You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay

Tebin toos

Tebin toos ah

  1. ‘Aniga oo qandhojabiye heli karin ayaan duqaynta ku hoos umulay’

    Marka ugu horeysa ee dhalmada waxay hooyo kasta u tahay waayo-aragnimo adag, laakiin kuwa Gaza, xaaladaha adag ee horeba waxaa u sii dheer saamaynta xun ee dagaalka, burburka, barakaca, iyo kheyraadka xaddidan.

    Ka dib markii ay u adkaysatay weeraradii xooganaa ee ciidamada Israel, Ms. Kefaya, oo maalmo kaliya ay ka hadhsanaayeen wakhtigii loo qabtay inay dhasho, ayaa qoyskeeda kala carartay gurigeeda. Haweeneydan oo 24 jir ah oo ka soo jeeda waqooyiga Qaza ayaa sameysay wax kasta si ay u hubiso badqabka nafteeda iyo canugeeda uurka ku jira markii ay u socdeen koonfurta Gaza.

    "Ilmahaygu afar maalmood buu jiraa, laakiin weli magac ma ubixinin iyada oo ay ugu wacan tahay dagaallada socda iyo murugo kale oo aan la soo koobi karin," Kefaya ayaa sidaas BBC u sheegtay iyada oo magangalyo u raadsaneyso dugsi la dhisay oo ay gacan ka geysatay Qaramada Midoobay. "Markii aan baxnay, duqeyn culus ayaa nagu hareereysay goobta."

    Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku warramaya in kala bar isbitaallada Gaza ay u xiran yihiin burbur, amni-darro, iyo qalab la'aan awgeed. Sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay, qiyaastii 50,000 oo haween uur leh ayaa ay saameeyeen rabshadaha socda, haddana 180 dhalmo ayaa maalin kasta la soo tabiyaa in kasta oo isbitaallo badan la xiray.

  2. Nin dalka Canada ku dilay afar qof oo isku qoys ah

    Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dhageysatay dacwad loo haysto nin lagu eedeeyay in uu afar qof oo isku qoys ah oo Muslimiin ah ku dilay magaalada London ee koonfurta Ontario.

    Wiilkan Canadian-ka ah oo lagu magacaabo Nathaniel Veltman ayaa shalay la horkeenay maxkamad, waxaana qareenadiisa iyo goobjoogayaasha mucaaradka ay soo bandhigeen doodahooda xeerbeegtida.

    Dacwad oogaha ayaa sheegay in Mr. Veltman uu doonayay in uu cabsi ku dhex faafiyo dadka Muslimiinta ah, isagoo dadkan laayay, balse qareenada u doodayay ayaa sheegay in qofka uu u doodayay uu qabo xanuun dhanka dhimirka ah.

    Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada u sheegay in Nathaniel Weltman uu qorsheeyay in uu diro fariin naxdin leh oo ah in dhamaan muslimiinta ay ka werweraan amaankooda. Mr. Veltman, oo 22 jir ah, ayaa loo haystaa dilka afar qof iyo isku day dil.

    Waxa uu sidoo kale wajahayaa eedeymo la xiriira argagixisanimo, sababtoo ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, waxa uu beegsaday xubnaha qoyska Muslimka ah diintooda darteed.

    Hadda garsoorka ayaa ka fiirsanaya kiiska Weltman, haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi daa’in.

    Arrinkan, qareennada iyo dacwad-oogayaasha Mr. Veltman ayaa isku raacay inuu baabuur ku dhuftay xubnaha qoyskan Muslimka ah bishii June 2021. Veltman laftiisu ma aqbalayo dacwadda lagu soo oogay wuxuuna sheegay inuu la ildaran yahay xanuunka dhimirka.

  3. Daawo duuliyahan sida xeeladeysan u soo dajiyay diyaarada xili ay dufaan socotay

    Diyaarad ku socotay garoonka diyaaradaha ee Dublin ayaa ku qasbanaatay iyadoo uu jirto duufaanta Debi 3 dex maalin ka hor.

    Duuliyaha ayaa laba jeer isku dayay inuu soo dego ka hor inta uusan u weecin magaalada Shannon ee galbeedka Ireland si uu shidaal u soo qaato.

    Diyaaradda Airbus A330, oo siday rakaab oo ka soo kacday magaalada New York, ayaa ugu dambayntii dib ugu soo laabatay oo ku degtay Dublin kadib seddex jeer oo ay isku dayday inay degto.

    Duufaanta Debi ayaa keentay in digniino laga soo saaro qaybo ka mid ah Ireland Isniintii, kuwaas oo hadda la qaaday.

    Dabeylo xooggan iyo roobab wata ayaa sababay in tobanaan kun oo guri iyo goobo ganacsi ay koronto la’aan noqdaan.

  4. Iceland: Muqaal ay helikobter duubtay ayaa muujinaya dildilaacyo waaweyn oo dhulka ah

    Weriyaha BBC-da Jessica Parker ayaa raacday hawgal ay sameeyeen Ilaalada Xeebaha Iceland ee ku sugan Jasiiradda Reykjanes, halkaas oo dhaqdhaqaaqii foolkaanada ee u dambeeyay uu isugu soo uruuray.

    Saynis yahanada ayaa sheegaya in aaggu uu wajihi karo tobanaan sano oo xasilooni darro maadama foolkaanooyinka ay kordhi karaan.

    Cagaf-cagafta ugu weyn Iceland ayaa ku wajahan magaalada yar ee kalluumeysiga si uu uga dhisto difaac lagu joojinayo foolkaanada burburinaysa dhismayaal muhiim ah.

  5. Joe Biden wuxuu jawaab u hayaa kaftankaaga ku saabsan da'diisa

    Tan iyoo markii uu u ololeynayay xafiiska madaxtinimada, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu mar walbo meesha kasaarayay welwelka ku saabsan da'diisa isagoo inta badan ku kaftamay.

    Biden waxa uu noqon doonaa 81 jir isniintan soo socota, in kasta oo welwelka ay dadka ka mujiyeen da'diisa iyo caafimaadkiisu aanay ka niyad jabin inuu u tartamo mar labaad.

  6. Feer uu ku dhuftay ayuu 9 maalmood kadib u dhintay

    Wiil dhalinyaro ah oo hal feer ku dilay nin "naxariis iyo jacayl badnaa" oo 82 jir ahaa ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi ah isagoo wakhti ku qaadan doona xabsiga lagu hayo dadka 18ka ka yar ee dambiyada gala.

    Omar Moumeche waxa uu ahaa 16 jir markii uu ku dhuftay Dennis Clarke saldhiga basaska Derby 6dii Maajo 2021.

    Feerkaas ayaa sababay in Mr Clarke uu dhulka ku dhaco oo uu ka jabo lafta madaxa, wuxuuna ku dhintay isbitaalka sagaal maalmood ka dib.

  7. Xaaladda qaar kamid ah dadka kunool caasimadda Sudan oo laga deyrinayo

    Todobo bilood ka dib markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda qaaraarka badan ee dadka ku nool caasimadda Khartoum, ayaa ka sii daran sidii hore - halka qaar ka mid ah kuwii ka baxsaday magaalada maalmihii hore ay sidoo kale la halgamaya sidii ay u noolaan lahaayeen.

    Abdul-Aziz Hussein - oo magaciisa loo beddelay sababao ammaan darteed - ayaa qaatay go'aanka bishii Abriil si uu u sii joogo Khartoum. Marna uma malaynayn in dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) uu socon doono muddo dheer.

    "Weli waa na go'doonsannahay, dagaalkuna ma joogsan," ayuu sheegay mar aan telefoonka kula xiriiray.

    “RSF waxa ay gudaha u galeen deegaanka oo ay dhibaato ka geysteen, iyadoo ciidamadu ay madaafiic ku garaacayaan fariisimaha ay ku leeyihiin xaafadda, dhimasho ayaa iman karta daqiiqad kasta.

    Dad lagu qiyaasay 5,000 oo qof oo Suudaani ah ayaa horay ugu dhintay israsaasayn dhexmartay labadan qaybood ee milatariga ah ee dagaallamaya, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

    Isaga iyo xaaskiisa iyo saddex caruur ah, macalinka oo 45 jir ah ayaa hadda aad u doonaya inuu baxaan. Bishii hore waxay ku dhawaadeen inay sameeyaan, laakiin dagaalka oo agagaarka gurigooda oo ku yaal agagaarka Kalakla ka socday ayaa ahaa mid aad u xooggan.

    Markii labaad ee uu BBC la hadlay ayuu , Mr Hussein waxa uu ii sheegay in askarta RSF-ta ay bililiqesanayaan dukaamada iyo guryaha dadka.

    Waxay la mid tahay inaad ku nooshahay "qayb cadaabta ka mid ah ah", ayuu yiri.

    Dagaallada xooggan ee ka socda magaalada Khartoum iyo gobolka galbeedka ee Darfur ayaa sababaya dhibaatooyin xooggan oo dhanka qaybinta gargaarka ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

  8. War deg deg ah, Dab ka kacay suuqa Xamarweyne

    Dab ayaa goordhow ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

    Waxaa hadda socda dadaal xooggan oo ku aadan sidii loo damin lahaa.

    Weli si dhab looma oga waxa uu ka dhashay dabkaan iyo qasaaraha ka dhashay .

  9. War deg deg ah, Saraakiisha Xamaas oo sheegay in dhimashada Gaza ay dhaaftay 12,000 oo qof

    Saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in in ka badan 12,000 oo falastiiniyiin ah – oo ay ku jiraan 5,000 oo carruur ah – la og yahay in hadda la og yahay in lagu dilay hawlgallada milatari ee Israa’iil ee Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

    Xarunta Warfaafinta Falastiin, oo sido bayaannada rasmiga ah ee Xamaas, ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 3,570 qof - oo ay ku jiraan 1,800 oo carruur ah - la la'yahay.

  10. Wasaaradda caafimaadka Xamaas oo sheegtay in 24 bukaan ay laba maalmood gudahood ku dhinteen Al-Shifa

    Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in 24 bukaan ay ugu dhinteen isbitaalka al-Shifa labadii maalmood ee lasoo dhaafay koronto la’aan ay sababtay shidaal la’aan.

    "Qalab muhiim ah oo caafimaad ayaa joojiyay shaqadiisa koronto la'aanta awgeed," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Ashraf al-Qudra.

    Milateriga Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xarunta Arbacadii ka dib markii ay ku adkeysteen in xarunta Xamaas ay ku taallo godad cisbitaalka hoostiisa ah – arrintaas oo Xamaas ay beenisay.

  11. Maxay sidaan marakiibta uu Ruushka sheegay in ku sii jeedaan Soomaaliya iyo dal kale oo Afrikaan ah?

    Wasiirka beeraha ee dalka Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in labo marakab oo sida qamadi ay ka tageen dekedaha dalka Ruushka, kuwaasi oo loo waday Soomaaliya iyo Burkina Faso.

    Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin maraakiibtii ugu horreysay ee u dhoofa dalalka Afrika oo sida qamadi uu Ruushku sheegay inuu lacag la’aan ku bixinayo.

    Wsiir Dmitry Patrushev ayaa sheegay in Ruushka uu si lacag la’aan ah u dhoofin doono ilaa laba-boqol oo-kun oo tan oo qamadi ah oo Ruushka bixinayo.

    Moscow ayaa isku dayeysay in xojiso xiriirka kala dhaxeeyo waddamada Afrika si ay uga hortagto talaabooyinka dadaalka reer galbeedka ee lagu go’doominayo Ruushka dagaalka uu ka wado Ukraine awgeed.

    Dhanka kale, sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in in ka badan boqol iyo konton markab ay isticmaaleen marin badeed oo ay xukuumada Kyiv dejisay, ka dib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii badarka badda madow bishii Luulyo.

  12. Dowladda Zimbabwe oo xaalad degdeg ah gilisay casimadeeda

    Zimbabwe ayaa xaalad degdeg ah kaga dhawaaqday caasimadda Harare sababo la xiriira cudurka daacuunka oo ka dilaacay halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan boqol qof. Maamulka ayaa codsanaya in laga caawiyo xakameynta fiditaanka iyo in la helo biyo nadiif ah . Waxa jira ilaa todoba kun (7,000) oo kiis oo la tuhunsan yahay inay ilaa hadda jiraan.

    Talaadadii, mas'uuliyiinta ayaa ka mamnuucay ganacsatada waddooyinka inay ka howlgalaan bartamaha Harare talaabadan oo looga gol leeyahy in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka.

  13. Ciidamada Israel oo howlgal ka fuliyay xerada Jenin

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in ay dileen shan Falastiiniyiin ah -- oo ay ku tilmaameen argagixiso -- intii lagu guda jiray howlgal ay ka fuliyeen Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto. Waxa ay sheegtay in dhowr qof oo kale la xiray, oo uu ku jiro hal qof oo laga soo xiray isbitaalka.

    Gawaarida gaashaaman ee Israel oo aad u badan ayaa lagu soo waramayaa in gobtaasi la soo dhoobay.

    Ku dhawaad ​​laba boqol oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil todobadii bishii Oktoobar. Israa'iil waxay sheegtay inay ka jawaabayso kororka weerarrada argagixisada ee uga imaanaya Xamas.

  14. Israa'iil oo maalintiiba laba baabuur oo shidaal ah u ogolaaneysa inay galaan Gaza

    Wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in Israa'iil ay u oggolaanayso laba baabuur oo shidaal ah maalintii inay galaan Gaza sii loo dardar galiyo hawsha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

    Arrintan ayaa lagu soo waramayaa inay timid kadib codsi ka yimid Mareykanka, waxaana si wadajir ah u ansixiyay golaha dagaalka ee Israel.

    Sarkaal aan la magacaabin ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in tallaabadani ay Israa’iil siinayso “in cadaadisyada diblumaasiyadeed ka dabaalato” marka ay la dagaallamayso Xamaas.

    Waxa kale oo la sheegay in Israa’iil ay la socon doonto xiliga shidaalka laga keenayo si ay u hubiso in aanu gaarin cadawgeeda – walaacaasi oo hore u horseeday in uu khalkhal galo in Gaza shidaalka soo gaaro.

  15. Aas loo sameeyay askari Israa'iili ah oo laga soo helay dhisme u dhow isbitaalka

    Magaalada Modi'in ee bartamaha Israa'iil, waxaa aas loogu sameeyay IDF Corporal Noa Marciano, taas oo ay Xamaas qafaasheen 7-dii Oktoobar.

    Sida aan horay u sheegnay, Cpl Marciano ayaa meydkeeda laga soo saaray dhismo ku dhow isbitaalka Al-Shifa todobaadkan. IDF waxa ay sheegtay in sirdoonku ay ku hageen goobta saxda ah.

  16. Qaramada Midoobay oo xaqiijisay inaysan awoodin inay gargaar gaarsiiso Gaza

    Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in aysan maanta gargaar geynin Gaza sababo la xiriira shaqaalaha goobta jooga - iyadoo khadadka taleefannada iyo internetka ay maqan yihiin maalintii labaad - mana jiro shidaal ku filan oo halkaa yaala.

    Juliette Touma oo ka socota UNRWA - oo ah hay'adda gargaarka Qaramada Midoobay ee caawisa Falastiiniyiinta oo la hadashay weriyaha BBC-da Yolande Knell, ayaa sheegtay in tani ay si dhaqso ah isu beddeli karto haddii isgaarsiinta iyo shidaalka la soo celiyo.

    Horraantii toddobaadkan, booyad ayaa markii ugu horreysay shidaal geysay Gaza tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil bishii Oktoobar, balse mar hore ayuu dhammaaday.

    Sida aan soo tabin jirnay, Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sahayda cuntada iyo biyaha ay “dhab ahaantii jirinba”, dadka reer Gazana ay hadda sidegdeg u wajahayaan “ suurtalgalnimo macaluul”.

  17. Faahfaahin ka soo baxeysa sida uu u dhacay weerarkii ay Israa'iil ku qaaday guriga hugaamiyaha Xamaas

    Sida ay sheegeen Ciidamada difaaca ee Israa'iil (IDF), waxay weerar ku ekeeyeen guriga uu degan yahay hugaamiyaha sare ee Xamaas Ismail Haniyeh, kaas oo ku yaalla Gaza.

    Inkasta oo Ismail Haniyeh, oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Xamaas uu ku nool yahay waddanka Qadar, waxay sheegeen ciidamada milatariga Israa'iil in gurigigiisa 'loo isticmaalayay meel ay ku shaqaystaan argagixisada' ayna sidoo kale 'ku kulmaan hugaamiyaasha sare ee ururka'.

    Waxay sheegeen milatarigu inay isticmaaleen diyaaradaha dagaalka si ay u duqeeyaan guriga.

  18. Dhimashada ka dhalatay roobabka iyo fatahaadaha Soomaaliya oo gaartay 50 halka 1.5 milyan ay saameeyeen

    Ugu yaraan 50 qof ayaa ku geeriyooday roobabka ka da'aya qeybo kamid ah Soomaaliya halka ay xafadahooda ka barkaceen dad gaaray 700,000 oo kun oo qof. Si guud, waxay roobabku saameeyeen dad gaaraya ilaa 1.5 milyan oo qof. Guddoomiyaha haayadda maaraynta masiibooyinka ee soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaalida ah ugu baaqay inay isu gurmadaan.

  19. Maxay tahay dacwadda lagu soo oogay tababaraha Arsenal Mikel Arteta?

    Xirriirka kubadda cagta ee loo soo gaabiyo FA ayaa dacwad ku soo oogay tababaraha kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Arsenal, Mikel Arteta, kadib hadal uu ka yiri kulankii Premier League-a ee ay Newcastle 1-0 ugu adkaatay Arsenal.

    Arteta, oo 41 sano jir ah, ayaa go'aankii muuqaalka caawiyaha garsoorayaasha ee (VAR) ku tilmaamay "wax laga xishoodo" iyo "ceeb".

    Goolkii uu dhaliyay Anthony Gordon ayaa VAR loo adeegsaday saddex jeer si go'aan looga gaaro, waxayna natiijadu dhabar jab weyn ku ahayd Arsenal.

    Arteta ayaa loo qabtay ilaa talaadada sii uu ugu soo jawaabo dacwadda lagu soo oogay.

    "Waxaa lagu eedeeyay in hadaladiisu ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn maadaama uu aflagaado ku yahay madaxda ciyaarta isla markaana ay wax u dhimayaan ciyaarta ," ayaa lagu yiri warbixinta FA-ga.

    Arsenal ayaa difaacday hadalka uu yiri Arteta kadib bayaan ay soo saareen. Tabaabaraha ayaa isna sheegay in difaacidda kooxda ay tahay waajib isaga saaran.

  20. Dowladda Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi

    Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Muranga ee dalkan Kenya ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda. Kenya.

    Waxay ka digeen in hilibkaas laga cabsi qabo in la geeyo ama lagu iibiyo kawaanada qaar ee ku yaala caasimadda, sida lagu daabacay mid kamid ah wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Kenya.

    Ku xiigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga, Gitonga Murungi, ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 3,000 oo kilo oo hilibkaas ah oo lagu qabtay beer ku taala deegaanka Makuyu.

    Waxaa uu intaa ku daray in 10 qof oo kale oo laga shakisanyahay ay baxsadeen. Mr Murungi ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in in kabadan 70 dameer la qalay mudo sadex maalmood gudahood.