Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay
Tebin toos
Tebin toos ah
Faahfaahin ka soo baxaysa nin gaari ku dhuftay bar koontarool oo u dhow safaaradda Israa'iil ee Japan
Nin ayaa lagu xiray magaalada Tokyo ee dalka Japan,
saaka kadib markii gaari uu watay uu ku dhuftay dayr jidgooyo ay tiilay oo u
dhow safaaradda Israa’iil ee magaaladaas.
Sarkaal booliis ah ayaa la sheegay in falkaan uu ku
dhaawacmay.
Muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa muujinaya
gaariga oo jiiraya bar jidgooyo ah. Telefishinka Japan ee NHK ayaa sheegay in
ninkan oo 50-jir ah la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda garabka
midig.
Ilaa iyo hadda ma cadda in falkaan uu ahaa mid ku tala gal ah iyo in
kale. Safaaradaha iyo qunsuliyadaha Israa’iil ee caalamka
ayaa ammaankooda la adkeyay bishii la soo dhaafay.
Israa'iil oo micno la'aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey
Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo Golaha ammaanka ee Qaramada Midooeby ay meel mariyeen qaraar la xiriira heshiis bini,aadatinimo si dadka Qasa gargaar loo gaarsiiyo ayaa durba waxaa muuqata in Israa’iil ay arrintaa ka hor timid.
Waxaa u codeeyay 12 xubnood oo golaha ka mid ah, waxaana ka aamusay Maraykanka, UK iyo Ruushka.
Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa sheegay in qaraarku "uu yahay mid xaqiiqada ka fog oo aan macno lahayn".
Waxa uu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah, waxa uuna dhaleeceeyay mooshinkan ka dhanka ah in aan lagu xusin weerarkii Xamaas ay Israa’iil ku qaadday 7-dii Okoobar.
Dhankeeda danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in dhowr xubnood oo golaha ka tirsan aysan weli cambaareyn weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.
Shidaalka la gaarsiiyay Gaza iyo isbitaallada oo aan loo oggolaan doonin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Gaarigii ugu
horeeyay ee Shidaal ah oo gala Qaza tan iyo markii ay colaadu bilaabatay ayaa kasoo
gudbay marinka Rafax ee dalka Masar.
Shidaalkan ayaa waxaa loo isticmaali
doonaa in lagu shubo baabuurta Qaramada Midoobay iyadoo aan la siin doonin isbitaallada kuwaas oo intooda badan lagu qasbay in la xiro sababo la xiriira shidaal yari.
Israa’iil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibtay waxyaabihii la keeni lahaa Qasa,
iyadoo sheegtay in shidaalkaas ay dhici karto in Xamaas ay la wareegto.
Qaramada
Midoobay ayaa sheegtay in gawaarideeda gargaarka ay awoodi waayeen in ay
sahayda ka qaybiyaan Gaza tan iyo subaxnimadii Talaadada, shidaal la'aan awgeed.
Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa
sheegay in Maraykanku uusan siin oggoolaanshaha si ay hawlgalkeeda
millatari uga fuliso agagaarka cisbitaalka Al-Shifa.
Isagoo ka hadlayay kulan kooban, wuxuu sheegay in tani ay la
mid tahay sida uusan Mareykanka fasax u siinin howlgallada kale ee millateri ee
Israa'iil.
Kirby waxa uu sheegay in kuwani ay ahaayeen qorshayaal ay
Israa’iil u fulisay si waafaqsan habraaceeda ay dejisay, iyo in Maraykanku aanu
filaynin in ay ku wargeliso Israa’iil ka hor hawlgallada milatari ee gaarka ah.
Waxa uu diiday in uu tafaasiil weyn ka bixiyo wadahadal dhex
maray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil
Benjamin Netanyahu, balse waxa uu sheegay in hawlgalka Al-Shifa uusan ahayd mid si toos ah diiradda loogu saarayay isbitaalka Al-shifa.
Waxa uu intaa ku daray in xilliga Mareykanka uu shaaca ka
qaaday xogtiisa isbitaalka aysan wax xiriir ah la lahayn howlgalka ciidamada Israa'iil ee IDF.
Maxkamadda ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay askari dhowaan dil ka geystay Guriceel
Xigashada Sawirka, Media
Maxkamada Ciidama Qalabka sida ayaa Dil Toogasho ah ku
xukuntay C/salaam Axmed Cali, kadib markii ay ku caddaatay inuu si ula kac ah u
dilay Marxuum C/laahi Cai Hudeey, iyadoo uu dilku ka dhacay magaalada Guriceel
ee gobolka Galgaduud.
Maamulka Degmada Guriceel ayaa shalay degmadaasi ku soo
bandhigay ninka dhallinyarada ah ee dilka geystay.
Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin oo ka
hadlay goobta lagu soo bandhigay gacan ku dhiiglahaayaa sheegay, kadib markii uu dilku dhacay in
ay qaadeen tallaabooyin lagu baadigoobayo dembiilaha, ugu dambaynta ay ku
guuleysteen inay ka soo qabtaan deegaanada fogfog ee miyiga.
Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa sheegay inaanay ka hari
doonin cid kasta oo qalqal amni ka gaysata magaalada.
Sidee u samaysan yihiin oo ay u shaqeeyaan godadka iyo marinada Xamaas ee dhulka hoose
Xigashada Sawirka, Reuters
Israa’iil ayaa sheegtay inay weerarayso godadka sirta ah ee dhulka hoostiisa laga sameeyey ee ay isticmaalaan Xamaas, ayadoo dhanka kalena sii wadda weerarradii aargoosiga ahaa ee ay ku qaadaysay kooxdaas mintidiinta ah.
“Bal malee Qasa oo laba lakab ah; lakab dadka rayidka ah iyo lakab Xamaas ah. Waxaan isku dayeynaa in aan u gudubno lakabka labaad ee Xamaas ay dhistay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay milateriga israa’iil.
Laba nooc ayey isugu jiraan godadkaas. Qaar waxaa u soo mara sahayda, waxayna ka soo billowdaan dhinaca Masar ayagoo soo gala Qasa, halka kuwa kalena ay Qasa ka baxaan oo ay galaan deegaannada Israa’iiliyiinta ee xudduudda u dhow, waxayna Xamaas u isticmaalaan inay weerarro ka qaadaan. Halkan kasii akhri
Sida ay tahay xaaladda isbitaalka ugu weyn Gaza ee ay gudaha u galeen ciidamada Israa’iil
Xigashada Sawirka, Reuters
Dhaqtar katirsan Al-Shifa oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in isbitaalka ay ka maqan tahay korontada,
Ogsajiinka iyo biyaha.
Dr Ahmed Mokhallalati ayaa sheegay in lix carruur ah oo dhicisnimo
ku dhashay ay dhinteen maalmihii la soo dhaafay uuna ka walaacsan yahay in kuwa
kale ay “mid mid u dhintaan” ogsijiin la’aan iyo koronto la’aan awgeed.
Waxa uu sheegay in qalliinnada muhiimka ah la sameeyay
Talaadadii shalay iyada oo kaliya ay jirtay suuxin fudud oo ay bukaannada "la qaylinayeen xanuunka" Isla markaana
aan wax qalliin ah la sameyn Karin arbacada manta ah.
Dr Mokhallalati ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in
dhakhaatiirtu ay awoodi waayeen inay caawiyaan hal bukaan oo gubtay, sababo la
xiriira qalab la'aan, waxa uu sheegay in ay ku qasbanaadaan in ay "u
oggolaadaan inuu dhinto".
Mar la weydiiyay in ciidamada Israa'iil ay keeneen gargaar
caafimaad isbitaalka, wuxuu ku jawaabay: "Haddii ay aniga I quseyn lahayd,
waan diidi lahaa [gargaar kasta]. Waxay na dilayaan 40 maalmood, waxayna rabaan
inay i siiyaan xoogaa cusbo ah.
Maxkamadda sare ee Britain oo soo saartay go'aan farxad geliyay dadka magan gelyo doonka ah
Xigashada Sawirka, PA Media
Maxkamadda sare ee Britain ayaa go’aamisay in qorshaha
dowladda ee ah in dadka magangalyo doonka ah loo diro Rwanda uu yahay sharci
darro.
Isagoo xukunka ridaya, garsoore Lord Reed, wuxuu sheegay in
qaxootiga ay halis ugu jiraan in dib loogu celiyo dalalkii ay ka soo carareen.
Tani waxay si cad u jebinaysaa heshiiskii Qaramada Midoobay
ee qaxootiga.
Xukunkan ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda UK oo
rajaynaysay in qorshahan uu hakiyo kumanaan muhaajiriin ah oo sanad waliba
doonyo yaryar ku taga UK.
Xukunka waxaa si taxadar leh u falanqeyn doona dhowr waddan
oo Yurub ah.
Iyadoo ka jawaabeysa go'aanka maxkamadda sare, dowladda
Rwanda ayaa qaadatay go'aanka ah in dalkaas uusan ammaan u ahayn magan-galyo doonka
iyo qaxootiga.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Rwanda ay si dhab
ah u qaadatay mas’uuliyadeeda bini’aadantinimo ayna sii wadi doonto sidii ay
uga soo bixi lahayd.
Israa'iiliyiin codsanaya in dib loosoo celiyo maxaabiistii ay Xamaas qafaasheen
Xigashada Sawirka, EPA/EFE
In ka badan 240 la haystayaal ah ayaa 7-dii Oktoobar lagala
baxay guryahooda ama goobahooda shaqo ee ku xiga marinka Gaza, lagana soo
qaatay saldhigyo ciidan iyo xaflad qoob ka ciyaar oo bannaanka ah.
Waxa ku jiray ilaa 30 carruur ah, oo kan ugu yar uu jiray
sagaal bilood. Laakiin tan iyo markii dableyda Xamaas ay u kaxeeyeen Gaza, inta
badan wali lama oga xaalkoodu sida uu yahay iyo halka ay ku dambeyn doonaan.
Israa'iiliyiinta oo la daalaa dhacaya wixii kasoo gaaray
dagaalkii bishii hore, weli waxa ay la xanuunsanayaan dadka ka maqan.
In kasta oo tani ay tahay tii ugu weynayd, sannadihii la soo
dhaafay, Israa'iil waxay u adkaysatay dhibaatooyin badan oo afduub la xiriira.
"Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil waxay si cad u diiday
xabbad joojin, iyada oo ku doodaysa in Xamaas ay u isticmaali doonto inay dib isu
abaabulaan.
Horraan Israa’iil waxa ay sameysay maxaabiis kala
beddelasho, iyadoo ninka hadda hoggaamiya Xamaas uu kamid ahaa maxaabiis Iraa’iil
ay heysay oo markii dambe ay kuwa kale kaga beddelatay Xamaas.
Shidaal la gaarsiiyay Qasa iyo keydkii hore oo maanta ku eg
Xigashada Sawirka, AFP
Ilaa 25,000 oo litir oo shidaal ah ayaa saaka ka soo galay
marinka Rafax ee dalka Masar, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xadka ee dalkaasi.
Gaarsiinta ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo
hay'adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ay ka digeen in kaydka shidaalku ee Gaza uu dhammaan doono Arbacada.
Israa’iil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibaysay shidaalka la
geyn jiray Gaza, iyadoo ku doodaysa in Xamaas ay xado oo ay uga faa’iidaysato
arrimo ciidan.
Mar sii horreysay, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in
qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah ee Qaramada Midoobay ee gargaarka u
daabula Qaza shidaal lagu shubi doono.
Milatariga Israa'iil oo ragga bannaanka uga saaraya isbitaalka al-Shifa
Xigashada Sawirka, EPA
Khadar oo ah wariye ku sugan isbitaalka Shifa ayaa
sheegay in milatariga Israa’iil ay cod baahiyeyaal, ugu sheegayaan dhammaan
ragga da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 40 jir inay ka baxaan dhismaha isbitaalka,
marka laga reebo qaybaha qalliinka iyo gargaarka degdegga ah, oo ay aadaan
barxadda isbitaalka.
Saacadihii la soo dhaafay ayuu sheegay in ciidamadu
ay rasaas cirka u rideen si ay ugu qasbaan kuwa ku haray gudaha in ay banaanka
u soo baxaan.
Waxa kale oo uu sheegay in ay rakibeen qalabka wax
lagu baaro, isla markaana ay raggaasi ka codsadeen inay soo maraan halka
baaritaanka.
BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto warkaan
ku saabsan in ciidamadu ay bannaanka uga soo saarayaan isbitaalka ragga.
Dowladda Kenya oo war ka soo saartay murun ka taagnaa qaadashada Kaarka aqoonsiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Kenya ayaa hakisay go’aan ay dhawaan ka
gaartay qaadashada kaarka aqoonsiga dalka iyo dokumintiyo kale kadib markii
arrintan ay muran ka abuurtay gudaha dalka.
Dowladda ayaa hadda dooneysa in arrintaan ay ka
talo-geliso dadweynaha ka hor inta aaney dhaqan gelin 1-da bisha January
eesanadka 2024-ka.
Horey ayay u sheegtay dowladdu in lacago dheeri ah
ay ku kordhisay sharciga dalka iyo warqadaha kale.
Arrintan ayaa looga falceliyay siyaabo kala duwan,
iyadoo shacabka Kenya ay badankood ka soo hor jeesteen.
Qiimaha cusub ayaa la soo rogay iyadoo aan la ogeysiin dadka shacabka ah ee ku nool waddanka, waxayna ku soo aadeysay xili dalku la daala dhacayo sare u kac qiimaha maciishadda.
Muwaadiniinta Kenya ee da'adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse dowladda ayaan dhawaan sheegtay in ay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.
Waxaa sidoo kale dhawaan la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)
Waxaana markaas saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa lagu kordhayay dhawaan qiimo gaaraya boqolkiiba 50.
"Ciidamada Israa'iil qol qol ayay u baarayaan isbitaalka waxaana la socda dad Af-Carabi ku hadlaya"
Xigashada Sawirka, Reuters
Khaalid oo ah wariye ku sugan isbitaalka al-Shifa ee magaalada
Qasa ayaa sheegaya inuu arkay ciidamada Israa’iil oo qol qol u galaya
isbitaalka isla markaana su’aalo waydiinaya shaqaalaha iyo bukaannada halkaa
jooga ee Falastiiniyiinta ah, wuxuu sheegay in ay ciidamada la socdaan dad ku
hadlaya luuqadda Carabiga iyo dhaqaatiir.
Barakacayaasha ka dhiganaya gabaadka isbitaalka ayaa barxadda isugu yimid waxaana qaarkood
lagu sameynayaa baaritaanno amni.Waxa uu intaa ku daray in militariga Israa’iil ay si buuxda
gacanta ugu hayaan xaruunta, mana jirto wax rasaas ah oo dhacaysa.
BBC-du ma xaqiijin karto wararka sheegaya in gacan ku haynta
isbitaalka al- Shifa ay la wareegeen ciidamada Israa’iil.
Xamaas oo war ka soo saartay weerarka lagu qaaday isbitaalka
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Xamaas ayaa bayaan uu
soo saaray ku tilmaamay duullaanka Israa’iil ay ku qaadday isbitaalka Al-Shifa
ee Qasa“Dambi dagaal”, “dambi akhlaaqeed” iyo “dambi ka dhan ah
bini’aadantinimada”.
Xamaas ayaa sheegtay in 9,000 oo bukaan ah, shaqaale caafimaad
iyo dad rayid ah oo barakacayaal ah ay ku sugnaayeen isbitaalka markii weerarku
dhacay xilli xalay.
Muuqaal lagu baahiyay barta X, oo hore loo oran jiray Twitter,
oo uu leeyahay xafiiska Warfaafinta Falastiin,ayaa hoggaamiyaha Xamaas Izzat al-Rishq waxaa uu ku
sheegay in Israa’iil ay weerartay goob rayid ah, oo aysan weerarin goob ciidan.
Hadal hore oo ay soo saartay Xamaas ayay ku sheegtay in
mas’uuliyadda weerarka isbitaalka uu leeyahay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Israa'iil iyo Maraykankuba waxay ku andacoonayaan in
Xamaas ay ku leedahay saldhig gudaha isbitaalka - taas oo Xamaas ay beenisay.
Itoobiya oo diyaarado badan dalbatay
Xigashada Sawirka, AFP
Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiyaan Airlines ayaa dalbatay
diyaarado badan oo sumadoodu tahay Boeing 737-8 MAX, ku dhawaad shano sano kadib markii diyaarad noocaan
aheyd ay shil ku gashay meel u dhow magaalada Adis Ababa ee caasimaddda dalka Itoobiya.
"Waxaan aaminsanahay inaan hubinay oo aan xaqiijinay
in cilladda naqshadeynta diyaaraddaas ay si buuxda u saxantahay," ayuu
yiri madaxa shirkadda Itoobiyaan Airlines Mesfin Tasew.".
Waxaan dib u cusbooneysiinay kalsoonidii aan ku
qabnay diyaaradda," ayuu raaciyay hadalkiisa.
Guud ahaan, shirkaddu waxay dalbatay in ka badan 67
diyaaradood oo Boeing ah. Dalabka waxaa ku jira noocyo isku dhafan.
Xamaas oo eedeyn u jeedisay madaxweynaha Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xamaas ayaa ku eedaysay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden
inuu mas’uul ka yahay go’doominta ciidamada Israa’iil ay ku hayaan isbitaalka
al-Shafa oo ah isbitaalka ugu weyn Qasa,
Xamaas ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka uu yahay
qofka kaliya ee mas’uulka ka ah tallaabadan Israa’iil ay qaadday.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Xamaas
waxay ku eedaysay madaxweyne Biden inuu ka dambeeyo qabsashada isbitaalka ee
ciidamada Israa’iil.
Xamaas ayaa ku adkaysatay in Israa’iil ay fulisay weerarka
ka dib markii Aqalka Cad uu oggolaaday sheegashada Maraykanka ee ah in al-Shafa
ay Xamaas u adeegsato arrimo ciidan.
Tahriibayaal Soomaali ay ku jiraan oo lagu la'yahay xeebaha dalka Yemen
Ku dhawaad konton qof oo tahriibayaal ahaa ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen kuwaas oo Qaramada Midoobey ay sheegtay in ay la degtay doontii ay la socdeen.
Muhaajiriintan oo isugu jira Soomaali, Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan ayaa markii hore ka soo ambabaxay dalka jabuuti tiradooduna waxay ka badaneed toddobaatan.
Qoraalka Codka, Dad lagu la'yahay xeebaha Yemen
Xamaas oo shaacisay tirada dadka ku go'doonsan isbitaalka Al-Shifa
Kumanaan kun oo bukaan ah iyo dad rayid ah ayaa la rumeysan
yahay inay gabaad ka dhiganayaan isbitaalka Al-Shifa ee Qasa, kaasoo ay
go’doomiyeen ciidamada Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee qiyaasuhu way kala duwan yihiin. WHO
ayaa Talaadadii sheegtay in Al-Shifa ay ku sugunyihiin ilaa 700 oo bukaan ah,
400 oo shaqaale isbitaalka ah iyo 3,000 oo rayid ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay
in ugu yaraan 2,300 oo qof ay weli ku jiraan isbitaalka - ilaa 650 bukaan ah,
200 ilaa 500 shaqaale ah iyo ku dhawaad 1,500 oo rayid ah.
Xaalad cakiran ayaa ka jirta isbitaalka oo ah kan ugu weyn Qasa.
Ciidamada Israa'iil ee gudaha u galay isbitaalka Shifa iyo wixii ay sameeyeen
Xigashada Sawirka, AFP
Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan ciidamada milatariga
Israa’iil oo gudaha u galay isbitaalka Al-Shifa ee marinka Qasa.
Khader Zaanoun oo ah goobjooge ku sugan isbitaalka ayaa
BBC-da u sheegay “waxaan ku arkay lix taangi gudaha isbitaalka iyo in ka badan
boqol ciidamada gaarka ah ee loo yaqaanno komaandooska, oo galay qaybta gargaarka
degdeg ah ee isbitaalka, waxay xirnaayeen wejiga waxayna ku qaylinayeen oo ku
oranayeen afka Carabiga, ha dhaqaaqin ha dhaqaaqin,”
Khader ayaa horey BBC-da ugu sheegay in ciidamadu ay
gudaha isbitaalka ku tureen sunta dadka ilmada ka keenta taas oo sababtay in
dadku ay neef-qabatoobeen.
Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu arkay ciidamo galaya
qaybta qaliinnada gaarka ah, balse BBC-du arrimahaan si madax bannaan uma
xaqiijin karto.