You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Waa kuma Saadiq Joon?

  2. Kuwait oo ugu baaqday Iran inay "si degdeg ah oo shuruud la'aan ah u joojiso weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkeeda.

    Kuwait waxay ku eedeysay oo ay si adag u cambaareysay weerar drone iyo gantaallo ah oo lagu qaaday dhulkeeda aroornimadii hore ee maanta, iyadoo weerarkaasi ku eedeysay Iran.

    Tani waxay imaanaysaa xilli colaad militari oo cusub oo u dhexeysa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo ciidamada Mareykanka ay sii kordhisay cadaadiska ku yimid xabbad-joojinta jilicsan ee dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarrada gantaallada iyo drone-ka ee Iran, waxayna ku tilmaantay “kordhin halis ah oo xiisadda ah iyo xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo amniga qaranka.”

    Wasaaraddu waxay ugu baaqday Iran inay “si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiso weerarradan,” waxayna sheegtay in “Tehran ay si buuxda mas’uul uga tahay falalkan.”

  3. JNIM: Sida kooxdan mitidiinta ah ay u noqdeen mid kamid ah kuwa ugu halista badan kooxaha argagixisada Afrika

    Kicitaanka rabshadaha kooxaha jihaad-doonka ah ee Burkino Faso, Mali iyo Niger ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo, haddii gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika ay kusii xoogaystaan, in taasi ay keeni karta in la xakameyn waayo.

    Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ayaa sheegatay masuuliyada weeraro badan, laakiin yay yihiin kooxdan, maxayse doonayaan?

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  4. War deg deg ah, Madaxweynihii hore ee Yemen Abdi Rabi Mansuur oo geeriyooday

    Ilo ka tirsan madaxtooyada Yemen ayaa ayaa u sheegay wakaalada wararkka ee AFP in madaxweynihii hore ee Yemen Abdi Rabi Mansuur Hadi uu ku geeriyooday dalka Sacuudiga.

    Isha warkan laga soo xigtay ayaa sheegtay in uu Hadi ka weynaa 80 sano, uu ‘’ ku dhintay Riyadh kadib markii ay soo daciiftay xaaladdiisa jir ahaaneed.’’

    Cabdi Rabi Mansuur Hadi ayaa u qaxay Sacuudi Carabiya sannadkii 2015, bilowgii dagaalka sokeeye ee Yemen, kadib markii Xuutiyiinta ay taageerayaan mucaaradka Iiraan ay dowladdiisii ka saareen Sanca, isaga oo tan iyo muddadaasi ku noolaa dalkaas.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  5. Muxuu Trump ugu hanjabay in uu burburin doono dalka uu 'Isbahaysiga la ah Maraykanka ee' Cumaan?

  6. Sidee dilaagan sagaal sano baxsadka ahaa uu ugu soo dhacay dabinka lagu qabtay

    Dad badan ayaa caado u leh inay buskud ku cunaan shaaha subax kasta, laakiin caadadan ayaa dambiilahan ku keentay dhibaato weyn isaga oo ka baxsanaya booliska Gujarat.

    Dambiilahan ayaa lagu xukumay xabsi daa'in kadib markii uu dilay xaaskiisa, waxaana uu sagaal sano kahor ahaa mid baxsad ah kadib markii la siiyay fasax .

    Intii uu ku guda jiray baxsashada, mar kale ayuu guursaday wuxuuna ku noolaaday guri. Laakiin boorso buskud ah darteed, boolisku waxa ay heleen meesha uu ku sugnaa, waxayna dib u xireen dambiilaha.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  7. War deg deg ah, Xildhibaan ka hor yimid dib u furista Internet-ka Iiraan

    Afhayeenka guddiga dhaqanka baarlamaanka Iiraan Ahmad Rastineh ayaa isaga oo ka jawaabaya go’aanka madaxweyne Masoud Pezzekian ee baaritaanka xaaladda Internet-ka ayaa sheegay in go’aanka maamulka maxkamadda sare ee in la laalo dhaqdhaqaaqa xarumaha ay mid sharci ahaan u ‘’dhab ah oo saxsan’’

    Sida uu qabo Xildhibaanku, dib u furista internet-ka waxa ay ‘’kasoo horjeedaa sharciga’’.

    Xilli uu internet-ku dansanaa tan iyo dagaalkii Iiraan ee bishii Maarso sannadkii hore, Masoud Pezzekian ayaa dhisay ‘’Xarunta istaraatiijiyada iyo hay’adda Internet-ka’’ inay daraaseeyaan soo laabashada internet-ka caalamiga ah.

    Go’aanka xarunta ee dib u furista Internetka ayaa la kulmay falcelino xooggan oo ka imaanaya mucaaradka.

    Kadib arrintaasi, Maxkamadda maamulka ee Garsoorka ayaa ku dhawaaqay ‘’Kadib codsiyo cabasho oo dalbanaya in meesha laga saaro domkumintiga dhismaha xarunta, guddiga ganacsiga iyo warshadaha gaarka iyaga oo qirsan baahida degdega ah ee xaaladdan ay soo saareen amar lagu laalayo fulinta xalka tan iyo dhammaadka gar-maqalka’’.

    Iyada oo uu jiro cadaadiskan, Internet-ka caalamiga ah ayaa loo soo daayay adeegsadayaasha ilaa laba maalin kahor, kadib 80 maalmood oo uu xirnaa.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  8. Dowladda Bangladesh oo soo faragalisay gowraca dibigii "Trump u ekaa"

  9. War deg deg ah, Iiran oo weerartay saldhigyo Mareykanku leeyahay, iyada oo ka jawaabeysa duqeymihii Bandar Abbas

    Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa ku dhawaaqay inay beegsadayn saldhig Mareykan ah, taas oo ay ku tilmaameyn aargoosi ka dhan ah weerarro Mareykanku ka fuliyay koonfurta dalka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iraan ee IRIB.

    Bayaan uu baahiyey telefishinka Iran oo laga soo xigtay Ilaalada Kacaanka ayaa lagu yiri: "Kadib gardarradii subaxnimadan ay ciidanka Mareykanka ku qaadayn goob ku dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas iyagoo adeegsanaya duqeymo cirka ah.

    Faahfaahin lagama bixin halka uu ku yaallo saldhiggaas, hase yeeshee Kuwait oo kamid ah xulufada Maraykanka ayaa sheegtay in nidaamkeena difaaca hawada uu ka hortagay gantaallo iyo duqeymo ay fulinayeen diyaarado aan duuliye lahayn.

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro cusub oo ka dhan ah Iraan, kuwaas oo lagu beegsaday goob milatari oo ku taal magaalada xeebta istiraatiijiga ah ee Bandar Abbas.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamadooda ay sidoo kale soo rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Iraan leedahay, kuwaas oo "halis ku ahaa agagaarka marinka Strait of Hormuz."

    CENTCOM ayaa intaa ku dartay in goobta ku taal Bandar Abbas la duqeeyay xilli ay diyaarinaysay in laga duuliyo diyaaraddii shanaad. Warbaahinta Iraan ayaa iyaduna sheegtay in qaraxyo laga maqlay bariga magaalada.

    Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa sheegay in jawaabtoodu ay ahayd "digniin culus oo cadowga lagu fahamsiinayo in gardarro aan jawaab la'aan lagu dhaafi doonin, haddii ay mar kale dhacdana jawaabtayadu ay noqon doonto mid ka sii go'aan adag."

    Weeraradan ayaa imanaya xilli uu jiro xabbad-joojin jilicsan oo u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran, iyo wadahadallo daba dheeraaday oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaal saddex bilood socday oo carqaladeeyay maraakiibta marinka Strait of Hormuz isla markaana kor u qaaday qiimaha tamarta caalamka.

    Sii akhri qormooyinkaan

  10. FIFA oo lagu amray inay sharaxdo qiimaha tikidhada lagu galayo Koobka Adduunka

    FIFA ayaa ku qasbanaatay in ay ka jawaabto su'aalo badan, kadib ay soo baxayn eedeymo la xiriira 'qiimaha la siinayo tikidhka lagu galayo daawashada koobka addunka" iyo "in lagu marin-habaabiyay taageerayaasha" iibka tikidhada Koobka Adduunka 2026.

    Tani waxay timid kadib markii xeer-ilaaliyeyaasha guud ee New York iyo New Jersey ay si rasmi ah u bilaabeen baaritaan ku saabsan habraacyada FIFA.

    Xeer-ilaaliyaha guud ee New Jersey, Jennifer Davenport, ayaa habka ku tilmaamtay "in loo maray maareyn jahwareer leh, kaararka oo aan yaren in lagu sheegay in ay yaryihiin iyo in lagu sheegay qiimeyaal aan macquul ahayn oo aad u sarreeya."

    Guddoomiyaha DCWP, Samuel AA Levine, ayaa sheegay in hay'addu ay si "aad u dhab ah u qaadan doonto eedeymaha ku saabsan si cad u marin-habaabinta," ayna baari doonto eedeymaha ku saabsan "kor u qaadista macmalka ah ee qiimaha."

    Gaar ahaan, FIFA ayaa la weydiiyay inay sharaxdo sababta tikidhada ay "uga sarreeyeen qiimaha dhammaan koobabkii adduunka ee hore."

    Taageerayaal ayaa sheegay in "la marin-habaabiyay" xogta ku saabsan kuraasta, taas oo ay ka mid tahay in la soo saaray tikidhno ka qaalisan oo loo yaqaan 'front category', kuwaas oo la sii daayay kadib markii iibkii hore uu billowday.

    Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in qiimo is bedbeddelaya oo lagu sameeyay marxalado kala duwan, FIFA aya diiday in ay ka hadasho arinkaan.

    Sii akhri qormooyinkaan

  11. Maxaa laga filayaa doorashooyinka qaranka Itoobiya?

  12. In ku dhaw 20 arday oo ku dhintay dab ka kacay dugsi ku yaalla Kenya

    Lix iyo toban arday ayaa ku geeriyooday dab ka kacay dugsi hoy ah oo ku yaalla magaalada Gilgil oo qiyaastii 120km galbeed kaga beegan caasimadda Kenya ee Nairobi, sida uu booliiska u sheegay weriyeyaasha.

    Wuxuu intaas ku daray in 74 arday oo kale lagu daweynayo isbitaallo kadib markii ay dhaawacmeen.

    Dabka ka kacay dugsiga gabdhaha ee Utumishi Girls School ayaa billowday saacadihii hore ee subaxnimada Khamiista xilli ay ardaydu hurdayeen, sida ay sheegeen hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya

    Booliiska ayaa sheegay in hawlgallada lagu baadi goobayo laguna samata bixinayo ardayda uu weli socdo, iyadoo mas’uuliyiintu aysan weli ogaan sababta dabka keentay. Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ahi ay goobta joogaan si ay taageero u bixiyaan.

    Mid kamid ah waalidiinta ayaa sheegtay in ay aad uga walaacday waxa dhacay “Markii aan imid dugsiga waxaa naloo sheegay inaan saf galno. Inta badan aad ayaan uga walwalsanayn sababtoo ah waxaan maqalnay in qaar ka mid ah ardaydu dhinteen halka kuwo kalena dhaawacmeen oo isbitaallada la dhigay”, ayey tiri.

    Dabka noocan ah ee ka kaca dugsiyada hoyga leh oo ay caruutu seexdaan ee Kenya ma aha wax cusub, iyadoo sanadihii u dambeeyay la soo sheegay dhacdooyin badan oo dhimasho sababay. Ciriiriga qolalka hurdada iyo ku guuldareysiga in la raaco tilmaamaha badbaadada ayaa marar badan lagu eedeeyay tirada badan ee khasaaraha.

    Sii akhri qormooyinkaan

  13. Maraykanka oo Kenya ka furaya xarun lagu karantiilo dadka Ebola uu ku dhaco.

    Sida ay warbaahinta Mareykanka qoreyso maamulka Trump ayaa qorsheenaya in uu dhiso xarun lagu daweeyo, laguna karantiilo bukaannada Ebola soo ridan doono dalka Kenya.

    In kasta oo wasaaradda caafimaadka ee Kenya ay beenisay inay ogolaatay in la la furo xarun lagu karantiilo dadka Mareykanka ah ee laga baqayo inuu soo rto cudurka Ebola, haddana Aqalka Cad ayaa Arbacadii xaqiijiyay in Mareykanku uu ka dhisayo xarun caafimaad Kenya taasoo qaabili doonta dadka Mareykanka ah ee uu kusoo dhaco fayraska Ebola meelaha uu saameeyay cudurkan.

    Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan maamulka, Mareykanka wuxuu ka dhisi doonaa waxa uu ugu yeeray "xarun casri ah" Kenya iyada oo loo marayo dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Waaxda Arrimaha Dibadda, Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, iyo Waaxda Difaaca.

    Warkan waxaa markii ugu horreysay soo tebiyay The Wall Street Journal.

    Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa shirkii Golaha Wasiirrada Arbacadii ka sheegay in dowladdu "aysan u oggolaan doonin qof qaba cudurka Ebola inuu yimaado Mareykanka."

    Sarkaalku wuxuu sheegay in ujeeddada iyo naqshadda xarunta ay tahay "in la siiyo adeegyo wanaagsan dadka Mareykanka ah ee u baahan in si degdeg ah looga saaro" Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) si loogu karantiilo, isagoo sheegay in tallaabadani ay yareyn doonto "mudada ay qaadan lahayd in qofka dib loogu soo celiyo Maraykanka.

    Wuxuu intaas ku daray in awoodda caafimaad ee xarunta Kenya laga filayo inay wax ka qabato "dhammaan noocyada Ebola, oo ay ku jiraan daryeelka degdegga ah," laakiin wuxuu sharraxay in bukaannada si gaar ah loo qiimeyn doono si loo ogaado inay u baahan yihiin in loo wareejiyo xarumo kale oo leh daryeel horumarsan.

    Rubio wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday sida maamulkiisu uga go'an tahay xakamaynta Ebola, isagoo sheegay in "mudnaanta koowaad ee siyaasaddeenna arrimaha dibadda ay tahay in la ilaaliyo muwaadiniinta Mareykanka."

    "Ma ogolaanayno mana ogolaan doonno in qof kasta oo qaba Ebola uu soo galo Mareykanka," ayuu yiri Rubio, isagoo intaa ku daray in "hay'ado kala duwan oo dowladeed" ay mas'uul ka yihiin "la socodka dadka si loo hubiyo in qofna uusan soo gelin dalka isagoo qaba Ebola oo dhibaato keena," isagoo sheegay in tallaabooyinkani ay si wanaagsan u socdaan.

    Dowladda Mareykanka ayaa hore u joojisay in ay dib ugu soo laabtaan Maraykanka dadka tagay DRC, Uganda ama Koonfurta Suudaan 21-kii maalmood ee la soo dhaafay. Amarka ayaa la ballaariyay toddobaadkii hore si loogu daro dadka haysta kaarka cagaaran.

    Sii akhri warbixino kale:

  14. hay'adda GCHQ: Ku dhowaad 500,000 oo askari Ruush ah oo lagu dilay dagaalka Ukraine

    Ku dhowaad 500,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la dilay tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaankiisii ballaarnaa ee Ukraine sanadkii 2022, sida ay sheegtay hay'adda sirdoonka ugu weyn ee Boqortooyada UK, ee GCHQ.

    Tiradaas waxaa shaacisay agaasimaha GCHQ, Anne Keast-Butler, khudbadeedii ugu horreysay ee dadweynaha ay u jeediso, iyadoo ay ku faahfaahinaysay khataraha wajahaya UK iyo tallaabooyinka ay rumeysan tahay in loo baahan yahay si looga hortago.

    Madaxa sirdoonka ayaa ka digtay in UK ay ku sugan tahay "waqti xasaasi ah," iyadoo Ruushku "si joogto ah u bartilmaameedsanayo" kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.

    Waxay sidoo kale Kremlin-ka ku eedeysay qorshayaal badan oo basaasnimo oo ka dhacay gudaha Ingiriiska iyo, dhawaanahan, inuu wado waxa loogu yeero "dagaal isku-dhafan" oo aan si rasmi ah loo shaacin oo ka dhan ah UK iyo dalalka kale ee NATO.

    Iyadoo Kyiv iyo Moscow labaduba si joogto ah u daabacaan qiyaasaha khasaaraha dhinaca kale, haddana way ka gaabsadeen inay si faahfaahsan u sheegaan khasaarahooda gaarka ah.

    Si kastaba ha ahaatee, bishii Febraayo, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay lumisay 55,000 oo askari tan iyo sanadkii 2022.

    BBC News Russian ayaa tirinaysay khasaaraha dagaalka ee Ruushka iyadoo la kaashanaysa warbaahinta madaxa-bannaan ee Mediazona iyo koox mutadawiciin ah tan iyo Febraayo 2022. Waxaa la hayaa liis magacyada dadka la xaqiijiyay geeridooda iyadoo la adeegsanayo warbixinno rasmi ah, wargeysyo, baraha bulshada, iyo xabaalo ama taallooyin cusub.

    Ilaa hadda, BBC-da waxay awoodday inay xaqiijiso magacyada 223,539 askari iyo saraakiil ah oo ku dhintay iyagoo u dagaallamaya dhinaca Ruushka ee Ukraine.

    Waxaa la rumeysan yahay in tirada dhabta ah ee dhimashadu ay aad uga sarreyso, khubarada militariga ee aan la tashannayna waxay aaminsan yihiin in falanqayntayada xabaalaha, taallooyinka dagaalka, iyo tacsiyaasha dhimashada ay matali karto 45% ilaa 65% tirada guud.

    Iyadoo ka hadlaysay Bletchley Park oo ahayd xaruntii lagu jebin jiray sirta koodhadhka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka Keast-Butler waxay si gaar ah u tilmaantay Ruushka inay "beegsanayso kaabeyaasha muhiimka ah, hababka dimuqraadiyadeed, silsiladaha sahayda, iyo kalsoonida dadweynaha."

    Kremlin-ka ayaa beeniyay eedeymahaas.

    Sii akhri warbixino kale:

  15. Madaxweyne Trump oo ku hanjabay inuu dib u bilaabi doono duqeymo ballaaran haddii Iraan aysan aqbalin shuruudihiisa

  16. Israa'iil oo amarro cusub oo digniino ah kusoo rogtay koonfurta Lubnaan

    Milatariga Israel ayaa soo saaray amarro daadgureyn ah oo ku saabsan qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta Lubnaan, iyaga oo ku dhawaaqay in goobahaasi yihiin "aagag dagaal" ka hor weerarro cusub oo ka dhan ah Xisbullaah.

    Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa ku boorriyay dadka deegaanka inay u guuraan waqooyiga webiga Zahrani, oo qiyaastii 40km (25 mayl) u jira xadka. IDF ayaa sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto "hawl-gallo ballaaran oo dhan ah kooxda Xisbullaah.

    Tani waa amarkii daadgureynta ee ugu weynaa tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay 17-kii Abriil, wuxuuna saameenayaa 14% dhulka Lubnaan.

    Horaantii Arbacadii, Israea'iil waxay weerarro ka fulisay magaalada koonfureed ee Tyre, Xisbullaah oo Israa'iil ku eedeysay inay jebisay xabbad-joojinta, ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu ay isku dhaceen ciidamada Israel.

    Weerarradii Arbacada ayaa yimid kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay ballaarinta howlgalka dhulka kadib weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo ay Hezbollah ku qaaday ciidamada haysta qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan iyo sidoo kale shacabka ku nool waqooyiga Israa'iil

    Sii akhri qormooyinkaan:

  17. Ciidanka Kuwait ayaa sheegay inay ka hortageen weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah

    Ciidamada militariga ee Kuwait ayaa ku dhawaaqay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay qabteen weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah, balse ma aysan sheegin halka ay gantaalladani ka yimaadeen.

    Ciidanka Kuwait ayaa bayaan ay soo saareyn ku sheegay in dhawaaqyada qaraxyada laga maqlay dalka ay ka dhasheen nidaamyada difaaca cirka oo burburiyay weerradaan

    Muwaadiniinta ayaa lagu wargeliyey in ay raacaan tilmaamaha ammaanka iyo badbaadada ee ay soo saaraan hay’adaha ciidanka

    Bayaankan ayaa yimid kadib weerarro uu Mareykanku qaaday subaxnimadii Khamiista, kuwaas oo Washington ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday hawlgal xarun iiraan leedahay oo laga soo qaadayey weerarada diyaaraha aan duuliyaha lahayn, kaas oo khatar ku ahaa ciidamada Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz Strait.

    Iran ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarka Mareykanka, iyadoo sheegtay inay saaka weerartay saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay. Tehran waxay sheegtay in tallaabadan ay jawaab u ahayd duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay meel u dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas horaantii isla maalintaas. Si kastaba ha ahaatee, Iran ma aysan shaacin goobta saldhigga la weeraray.

    Kuwait, oo martigelisa saldhig ciidan oo Mareykanku leeyahay, bayaankeeda kuma aysan sheegin in hanjabaadahani ay ka yimaadeen Iran.

    Sii akhri qormooyinkaan

  18. Maraykanka oo hay'ado hor leh ku daray liiska ururuada cunaqabtaynta la saaray

    Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabatayn saartay Hay’adda Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris.

    Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay ku sheegtay in samaynta hay’addan ay ahayd isku day ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ku doonayeen inay “dakhliga uga helaan maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz,” waxayna hay’addan iyo “dhammaan kuwa la shaqeeya” ku dartay liiska cunaqabataynta.

    Kadib xiritaanka Marinka Hormuz iyo go’doominta dekedaha Iraan ee uu sameeyay Mareykanku, Iraan waxay dhistay hay’addan si ay ula socoto una isku dubbariddo maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz.

    Akoonka rasmiga ah ee ururkan ee Twitter-ka ayaa hore u daabacay khariidad muujinaysa “aagga kormeerka” ee Marinka Hormuz, isagoo sheegay in isu socodka maraakiibta ee aaggan “u baahan yahay isku dubbarid” lala sameeyo ururkan.

    Sida lagu sheegay bostigaan, aaggan waxaa lagu qeexay “xariiqda isku xiraysa Buurta Mubarak ee Iraan iyo koonfurta Fujairah ee Imaaraadka Carabta dhanka bari ee marinka” ilaa “xariiqda isku xiraysa dhammaadka Jasiiradda Qeshm ee Iran iyo Umm Al Quwain ee Imaaraadka Carabta dhanka galbeed ee marinka.” Sida ay sheegtay hay’addani, dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee maraya Marinka Hormuz gudaha aaggan wuxuu u baahan yahay in xiriir ka haleyn kooxda qaaablisan “Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris” iyo in oggolaansho laga helo hay’addan.

    Maalmihii u dambeeyay, waxaa soo baxay warbixino sheegaya in Iraan ay galbinaysay ama joojinaysay maraakiibta maraya aaggan.

  19. Shirkada sameeya baabuurta dunida oo la daaladhacaya in ay Shiinaha la tartamaan

  20. Xanta suuqa kala iibsiga ciyaartooyda kooxaha Yurub

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    • Arsenal ayaa dalbaneysa ilaa £20 milyan si ay u iibiso weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus, oo 29 jir ah, xagaagan.
    • Manchester City ayaa mudnaan siinaysa inay la soo saxiixato khadka dhexe ee Nottingham Forest iyo xulka England Elliot Anderson, oo 23 jir ah, iyadoo kooxda ay doonayso inay bilowdo xilli cusub kadib waayihii Pep Guardiola.
    • Laakiin City wax dan ah kama laha inay la soo wareegto khadka dhexe ee reer Argentina Enzo Fernandez, oo 25 jir ah, kaas oo doonaya inuu ka tago Chelsea.
    • RB Leipzig ayaa si adag u sheegtay in garabka reer Ivory Coast Yan Diomande, oo 19 jir ah kana mid ah bartilmaameedyada Liverpool, uusan meelna u socon xagaagan kadib markii kooxda Jarmalku u soo baxday Champions League-ka xilli ciyaareedka dambe.
    • Bayer Leverkusen ayaa rejeynaysa inay ku qanciso tababaraha ka tagaya Bournemouth, Andoni Iraola, inuu noqdo tababarahooda cusub.
    • Arsenal ayaa diyaargarow ballaadhan u sameysay heshiis ay kula soo saxiixanayso khadka dhexe ee England Morgan Rogers, oo 23 jir ah, kana tirsan Aston Villa.
    • Liverpool waxay doonaysaa inay sii haysato goolhayaha reer Brazil Alisson Becker hal xilli ciyaareed oo kale, taasoo shaki gelinaysa heshiis xagaagan uu 33 jirkan ugu wareegi lahaa Juventus.
    • Mas’uuliyiin ka socota Liverpool iyo Inter Milan ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan suurta-galnimada uu khadka dhexe ee England Curtis Jones, oo 25 jir ah, ugu wareegi karo Talyaaniga.
    • Garabka reer Brazil Savinho, oo 22 jir ah, ayaa diyaar u ah fikradda ah inuu ka tago Manchester City iyadoo Tottenham Hotspur ay xiiseyneyso.
    • Difaaca reer Spain Oscar Mingueza, oo 27 jir ah, ayaa doonaya inuu u wareego Premier League xagaagan, iyadoo Aston Villa iyo Newcastle United ay ka mid yihiin kooxaha la socda ciyaaryahanka Celta Vigo, kaas oo noqon doona ciyaaryahan xor ah.