Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay

Tebin toos

Tebin toos ah

  1. UK iyo Mareykanka oo cunaqabateyno dheeraad ah kusoo rogay Xamaas

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    UK iyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn sadexaad kaddib weerarkii ay Xamaas 7-dii Oktoobar ku qaadday Israa'iil.

    Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateynadan ay beegsan doonaan "saraakiil muhiim ah oo Xamaas ka tirsan iyo taageerada ay Iiraan siiso Xamaas iyo kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta" - oo ah garab kale oo hubeysan oo ku sugan Marinka Qasa.

    Shakhsiyaadka ayaa wajahaya mamnuucid safarka ah, hantidooda oo la xannibo iyo xannibaad hubka ah.

    Qaar ka mid ah dadka ay cunaqabateyntan saameyneyso waxaa ka mid ah wakiilka Islamic JIhad ee Falastiin u jooga Iiraan, Nasser Abu Sharif, iyo sidoo kale xarunta sarrifka lacagaha ee fahdigeedu yahay Lubnaan taasoo maamusha lacagaha isaga kala goosha Xamaas iyo Tehraan.

  2. Dhegeyso isku shaandheynta golaha wasiirrada Somaliland

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku dhawaaqay isku shaandheyn golaha wasiirrada ah. Weriye Sidiiq Burmad ayaa ka warramaya.

    Qoraalka Codka, Waa isku shaandheyn ka duwan kuwii hore
  3. Sida ugu wanaagsan ee aad ula noolaan karto cudurka macaanka

    Dunida maanta oo kale 14 Noofeembar waxa la isku baraarujiyaa khatarta cudurka sokorka ama macaanka oo sanad kasta ay ku kordhaan dadka xanuunkaasi qaadaya. Aduunka oo dhan dad lagu qiyaasay 422 milyan ayaa la noolaa xanuunka sanad kii 2014 kii, iyadoo la barbar dhigay sanaddii 1980 kii oo ay xanuunka la noolaayeen dad gaaraya 108 milyan, taas oo macnaheedu yahay in uu kordhay boqol kiiba wax ka badan sedex.

    Tani waxay muujinaysaa in ay korodheen waxyaabaha sababi kara cudurka oo ay kamid tahay miisaanka qofka oo kordha ama cayilka.

    Toban kii sano ee la soo dhaafay si xad dhaafa ayuu cudurku ugu dhacayay bulshooyinka dakhligoodu meel dhexaadka yahay amaba kuwa uu hooseeyo marka la barbardhigo kuwa uu dakhligoodu sareeyo.

    Ismaaciil Sheekh Maxamed Xuseen oo muddo ku dhaw toban sano la nool xanuunka macaanka ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga warramay waayo aragnimadiisa cudurka iyo sida si caadi ah loola noolaan karo.

    Qoraalka Codka, Xanuunkan ayaa ah mid ay dad badan la dhibban yihiin
  4. Xaliima Aadan oo ku jirta guddiga soo xulaya gabadha ugu quruxda badan 2023

    Xaliima

    Xigashada Sawirka, FADIL BERISHA

    Qoraalka sawirka, Xaliima Aadan

    Ururka Miss Universe (MUO) ayaa ku dhawaaqay guddiga soo xuli doona gabadha ugu quruxda badan adduunka ee Miss Universe 2023, tartankan oo Sabtida lagu qaban doono San Salvador.

    Guddiga ayaa waxaa u badan haween leh xirfado kala duwan oo meelo kala duwanna kasoo kala jeeda.

    Waxaa ka mid ah gabadha asalkeedu Soomaali yahay ee Xaliima Aadan oo qudheeda hore uga qyeb qaadatay tartankan.

    Ka bood Instagram boggan
    Oggolow Instagram macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka Instagram boggan

    Xaliima oo 26 jir ah ayaa heysata dhalashada Mareykanka, waxayna ahayd qof iyadoo xijaaban dharka xayeysiisa.

    Waxay ku dhalatay xero qaxooti oo Kenya ku taalla, kadibna iyaodo aad u yar ayay Mareykanka tagtay.

    Sanadkii 2016, waxay dhigtay taariikh kadib markii ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban dharka xayeysiisa.

  5. Qasa: Meydadka oo isbitaalka gudihiisa xabaal wadareedyo lagu aasayo

    Qasa

    Xigashada Sawirka, An UNRWA facility

    Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa agaasimaha isbitaalka Al-Shifa ee Qasa Muxamed Abu Salamiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 179 meyd ah lagu aasay xabaal wadareed ku yaalla goobta uu ku yaallo isbitaalka Shifa iyada oo oo ay socdaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas.

    Agaasimaha isbitaalku waxa uu sheegay in toddobo carruur ah oo dhawaan dhashay ay u dhinteen koronto la’aanta xaruuntaas ka jirta.

    Abu Salamiya waxa uu yiri “Waxay ahayd in aan ku aasno xabaal wadareedyo” waxa uu xusay in maydadka ay daadsan yihiin wadooyinka isbitaalka, sidoo kalena ay korontadii ka go’day talaagadaha ku jiray qolka maydka”, iyada oo aanay jirin wax shidaal ah oo soo galay marinka Qasa ilaa 7-dii October.

  6. Isbitaalka ugu weyn Qasa oo laga maqlay qaraxyo iyo rasaas

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qof la hadlay BBC-da oo ku sugan gudaha isbitaalka Shifa ayaa sheegay in xaalad cakiran ay weli ka jirto Isbitaalka, isla markaana uu maqlay dhowr qarax iyo rasaas la is dhaafsanayay xalay.

    Waxa kale oo uu ii sheegay in gawaarida dagaalka ay ku gadaamanyihiin isbitaalka oo dhan, oo aaney aanay suurtagal ahayn in isbitaalka la soo galo.

    “Xataa in qayb laga guuro lana aado qaybta kale ee isla dhismaha isbitaalka ah waa halis weyn,” ayuu yiri qofka aan la hadalnay.Waxa uu sheegay in dadka isbitalaka ku geeriyooday ay u dhinteen sababo la xiriira koronto la’aan iyo biyo la’aanta ka jirta iyo dawooyinka oo aan ku filneyn.

    Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in isku day ay ciidamada milatariga ku doonayeen in 300 oo litir oo shidaal ah ay ku geeyaan isbitaalka Shifa maalintii Axadda uu guuldarreystay sababtoo ah “Xamaas ayaa diiday in ay aqbasho,” ayuu yiri balse Xamaas ayaa beenisay hadalkaas.

  7. War deg deg ah, Boqollaal qof oo xaramka u socday oo diyaaraddii siday laga celiyay Sacuudiga

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, AFP

    In ka badan 170 qof oo u dhashay dalka Nigeria ayaa laga soo celiyay dalka Sacuudiga Isniintii kadib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay kala noqdeen dal ku galkii sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha.

    Wararka ayaa sheegaya in 264 qof oo rakaab ah oo ka soo ambabaxay magaalooyinka Lagos iyo kano ee dalka Nigeria, la siiyay fiisaha laguna samaeyay baaritaan intii aaney diyaaradda raacin.

    Si kastaba ha ahaatee waxaa la wariyay in dhamaan dadkaas dal ku galka lagala noqday intii ay hawada ku jireen

    Warka ayaa intaas ku daraya in markii ay gaareen dalka Sacuudigaay mas’uuliyiinta dalkaasi diideen in dadkaas ay diyaaradda ka dagaan isla markaana waxaa lagu war geliyay diyaaraddii waday in ay dib u celiso.

    Ilaa iyo hadda dowladda Sacuudigu wax faahfaahin ah kama aysan bixin arrintaan.Dadka reer Nigeria ayaa aad ula yaabay oo is waydiinaya waxa sababay in fiisaha lagala noqdo iyagoo maray dhamaan hababkii sharciga ahaa.

    Dadkaan ayaa warbaahinta guduhu tabisay in Cumro ugu socdeen xaramka balse dib loo soo celiyay.

  8. Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay sanadkii 2022 in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.

    Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

  9. Waligaa xabsi lugahaada ma ku raadsatay oo ma sameeysay wixii aad ku mutaysan laheed?

    Xabsi ma ku raadsatay lugahaada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin hoy la'aan ahaa oo seexan jiray gaarigiisa agtiisa ayaa waxaa xabsi daa'in ku xukuntay maxkamad Jarmal ah sababo la xiriira inuu si ku talagal ah uu u jiiray nin baaslkiil wato isagoo doonayey in la xiro oo xabsiga la dhigo.

    Ninkii baaskiilka waday oo aan garanaynin cidda soo waxyeellada gaarsiisay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus isagoo marayey halka loogu talo galay baaskiilada ee gobolka waqooyi ee Lower Saxony.

  10. War deg deg ah, Faahfaahin ka soo baxaysa Falastiiniyiin saaka lagu dilay daanta galbeed

    Qasa

    Xigashada Sawirka, ISRAEL DEFENSE FORCES

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Falastiiniyiin lagu dilay magaalada Tulkarm ee ku taalla daanta galbeed ee la haysto.

    Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Israa’iil gaysteen subaxdii hore ee saaka sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

    Dhanka kale shan qof oo kale ayaa lagu dilay howgal milatari oo ciidamada Israa’iil ka sameeyeen dhinacyada magaalada .

    Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dhaqaatiirta isbitaal gudaha ah oo dadkaan la geeyay ayaa hadaalkaan baahisay.Shanta nine ee la dilay ayaa la sheegay in da’doodu u dhaxaysay 21 ilaa 29 jir.

  11. Milatariga Israa'iil oo ka hadlay xaaladda isbitaalka xilli xaalad murugsan ay halkaa ka taagantahay

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Daniel Hagari oo ka tirsan ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in"Qof kasta oo dhaqaale siiya isbitaalka Shifa ee Qasa, uu dhaqaalahaas siiyay Xamaas.

    Wuxuu intaa ku daray “Waan xoreyn doonaa dadkayaga ee Qasa lagu hasto , waxaana Qasa ka xoreyn doonnaa Xamaas,”ayuu raaciyay hadalkiisa.

    ​Mr Hagari ayaa sheegay hadalkaan xilli xaaladda isbitaalka Al-Shifa ay marayso meel xasaasi ah oo dad badan ay ku dhimanayaan gudaha isbitaalka isla markaana uu go’doonsanyahay.

  12. Xamaas oo hadashay iyo tirada dhimashada oo korortay

    Tirada dhimashada dadka Falastiiniyiinta ah ayaa gaartay 11,240 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas. Tan iyo markii uu dagaalku bilowday toddobada bishii Oktoobar waxaa sare u kacayay dadka ku dhimanaya duqeymaha diyaaradaha Israa’iil iyo dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo ciidamada Israa’iil.

    Dadka dhintay waxaa ku jira 4,630 oo carruur ah iyo 3,130 oo dumar ah sida laga soo xigtay afhayeenka dhanka warbaahinta u qabailsan Xamaas.

    Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay ku kalsoontahay tirada Xamaas ay sheegtay in dagaalka ay ku dhimatay inkastoo Israa’iil diiday arrintaa.

    Xamaas ayaa sidoo kale beenisay eedayn Israa'iil uga timid oo ah in isbitaalka Qasa ugu weyn ay u adeegsatay sida qalabka dagaalka oo kale.

    Isbitaalka oo koronto iyo biyo la'aanba ah ayaa waxaa ka taagan xaalad murugsan oo xitaa waxaa hadda laga cabsi qabaa inuu isku baddelo "xabaalo".

  13. Eeyaha Qasa oo la sheegay in ay bilaabeen cunista medadka daadsan aaggaas

    Qasa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kumanaan qof ayaa laga yaabaa inay ku xayiran yihiin gudaha isbitaalka ugu weyn Qasa, sababo la xiriira dagaalka ka socda aagga u dhow Isbitalka, halka saraakiisha caafimaadka ay ka digeen in meydadka halkaasi ku urursan ay qurmaan.

    Isbitaalka Al-Shifa, oo sidoo kale la tacaalaya koronto la’aan iyo shidaal la’aan ayaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxay sheegaysaa inuu qarka u saaran yahay inuu xabaalo isu badelo”,

    Maamulaha isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka uu gebi ahaanba go’doonsan yahay", eeyuhuna ay bilaabeen inay cunaan meydadka.

    Agagaarka isbitaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaallo xooggan.

  14. Qasa: "Baraha bulshada ayaan ka ogaaday in dad qoyskeyga ka tirsanaa dagaalka lagu laayay"

    Qasa

    Xigashada Sawirka, ICPJ

    Qoraalka sawirka, Qasa

    koox Falastiiniyiin ah oo British ah oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay saameynta uu ku yeeshay dagaalka Qasa ka socda.

    Lubaba Khalid, oo iska casishay xilka wakiilka BME ee Young Labour, sababo la xiriira hadal uu jeediyay hoggaamiyaha xisbiga Keir Starmer, ayaa sheegtay inay baraha bulshada ka ogaatay in dad qaraabadeeda ah lagu dilay dagaalka.

    "Koranto la'aanta iyo internet la'aanta awgeed, waxaa aad noogu adkeyd inaan la xiriirno xubnaha qoyska si aan u hubinno inay nool yihiin," ayay tiri Lubaba Khalid. Waxay intaas raacisay

    "Waxaan ka ogaaday barta bulshada ee X, horeyna loo oran jiray Twitter in guriga adeerkey la duqeeyey, intaanan wax caddayn ah ka helin qoyskeyga,"

    Waxay sheegtay in duqeyntaas ay ku dhinteen lix qof oo qoyskeeda ka tirsanaa oo shan ka mid ah ay ahaayeen carruur.

  15. La taliyaha Netanyahu oo Xamaas ku eedeeyay inay isbitaalka Al-shifa u badeshay goob dagaal

    La-taliyaha sare ee ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa BBC u sheegay in Xamaas aysan dooneynin inay aqbasho xalalka shidaal la'aanta loo baahan yahay si loo badbaadiyo dhallaanka dhicisoobay ee isbitaalka Al-Shifa iyo "inay rabaan sawirro muujinaya dhibaato".

    Mark Regev, oo sidoo kale ah safiirkii hore ee Israel u fadhiyay Boqortooyada Ingiriiska ayaa yiri, "Waxaan u soo iibinay shidaalka gaar ahaan dhallaanka, qalabka wax lagu shubo... qofna ma doonayo inuu arko dhallaankan waxyeelladu soo gaarayso."

    Regev waxa uu Xamaas ku eedeeyay in ay cisbitaalka Al-Shifa ka dhigeen “aagga dagaalka” isaga oo sheegay in ay “si ula kac ah uga dhisteen” kaabayaashooda isbitaalka hoostiisa – taas oo Xamaas iyo Isbitaalkuba ay beeniyeen.

    Waxa uu sidoo kale soo celiyay sheegashada Israa'iil ee ah in ciidamadeedu aysan si ula kac ah u beegsanayn isbitaallada, isaga oo sheegay in Xamaas "ay u adeegsatay dhallaankaas si ay u difaacaan qalabkeeda militariga".

  16. Kenya oo dhulkeeda ku tallaalaysa 15 Bilyan oo geed

    Kenya

    Xigashada Sawirka, PCS

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku booriyay guud ahaan shacabka dalkaasi inay ku biiraan dadaalka qaran ee lagu beerayo dhirta.

    Maanta Isniin ah waxaa lagu dhawaaqay fasax qaran si loo bilaabo qorshe dowladeed oo hiigsi ah, kaas oo lagu beerayo 15 bilyan oo geed tobanka sano ee soo socda si loola dagaallamo isbedelka cimilada. Dawladdu waxay si bilaash ah ku bixinaysaa geedo lagu beero meelaha loo qoondeeyay dadweynaha.

    Waxa kale oo ay dadka ku dhiirigelisay in ay iibsadaan ugu yaraan laba geed si ay ugu beeraan dhulkooda. Ololahan ayaan ka soconin gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto halkaas oo ay ka dhaceen fatahaado.

    Dalka Kenya ayaa hadda waxaa ka da’aya roobabka El Nino oo ay ku dhinteen dad badan. Sidoo kale waxa dhawaanahan la soo deristay abaartii ugu darnayd ee afartan sano soo marta.

  17. Golaha wasiirada oo uu shir guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh oo shir degdeg ah ka yeeshay daadadka

    Golaha wasiirada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qiimeynta iyo gurmadka dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

    Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulanka ka qayb qaadanaye, warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.

    Soomaaliya waxaa ka dhacay fatahaado ay sababeen roobabka Elnino oo hore looga sii digay kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan iyo handiba.

  18. Daawo xaaladda Isbitaalka Al-shifa ee Qaza xilli ay dhaqaatiirto toosh dadka ku qalayaan

    Qoraalka Muuqaalka, Dhaqaatiirka Qaza oo tooshash wax ku qalaya

    Xaaladda Isbitaalka ugu weyn Qaza ayaa laga dayrinayaa iyada oo ay irdaha ka fadhiisteen ciidamada Israa'iil isla markaana ay ku geeriyoodeen 32 saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

    Israa'iil ayaa isbitaalada beegsanaysa iyada oo sheegtay inay Xamaas ku hoos leeyihiin fariisimo iyo xarumo talis.

    Rasaas xooggan ayaa dhawaan maqlayay agagaarka isbitaalka al-Qudus ee magaalada Qaza, sida ay ku warameyso hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

    "Duqeymo iyo qaraxyo ayaa laga maqlay aagga", ayay kooxdu ku sheegtay barteeda X.

    Waxaa intaa dheer, PRCS waxay sheegtay in gawaadhida u socday al-Qudus si ay bukaannada u daad gureeyaan lagu joojiyay Gobolka al-Wusta. Ma aysan sheegin sababta loo joojiyay kolonyada.

    Axadii, PRCS waxay sheegtay in cisbitaalka, oo ah kan labaad ee ugu weyn Qaza, uu joojiyay shaqadiisa sababtoo ah shidaal yari iyadoo ciidamada Israel ay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan marrinka go’doonsan.

  19. Daawo libaax xayntaab ka baxsaday oo wadooyinka magaaladan iska dhex mushaaxaya

    Qoraalka Muuqaalka, Ugu dambeyn waa la qabtay libaaxa isaga oo aan wax dhibaato ah geysan

    Libaax la arkay isagoo dhex maraya magaalada Ladispoli oo ku taal galbeedka Rome ayaa la qabtay oo dib loogu celiyay goobtii uu ka baxsaday.

    Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo aad uga naxay markii ay arkeen libaaxan oo dhex mushaaxeysa waddooyinka magaalada xeebta ku taal.

    Libaaxa Kimba, ayaa la qabtay in ka badan shan saacadood ka dib markii laga digay.

    Rony Vassallo oo ah milkiilaha xayntaabka ayaa sheegay in libaaxa ay xaaladiisu wanaagsan tahay, islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida uu u baxsaday.

  20. Taangiyada dagaalka Israa'iil oo isku xiray irdaha isbitaalka ugu weyn Qaza

    Taangiyada Israa'iil ayaa fariisimo ka sameystay irdaha cisbitaalka weyn ee magaalada Qaza isniintii, waana bartilmaameedka koowaad ee dagaalkooda ay ku doonayaan inay kula wareegaan qeybta waqooyi ee marinka Qaza, halkaas oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in bukaannada ay ku jiraan dhallaanka chadda dhashay ay u dhimanayaan shidaal la'aanta haysata qalabka isbitaalka.

    Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Qaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha isbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay, taasoo ka dhalatay go’doominta isbitaalka iyo koronto la’aanta.