You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta.

    Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojintooda isla markaana lagu qaadayo xayiraadaha maraakiibta ee marinka Hormuz, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wali ma ansixin heshiiska, warbaahinta dowladda Iraan-na waxay sheegtay inaan weli si rasmi ah loo dhammeystirin qodobada heshiiska.

    Heshiiskan cusub ayaa kordhinaya muddada xabadda, taas oo lagu daray muddo gaareysa 60 maalmood, wuxuuna oggolaanayaa in dib loo furo isu socodka maraakiibtu marinka hormuz, iyadoo ergadu ay sii wadi doonaan ka shaqeynta arrimaha barnaamijka nukliyeerka Iraan.

    Haddii hoggaanka Washington iyo Tehran ay ansixiyaan, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weynayd ee nabad lagu gaaro tan iyo markii colaadda ay bilaabatay 28-kii Febraayo.

    Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Trump aanu wali ansixin heshiiska, halka dhanka Iiraan weli aysan wax faallo ah ka bixin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay werisay Axios.

    Wakaaladda wararka Iraan ee Tasnim, oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda u qaabilsan wadaxaajoodka ayaa sheegeysa in qoraalka heshiiska aan wali la dhammeystirin

    "Wali ma aanan gaarin meesha kama dambaysta ah, balse aad ayaan ugu dhow nahay, waxaana sii wadi doonnaa shaqada arrintan," ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance u sheegay wariyeyaasha kula hadlayey magaalada Washington.

    "Ma dammaanad qaadi karo inaan halkaas gaari doonno, balse hadda waxaan dareemayaa rajo wanaagsan," ayuu yiri Vance.

    Maamulka Trump ayaa dhowr jeer sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu dhow yahay, balse Iraan ayaa marar badan beenisay ama ku tilmaamtay kuwo aan cago badan ku taagneyn

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  2. War deg deg ah, Netanyahu oo ciidamada Israa’iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Gaza ilaa 70%.

    Isagoo ka hadlayay shir maalintii Khamiista, ayuu yidhi: “Waxaan hadda cadaadis ku haynaa Xamaas; hadda waxaan gacanta ku haynaa 60 boqolkiiba dhulka Marinka Qasa waad ogtihiin taas. Waxaan joogney 50 boqolkiiba, waxaan u gudubnay 60. Amarkayguna waa inaan gaadhno…” ayuu yiri ka hor inta uusan hakad gelin markii qof dadkii ka mid ahaa uu yiri, “100”.

    “Aan tallaabo tallaabo u soconno. Marka hore 70. Halkaas aan ka bilowno. Dhinac kasta ayaan ka cadaadineynaa, wixii soo harana waan la tacaali doonnaa.”

    Ballaarinta gacan-ku-haynta Israa’iil waxay ka hor imaanaysaa qodobbada heshiiskii xabbad-joojinta ee uu hoggaaminayay Donald Trump, kaas oo Israa’iil iyo Xamaas ku heshiiyeen bishii Oktoobar 2025.

    Hadalkan Netanyahu wuxuu imaanayaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha Qasa inkastoo xabbad-joojintu jirto, halka Israa’iil iyo Xamaas ay weli isku mari la’yihiin wada-hadallo dadban oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayo si loo hormariyo qorshaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump.

    Ugu yaraan 738 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay bishii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas, tirooyinka ay Qaramada Midoobay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

    Netanyahu wuxuu dhowr jeer si cad u sheegay in ciidamada Israa’iil ay gacanta ku hayaan in ka badan 60% Marinka Gaza, taas oo ka badan 53% lagu heshiiyay xilligii heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay bishii Oktoobar 2025.

    Sida ku cad heshiiskaas, ciidamada Israa’iil waxay dib ugu gurteen xariiq xuduudeed loo yaqaan “xariiqda jaallaha ah”, taas oo Israa’iil uga tagtay inay maamusho qiyaastii 53% Gaza.

    Tallaabooyinka xiga ee qorshaha nabadeed ee ka koobnaa 20 qodob waxay ahayd in Xamaas ay hubka dhigto isla markaana ciidamada Israa’iil ay baxaan, balse wada-hadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa hakad galay.

  3. Xisbulaah oo qorshe cusub oo la yaableh kusoo kordhisay dagaalka ay kula jirto Israel

  4. War deg deg ah, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo ka hadlay heshiiska Iiraan ay la galayaan

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Mareykanka iyo Iran weli waxay u baahan yihiin inay xalliyaan dhowr arrimood oo adag ka hor inta aan heshiis laga gaadhin dagaalka, siduu sheegay yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance.

    Markii BBC-du ay weydiisay haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis, Vance wuxuu sheegay inay aad u horeyso in la yiraahdo “goorma” labada dhinac ayay dhammaystiri doonaan heshiis.

    Heshiiska ayaa la sheegay inuu kordhin doono xabbad-joojinta 60 maalmood ah, isla markaana uu bilaabi doono wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iran.

    Horaantii Khamiistii, saraakiil Mareykan ah ayaa BBC-da u sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis, balse uu sugayo oggolaanshaha Trump iyo hoggaanka Iran.

    Si kastaba ha ahaatee, wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran, oo ah mid aan rasmi ahayn balse u dhow dowladda, ayaa sheegtay in heshiiska aan weli la dhammaystirin ama la xaqiijin.

    Vance wuxuu sheegay in dhexdhexaadiyaashu ay “isku celcelinayeen dhowr qodob oo ku saabsan luqadda heshiiska”, kuwaas oo ay ka mid yihiin “su’aasha kobcinta uranium-ka”.

    “Wali meesha ma aanan gaadhin, laakiin aad ayaan ugu dhow nahay, waana sii wadaynaa inaan ka shaqeyno,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

    Vance wuxuu muujiyay rejo wanaagsan isagoo kula hadlayay wariyeyaasha Washington DC, ayuu sheegay in Mareykanku uu rumeysan yahay in Iran ay wada-hadallada u waddo “si daacad ah”.

    Tan iyo markii xabbad-joojintii hore ee u dhexeysay Mareykanka iyo Iran ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa si joogto ah u sheegay in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin heshiis isla markaana wada-hadalladu ay horumar samaynayaan, hase yeeshee illaa hadda ma jiraan natiijooyin la taaban karo.

    Madaxweynaha ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan joojinta dagaalka, oo ay ku jiraan xulafada dalalka Khaliijka, xisbiga Dimuqraadiga ee ka soo horjeeda, iyo qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta Kongareeska oo muujiyay walaac ku saabsan muddada dagaalka.

  5. War deg deg ah, Sarkaal Maraykan ah oo beeniyey sheegashada ah in diyaarad Maraykan ah lagu burburiyey Iran.

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Sarkaal Maraykan ah ayaa beeniyey sheegashada in diyaarado Maraykan ah lagu burburiyey Bushehr, Iran.

    Ma jirto diyaarad Maraykanku leeyahay oo lagu riday meel u dhow Bushehr, Iran, Sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah oo codsaday in aan in aan la magacaabin lana hadlay wakaalada wararka ee Reuters. Waloow telefishinka dawladda Iran uu tabiyay arrintaas.

    Telefishinka dawladda Iran ayaa sheegay goor hore Jimcihii in diyaarad Maraykan ah lagu burburiyey gobolka Jam ee Bushehr, isaga oo soo xiganaya guddoomiyaha gobolkaas, Masoud Tangestani.

  6. War deg deg ah, Nin lagu xukumay 15 sano kadib markii uu qirtay weerar lagu beegsan lahaa heesaaga Taylor Swift

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Nin 21 jir ah oo u dhashay Austria, oo qirtay inuu qorsheynayay weerar lagu beegsan lahaa bandhig faneed Taylor Swift ah oo ka dhacaysay Vienna intii ayku jirtay safarkeeda Eras Tour bishii Ogosto 2024, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

    Ninkan, oo magaciisa lagu sheegay Beran A si waafaqsan shuruucda asturnaanta Austria, ayaa sidoo kale qirtay dambiyo kale oo la xiriira argagixisanimo, oo ay ka mid yihiin weerar uu ku lug lahaa oo ka dhacay Maka, Sacuudi Carabiya.

    Waxa uu maxkamadda u sheegay horraantii Khamiistii inuu ka xun yahay falalkiisa, ka hor inta aysan xeer-beegtida maxkamadda ku taal Wiener Neustadt ka fariisan saacado si ay go’aan uga gaadhaan xukunka.

    Beran A waxaa la xiray kadib xog ay bixisay CIA, wax yar ka hor bandhigii ugu horreeyay ee saddex bandhig faneed oo Taylor Swift ah oo dhammaantood la iibiyay, kuwaas oo lagu waday inay ka dhacaan garoonka Ernst Happel ee Vienna.

    Dhammaan saddexdii bandhig ee Austria si degdeg ah ayaa loo baajiyay, taas oo niyad-jab weyn ku noqotay ku dhowaad 200,000 oo taageerayaal ah, iyo sidoo kale fanaanadda lafteeda.

    Taylor Swift ayaa hore u sheegtay in safarkeeda Eras Tour ee jabiyay diiwaannada uu si dirqi ah uga badbaaday “xaalad xasuuq ah.” Dukumentari ku saabsan safarka ayaa muujiyay in fanaanaddu ay ogaatay qorshaha bamka intii ay u safraysay Austria.

    Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Beran A uu noqday qof xagjir ah isla markaana uu ballanqaaday daacadnimo ku aadan kooxda Daacish (IS). Waxay sheegeen inuu isku dayay, balse uusan ku guuleysan, inuu si sharci-darro ah u iibsado hub, oo ay ku jiraan qori nooca darandooriga u dhaca ah iyo bam-gacmeed.

    Dhakhtarka cilmi-nafsiga ee maxkamadda Peter Hoffmann ayaa sheegay in Beran A uusan muujin wax calaamado ah oo cudur maskaxeed ah, isagoo intaa ku daray in “aysan jirin sharraxaad cilmi-nafsi” oo lagu fasiri karo xagjirnimadiisa. Beran A, iyo nin kale oo 21 jir ah oo lagu magacaabay Arda K oo ka yimid Slovakia, ayaa maxkamad ka socota Wiener Neustadt, oo ku taal koonfurta Vienna, lagu soo oogay inay ka tirsanaayeen unug xiriir la leh kooxda Daacish (IS). Arda K kuma lug lahayn qorshaha Taylor Swift.

    Horey Khamiistii, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in labadan nin sidoo kale lagu eedeeyay inay ka qaybqaateen qorsheyn weerarro ka dhacay Maka iyo magaalooyin kale dhowr bilood ka hor.

  7. War deg deg ah, Heshiisku ma qaadi doonaa xannibaadaha saaran Marinka Hormus?

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaadhay heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta laguna qaadayayo xannibaadaha maraakiibta ee marinka Hormus, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu weli ansixin, warbaahinta dowladda Iiraan-na ay sheegtay in aan weli la dhammeystirin.

    Sida ay sheegeen afar ilo oo arrintan xog-ogaal u ah, heshiiskan ayaa kordhinaya xabbad-joojinta 60 maalmood oo kale, isla markaana u oggolaanaya isu-socodka maraakiibta marinka biyaha istiraatiijiga ah, iyadoo wada-xaajoodyo lagu xallinayo arrimo adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay sii socdaan. Haddii ay ansixiyaan hoggaanka Washington iyo Tehran, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weyneyd ee loo qaaday dhanka nabadda tan iyo markii colaaddu bilaabatay 28-kii Febraayo.

    Wararka ku saabsan heshiiskan suurtagalka ah ayaa yimid kadib is-weydaarsi weerarro ah oo ay labada dal is-dhaafsadeen, taas oo ah dhacdadii ugu dambeysay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay horraantii Abriil.

    Siday qortay Reuters Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump aanu weli ansixin heshiiska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo bixiyo, halka Iiraan ay sidoo kale aanay weli ka hadlin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay baahisay Axios.

  8. War deg deg ah, Iiraan iyo Maraykanka oo gaadhay heshiis hordhac ah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Ilo Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska cusub ee xabbad-joojinta aanu weli ansixin hoggaanka labada dal midna.

    Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo weerarro cusub ay ka socdaan gobolka, kadib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidan oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla gobolka, kaddib duqeymo cusub oo Maraykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta Iiraan.

    Labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay xabbad-joojinta jilicsan.

    Arbacadii, warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay qaybo ka mid ah waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraal aan rasmi ahayn oo ka kooban heshiis is-afgarad ah oo leh 14 qodob.

    Warbixinta ayaa waxaa ku jiray qaadista xannibaadda badeed ee Washington ku haysay dekedaha Iiraan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee “agagaarka Iiraan”, iyo dib u soo celinta isu-socodka maraakiibta aan milatariga ahayn ee marinka Hormuz, iyadoo maamulka iyo hagidda maraakiibta ay gacanta ku hayaan Iiraan iyo Cumaan.

    Aqalka Cad ayaa soo saaray war kooban oo uu ku sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska la sheegay uu yahay “been-abuur buuxa.”

    Labada dhinac ayaa muujiyay in horumar laga sameeyay heshiiska dabayaaqadii toddobaadkii hore, taas oo dhalisay mala-awaal sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiis.

    Tan iyo markii xabbad-joojintii ugu horreysay ee u dhexeysay Maraykanka iyo Iiraan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump ayaa marar badan sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis isla markaana wada-xaajoodyadu ay horumarayaan, balse rajadii laga qabay in colaadda lagu soo afjaro wada-hadal ayaa mar kasta burburtay.

    Warbaahinta Axios, oo markii ugu horreysay Khamiistii soo tebisay heshiiska hordhaca ah, ayaa sheegtay in Trump lagu wargeliyay soo jeedinta, balse uusan isla markiiba oggolaan, isla markaana uu qaadan doono dhowr maalmood si uu uga fiirsado.

    Xaqiijinta ay ilo Maraykan ahi ka bixiyeen warbixinta Axios ee aan la shaacin ilaha laga helay ee ku saabsan qaab-dhismeedka heshiiska ayaa ah mid naadir ah, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay laga yaabo inay ka dhow yihiin heshiis sidii ay ahaayeen marxalad kasta oo hore oo ka mid ah xabbad-joojinta socotay in ka badan lix toddobaad.

  9. Halkan ka akhriso warbixino faahfaahsan

  10. Netanyahu: Israa’iil waxay la wareegi doontaa 70 boqolkiiba Gaza

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay inuu amray ciidanka inay sii ballaariyaan joogitaankooda iyo gacanta ay ku hayaan Marinka Gaza, tallaabo ka hor imanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta.

    Isagoo ka hadlayay deegaan ay Israa’iiliyiintu ka degeen Daanta Galbeed ee la haysto, ayuu sheegay in ciidanka Israa’iil ay maamuli doonaan 70 boqolkiiba Gaza, halka markii heshiiska xabbad-joojintu hirgalay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen 53 boqolkiiba.

    Muuqaallo laga baahiyay telefishinnada Israa’iil oo laga duubay munaasabadda ayaa muujinayay dad ka qaybgalayay oo ku dhawaaqaya “boqolkiiba boqol,” halka Mr. Netanyahu uu uga jawaabay: “Marka hore 70 boqolkiiba; aan halkaas ka bilowno.”

    Israa’iil ayaa dishay in ka badan 900 Falastiiniyiin ah tan iyo markii uu dhaqangalay heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay. Israa’iil waxay ku eedaynaysaa in heshiiska ay jebisay dhinaca diiday inuu hubka dhigo

  11. Maraykanka iyo Iran ma waxay ku dhow yihiin heshiis nabadeed mise waxay dib u bilaabayaan dagaal?

  12. War deg deg ah, Maraykanka oo Iiraan ugu goodiyay cunaqabateeno kale

    Dowladda Maraykanka ayaa isku dayaysa inay kordhiso cadaadiska dhaqaale ee ka dhanka ah Iiraan si loogu khasbo inay furaan marinka Hormuz.

    Wasiirka maaliyada Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay inay ka mamnuucayaan diyaaradaha ay leeyihiin shirkadaha Iiraan inay ku dagaan garoomada si ay shidaal uga qaataan.

    Ku dhawaaqistan ayaa timid maalin uun kadib markii waaxda maaliyada Maraykanka ay sii daysay faahfaahinada qaar kamd ah talaabooyinka ay qorshaynayso inay ka qaado hay’adda cusub ee canshuuraha ka aruurisa maraakiibta maraya marinka Hormuz.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Guryo waaweyn, baabuur iyo lacag caddaan ah: Talyaaniga oo la wareegay malaayiin uu lahaa hoggaamiye maafiyo oo dhintay

    Baarayaasha la dagaallanka maafiyada ee Talyaaniga ayaa la wareegay lacag caddaan ah, shirkado iyo hanti kale oo qiimaheedu ka badan yahay €200 milyan (£175 milyan) hawlgal ay sheegeen inuu bartilmaameedsaday shabakaddii hoggaamiyihii caanka ahaa ee maafiyada Sicily, Matteo Messina Denaro, oo geeriyooday.

    Lacagahan oo booliiska maaliyadda ee Palermo ku tilmaameen “raasamaal aad u badan”, ayaa la sheegay inay ka yimaadeen in ka badan afartan sano oo ka ganacsiga daroogada ah oo lala xiriirinayo madaxii hore ee kooxda Cosa Nostra.

    Iyaga oo kaga dhawaaqayay natiijooyinka Sicily Khamiistii, baarayaashu waxay sii daayeen muuqaal muujinaya boolis wajiyada duuban, qaarna xiran qalabka ka hortagga rabshadaha, iyagoo albaabada jebinaya kana gudbaya darbiyada si ay u baaraan guryo waaweyn oo raaxo leh oo ay hareereeyeen beero timireed.

    Messina Denaro wuxuu baxsad ku jiray muddo soddon sano ah ilaa laga qabtay sannadkii 2023 isagoo ka baxaya xarun caafimaad oo lagu daweynayay kansar. Wuxuu ku dhintay xabsiga wax yar kadib.

    Intii uu baxsadka ahaa, waxaa lagu xukumay xabsi daa’in dilal badan awgood, oo ay ku jiraan dilkii laba xeer-ilaaliye oo la dagaallami jiray maafiyada sanadkii 1992, kuwaas oo lagu dilay weerarro bambaano oo dhacay toddobaadyo kala duwan.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  14. War deg deg ah, Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo sheegay Maraykanka iyo Israa’iil ay doonayaan maamulida dalkiisa

    Hoggaamiyaha sare ee Iiran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, ayaa Khamiistii fariin qoraal ah oo laga akhriyey telefishinka dowladda ku sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil ay isku dayayaan inay xasillooni darrro ka abuuraan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Ayatollah Mojtaba Khamenei, oo aan si rasmi ah dadweynaha uga soo hor muuqan tan iyo markii uu talada qabtay bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa intaas ku daray: “Qorshaha cadowgu, kadib dagaallo khasab ah, cadaadis dhaqaale iyo go’doomin siyaasadeed iyo mid warbaahineed, waa inuu abuuro kala qaybsanaan iyo burbur si uu uga jaro guuldarrada militari isla markaana u daciifiyo Iran.”

    Tani waxay timid kadib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsadeen saldhig militari oo Mareykan ah si ay uga jawaabaan weerarro Mareykanku ka geystay koonfurta dalka, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Iran.

    Bayaan militari oo ay baahisay telefishinka Iran ayaa lagu yiri: “Kadib weerarkii uu saaka ciidamada Mareykanku ku qaadeen aag u dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas iyagoo adeegsanaya bambooyin cirka laga soo tuuray, saacaddu markay ahayd 4:50 subaxnimo (01:20 GMT) waxaa la bartilmaameedsaday saldhigga cirka ee Mareykanka oo ahaa meesha laga soo qaaday weerarka.”

    Ma jirin war cad oo ku saabsan halka ay ku taalo xeradaasi, balse Kuwait oo xulafo la ah Mareykanka ayaa subaxnimadii Khamiista sheegay inay si guul leh uga hortageen weerarro gantaallo iyo drones loo adeegsaday.

    Kuwait ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “weerarrada arxan darrada ah ee Iran” ee lagu beegsaday dhulkeeda, iyadoo sheegtay inay yihiin “koror khatar ah oo xiisadda ah iyo xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda, ammaankeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, sidoo kalena ay khatar toos ah ku yihiin nolosha shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah,” sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait.

    Wasaaraddu waxay bayaanka ku sheegtay in “kororka xiisaddu uu imanayo xilli dadaallo waaweyn lagu bixinayo… si loo yareeyo xiisadda loona dejiyo xaaladda lagana hortago in gobolka galo wareeg cusub oo colaadeed, taas oo sii kordhinaysa halista weerarradan isla markaana dhaawacaysa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka,” waxayna Iran ugu baaqay “inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiso weerarradan bahalnimada ah isla markaana ay qaadato mas’uuliyadda falalkan.”

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  15. Zaynah ''‘’Waxaan codsaday ku dhowaad 200 oo shaqooyin ah’’

    Khuburada ayaa hadal haya ‘’jiil lumay’’ iyada oo in ka badan hal milyan oo ka yar da’aada 24 sano looga tagay meel dhexe, iyada oo aysan jirin koorsooyin tababar oo ku jihayn karta inay mid helaan.

    Dhalinyaro xaaladdaasi ku jirta ayaa inagala hadlay sida ay u wajahayaan caqabadan.

    Waxaa kamid ah Zaynah oo 24 jir ah ‘’Anigu ma aqoon sida dadka loola hadlo’’

    Tan iyo ka tagitaankeedii kuleejka ee sannadkii hore, waxa ay sheegtay inay codsatay in ka badan 200 oo shaqo, aysana dib uga maqal wax natiijo ah goobihii ay codsiga u dirtay. Nidaam deeq aruurin oo lagu magacaabo Spear ayaa toddobaadkan ka caawinayay Zaynah inay dhisto kalsoonideeda.

    Waxaa ay sheegtay inay haysato xaalada caafimaad ee Eczema, taasi oo kahor istaagtay inay samayso wixii ay jeclayd oo ahaa samaynta farshaxanka.

    ‘’Waan ogaa mar walba in aan doonayay in aan aado hagaajinta (makeup). Hadda waxaan codsanayay doorar iyo samaynta shaqooyin suuqgaynta’’ ayay tiri.

    Waxaa ay intaasi raacisay ‘’Waligeey horay uma shaqeen.. Ma lahayn kalsooni gabi ahaanba. Waxaan ahaa gabar xishood badan. Hadda waxaan dareemayaa isbeddel sidaan ahaa markii hore. Waxaan dareemayaa in aan wadahadal u samayn karo si wanaagsan hadda’’

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  16. Waa kuwee ciyaartoyda kubbadda cagta adduunka ugu qanisan?

  17. Iran oo beegsatay saldhig Mareykan ah kadib weerarradii cusbaa ee Mareykanka

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay inay beegsadeen saldhig cirka oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, kadib weerarro cusub oo uu Mareykanku habeenkii ka fuliyay koonfurta Iran.

    IRGC ma aysan sheegin halka uu saldhiggu ku yaallo, balse Kuwait oo martigelisa saldhiga Mareykanku leeyihiin ayaa sheegtay inay ka hortagtay "hanjabaadyo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga"

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay gantaal ballistic ah ku ridday dhanka Kuwait, kaas oo ay si guul leh u qabteen ciidamada Kuwait, iyaga oo aan caddeyn in bartilmaameedku ahaa saldhiggooda milatari.

    Ridista gantaalka Iran ayaa timid kadib markii Mareykanku soo riday diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran leedahay oo ku sugnaa marinka Hormuz, ayna duqeeyeen goob milatari oo ku taal Bandar Abbas, oo ah magaalo leh deked istiraatiiji ah oo ku taalla koonfurta Iran.

    Colaadaha dib usoo cusboonaaday ayaa halis gelinaya xabbad-joojin jilicsan oo u dhaxaysa Washington iyo Tehran.

    Tani waa markii labaad muddo saddex maalmood gudahood ah oo Mareykanku weeraro ku qaado bartilmaameedyo ku yaalla Iran, isaga oo sheegay in duqeymahaasi loo fuliyay isdifaacid.

    IRGC ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigga cirka ee Mareykanka uu dhacay saacadihii hore ee subaxnimadii Khamiista, isla markaana la beegsaday goobtaas maadaama ay ahayd "isha" weerarradii hore ee Mareykanku ku qaaday Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee IRIB.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarka Iran ee Kuwait uu ahaa "xadgudub weyn oo lagu sameeyay xabbad-joojinta," kaas oo dhacay "saacado kadib markii ciidamada Iran ay soo direen shan diyaaradood oo ku dagaalka ah oo hal jiho u socda, kuwaas oo khatar cad ku ah gudaha iyo agagaarka marinka Hormuz."

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  18. Ruushka ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo Iran inay ka waantoobaan sii wadida dagaalka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa ugu baaqday Mareykanka iyo Iran in ay ka fogaadaan in ay dib ugu laabtaan dagaal, isla markaana ay sii wadaan wadahadalka.

    Waxay intaas ku dartay in Ruushku diyaar u yahay inuu ka caawiyo in laga saaro Iran uranium-ta la hodmiyay, balse Moscow “aysan ku qasbi doonin ama soo rogi doonin” soo jeedintan.

    Ms. Zakharova ayaa sidoo kale sheegtay in Washington aysan weli aqbalin soo jeedinta Ruushka ee arrintan ku saabsan, taas oo la soo jeediyay dhowr bilood ka hor.

  19. Waa kuma Saadiq Joon?

  20. Kuwait oo ugu baaqday Iran inay "si degdeg ah oo shuruud la'aan ah u joojiso weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalkeeda.

    Kuwait waxay ku eedeysay oo ay si adag u cambaareysay weerar drone iyo gantaallo ah oo lagu qaaday dhulkeeda aroornimadii hore ee maanta, iyadoo weerarkaasi ku eedeysay Iran.

    Tani waxay imaanaysaa xilli colaad militari oo cusub oo u dhexeysa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo ciidamada Mareykanka ay sii kordhisay cadaadiska ku yimid xabbad-joojinta jilicsan ee dagaalka Bariga Dhexe.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarrada gantaallada iyo drone-ka ee Iran, waxayna ku tilmaantay “kordhin halis ah oo xiisadda ah iyo xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo amniga qaranka.”

    Wasaaraddu waxay ugu baaqday Iran inay “si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiso weerarradan,” waxayna sheegtay in “Tehran ay si buuxda mas’uul uga tahay falalkan.”