xigeenada Yuhuuda Britain ayaa soo saaray bayaan,
waxaana qoraal ay soo dhigeen barta X ku yiraahdeen ‘’Waxaynu ka warqabnaa shilka
toorriyaynta lasoo sheegay ee ka dhacday Golders Green, ee labada qof lagu
dhaawacay,’’
‘’Booliska ayaa xiray tuhmanaha.
‘’Waxaynu la xiriiraynaa CST oo ah guddi ammaanka bulshada ka
shaqeeya, dowladda iyo booliska si loo fahmo wixii dhacay, lana xaqiijiyo
jawaab adag oo laga bixiyo’’
London: Koox Yuhuuda u dhaqdhaqaaqda oo ka hadashay weerar lagu soo qaaday
Qoraalka sawirka, Degdeg
Laba Qof ayaa lagu toorreeyay Golders Green oo dhacda
Waqooyiga London, kadib markii nin ku hubaysan mindi uu isku dayay mindiyaynta
dadka Yuhuud ee aaggaasi ku sugan.
Maamulka Galmudug oo iska fogeeyey in maraakiib lasoo afduubay lagu hayo deegaannada ay maamulaan.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Galmudug ayaa
markii ugu horreysey ka hadashay warar sheegaya in Maraakiib u afduuban burcad
badeed lagu haysto xeebaheeda, xilli ay isa soo tarayaan weerarro lagu
beegsanayo maariibta ganacsi ee ku goosha biyah Soomaaliya.
Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda Abshir Xaashi Cali oo BBC la hadlay
ayaa sheegay in arrimahaasi aysan waxba ka jirin, „maraakiibta la haysto labo
markab waaye, midi waxaa lagu haytsaa Bardan-beela, midna waxaa lagu haystaa Ilfooxshe
oo Puntland ka tirsan oo Garacad ka xigta dhanka Boosaaso baa lahu haystaa
labadooduba.” Ayuu yiri Abshir Xaashi.
Waxaa la sheegay in xiisadaha caalamka sida Bariga Dhexe, Ukraine iyo meelaha kale ay sababtay in feejignaanta amniga badda Soomaaliya ay yaraato, maadaama loo leexday meelaha kale ee colaaduhu ka socdaan.
Kormeere badeed ayaa isna sheegay in kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya ay ka faa'iideysanayaan xaaladda siyaasadeed ee caalamka, iyadoo dunidu diiradda saareyso xiisado kale, taas oo hoos u dhigtay ilaaladii badaha Soomaaliya.
Sawirrada ka imaanaya Washintong ayaa muujinaya sida loo adkeeyey ammaanka inta lagu jiro booqashada boqortooyada
Waxaa maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Maraykanka Boqorka Ingiriiska, isaga oo xalay khudbad ka jeediyey Kongareeska Maraykanka, kadibna casho loogu sameeyey. Haddaba ammaanka Boqorka iyo boqoradda dartiis qeybo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo daadsan. Sawirrada ka eeg
Qoraalka sawirka, Waxaa bandaw la saaray waddooyinka ee magaalada, si loo adkeeeyo ammaanka loogana hortago dhibaato dhici karta
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, In ciidamo intaas la eg lagu daadiyo waddooyinka Washintong ayaa keentay kadib isku dayo dhowr ah oo lagu sameeyey xaflado uu madaxweynaha Maraykanka ka qeyb galayey
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Asbuucii hore ayey ahayd markii xaflad casho sharaf ah oo uu Trump u sameeyey weriyeyaasha ay ka dhacday Rasaas
Ruushka Diyaar ma u yahay inuu Iiraan taageero dhaqaale siiyo?
Iyada oo Iiraan wajaheyso culeesyo isbaheestay oo ay keeneyn
cunaqabateynta ka saaran dhanka dekadaha iyo baddaha, dedaalka ugu badan waxa u
uku wareegayaa markaa dhanka Waqooyiga.
Sidoo kale, waxaa isku socod wanaagsan haysan maraakiibta saliidda
iyo shidaalka iskaga kala gooshi jirtay marinka Hormuz, Tehran waxay u badan
tahay inay isku daydo inay ku tiirsanaato dhanka Ruushka, kana badasho isku
xidh ka kooban tareenno, dekedo ku yaalla Badda Caspian, iyo shabakado ganacsi
oo la sameeyay xilligii cunaqabataynta kuwaas ku xiri kara Ruushka.
Baahida loo qabo in ay xiriirkaas sameeyaan ayaa muuqatay toddobaadkan,
kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabaas Caraqji uu tagay St
Petersburg si uu ula kulm Madaxweynaha
Ruushka, Vladimir Putin, isaga oo uga mahadceliye taageerada buuxda ee aan isbeddelka
lahay ee Moscow, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen dagaalka,
cunaqabataynta, iyo mustaqbalka marinka Hormuz.
Laakiin su’aashu la isweydiinayo, waa Moscow dhab ahaantii
ma siin kartaa taageero dhaqaale Iiraan? Xilli la tacaalaysa dhibaatooyin
dagaal iyo cunaqabatayn, mise rabtaa
inay sidaas sameyso?
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo amaanay Askarta is qarxiya
Xigashada Sawirka, Reuters via KCNA
Qoraalka sawirka, KIM
Kim Jong Un ayaa ammaanay askarta waddankiisa ee is-dilay
iyaga oo ka qeyb-qaadanaya dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo qarxiyay
bam-gacmeedkii watayn isku qarxiyey.
Khudbad uu jeediyay toddobaadkan, hoggaamiyaha Waqooyiga
Kuuriya ayuu ka sheegay in kuwa “aan ka labalabeyn inay doortaan is-qarxin iyo
weerar ismiidaamin ah si ay u difaacaan sharaftooda ” ay yihiin “halyeeyo”.
South Korea ayaa qiyaastay in ugu yaraan 15,000 oo askar
Waqooyiga Kuuriya ah loo diray inay ka caawiyaan Russia dib u qabsashada qaybo
ka mid ah galbeedka Kursk, halka in ka badan 6,000 ay ilaa hadda dhinteen.
Midkoodna Pyongyang ama Moscow ma aysan xaqiijin tiradaas.
Hay’adaha sirdoonka iyo dadka ka goostay dalka ayaa sheegay
in askarta lagu amray inay is-dilaan halkii ay gacanta ugu geli lahaayeen
Ukraine.
“naf-hurnimada aan wax magdhow ah lagu heleenin, iyo
daacadnimadooda aan abaalmarin laga siineyn… tani waa sida kaliya ee lagu qeexi
daacadnimada ciidankeena,” ayuu yiri Kim isaga oo jooga Pyongyang Isniintii,
xilli uu furayay xusuus-qor loogu talagalay askarta dhimatay, sida ay warisay
wakaaladda wararka ee KCNA.
Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka Andrey Belousov iyo
afhayeenka baarlamaanka Ruushka Vyacheslav Volodin ayaa ka mid ahaa dadkii ka
qeyb galay munaasabadda.
Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa qeybo kamid xeebaha
Soomaaliya lagu afduubtay 2 markab oo kala duwan, kuwaas oo ahaa kuwo ganacsi,
xaaladda shaqaalaha saaran ayaa laga soo deerinayaa.
Mid kamid ah shaqaalaha ayaa maalintii ugu horreysay ee ay
afduubteen Burcad-badeedda Ashari iyo shaqaalihii markabka u diiday adeegsiga
telefoonnadoodii. Balse Jimcihii 24 April, Ashari waxaa loo oggolaaday inuu
adeegsado telefoonka markabka si uu ula xiriiro shirkadda iyo qoyskiisa.
Intii uu la hadlayay, wuxuu xaaskiisa u sheegay in ay soo
mareen xaalado aad u adag, isla markaana dhowr jeer loogu hanjabay qori.
Markii xaaladdu adkaatay, Ashari wuxuu isku dayay inuu
dejiyo burcad-badeedda isagoo u sheegaya inuu yahay Muslim, kuna salaamay
"Assalaamu calaykum, ha i toogan, waxaan ahy Muslim."
Burcad-badeedduna waxay u sheegeen in iyaguna Muslim yihiin.
"Iiraan waxa ay dooneysaa in Cunaqabateynta laga qaado"- Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, TRUMP
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale ku celiyey in Iiraan ay dooneyso in xannibaadda laga qaado, taas oo ku tilmaamay waddan burburay oo dalabaad sameenaya, "dalkan burburay waxa uu Washintong weydiisanayaa in laga qaado cunaqabateynta saaran badaha iyo dekadaheeda sida ugu dhaqsaha badan" ayuu yiri Trump.
Dhawaan ayey markii uu baaqday wareeggii labaad ee wada-hadallada Maraykanka iyo Iiraan oo ahayd in ay ka qabsoomaan Isaalamabaad ee dalka Pakistaan.
Shacbiyadda Trump oo hoos u dhacday gudaha Maraykanka- warbixin
Qoraalka sawirka, TRUMP
Shacbiyadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hoos u dhacday heerkii ugu hooseeyay muddo xileedkan uu ku joogo Aqalka Cad.
Arrintan waxaa iftiimiyay sahan cusub oo ay sameeyeen Reuters iyo Ipsos, kaas oo lagu daabacay wargeyska Ingiriiska ee The Guardian.
Sababta ugu weyn ee arintaan keentay ayey warbixinta ku sheegtay in dadka Mareykanka naceyn awood darrada Trump ee xakamaynta sicir-bararka sii kordhaya. Sidoo kale, dadku ma aysan taageerin dagaalka uu ku qaaday Iiraan, kaas oo sababay kororka qiimaha shidaalka ee Mareykanka.
Sahanka afarta maalmood socday, kaliya 34 boqolkiiba dadka Mareykanka ayaa sheegay in shaqada Trump ay wanaagsan tahay, halka sahankii hore ee la sameeyay intii u dhexeysay 15 ilaa 20 Abriil uu ahaa 36 boqolkiiba.
Trump wuxuu helay kaliya 22 boqolkiiba taageero la xiriirta tallaabooyinkiisa ku aaddan sicir-bararka, marka loo eego 25 boqolkiiba cilmibaaristii hore.
Waxaa sidoo kale sii kordhaya walaaca taageerayaasha Republican in ay hooseen karaan doorashooyinka bartamaha muddada ee la qabanayo bisha Nofeembar.
Inkasta oo 78 boqolkiiba Jamhuuriyiinta ay weli taageeraan Trump, haddana 41 boqolkiiba xubnaha xisbiga ayaa ka niyad jabay sida uu u maareeyay sicir-bararka.
Iiraan oo xaqiijisay dalalka ay diyaaraheeda weerareyn bilowgii dagaalka
Jeneraal Guuto Mohammad Akraminia, oo ah afhayeenka ciidanka Iiraan, ayaa hadallo dhowaan uu jeediyay kaga hadlay hawlgallada diyaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee dalkaas maalmaha ugu horreeya ee dagaalka.
Hadaladan muuqaalka ah, oo ay daabaceen wakaaladaha wararka Iiraan oo ay ku jirto ISNA maalintii Talaadada, ayuu Mr. Akraminia ku xusay warbixintii dhowaan ay baahisay NBC ee ku saabsan hawlgal gaar ah oo ay fulisay diyaarad Iiraani ah oo nooca F-5 ah si ay u weerarto saldhig milatari oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Kuwait. Waxa kale oo uu sheegay in maalmaha ugu horreeya ee weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, la sameeyay duullimaadyo milatari oo dhowr ah si loo beegsado bartilmaameedyo ku yaalla Kuwait, Qatar, iyo gobolka Kurdistaan ee Ciraaq.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Iiraan, ciidanka cirka ee dalka ayaa sii waday hawlgalladooda hawada iyagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn intii uu dagaalku socday.
Faafinta warbixin uu sameesay shabakadda Maraykanka ee NBC oo ku saabsan hawlgalka diyaarad F-5 ah oo Iiraani ah iyo sida ay uga gudubtay nidaamyada difaaca casriga ah ee Maraykanka iyo Kuwait ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka dadka isticmaala baraha bulshada maalmahan la soo dhaafay.
Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ayaa hawlgalkaas, oo ay fulisay diyaarad duug ah oo F-5 ah, la barbardhigay filimka Hollywood-ka ee “Top Gun” oo uu jilayo Tom Cruise, waxayna dalbadeen faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka iyo waxa ku dhacay duuliyihii waday.
Maxaa Donald Trump UK ku xiraya?
Boqor Charles wuxuu xusay xiriirka Trump uu la leeyahay UK intii
uu khudbadda casho-sharafeedka ka jeedinayay, isagoo yiri: “Waxaan qiyaasi
karaa oo keliya sida hooyadaa dhashay iyo aabahaaba ay ugu faani karaan sida
mar labaad lagugu doortay xafiiskan waa
arrin taariikhi ah.”
Markii Trump uu yimid si uu u booqdo garoonkii u uku ciyaari
jiray golf-ka ee Aberdeenshire sanadkii 2023, wuxuu yiri: “Waa wax cajiib ah in
aan gurigeyga ku soo laabto.”
Hooyo Scottish ah
Hooyada Donald Trump, Mary Anne MacLeod, waxay ku kortay
jasiiradda Hebrides ee Lewis, ka hor intaanay u guurin New York City sanadkii
1930 iyadoo 18 jir ah si ay shaqo adeegto uga hesho.
Madaxweynuhu wuxuu booqday gurigeedii hore ee Tong dhowr
jeer, wuxuuna marar badan ka hadlay jacaylka uu u qabo dalka hooyadii.
Trump Golf Scotland
Madaxweynaha Maraykanka wuxuu leeyahay laba garoon golf oo
ku yaal Scotland: midka heer caalami ah ee Turnberry ee South Ayrshire, iyo
Menie ee Aberdeenshire, halkaas oo uu ka furay 18 dalool oo cusub bishii Luulyo
ee sanadkii hore.
Trump wuxuu iibsaday Menie, oo qiyaastii siddeed mayl
waqooyi ka xigta Aberdeenshire, sanadkii 2006, ka hor inta uusan iibsan
Turnberry sanadkii 2014—inkastoo uu hore u sheegay inuusan qorsheynayn inuu
maalgashi ku sameeyo Scotland.
Xigashada Sawirka, Mirrorpix via Getty Images
"Israa'iil ujeedkeennu maaha in aan dhul qabsano"
Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa sheegay in dalkiisu uusan
doonayn in uu qabsado dhul ku yaalla Lubnaan, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii
wadaan hawlgalladooda koonfurta dalkaas oo ka dhan ah kooxda Xisbullah ee ay
Iran taageerto, inkastoo ay jirto xabbad-joojin.
“Isra’iil
ma laha wax damac dhuleed ah oo ku saabsan Lubnaan,” ayuu Sa’ar ku sheegay shir
jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay dhiggiisa Serbia, Marko Đurić.
“Joogitaankeenna meelaha ku yaalla xadka waqooyi waxa uu u adeegayaa hal
ujeeddo oo keliya: in aan ilaalinno muwaadiniinteena.”
War deg deg ah, Xog: Trump oo tallaabooyin dheeri ah ka qaadaya Iiraan
War-baahinta
The Wall Street Journal, oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, ayaa sheegtay
in Donald Trump uu ku amray la-taliyayaashiisa inay diyaariyaan xannibaad dheeri
ah oo lagu sameeyo Iiraan.
Warbixintu
waxay sheegtay in Trump, intii lagu jiray kulammo dhowaan dhacay, uu doortay
inuu sii wado cadaadiska la saarayo dhaqaalaha Iiraan iyo dhoofinta saliidda,
isagoo ka hortagaya maraakiibta u socota iyo kuwa ka imanaya dekedaha dalkaas.
Warbixintu
waxay intaas ku dartay in Trump uu aaminsan yahay in xulashooyinka kale, sida
dib u bilaabidda duqeymaha ama ka bixitaanka dagaalka ay leeyihiin khataro ka
weyn sii wadista xannibaadda.
War deg deg ah, “Si militari ah ayaan uga adkaanay Iiraan,” ayuu yiri Donald Trump.
Xigashada Sawirka, PA Media
Madaxweynuhu
wuxuu si kooban uga hadlay colaadda Bariga Dhexe, wuxuuna sheegay in Maraykanku
“si aad ah u wanaagsan u wado” dagaalka uu kula jiro Iiraan.
“Si
militari ah ayaan uga adkaanay cadowgaas gaarka ah,” ayuu yiri Donald Trump.
“Waligeen
ma oggolaan doonno in cadowgaas, boqor Charles III wuu igu raacsan yahay, xitaa
si ka badan aniga, waligeen ma oggolaan doonno inay helaan hub nukliyeer ah.”
Madaxweynuhu
wuxuu sii raaciyay in Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriisku ay mar walba is garab siiyaan iyagoo “iska caabinaya oo ka
guuleysanaya xoogagga shuuciyadda, faashiistaha iyo kali-talisnimada.”
War deg deg ah, Trump oo sheegay in boqor Charles ku raacsanyahay in laga hortago nukliyeerka Iiraan
Trump wuxuu sheegay in isaga iyo boqor Charles ay isku aragti ka yihiin ka hortagga hubka nukliyeerka ee Iiraan.
Arrinta hubka nukliyeerka waa mid ka mid ah qodobbada l aisku mari la'yahay ee keenay in wadahadalladu jiitamaan.
War deg deg ah, Trump oo sheegay hadal sii adkeyn kara wadahadallada kala dhaxeeya Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Intii
lagu jiray casho rasmi ah oo Aqalka Cad ka dhacday, ayaa madaxweyne Donald
Trump hadal jeediyay isagoo martigelinaya King Charles III.
Trump
wuxuu sheegay in Maraykanku “si militari ah uga adkaaday Iiraan.”
Hadalkani
wuxuu yimid xilli uu jiro is mari-waa u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan oo la
xiriira bilaabashada wareeggii labada oo wadahadallo ah.
Si
kastaba, xaaladda dagaalka ayaa ah mid jiha-wareer ah, iyadoo tillaabooyinka la
qaadayo ay keeneen saameyn ballaaran oo dugida wada gaartay.
Boqorka
Britain Boqor Charles ayaa u sheegay Kongareeska Mareykanka in inkastoo Yurub
iyo Bariga Dhexe ay ka jiraan xiisado iyo colaado, UK iyo Mareykanku ay sii
ahaan doonaan xulafo xooggan oo difaacaya dimuqraadiyadda.
Hadalkan
ayaa yimid xilli xiriirka labada dal uu muran ka taagan yahay, gaar ahaan
dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.
Boqorka
ayaa sheegay in khilaaf kasta oo jira haddana ay ka mideysan yihiin ilaalinta
dimuqraadiyadda, badbaadinta shacabka, iyo sharaf u haynta dadka naftooda u
hura adeegga dalkooda.
Dhanka
kale, Donald Trump ayaa si adag u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir
Starmer mowqifkiisa dagaalka Iran, halka Starmer uu horay uga gaabsaday ka
qaybgalka weerarka.
Boqor
Charles waa boqorkii labaad ee Britain ah ee khudbad ka jeediya Kongareeska
Mareykanka. Hooyadiis Boqorad Elizabeth II, ayaa sanadkii 1991
khudbad u jeedisay.
War deg deg ah, Mareykanka oo cunna-qabateyn saaray hay'ado iyo shaqsiyaad xiriir la leh Iiraan
Maraykanka
ayaa sheegay inuu cunaqabateyn saaray 35 hay’adood iyo shaqsiyaad ku xiran Iran
oo ku lug leh waxa uu ugu yeeray “qaab-dhismeedka bangiyada qarsoon ee Iran.”
Waaxda
Hantidhowrka Mareykanka ayaa sheegtay in dadka la cunaqabateeyay ay fududeeyeen
“wareejinta tobanaan bilyan oo doolar” ayna ku lug lahaayeen “ka fogaanshaha
cunaqabateynta iyo taageerada Iran ee argagixisada.”
Mareykanka
ayaa sidoo kale sheegay in “shabakadahani ay u oggolaanayaan ciidamada qalabka
sida ee Iran, oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, inay helaan
nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.”
Sida
lagu sheegay warbixinta, shabakadda la cunaqabateeyay ayaa “lacag ka heshay
iibinta sharci-darrada ah ee saliidda,” “ la iibsaday qaybo xasaasi ah oo loogu
talagalay gantaallada iyo nidaamyada kale ee hubka,” isla markaana “lacag u
wareejisay kooxo wakiillo ah oo Iran ay taageerto oo ku sugan gobolka.”
War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo lagu eedeyay dambi dagaal
Ra’iisul
Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sheegay in Beegsiga ay Israa’iil ku hayso shaqaalaha
difaaca rayidka ee koonfurta Lubnaan ay tahay “dambi dagaal oo cusub.”.
Israa'iil ayaa siiw adda duqeymo ba'an oo ka socda Koonfurta Lubnaan iyadoo ku andacoonaysa in ay beegsanayso goobaha ururka Xisbullaah.
Booqashada Boqor Charles III ee Mareykanka iyo waxa laga filayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta
waa maalintii labaad ee booqasho afar maalmood ah oo Boqor Charles III iyo
Boqorad Camilla ay ku joogaan Mareykanka.
Boqortooyadu
waxay ka qaybgeli doonaan xaflad ciidan oo ka dhici doonta Aqalka Cad, ka hor
inta aysan kulan la yeelan Madaxweynaha Donald Trump.
Boqor
Charles III ayaa sameyay tallaabo taariikhi ah, isagoo noqonaya boqorkii labaad
ee Ingiriiska ee khudbad ka jeediya Golaha Kongareeska Mareykanka, kaddib
markii hooyadiis Boqorad Elizabeth II ay sidaas sameysay sanadkii 1991.
Khudbadda
Boqor Charles III waxaa uu kag ahadlay
arrimo badan oo dunida ka taagan sida colaadaha iyo sida ay isku kaashan karaan
Mareykanka iyo Ingiriiska.
Booqashada
Boqor Charles III waxay imaaneysaa xilli uu jirto xiisad u dhaxeysa UK iyo
Mareykanka oo la xiriirta dagaalka Iran, waxaana la rajeynayaa in booqashadiisu
ay gacan ka geysan doonto dejinta xiisadda iyo hagaajinta xiriirka u dhexeeya
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo Donald Trump.
Sawirro:
Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla markii ay gaareen Mareykanka.