You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Qaramada Midoobay: Israa'iil iyo Ruushka oo ka mid ah dalalka galay dambiyada dagaalka - UN

    Qaramada Midoobay ayaa Israa’iil iyo Ruushka ku dartay liiska dalalka lagu eedeeyay inay geystaan xadgudubyo galmo oo la xiriira dagaallada.

    Warbixin sannadle ah oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, sanadkii 2025, ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan ciidamada Israa’iil, booliis ama ciidamada asluubta ee xabsiyada ay geysteen noocyo kala duwan oo xadgudubyo ah oo ka dhan ah 31 qof oo ka kala yimid Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto iyo deegaanka Webiga Urdun, kuwaas oo ay ku jireen carruur.

    Warbixinta ayaa sheegtay in mararka qaar dhowr askari ay isku urursan jireen oo ay si wadajir ah kufsi ugu geysan jireen dad rayid ah, sidoo kale waxaa la sheegay in hal nin si ula kac ah xabbad looga dhuftay laabta.

    Israa’iil, oo lagu daray liiska iyadoo ay weheliso Hamas, ayaa muujisay caro ku aaddan tallaabadan waxayna beenisay eedeymahaas.

    Horaantii, safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu joojin doono dhammaan xiriirka uu la leeyahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

    Dhanka Ruushka, warbixintu waxay sheegtay in ciidamadiisu ay geysteen boqolaal xadgudub oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha gudaha Ukraine, kuwaas oo ay ku jiraan kufsi iyo isticmaalka koronto lagu jirdilo dadka.

    Moscow weli kama aysan hadlin warbixinta.

  2. Qalibaf: Tanaasul kuma helin wadahadal ee waxaynu ku helnay gantaalo

    Guddoomiyaha Baarlamanka Iiraan iyo madaxa wada-xaajoodka jamhuuriyada Iiran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa farriin uu ku daabacay barta X ku yiri: ‘’Wax tanaasul ah kuma aynaan helin wadahadal, laakiin waxaynu ku helnay wadada gantaalada, wadahadalka waynu ku sharaxnaa oo kali ah’’

    Wuxuu ka hadlay arrinta kalsoonida ee u dhexeysa labada dhinac ee wada-xaajoodka socda ee Mareykanka, isaga oo yiri: “Ma aaminsanin dammaanado iyo hadallo; hab-dhaqanka keli ah ayaa lagu qiimeeynayaa. Wax tallaabo ah lama qaadayo ka hor inta dhinaca kale uusan tallaabo qaadin.”

    Qalibaf ayaa sii raaciyay fariintiisa isaga oo leh: “Guuleystaha heshiis kasta waa kan si fiican ugu diyaarsan dagaal maalinta xigta.”

    Maxamed Baqer Qalibaf ayaa Isniintii tagay Qatar.

    Ujeeddada safarkaasi waxay ahayd wada-xaajood ku saabsan qaar ka mid ah hantida Iran ee la xayiray sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  3. Wasiirka Difaaca Afqaanistaan ​​Mullah Yaqoob oo booqasho ku tagay Ruushka lana saxiixday Ruushka heshiis 'nidaamka difaaca hawada'

  4. War deg deg ah, Iiraan oo cambaaraysay weerarada Israa’iil

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baghai ayaa cambaareeyay weerarada Israa’iil ay ku qaaday dhowr aag oo ku yaala Lubnaan, oo ay ku jirto Beirut, caasimada dalkaasi.

    Baghaei ayaa sheegay in ‘’aamuska iyo danayn la’aanta dowladaha caalamka’’ ay ku sababi doonto Israa’iil inay ‘’sii kordhiso’’

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ku qeexay Maraykanka ‘’mid caawinaya oo bahwadaag kala dambiyada ay Israa’iil ka gaysanayso, Lubnaan, dhulka Falastiiniyiinta iyo guud ahaan gobolka.

    Dad aad u badan ayaa lagu dilay gudaha Lubnaan iyada oo milatariga Israa’iil weerarada ay qaadayaan ay kordhiyeen maalmihii u dambeeyay.

    Israa’iil ayaa sheegtay in bartilmaameedka weeraradan uu yahay Xizbullaahiga Lubnaan.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weydiistay dadka deegaanka in sideedii meelood meel oo Lubnaan ah ay isaga tagaan guryahooda iyaga oo u jihaysanaya Waqooyiga.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  5. War deg deg ah, Putin ‘’Waa ogyahay’ shilka drone ee Romania, ayuu yiri afhayeenka Kremlin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu ka ‘’war qabo’’ shilka diyaarada aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay inuu sidaasi yiri afhayeenka madaxweynaha Dmitry Peskov.

    TASS ayaa sidoo kale ku warantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka uu ‘’jawaab dhakhso ah’’ ka bixin doono go’aanka Romania ay ka qaadatay qunsuliyadooda iyaga oo ka jawaabaya burburka.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  6. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran: Aamusnaanta hay’adaha caalamiga ah waxay sii dhiirrigelinaysaa Israa’iil.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghai, ayaa cambaareeyay kordhinta weerarrada ay Israa’iil ku qaaday meelo kala duwan oo ka tirsan Lubnaan, oo ay ku jirto caasimadda dalka ee Beirut.

    Mr. Baghai ayaa sheegay in “aamusnaanta iyo inaysan dan ka lahayn hay’adaha caalamiga ah” ay sabab u noqon doonto in Israa’iil ay “sii kordhiso gardarradeeda.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale ku tilmaamay Maraykanka “mid gacan saar iyo lammaane kula ah dhammaan dambiyada Israa’iil” ee ka socda Lubnaan, dhulka Falastiiniyiinta, iyo guud ahaan gobolka.

    Tobannaan qof ayaa lagu dilay Lubnaan iyadoo weerarrada milatari ee Israa’iil ay sii xoogeysteen maalmahan dambe.

    Israa’iil ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarradan uu yahay ururka Hezbollah ee Lubnaan.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale dadka deggan ku dhowaad siddeed meelood meel dhulka Lubnaan ka codsaday inay ka baxaan guryahooda una guuraan dhanka waqooyi.

  7. Fiisaha $1 milyan ee kuu saamaxaya deganaansho iyo in aad hesho dhalashada Maraykanka

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilaabay qorshaha kaarka dahabiga ah ee bixinta fiisooyinka deganaanshaha Maraykanka sida degdega ah loo helayo, kuwaas oo loogu talagalay ajaanibka dadka hodonka ah ee awoodda inay bixiyaan ugu yaraan $1 milyan oo u dhiganta (£750,000).

    Kaarka ayaa siin doona iibsadayaasha ''waddo toos ah oo ay ku helayaan dhalashada Maraykanka, gaar ahaan dhammaan dadka u qalma ee la baaray. ''Waa wax lagu farxo! Shirkadaha weyn ee Maraykanku ugu dambayn waxa ay sii haysan doonaan kartidooda aan la beddeli karin,'' ayuu ka yiri Trumo baraha bulshada Arbacadii.

    Kaarka dahabka Trump oo markii u horaysay la shaaciyay horraantii sanadkan ayaa ah dalkugal Maraykan ah oo la siinayo kuwa muujin kara inay iibsan karaan ayna ''faa'iido weyn'' u tahay dalka, sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee qorshahan

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  8. Jeebka maku qaadan lahayd lacag uu ku sawiran yahay wajiga Trump?

  9. Baraha Bulshada: Saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok

    Kaamiradu waxay ahaan jirtay mid ay ku soo caan-baxaan xiddigaha caanka ah ee filimada iyo wariyeyaasha telefishinnada, kuwaas oo heystay fursad khaas u ah oo ay qaabkaas lacag ugu sameeyaan, balse Baraha Bulshada oo uu hoggaamiyo TikTok ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday arrintaas.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aad faahfaahinta u akhriso

  10. Iskuulkii dabku ka kacay ee Kenya oo ardaydiisii qaar la xiray

    Waaxda Dembi-baarista ee Kenya ayaa bilowday baaritaan faahfaahsan oo ku saabsan musiibadii dabka ee ka dhacday Dugsiga Sare ee Gabdhaha Utumishi ee degmada Gilgil, gobolka Nakuru.

    Koox baaritaan oo isku dhafan ayaa la sameeyay si ay u baaraan dhacdada dabka ka kacay hoyga ardayda, iyo sidoo kale in la sameeyo baaritaanno hidde-side (DNA) ah si loo aqoonsado meydadka 16 arday oo ku geeriyooday musiibada.

    Booliska ayaa wareystay arday, macallimiin iyo shaqaalaha dugsiga, sidoo kalena baaray kamaradaha CCTV-ga.

    Sideed arday ayaa loo qabtay tuhmaneyaal ku lug leh dhacdada, waxaana hadda lagu hayaa xabsiga saldhigga booliiska.

  11. Muxuu yahay heshiiska Abraham, oo saxiixiisa Trump uu u arko inuu shuruud u yahay heshiis lala galo Iran?

  12. Rutte- "Dhaqanka taxaddar la'aanta ah ee Ruushka waa khatar halis nagu wada ah"

    Xoghayaha Guud ee isbahaysiga NATO Mark Rutte ayaa cambaareeyay wax uu ku sheegay "dhaqanka taxaddar la'aanta ah ee Ruushka", isagoo ku tilmaamay "khatar innaga wada dhan ah".

    Rutte ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Romania Nicușor Dan u xaqiijiyay in NATO "ay diyaar u tahay inay difaacdo halkii taako ee kamid ah dhulka Romania."

    Wuxuu sidoo kale ku qoray bartiisa X in Ruushku uu sii wado "beegsiga shacabka iyo kaabeyaasha rayidka ee Ukraine," isla markaana "dhacdadii xalay ay mar kale muujisay in saameynta dagaalka gardarrada ah ee sharci-darrada ah aysan ku ekaan xadka".

    Rutte ayaa sheegay in NATO ay sii xoojin doonto ilaalinteeda isla markaana ay sii wadi doonto taageerada Ukraine ee ka dhanka ah gardarrada Ruushka.

    Sii akhri sheekooyin kale:

  13. Madaxa Midowga Yurub "Dagaalka gardarrada ah ee Ruushka wuxuu ka gudbay xariiq kale oo halis ah".

    Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa sheegtay in "dagaalka gardarrada ah ee Ruushka inuu ka gudbay xad kale oo halis ah," iyadoo carrabka ku dhifatay in Midowga Yurub si buuxda uu u garab taagan yahay Romania iyo shacabkaheeda."

    Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka dhacday goob dad badan joogeyn oo ku taalla Romania, taas oo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

    waxa ayna barteeda X ku qortay in loo baahan yahay in Ruushka cadaadis dheeraad ah la saaro, lana kordhiyo cunaqabataynta hadda saaran "Waxaan diyaarinaynaa xirmadii 21-aad ee cunaqabateynta."

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  14. Benjamin Netanyahu oo ciidamada Israa'iil amray in ay la wareegaan gacanta ku haynta Gaza 70%

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu faray Ciidamada Difaaca Israa'iil inay kordhiyaan xakamaynta Gaza ilaa 70%.

    Isagoo ka hadlayay shir Khamiistii dhacay, wuxuu yiri: "Hadda waxaan u cadaadinaynaa Xamaas, inaan maamulno oo ay gacanteenna ku jirto 60% dhulka Gaza, waad ogtahay sida ay u weyntahay, markii hore waxaan gacanteenna ku jiray 50%, waxaa soo gaarnay oo isku ballaarinay illaa 60%, hadda amarkaygu waa inaan kordhino" ayuu yiri Netanyahu.

    Hadallka Benjamin ayaa imaanaya iyada oo Israa'iil ay weli Gaza ka waddo duqeymaha xilli uu jiro heshiiska xabbad joojinta ee hore loo gaaray.

    Ugu yaraan 738 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymaha Israa'iil tan markii la gaaray heshiiska, sida ay sheegeyso wasaaradda caafimaadk Xamaas.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  15. Haween Soomaaali ah oo lagu soo eedeeyey khiyaano lacageed oo gaareysa $21 Milyan

  16. Maxkamadda sare Kenya oo amar kasoo saartay in la furo xarunta Ebola lagula tacaalayo

    Maxkamadda Sare ee Nairobi ayaa soo saartay amarro si ku-meelgaar ah u joojinaya in Kenya laga dhiso xarunta lagula tacalaayo dadka Eba uu kusoo dhaco, taas oo ay dowladda Maraykanka ay sheegtay in laga shaqeenayo maanta.

    Xukun la soo saaray 28-kii May, Garsoore Patricia Nyaundi ayaa kiiska ku tilmaamtay mid degdeg ah, waxayna bixisay amarro joojin ah oo hakinaya dhammaan qorshayaasha lagu dhisayo ama lagu hawlgelinayo xaruntaas illaa la helo xog faahfaahsan oo ku saabsan xarunta.

    Maxkamaddu waxay si gaar ah u mamnuucday hay'adaha dowladda iyo saraakiisha inay "dhisaan, hawlgelinayaan, fududeeyaan, ansixiyaan ama oggolaadaan" xarun kasta oo karantiil, taas lagu soo daabuli doono dadka Ameerikaanka ah ee uu rito cudurka Ebola ah guud ahaan qaaradda.

    Garsooraha ayaa sidoo kale mamnuucay in mas'uuliyiintu ay Kenya keenaan, ama fududeeyaan soo gelitaanka dalka qof kasta oo la sheegay inuu Ebola qabo.

    Amarradan ayaa imanaya xilli Kenya ay ka jirto caro dadweyne oo sii kordhaysa kadib warar ku saabsan xarun bio-isolation ah oo Mareykan maamulo oo loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo laga yaabo inay Ebola la kulmeen ama ku dhaceen gobolka.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  17. War deg deg ah, Dhakhaatiirta Kenya oo ka soo horjeestay qorshaha lagu furayo xarunta karantiilka Ebola ee Kenya

    Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta, Farmashiistayaasha iyo Ilkaha Kenya (KMPDU), Davji Bhimji Atellah, ayaa su'aal ka keenay sababta Kenya loogu doortay inay martigeliso xarun karantiil iyo daaweyn Ebola ah oo la sheegay inay ku taallo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Laikipia.

    War-saxaafadeed uu soo saaray 28-kii May, Atellah ayaa muujiyay caro xooggan oo ku saabsan qorshaha, isagoo ku eedeeyay dowladda inay mudnaanta siineyso danaha shisheeye halkii ay ka ilaalin lahayd badqabka muwaadiniinta Kenya.

    "Annaga oo ah ilaalayaasha ugu waaweyn ee nidaamka caafimaadka Kenya, aad ayaan uga walaacsannahay sida ay dowladda ugu muuqato inay halis gelinayso badqabka caafimaadka dalka iyo nolosha muwaadiniinta si loo helo gargaar shisheeye," ayuu yiri ururka.

    KMPDU ayaa hadda ugu baaqaysa Wasiirka Caafimaadka, Aden Duale, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay sharaxaan sababta Kenya loo doortay halkii laga dooran lahaa dalal u dhow halka uu ka jiro faafitaanka Ebola.

    "Ma fadhiisan doonno anagoo daawanayna Kenya oo loo rogo goob lagu xakameeyo cudur halis ah oo aynaan annagu keenin," ayuu raaciyay.

    Atellah ayaa sheegay in faafitaannadii hore Mareykanku uu muwaadiniintiisa dib ugu celin jiray dalkooda si loo daweeyo, halkii lagu wareejin lahaa dalal kale.

    KMPDU ayaa sidoo kale ku baaqday in heshiis kasta oo iskaashi ah oo u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka ee la xiriira barnaamijkan si degdeg ah loo shaaciyo.

    Hadalladiisa ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka socoto Kenya kadib markii ay soo baxayn warar sheegaya in Maraykanka uu doonayo in uu Kenya usoo daabuli doono dadka u dhashay dalkaas ee uu cudurka ku dhaco.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabooyinka Kenya ay sii hagi doonaan saynis, qaab-dhismeed sharci iyo nidaamyo caafimaad oo adag, iyadoo isku dayaysa in ay dheellitirto iskaashiga caalamiga ah iyo badbaadada muwaadiniinta gudaha.

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  18. Sidee u joojin karnaa cunista xad-dhaafka ah?

  19. Muwaadin Mareykan ah oo loo xukumay inuu ka dambeeyey shirqool dil oo Iiraan ay ka dambeysay

    Nin hore u ahaa darawal gaari xamuul ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii uu ka qayb qaatay shirqool lagu doonayay in lagu dilo dhaqdhaqaaqe Iranian-American ah oo ay dowladda Iran bartilmaameedsanaysay, sida ay sheegeen masuuliyiinta.

    Jonathan Loadholt, oo 37 jir ah, ayaa qirtay dambiyo la xiriira qorsheyn dabagal sharci-darro ah iyo lacag dhaqid oo ka mid ah shirqoolka lagu beegsanayay Masih Alinejad oo ku sugan gurigeeda Brooklyn sanadkii 2024, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

    FBI-da ayaa fashilisay shirqoolka ka hor inta aan weerarku dhicin. Alinejad, oo si weyn u dhaleeceysa nidaamka Iran, ayaa BBC-da u sheegtay inay uga mahadcelinayso hay'adaha ammaanka, balse aysan dareemayn nafis.

    Si kastaba ha ahaatee, Alinejad waxay sheegtay inaysan aamusi doonin. "Codkaygu wuu ka xoog badan yahay hubkooda [nidaamka Iran]."

    Sii akhri Sheekooyin kale:

  20. UK oo AI u adeegsan doonta hubinta da'da muhaajiriinta sharci doonka ah

    Dowladda Ingiriiska ayaa bilaabeysa in ay isticmaasho qalab aqoonsan kara da'da qofka, haddii uu been ka sheego magangalyo doonka ah ee dalkaas gaara.

    Shirkad samaysa software ayaa la siiyay qandaraas ay ku horumariso soona tijaabiso teknoolojiyadan, taas oo qiyaasi doonta da'da qofka iyadoo falanqaynaysa sawirrada laga qaado marka uu yimaado xadka.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK ayaa sheegtay in teknoolojiyadani ay fududeyn doonto in la aqoonsado dadka waaweyn ee muhaajiriinta ah ee "isku dayaya inay nidaamka khiyaaneeyaan," kadib markii tijaabooyinkii hore ay muujiyeen "rajo ah in ay fududaan karto in la fahmo qofka ka been sheega da'da uu jiro".

    Balse hay'dda u doodda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqday in dowladda ay joojiso qorshahan, iyadoo ku tilmaantay "teknoolojiyad aan wali la xaqiijin" oo dhaawici doonta ilaalinta xaqa carruurta nugul xaqa leeyihiin.

    Muhaajiriinta carruurta ah ee aysan la socon waalidkooda ayaa lagu daraa nidaamka daryeelka carruurta halkii laga marin lahaa nidaamka magangelyo-doonka, taas oo u sahlaysa inay dalka sii joogaan.

    Go'aanka lagu adeegsanayo software-kan ayaa yimid kadib sanado ay sare u kaceen dadka doomaha yaryar kaga soo gudba kanaalka English Channel kuna dalbada magangelyo marka ay yimaadaan xadka.

    Sii akhri Sheekooyin kale: