Trump oo loo bandhigayo qorshe ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo laga qaado Iran”

Saraakiil milatari ah ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshahaan oo ay la wadaagi doonaan Trump, balse lama oga waxa uu ka oron doono

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Britain oo Malaayiin doolar ku bixinaysa ka hortaga Yahuud nacaybka

    Booliska magaalooyinka waaweyn ayaa samaynaya roondo deegaanada bulshooyinka Yahuuda qaarkood, kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Booliska magaalooyinka waaweyn ayaa samaynaya roondo deegaanada bulshooyinka Yahuuda qaarkood, kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil

    Dowladda Britain ayaa sheegtay inay maalgelin dheeraad ah ku samaynayso oo gaaraysa ilaa 34 milyan oo doolar difaaca bulshada Yahuuda ee Ingiriiska. Ku dhawaaqistan ayaa dabasocota weerarkii mindida ee shalay oo ilaa laba rag ah oo Yahuud ah lagu dhaawacay deegaanka Yahuuda ee Waqooyiga ee London.

    Weerarka ugu dambeeyay ayaa dabasocda rabshado xiriir ah oo Yahuud nacayb ah oo ka dhacay Britain muddooyinkii u dambeeyay.

    Lacagta ayaa lagu bixinayaa kordhinta roondada booliska ee aaggaga deegaanka dadka Yahuuda, gaar ahaan ciidamada gaarka ugu takhasusay iyo kuwa difaaca ammaanka. Xarumaha bulshada iyo iskuulada.

    Dadka dhaliila ayaa sheegaya inay ula macaamilayaan arrintan sida calaamadaha Yahuud nacaybka oo aysan ahayn waxa Sababa.

    WARAR DHEERAAD AH

  2. War deg deg ah, Tuhmanaha asalkiisu Soomaaliga yahay oo horay loogu gudbiyay laanta la dagaalanka xagjirnimada

    Tuhmanaha

    Xigashada Sawirka, Supplied

    Qoraalka sawirka, Tuhmanaha

    Tuhmanaha looga shakisan yahay fulinta weerarkii mindida ee Golders Green ayaa horay loogu gudbiyay barnaamijka dowladda Ingiriiska ee ka hortagga xagjirnimada, sida ay fahansan tahay BBC.

    Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 45 sano ayaa ku dhashay Soomaaliya, wuxuuna yimid dalka Ingiriiska isaga oo carruur ah horraantii 1990-meeyadii. Waxa uu ku yimid sifo sharci ah, haddana waa muwaadin British ah.

    Taliyaha booliska magaalada Mark Rowley ayaa sheegay inuu lahaa ‘’taariikh rabshado culus iyo dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda.’’

    Cinwaanka guri ku yaala Koonfur-Bari London ayaa hadda la baarayaa.

    Kadib xiritaankiisa, tuhmanaha ayaa si kooban loogu dabiibayaa cisbitaalka, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta booliska.

    Waxaa loo cuskaday xiritaankiisa laanta caddeymaha dambiyada iyo booliska, waxaana sidaas darteed aragti ahaan lahayn karaa muddo 96 saac ah, haddii booliska ay helaan oggolaanshaha garsoorka, inkasta oo ay suutagal tahay in aan looga baahnayn xaalada kiiskan.

    WARAR DHEERAAD AH

  3. Koox Iiraan taageerta oo sheegatay in ay ka dambeeyeeen weerarkii ka dhacay waqooyiga London

    Shabana

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Shabana

    Shabana Maxamuud xogahayaha arrimaha Gudaha Ingiriiska oo ka qeyb-galeysay barnaamijka Today ee BBC Radio 4 ayaa la weydiiyey sheegasho ka timid koox xiriir la leh Iraan oo sheegatay inay mas’uul ka yiihin weerarkii ka dhacay Golders Green.

    Waxay sheegtay Shabaana in aysan ahayn wax cusub in kooxaha noocaas ahi ay sheegtaan mas’uuliyadda weerarradan, balse asalka iyo ujeeddada weerarka weli la baarayo.

    Harakat Ashab al-Yamin al-Islamiya (Hayi), ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarka Golders Green, inkastoo aysan weli soo bandhigin wax caddeyn ah

  4. War deg deg ah, Maxaa kasoo kordhay eedeysanaha weererkii London?

    Eedeesanaha oo mindi wata

    Xigashada Sawirka, Supplied

    Qoraalka sawirka, Eedeesanaha oo mindi wata

    Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood oo BBC-da la hadlay ayaa sheegtay in eedeysanaha oo ah muwaadin British ah oo ku dhashay Soomaaliya, uu yimid UK “si sharci ah isagoo carruur ah”.

    Guddoomiyaha Booliska Metropolitan Sir Mark Rowley ayaa isna sheegay in eedeysanuhu leeyahay diiwaan hore oo rabshado ah iyo xanuuno maskaxda ah.

    Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay baarayaan iska horimaad ka dhacay guri ku yaala koonfur-bari London horaantii Arbacadii, kaas oo la rumeysan yahay inuu sameeyey isla eedeysanahan.

    Intii la xirayay, askartu waxay ka cabsi qabeen in eedeysanuhu watay qalab qarxa, waxayna adeegsadeen Taser iyagoo sheegay inuu sii waday isku dayga inuu weeraro oo uu mindi ku dhufto, ayuu yiri Rowley.

    Kadib xiritaankiisa, eedeysanaha waxaa si kooban loogu daweeyay isbitaal, wuxuuna hadda ku jiraa gacanta booliska.

    Sii akhri

  5. Markabka ugu weyn maraakiibta diyaaradaha xambaara oo hawlgal ka wada Badda Cas

    MARKABKA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, MARKABKA

    Sida ay Taliska Dhexe ee Mareykanka uu ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay bogga X ‘Markabka Dagaalka ee USS Gerald Ford ayaa "sii wadi doono howlgalladiisa" Badda Cas, iyadoo ay sii socoto hubanti la'aanta ku saabsan xaaladda dagaalka iyo xabad joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

    Tan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo saaka, dhowr warbaahin oo Mareykan ah oo ay ku jirto Washington Post, ay tebinayeen bilowga geeddi-socodka dib soo laabashada markabka Mareykanka ka dib markii uu dhammeeyay hawlgal dheer oo soconayey 10 bilood.

    Sii akhri

  6. Xoghayaha difaaca Maraykanka oo su'aalo laga weydiiyey lacagta ku baxday dagaalka Iiraan

    Hegseth

    Xigashada Sawirka, Kevin Dietsch/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka difaaca

    Intii ay Socotay dheggeysiga soo jeedinta waaxda difaaca Maraykanka ayaa warbixin ka siisay aqalka ciidanka Mareykanka, taas oo ku saabsan cadadka kharashka illaa iyo hadda ku baxay dagaalka lagu qaaday Iiraan.

    Adam Smith, oo xubinta dimoqaraadiyiinta ka tirsan oo guddiga ka tirsan ayaa weydiiyey kharashka baxay, iyo in ay guddiga u keeni karaan guud hantida dagaalka gashay.

    Madaxa maaliyadda ee Pentagon-ka Jules Hurst oo warbixinta ka hor akhrinayey guddiga ayaa sheegay in lacag gaareysa 25 billion ay tahay wax ku baxay hubka dagaalka.

    "Waaan ku faraxsanahay inaad ka jawaabtay su'aashan, sababta oo ah waqtiga badan weydiineenay ma jirin cid na siisay cadadkan", ayuu yiri Adam smith.

    Waxa uu sidoo kale weydiiyey wasiirka difaaca Pete Hegseth 'sidee ayey dowladdu u qorsheesay arrimaha nukliyeerka Iiraan'?

    Hegseth wuxuu ku eedeeyay dowladihii hore inay sameeyeen "heshiisyo aan munaasib ahayn" wuxuuna soo hadal qaaday Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA) ee la saxiixay 2016 xilligii Barack Obama.

    JCPOA waxaa sidoo kale loo yaqaan Heshiiska Nukliyeerka Iiraan.

    Smith ayaa ka soo horjeestay, isagoo leh, "Waa wixii hore, maxaa mustaqbalka ah?" Wuxuu sidoo kale su'aal ka keenay in ay jirto khatar nukliyeer oo degdeg ah oo u baahan dagaal lala galo Iiraan.

    Hegseth wuxuu sheegay in Iiraan "aysan ka tanaasulin himilooyinkeeda nukliyeerka", waana sababta Mareykanku uu tallaabadan u qaaday isagoo la kaashanaya Israa'iil.

    Sii akhri

  7. War deg deg ah, Trump oo eegaya qorshaha markale lagu weerarayo Iiraan-Warbaahinta Axios.

    Wargeyska Maraykanka ah Axios oo soo xiganaya laba ilo wareed ayaa sheegay in Trump uu soo gaaray qorshe cusub oo ah in wareer kale lagu qaado Iiraan, kaas oo uu dib u eegis ku sameenayo khamiista ah.

    Sida ay qorseyso Axios qorshaha waxaa madaxweynaha u sharraxi doono Taliyaha taliska dhexe ee Maraykanka General Brad Cooper.

    Sida aan hore u tebinay taliska CENTCOM, ayaa diyaariyey qorshe weerarro ah oo “gaaban laakiin xoog badan” kaas oo lagu qaadayo Iiraan, waxaana la filayaa in ay ku jiraan bartilmaameedyo kaabayaal muhiim ah sida xaruumaha korontada, buundooyin, iyo wixii la mid ah.

    Sii akhri

  8. Trump oo magaca ka beddelay marinka Hormuz, isaga oo soo bandhigay khariiradda Hormuz ah

    Khariirad

    Xigashada Sawirka, Truth Social / Trump

    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Madaxweyanaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa Social Truth soo dhigay sawirka khariirad Marinka Hormuz ah, isaga oo ku dal qoran ‘Marinka Trump’.

    Erayga marinka Trump ayuu adeegsaday mar uu khudbad jeedinayey, markaas oo uu si kaftan ah u yiri “taasi waxaan u maleenayaa in warbaahintu ay u fahmi doonto khalad aan ula kac ahayn, laakiin qof walba waa ogyahay in qaladkeyga uusan badneyn”.

    Sii akhri

  9. Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya Baaritaannadii FBI Maraykanka ay ka waday Minneapolis

    NY POST

    Xigashada Sawirka, NY POST

    Xarunta caanka ah ee Quality Learing Center” ee ku taalla Minneapolis, taas oo ay leeyihiin Soomaali ayaa la xiray gabi ahaanba Arbacadii, maalin ka dib markii FBI ay weerartay xaruntan xanaanada carruurta iyo ilaa 20 ganacsiyo kale, iyadoo qayb ka ah xarumo baaritaan lagu sameenayay, kuwaas oo lagu soo eedeeyey khiyaano adeeg bulsho oo ballaaran oo ka dhacay Minnesota.

    Magacii iyo astaantii gaancsiga ayaa laga fujiyey, waxaana lagu beddelay calaamad digniin u ah booqdayaasha in kamaradaha amniga ee la isticmaalayo.

    Dhowr kubbadood oo hula ah oo xariijimo leh ayaa lagu arkay meesha qashin-qubka, gaari yar oo kuwa caruurta ahna waxaa laga helay meesha ay gawaaridu istaagto

    Qof ilaaliye ah oo ka shaqeyn jiray aaggaas ay xannaanadu ku taallo ayaa sheegay inuusan waligiis arkin carruur galeysa gudaha xarunta, taasoo xirnayd tan iyo bishii Janaayo sida ku cad diiwaanka gobolka.

    Waqtigaas, qof degaan ah oo ku noolaa meel u dhow ayaa sheegay inaysan "waligood" carruur ku arkin halkaa, warbaahinta the Post ayaa sheegtay in ay xaruntu ula muuqatay mid mashquul badan.

    Sii akhri

  10. Wasiirrada arrimaha dibadda Iiraan iyo Hindiya oo kulan qadka telefoonka ah yeeshay

    Labada wasiir

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Labada wasiir

    Safaaradda Iiraan ee Hindiya ayaa ka warbixisay waxa ay ka wada hadleyn Wasiirrada arrimaha dibadda Iiraan Cabaas Caraqji iyo kan Hindiya S. Jaishankar kuwaas oo kulan qadka telefoonka ah yeeshay Arbacadii.

    "Intii uu socday wada sheekeesigu, wasiirradu waxa ay iska xog wareysteen xaaladda gobolka iyo saameynta ka dhalatay tallaabooyinka sharci darrada ee Maraykanku wado, kuwaas oo madax bannaanida iyo xiriirka caalamig ahba dhaawaceysa". ayaa lagu yiri qoraalka ay daabacday safaaradda Iiraan.

    Cabaas, waxa uu hoosta ka xarriiqay in deganaan la'aanta ka jirta gacanka khaliijka iyo marinka hormuz ay masuul ka yihiin Maraykanka.

    Sidoo kale safaaraddu waxa ay sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Hindiya uu sheegay in Hindiya ay taagereyso xasilloonida iyo in khilaafka wada hadal lagu xalliyo.

    sii akhri

  11. War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo qaadaya weerarro ka dhan ah Iiraan

    Taliska Dhexe ee Maraykanka Centcom, ayaa diyaariyey qorshe weerarro ah oo “gaaban laakiin xoog badan” kaas oo lagu qaadayo Iran, waxaana la filayaa in ay ku jiraan bartilmaameedyo kaabayaal muhiim ah sida xaruumaha korontada, buundooyin, iyo wixii la mid ah.

    Xogtaan waxaa laga soo xigtay war-baahinta Axios

  12. War deg deg ah, Faahfaahin ka soo baxaysa waxa Tehran laga maqlay saaka

    Wax yar ka hor, Vahid Online oo ah bog caan ah oo wararka baahiya, ayaa sheegay in dad ku sugan Tehran ay maqleen qaraxyo.

    Dadka daawanayay kanaalka ayaa sheegay in dhawaaqyada laga maqlay qaybta bari ee magaalada Tehran, gaar ahaan meelaha la yiraahdo Tehran-Pars iyo Hakimiyah. Qaar dadkaas ka mid ah waxay sheegeen in dhawaqu u ekaa rasaas cirka loo ridayo.

    BBC ma xaqiijin karto in wararkan uu sax yahay iyo in kale.

    Maalmihii u dambeeyay, mas’uuliyiinta Iran waxay sheegeen inay sameynayeen qarxin la qorsheeyay si loo burburiyo walxo qarxa oo dagaalkii dhawaanahana dhacay ka haray. Laakiin wararka waxay inta badan sheegayaan saaka inay maqleen rasaas cirka loo ridayo.

  13. War deg deg ah, Degdeg: Qaraxyo laga maqlay Tehran

    Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa sheegaya in qaraxyo kala duwan laga maqlay magaalada Tehraan ee caasimadda Iiraan.Warkan oo hadda soo baxay ayaan faahfaahin sidaa u weyn laga haynin.

    Halkaan kala soco wixii ku soo kordha.

  14. Trump oo muujiyay khilaafka kala dhaxeeya Jarmalka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyneha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku ka fiirsanayo inuu yareeyo tirada ciidamadiisa ku sugan Jarmalka, iyadoo uu jiro khilaaf kala dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz oo ku saabsan dagaalka Iran.

    Trump ayaa ku qoray baraha bulshada ee Truth Social: “Mareykanku wuxuu ka fiirsanayaa oo dib u eegayaa suurtagalnimada in la yareeyo tirada ciidamadiisa ee Jarmalka, go’aanna dhawaan ayaa la gaari doonaa.”

    Sannadkii 2024, Mareykanku wuxuu Jarmalka ku haystay in ka badan 35,000 askari, sida ay sheegtay Congressional Research Service, inkastoo warbaahinta Jarmalku ay qiyaaseyso in tiradu u dhowdahay 50,000.

    Muddooyinkiisii xukunka, Trump marar badan ayuu ku hanjabay inuu dhimayo tirada ciidamada Mareykanka ee Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub ee xulafada la ah, isagoo dhaliilayay NATO. Hadda, Washington waxay u muuqataa inay dooneyso inay cadaadis saarto xulafada aan taageerin dagaal Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iran, ama aan ka qayb qaadan ilaalinta xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka muhiimka Hormuz.

    Merz ayaa bartilmaameed u noqday dhaleeceyn adag oo ka timid Trump kadib markii uu horraantii toddobaadkan sheegay in Iran ay “hoos u dhigayso” Mareykanka miiska wadaxaajoodka. Trump ayaa ku qoray Truth Social: “Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz wuxuu u maleynayaa inay caadi tahay in Iran yeelato hub nukliyeer ah. Ma oga waxa uu ka hadlayo!”

  15. War deg deg ah, Waa sidee xaaladda magaalada Quetta oo qaraxyo laga maqlay

    Sawir hore

    Xigashada Sawirka, EPA

    Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in xaaladda magaalada Quetta ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka oo jawiga guudna yahay mid lala tacaalayo.

    War qoraal ah oo la soo saaray, waxaa shacabka laga codsaday in ay is dejiyaan.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada amniga iyo hay’adaha fulinta sharciga ay si buuxda u diyaar garoobeen, isla markaana la xaqiijinayo badbaadada shacabka iyo hantidooda.

  16. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay dalka Pakistaan

    Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar gantaal ah oo laga soo tuuray jiho aan la garanayn oo ku dhacay Quetta, caasimadda gobolka Balochistan ee Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

    Kadib weerarka gantaalka, waxaa laga maqlay qaraxyo waaweyn meelo kala duwan oo magaalada ah, taas oo cabsi iyo jahawareer ku abuurtay dadka deegaanka.

    Babar Yousafzai, Kaaliyaha Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Balochistan, ayaa sheegay in booliiska iyo hay’adaha ay khuseyso ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo halka ay qaraxyadu ka dhaceen, isla markaana si taxaddar leh loo eegayo xaaladda.

  17. War deg deg ah, Booliska Lodon oo ku dhawaaqay in weerarku yahay "fal argagixiso"

    UK

    Xigashada Sawirka, Metropolitan Police

    Laba nin oo oo ka tirsan bulshada Yuhuudda ah ayaa saaka mindi lagu dhaawacay weerar ka dhacay Golders Green, waqooyiga London, dhacdadaas oo ay booliisku saacado gudahood ku sheegeen inuu yahay “fal argagixiso”.

    Labada dhibbane, oo da’doodu tahay 76 iyo 34, ayaa goobta lagu siiyay daryeel caafimaad, waxaana lagu sheegay inay xaaladdoodu deggan tahay oo ay isbitaalka ku jiraan, halka booliiska la dagaallanka argagixisadu ay baarayaan haddii bulshada Yuhuudda ee London si ula kac ah loo beegsaday.

    Nin 45 jir ah, oo lagu sheegay inuu yahay muwaadin British ah, ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii booliisku qabteen. Waxaa lagu xiray tuhun la xiriira isku day dil, waxaana booliisku ay baareen guri ku yaalla koonfur-bari London.

    Muuqaal laga duubay kamaradaha booliiska ee jirka lagu xiro ayaa muujiyay daqiiqadihii ka horreeyay xarigga. Askarta ayaa la maqlayaa iyaga oo si isdaba joog ah ugu yeeraya tuhmanaha inuu “mindida dhigo,” ka hor inta aysan isticmaalin qalabka korontada leh oo fududeya qabashada qofka.

    Dhacdadan ayaa keentay walaac cusub oo ku saabsan badbaadada iyo ilaalinta bulshada Yuhuudda ee Boqortooyada Ingiriiska. Hoggaamiyaha ugu sarreya bulshada Yahuudda ah Sir Ephraim Mirvis, ayaa sheegay in dhacdadu caddeyneyso “haddii aad si muuqata Yuhuudi u tahay, in aadan nabad galeynin.”

    Ra’iisul Wasaaraha Sir Keir Starmer ayaa sheegay in “weerarkan naceybka Yuhuudda muujinaya” uu yahay “Wax aad u xun,” wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo maalgelinta lagu ilaaliyo bulshada.

    Buckingham Palace ayaa sidoo kale sheegay in Boqorku uu “si weyn uga walaacsan yahay” saameynta ay arrintani ku yeelanayso bulshada Yuhuudda.

  18. War deg deg ah, Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa baaritaanno boolisku ay wadaan

    Warka cusub ee ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegaya in dambi-baarayaashu ay sidoo kale baarayaan dhacdo ka dhacday koonfur-bari London gelinkii hore ee maanta.

    Ciidanku waxay sheegeen in booliiska loogu yeeray dhacdo ka dhacday guri ku yaalla Great Dover Street, SE1, qiyaastii saacadda 08:50 subaxnimo.

    “Sida la sheegay, eedeysanaha oo watay mindi ayaa la rumeysan yahay inuu muran uu dhexmaray qof guriga deggen ka hor inta uusan meesha ka tagin.

    Qofka guriga deggen waxaa soo gaaray dhaawac fudud, booliiskuna waxay yimaadeen qiyaastii lix daqiiqo gudahood markii loo yeeray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    “Waxaa la rumeysan yahay in eedeysanaha dhacdadan uu yahay isla qofkii hore loogu xiray Golders Green.”

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanno laga sameeyay deegaanka iyo guri lala xiriiriyay eedeysanaha, balse wax laguma ogaan baaritaankaas.

  19. War deg deg ah, Degdeg: Ninka loo haysto weerarkii UK ka dhacay oo la sheegay inuu Somaliya ku dhashay

    Metropolitan Police

    Xigashada Sawirka, Metropolitan Police

    Eedeysanaha weerarkii mindida loo adeegsaday ayaa la shaaciyay inuu yahay muwaadin British ah, sida uu sheegay Booliisku, iyadoo baaritaanno ka socdaan guri ku yaalla koonfur-bari London.

    Booliiska Met ayaa hadda faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ninkan oo 45 jir ah ee la tuhunsan yahay.

    Ciidanku waxay sheegeen in uu yahay muwaadin British ah oo ku dhashay Soomaaliya.

    “Saraakiishu waxay baaritaan ka wadaan ayaa lagu yiri war ka soo baxay booliska.

  20. War deg deg ah, Ilaa iyo hadda lama oga maraakiibta halka ay ka yimaadeen iyo goobta ay joogaan hadda

    Idaacadda Ciidanka Israa’iil oo soo xiganaysa ilo Israa’iili ah, ayaa Arbacadii maanta sheegtay in Israa’iil ay bilowday inay la wareegto maraakiib gargaar u siday Qasa kuwaas oo ka fog xeebaha Israa’iil.

    Warbixintu ma aysan caddeyn tirada maraakiibta ama goobta saxda ah ee ay ku sugan yihiin. Kolonyo labaad oo maraakiib gargaar bani’aadamnimo u siday Falastiiniyiinta Qasa ayaa ka dhoofay dekedda Barcelona ee Spain 12-kii Abriil, iyagoo isku dayaya inay jebiyaan go’doominta Israa’iil ee Qasa.