Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay
Tebin toos
Tebin toos ah
Wasaaradda Bisha cas ee Falastiin oo shaacisay tirada dadka ku xanninban burburka hoostiisa
In ka badan
3,250 qof ayaa ku hoos jira burburka: Wasaaradda Caafimaadka Qaza ayaa sidaas
sheegtay
Tirada
naxdinta leh waxaa ku jira 1,700 oo carruur ah oo aan la ogeyn meel ay ku sugan
yihiin, wasaaraddu waxay tiri.
Hay’adda Bisha
Cas ee Falastiin ayaa sheegtay wicitaanada magaalada Qaza iyo aagagga waqooyiga ee ku
saabsan "tiro aad u badan oo dad ah oo ku hoos xayiran burburka hoostiisa,
iyo tobanaan dhaawac ah oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah, halkaas oo
ambalaasyada ama difaaca madaniga ah aysan awoodin inay gaaraan".
Soomaaliya oo sheegtay inta dugsi ee ay maamusho iyo tirada caruurta waxbarasho la'aanta ah
Xigashada Sawirka, SNTV
Waxaa maanta
magaalada Muqdisho ka furmay kulanka 7-aad ee dib u eegista waxbarashada
Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha
wasaaradda waxbarasha Soomaaliya ahna kusimaha wasiirka, Marwo Nuura Mustaf oo
si rasmi ah u furtay shirka ayaa sheegtay in ku dhawaad 4 milyan oo caruur ah
ay Soomaaliya wax barasho la’aan ka yihiin halka tirade hadda dugsiyada u aadda
ay ku tilmaamtay 1.7 milyan oo arday.
“Waxaan ku faraxsanahay
inaan soo kabaynayno, oo ku dhawaad 1.7 milyan ay waxbarasho maanta noo
aadayaan, nidaamkii aan kula socon lahayn ee aan kaga warqabi alahayn
waxbarashadoodana aan maanta haysanno, sidoo kalena waxaan aad ugu faraxsanahay
inaan cagta saarnay wadadii aan waxbarashada dalkeena dib ugusoo celin lahayn” ayey tiri marwo Nuura.
Boqolkiiba 33
caruur ah ayaa hadda wax barata halka 67% ay wax barasho la’aan yihiin, waxayna
wasiirku sheegtay in lagu qiyaasay baahida Soomaaliya ee macalimiinta ilaa 120
kun oo macalin halka ay hadda haystaan 3 kun oo macalin, waxayna sheegtay in la
filayo in macalin kasta oo kusoo biira macalimiinta dawladda, uu soo kordhin
doon ilaa 40 arday.
Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere)
oo sida ay wasaaraddu sheegtay u hadlaayey dhammaan wasiirrada Dowlad
Goboleedyada ayaa sheegay in wax badan laga qabtay waxbarashada Soomaaliya
sanadkii tagay.
Markab Turkigu leeyahay oo qalab muhiim ah u sida reer Qaza ayaa gaaray Masar
Xigashada Sawirka, Reuters
Markab laga
leeyahay dalka Turkiga oo sida agab loogu tala galay in lagu dhiso 8 isbitaal
oo laga hir galiyo dalka Masar ayaa soo gaaray deked ku taal dalka Masar oo ku
dhow xadka Rafah iyo Qaza.
Saraakiisha
caafimaadka Turkiga ayaa sheegay in markabkan uu sido matoorro, ambalaasyo iyo
agabyo kale oo caafimaad.
Saraakiisha
caafimaadka ee Xamaas ee Qaza ayaa sheegay in dhammaan isbitaallada ku yaal waqooyiga
gobolku ay “shaqo gabeen” dagaalka awgii.
Israa'iil oo shaacisay tirada askarta uga dhimatay hawlgalka gudaha Qaza
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada
Israel ayaa Isniintii sheegay in laba askari oo kale ay kaga dhinteen dagaalka
ka socda waqooyiga Qaza.
Sida ay
sheegtay warbaahinta Israa’iil tirada askarta Israa’iil ee laga dilay tan iyo
markii uu billowday howlgalka dhulka ee gudaha Qaza ayaa gaartay 44 askari.
Ciidamada
Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka wadaan duleedka
xerada qaxootiga ee Al-Shaati ee galbeedka magaalada Gaza.
Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska oo loo magacaabay wasiir
Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa loo magacaabay, xog hayaha arrimaha dibadda ee dalkaas kadib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada.
Isku shaandhayntan waxaa shaqadeeda ku wayday xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo aad ugasoo horjeeday dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin ee dalkaas ka socday tan iyo bilowgii dagaalka Xamaas iyo Israa'iil.
David Cameron ayaa raysal wasaare ka ahaa dalkaas 2010-kii ilaa 2016 kii oo uu is casilay kadibna ay ka dambeysay Theresa May.
Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay shirkii ballaarnaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo uu ka dhashay waxa hadda loo yaqaano 'New Deal'.
Dhawaan ayey ahayd markii Raysal wasaare ka dambeeyay David ee lagu magacaabo Boris Johnson uu helay shaqo saxafinimo.
Rasaas culus oo ka socota agagaarka isbitaalka Al-qudus ee Qaza
Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa agagaarka isbitaalka
al-Qudus ee magaalada Qaza, sida ay ku warameyso hay’adda Bisha Cas ee
Falastiin.
"Duqeymo iyo qaraxyo ayaa laga maqlay aagga", ayay
kooxdu ku sheegtay barteeda X.
Waxaa intaa dheer, PRCS waxay sheegtay in gawaadhida u
socday al-Qudus si ay bukaannada u daad gureeyaan lagu joojiyay Gobolka
al-Wusta. Ma aysan sheegin sababta loo joojiyay kolonyada.
Axadii, PRCS waxay sheegtay in cisbitaalka, oo ah kan labaad
ee ugu weyn Qaza, uu joojiyay shaqadiisa sababtoo ah shidaal yari iyadoo
ciidamada Israel ay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan marrinka go’doonsan.
War deg deg ah, Dowladda Ingiriiska oo tillaabo ka qaaday wasirad ku baaqday joojinta dibadbax lagu taageerayay Falastiin
Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman
ayaa shaqada laga eryay.
Ra'iisul wasaare Rishi Sunak ayaa isku shaandheyn ku
sameyn doona golihiisa wasiirada, sida ilo ka tirsan dowladda Britain ay u
sheegeen BBC-da
Dhawaan, Ms. Braverman waxay ku eedaysay booliiska London
inay "ay dhinac la safteen" marka la eego sidii ay u maareeyeen
dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbax ka dhigay London.
Wasiiraddaan ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xillia ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa'iil ay ka gaysanayaan marinka Qasa
Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay
wuxuu ahaa dibadbaxii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta.
Dhowr oo hore ayaa wasiiraddaan waxay ku baaqday in xakameeyo dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen arrintaa.
Xaalad adag: Dhaqaatiir iftiinka telefoonka u isticmaalaya daweeynta dhaawacyada
Dhakhaatiirta isbitaalka Indonesia ee ku yaalla Qasa ayaa
isku dayaya inay dadka dhaawaca ah daweeyaan x iyagoo isticmaalaya nalka talefanka
gacanta ah,kadib markii gabi ahaanba uu isbitaalku noqday koronto la’aan.
Isbitaalk awaxaa buux dhaafiyay dhaawacyada ka dhashay
duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayana Marinka Qasa.
Xaruumaha caafimaad ee ku yaalla waqooyiga Marinka Qasa
ayaa waxaa saaran cadaadis xoogan kadib markii ay sii xoogeysteen duqeymaha ay
Israa’iil ka geysaneyso halkaa.
Xaaladda bini aadanimo ee Qasa ayaa walaac xooggan laga
muujiyay waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya dhimashada iyo
dhawaaca dadka rayidka ah.
Hadalladii madaxda Soomaalidu ay ka yiraahdeen Xamaas iyo xaaladda Qasa
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Xamaas
Dalal badan oo dunida ah oo ay ku jiraan kuwa Muslimiin ah
ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka muddada bisha ka badan socda ee u
dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.
Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Riyaad ee
Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen
hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, ayaa muujiyay in dowladda Soomaaliya ay
garabtaagantahay Falastiin, waxaana uu yiri ” Waxa ka socda Qasa waxay ka soo
horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si
loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo
reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee
lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca
Gobolka”.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo isana
dhawaantaan ka hadlay Xamaas iyo waxa ay ka aaminsanyihiin ayaa sheegay in
Xamaas aysan ahayn urur argagixiso taa badelkeedana waxaa uu tilmaamay in ay
yihiin urur xorriyad doon ah hadalkaas oo si weyn warbaahinta iyo baraha
bulshada u qabsday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isana sheegay mar
uu arrinta Qasa ka hadlayay in hoog u sugnaaday kuwa ku duulay Falastiiniyinta.
Waxaa uu yiri “Falastiin way guulaysanaysaa Islaamkuna waa
guulaysanayaa,”. Wuxuu intaa ku daray in ay hiil iyo hooba ay la garab
taaganyihiin Falastiinyiinta.
Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu
dhawaaqday ee Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa isana sheegay in reer Falastiin
la dulmiyay isla markaana ay ceeb ku tahay caalamka islaamka in ay ka aamusanaadaan dhibaatada lagu hayo dadkaas.
“Waxaa uu yiri Waan garab taagannahay Falastiin in ay
hesho xorriyadooda”
Qarax ka dhacay dibadda kuliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho
Qoraalka sawirka, Sawir hore Kuliyadda Jaale Siyaad
Qof walxo qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay dibadda ilinka laga galo kuliyadda ciidamada ee Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho sida ay BBC-da u sheegeen illo dhinaca amniga ah.
Qofka xirnaa walxaha qarxa ayaa ku soo dhawaaday albaabka laga galo kuliyadda, balse askarta ilaallada ka ahayd ayaa u sheegay in uu joogsado, wuu ka dhaga adeegay, deetana waxay ku fureen rasaas, isagoo halkaa ku qarxay.
Illo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa BBC-da u sheegay in kaliya qofka xirnaa walxaha qarxa uu goobta ku dhintay, isla markaana aanay jirin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa, laakiin qaraxyada noocan ah ee ka dhaca Soomaaliya waxa fuliya rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
24-kii Luuliyo ee sanad kan ayay ahayd markii qof isku soo xiray walxo qarxa uu beegsaday askar saf ku jirtay gudaha Kuliyadda Jaale Siyaad, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Israa'iil oo weerar ku qaadday xero qaxooti iyo hub laga helay
Xigashada Sawirka, IDF
Ciidamada
Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka geysanayaan duleedka
xerada qaxootiga ee Al-Shati, oo dhacda galbeedka magaalada Qasa.
Waxa ay
sheegeen in howlgalladooda ciidan ay ka mid yihiin Jaamacadda Al-Qudus iyo
Masjidka Abuu Bakar, iyagoo sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay ka howlgalaan
halkaas.
Waxay baahiyeen sawiro muujinaya sida ay sheegeen dhowr iyo toban hub iyo agab ciidan
oo lagu soo qabtay howlgalladaas, iyo kuwa la sheegay in laga soo saaray guryo ay
deganaayeenxubno ka tirsan Jabhadda
hubeysan ee Islaamig Jihaad, iyadoo aan la sheegin magacyadooda.
Israa’iil
ayaa u sheegtay Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Marinka Qasa in ay halkaa
ka baxaanayna aadaan dhanka koonfureed
toddobaadyo ka hor. Askarta Israa’iil ayaa aaggaas ka hawlgalayey muddo ku dhow
toddobaad.
Israa'iil oo ku hanjabtay in wixii Qasa ay ka sameysay ay Beirut ka sameeyn doonto
Xigashada Sawirka, Reuters
Xasan Nasrallah oo ah hoggaamiyaha kooxda Xisbullah
ee ay Iiraan taageerto ee Lubnaan ayaa khudbadiisii labaad ee uu kaga hadlayay dagaalkii
Israa'iil iyo Xamaas jeediyay Sabtidii lasoo dhaafay.
Khudabaddan oo laga sii daayay TV-ga Xisbullah ee
Al-Manar ayaa Nasrallah ku sheegay in Israa’iil aysan marnaba awoodi doonin
inay gaarto hadafkeeda ku saabsan dhulka Falastiin, waxaana uu yiri “waxaa aad
uga soo horjeedi doona jiilalka soo socda.”.
Nasrallah ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah
Israa’iil ee ka dhacaya koonfurta Lubnaan ay sii socon doonaan. Wuxuu sheegay
in weeraradan ay yihiin kuwo lagu taageerayo Falastiiniyiinta.
Narsallah ayaa ku andacoodey in todobaadki ugu
dambeeyey ay Xisbullah kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Israa'iil ayna
adeegsadeen gantaallo aad u awood badan marka laga soo tago diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn. Waxa uu sheegay in Xisbullah ay weeraro hor leh ku qaadeen
deegaanada gudaha ee Israa’iil
Nasrallah ayaa khudbadiisa sidoo kale ka codsaday
wadamada Islaamka inay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Israa’iil.
Israa'iil
ayaa si adag uga jawaabtay hadalka Nasrallah. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav
Gallant ayaa khudbadii Nasrallah ka dib sheegay in Xisbullah ay sameynayso khalad weyn, isagoo ku
hanjabay in wixii ay Israa’iil Qasa ka sameysay ay Beirut ka dhici doonaan.
“Xaaladda
Beirut waxa ay la mid noqon doontaa tan Qasa oo ay dadku ka baxayeen guryahoodii
oo ay ka cararayeen,” ayuu yiri Yoav Gallant.
Dad ka argagaxay Libaax ku dhex baxsaday magaaladooda
Xigashada Sawirka, Thinkstock
Qoraalka sawirka, Libaax
Libaax ayaa
la arkay isagoo dhex maraya Ladispoli oo ku taal galbeedka Rome ee dalka Talyaaniga, kaas oo la
qabtay isla markaana dib loogu celiyay
goobtii uu markii hore ka baxsaday.
Muuqaallo la
soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo aad uga naxay
markii ay arkeen Libaax weyn oo dhex mushaaxaya waddooyinka magaalada xeebta ku
taal.
libaaxa,
ayaa la qabtay in ka badan shan saacadood ka dib markii la baahiyay diginin dadka
loogu sheegayay in ay iska jiraan Libaaxa baxsadka ah.
Mas’uuliyiinta
goobta uu ka baxsaday Libaaxu ayaa sheegay in libaaxa xaaladiisu wanaagsan
tahay, islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sida uu u baxsaday.
Arrin dhici karta oo ku saabsan dadka Israa'iiliyiinta ah ee Xamaas u afduuban
Xigashada Sawirka, Getty Images
Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la
weydiiyay haddii uu jiri karo heshiis lagu sii deynayo qiyaastii 240 qof oo
Israa’iiliyiin ah oo Xamaas ay ku afduubtay weerarkii 7-dii Oktoobar.
Isagoo ka jawaabayay su’aashaas Netanyahu ayuu yiri "waa
jiri karaa," uu dhigmaysa in heshiiskaasi suurta gal yahay.
Hadalkaan ayuuna u sheegay warbaahinta Mareykanka laga
leeyahay ee NBC.
Mr Netanyahu ma uusan bixin wax faahfaahin dheeri ah balse waxa uu sheegay in "halka arrin " ee qasbi karta in heshiis la gaaro ay tahay "cadaadiska militari" ee
ciidamada difaaca Israa’iil ay ku hayaan Xamaas.
Laakiin sarkaal Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa ku
dooday in loo baahan doono hakinta colaadda si ay suurta gal in noqoto sii daynta
dadka Xamaas ay haysato.
Raysal wasaare Netanyahu ayaa diiday baaqyada isa soo
taraya ee ku saabsan in xabbad joojin la
garao si dadka reer Falastiin gargaar loo gaarsiiyo.
Dhageyso: Kulankii xiisaha badnaa ee xalay dhex maray Chelsea iyo Manchester City
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kulan aad u xiiso badan ayaa xalay dhex maray kooxaha waaweyn ee kubadda cagta ee Chelsea iyo Manchester City. kaas oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.
Ciyaarta oo laheed wax badan oo madadaalo ahaa ayaa ku soo idlaatay 4-4, waxaana hoos ka dhageysan kartaa ciyaartaas iyo warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira ciyaaraha.
Qoraalka Codka, Ciyaaro
Xaalad quus ah oo ka taagan xaruunta caafimaad ee Qasa ugu weyn
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Isbitaalka Al shifa
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad
halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka
jirto koronto la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an.
Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in
"rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada" ee ka dhacaya agagaarka
isbitaalka ay "sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa" iyo in
Al-Shifa "uusan hadda u shaqeyn sidii isbitaal oo kale".
Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin
inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee
lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo isbitaal kale.
Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa
BBC-da u sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama
aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan.