Maxay BBC-du ku xulatay Xaliimo Aadan?

Xaliimo Aadan iyo Hooyadeed

Xigashada Sawirka, GILIANE MANSFELDT PHOTOGRAPHY, LLC

Qoraalka sawirka, Xaliimo Aadan iyo Hooyadeed
Published

Liiska boqolka dumarka ah ee mudnaanta leh ee BBC_da ayaa shalay la daabacay, waxaana liiska kaalinta labbaad kaga jira Xaliimo Aadan oo ah gabadh Soomaali ah oo dhanka xayaysiiska dharka hormuud ku ah iyada oo xijaaban.

Haddaba maxay BBC-da ku xulatay Xaliimo?

100-ka Haween ee BBC ayaa ah kuwa laga soo dhex xushay dumar badan oo ay magacyadooda soo qoreen kooxda qaabilsan barnaamijkaan taxanaha ah iyo sidoo kale laamaha kala duwan ee BBC-da. Waxaan dooneynay haween 12-kii bilood ee lasoo dhaafay qabsaday warbaahinta amaba saameyn reebay, iyo sidoo kale ah kuwa haya sheekooyin dhiirrigelin leh, gaaray guulo la taaban karo amaba saameyn ku yeeshay bulshooyinkooda.

Xaliimo Aadan ayuu magaceeda si weyn usoo galay warbaahinta, iyada oo ka hadashay sababta ay xijaabka u xirato marka ay dharka xayaysiinayso.

Warbixin ay BBC Soomaali ka qortay ayaa lagu xusay in Xaliimo ay joojisay hawsha xayaysiiska dharka sababo la xiriira diinteeda iyo dhaqankeeda.

Xaliimo

Xigashada Sawirka, FADIL BERISHA

Qoraalka sawirka, Xaliimo

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ay marar badan ka codsatay in ay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in "ugu dambeyn ay ku guulaysatay".

"Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo," ayay barteeda Twitter ku qortay.

"Waxaa jiro gabdho u dhimanaya sidii ay u heli lahaayeen heshiis ku saabsan xayeysiiska dharka," ayey tiri. "Balse aniga waxaan diyaar u ahaa in aan ka tago shaqada haddii waxa aan rabo la aqbali waayo".

Balse muddo ka dib, iyada ma aysan maamuleynin dharka ay xiraneyso, waxayna ogolaatay maryo madaxa lagu xirto, kuwaas oo bilowgii haddii loo sheegi lahaa ay diidi lahayd.

"Ugu dambeyn waa la iga leexiyay waddadii, waxaana ku jahwareeray meesha aan laga gudbi karin, waxaana koox u ogolaatay in ay sameeyaan qaabka aan u xijaabanaayo.".

Sannadkii ugu dambeeyay ee xirfaddeeda, xijaabkii ay xiraneysay wuu sii yaraaday, mararka qaarna waxaa muuqday qoorteeda iyo xabadkeeda. Mararka qaarna, halkii ay xijaab ka xiran lahayd, waxaa madaxa loogu xirayay maro jiinis ah iyo dhar kale.

Qoraalka Muuqaalka, Xaliimo Aadan oo diinteeda awgeed uga hartay xayaysiiska dharka

Haddii aan usoo laabano xulashada BBC-da, magacyada faraha badan ee la soo gudbiyay ayaa haddana lagu qiimeeyaa hal ku dhigga sanadkan ee - haweenka isbeddellada sameynaya', ee qaadanaya doorkooda ku saabsan isbeddelka caalamka.

Gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban noqotay dadka ugu sarreeya xayeysiinta dharka, Xaliima Aadan waxay kasoo jeeddaa Soomaaliya balse waxay ku dhalatay xero qaxooti oo ku taalla Kenya. 2017-kii, waxay heshiis u saxiixday mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee dharka xayeysiiya, IMG Models, iyadoo qandaraaskeeda ku dartay shuruud ah inaysan siibi doonin xijaabka marka ay wax xayeysiineyso.

Waxay ahayd gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran kasoo muuqatay jaldiga kore ee Majalladda British Vogue, iyadoo ku labisan dharka ciyaaraha dabaasha. Xaliima Aadan waxay u ololeysaa sare u qaadista wacyiga iyo hagista dumarka Muslimiinta ah waxayna noqotay Danjiraha Unicef u qaabilsan xuquuqda carruurta.

2020-kii waxay iska joojisay xayeysiinta dharka maadaama ay ogaatay inaysan waafaqsaneyn diinteeda Islaamka, balse waxay wali saameyn ku sii leedahay waaxda dharka iyo meelo kasii shisheeyaba.

Taariikhda Xaliimo

Xaliimo oo ka qeybgalaysa bandhigga dharka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xaliimo oo ka qeybgalaysa bandhigga dharka

Markii ay qaxootiga ku ahayd xerada Kakuma ee Waqooyiga_galbeed ee Kenya, waxay hooyadeed ka batratay in ay howlkar noqoto, ayna caawiyo dadka kale.

Markii ay u guureen Minnesota, xilligaas oo Xaliima ay 7 sano jir ahayd, waxay qeyb ka noqotay bulshada ballaaran ee Soomaalida ee Mareykanka.

Hadaba waxay dhibaato yar dhacday markii Xaliima ay noqotay Boqorraddii Xijaabka xirneyd (waa abaalmarin loo hibeeyo ardeyda ugu caansan iskuulka). Way ogayd in hooyadeed oo jecel in imtaxaanka laga baaso, aysan ogolaan doonin arrintaas.

Hooyadeed waxay jebisay taajkii la soo siiyay. "Waxaan diiradda saareysaa saaxiibbo iyo qurux," ayeyna ku tiri.

Xitaa markii ay masraxyada waaweyn ee caalamka ay ka soo muuqatay, sida Yeezy iyo Max Mara, ama noqo Miss USA, hooyadeed waxay u sheegeysay in ay xirato xijaab wanaagsan.

Sannadkii 2018-kii, Xaliima waxay noqotay Safiirka Unicef. Maadaama markii ay yarayd ay ku noolayd xero Qaxooti, waxay shaqadeeda ahayd xuquuqda carruurta.

"Hooyadeey weligeed iima aysan arkin sida qof xijaaban oo dhar xayeysiiya oo keli ah. Waxay ii arkeysay sida bikaaca rajada ee gabdho badan, waxayna markasta i xusuusineysay in aan u noqdo qof ay ku deydaan."

Xaliima waxay dooneysay in ay sameyso wacyogelin ku saabsan carruurta barakaca ah, iyo in ay carruurta u muujiso, marba haddii ay iyada ay ka soo baxday nolosha qaxootinimo, in iyagana ay ka bixi karaan.

Balse, Unicef ma aysan noqonin waxa ay fileysay.

Unicef USA waxay BBC u sheegtay: "Waan ku faraxsannahay wadashaqeynta Xaliima ee seddax sano iyo bar iyo taageeradeeda. Sheekadeeda cajiibka ah iyo dulqaadkeeda waxay sii xoojiyeen xuquuqda canug kasta. Sharaf ayey u ahayd Unicef in ay Xaliima la shaqeyso, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan."

Waxaas oo dhan waxay caddeyn u yihiin sababta ay bishii November ee sannadkii 2020, u go'aansatay in ay ka harto shaqada xayeysiiska dharka iyo middii Unicef.

"Waan ku faraxsanahay fursadda uu Covid i siiyay. Waxaan dhammaanteen eegeynaa wadada xigta ee xirfaddeena, waxaana is weydiineynaa 'Farxad dhab ah maka helayaa, ma ii horseedeysaa farxad?'" ayey tiri.

Xaliimo ayaa dhowaan dhameysay soo saaridda filim ka hadlaya sheekada qaxa qaxootiga iyo colaadda Afghanistan. Filimka oo lagu magacaabo I Am You, waxaa la bilayaa in bisha March laga sii daayo Apple TV.

"Waxaan aad ugu rajo waynahay in aan aragno haddii na loo magacaabayo abaalmarinta Oscar!" ayey tiri.

Sidoo kale, in ay ka tagtay shaqadii UNICEF, micneheedu ma ahan in Xaliima ay joojisay shaqooyiinka gargaarka iyo mutadawacnimada.