You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay

Tebin toos

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Duqeyn Israa'iil saaka kula jarmaaday Qasa oo lagu dilay 15 qof

    Wakaaladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warrantay in 15 Falastiiniyiinh ah lagu dilay, waaberigii Axadda, duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Bartamaha iyo Koonfurta Marinka Gaza.

    Hay’addu waxay sheegtay in 13 qof lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla xerada Nuseyraat, oo ku taalla badhtamaha marinka Qaza, halka haweeney iyo ilmo ay dhashay lagu dilay weerar kale oo ka dhacay magaalada Khan Yunis ee koonfurta Gaza.

  2. Tobannaan muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto oo ku xaniban xadka Filand la wadaagto Ruushka

    Ruushka ayaa ku soo fasaxay tobannaan muhaajiriin ah xadka uu la wadaago dalka Filand.

    Filand ayaa arintan u aragta in Ruushu kaga aar gudanayo heshiiska dhinaca difaaca ee ay la gashay Maraykanka.

    Tobannaan qof ayaa sugaya in ay la furo xuduudda si ay magangalyo u waydiistaan Filand laakiin Filand way xirtay xuduudda.

    Eedeynta ka timid Filand waxa iska fogeeyay Aqalka Kirimiliinka ee looga arimiyo Ruushka.

    In kastoo xuduudda la xiray haddana tobannaan muhaajiriin ah ayaa habeenimadii Sabtida yimid halkaas si ay uga gudbaan.

    Filand ayaa xuduud dhirirkeedu yahay 1,340 oo km la wadaagta Ruushka.

    Illaa 300 oo muhaajiriin ah oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya, Ciraaq, Yeman iyo Suuriya ayaa todobaadkan gaaray Filand sida ay sheegtay waaxda ilaallada xuduuddaha.

  3. Daadad iyo dhul go’ ka dhacay gobolka xeebta ee Kenya oo hakiyay adeeggii tareennada ee xamuulka ka qaadi jiray ama keeni jiray dekadda Mombasa

    Roobbab mahiigaana oo lala xiriirinayo El nino kuwaas oo ay ka dhasheen daaddad soo rogmaday ayaa ku fatahay magaalooyin badan oo ku yaala geeska afrika, waxayna uga tagtay boqollaal kun oo qof hoy la’aan.

    Kenya tirada ku dhimatay fatahaadda ayaa gaartay 46 qof, waxana laga baqayaa in ay korodho.

    Daadad iyo dhul go’ ka dhacay wadada tareenka ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa keenay in ay qasab noqoto in la hakiyo adeegyada xamuulka ee tareenada sida ay sheegtay waaxda tareennada Kenya.

    Sidoo kale wadadan tareenka waxay shixnado u maraan wadamo ay kamid yihiin Ruwanda, Ugaandha, iyo Suudaanta Koonfureed.

  4. Warrar is khilaafsan oo ka soo baxaya sheekada ku saabasan xabad joojin dhex marta Israa’iil iyo Xamaas

    Wargayska afka dheer ee Washington Post ayaa daabacay in mabda’ ahaan ay Israa’iil iyo Xamaas gaareen xabad joojin shan maalmood ah oo uu dhexdhexaadiye ka yahay Maraykanku.

    Wargayska ayaa sidoo kale qoray in heshiiska mabda’ ahaan la qaatay ay ku jirto sii daynta haweenka iyo caruurta la haysto.

    Dhinaca kale Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka afhayeen u hadlay ayaa sheegay in illaa hadda aanay jirin heshiis xabadda lagu joojinayo oo dhexmartay Israa’iil iyo Xamaas.

    Afhayeenka ayaa wakaaladda warrarka ee Reuters u sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xabad joojin lagu gaaro.

    Sidoo kale masuul kale oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyay in aanay jirin illaa hadda heshiis la gaaray.

  5. Arooryo suuban saaxibbayaal, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com

  6. Inaas waxaa inoogu dhan tebinteenii tooska ahayd ee caawa. Berri subax hadii eebo idmo isla halkan ayey inoogasii socon doontaa.

  7. Kumanaan dad ah oo ku dibad-baxaya Xafiiska raysal wasaaraha Israa'iil

    Xubnaha qoysaska dadka la la’yahay ee lagu haysto Qaza ayaa waxaa weheliyay kumanaan Israa’iiliyiin ah maalintii shanaad ee socodkooda Tel Aviv ilaa xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Jerusalem, kaas oo lagu waday in ay gaaraan galabnimadii Sabtida.

    Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay booliiska oo ku saabsan tirada dadka u socda magaalada Jerusalem, si kastaba ha ahaatee qabanqaabiyeyaasha mudaaharaadyada ayaa sheegay in tobanaan kun ay ku socdeen caasimadda.

    Wararka Channel 12 ayaa sheegay in ay jireen ilaa 30,000 oo mudaaharaadayaal ah.

    In ka badan 240 qof oo ay ku jiraan askar Israa’iili ah iyo dad rayid ah iyo sidoo kale ajaaniib ayaa la afduubay intii lagu guda jiray weerar ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar oo mas’uuliyiintu ay sheegeen in lagu dilay ilaa 1,200 oo qof oo u badnaa rayid.

    Fiidiyowga lasoo dhigay X ayaa muujinaya dibad-baxayaal ku hor bannaanbaxaya xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Netanyahu ee Galbeedka Jerusalem ka dib socod shan maalmood qaatay oo ay kaga yimaadeen Tel Aviv.

  8. Xamaas oo sheegtay inaysan ogeyn waxa ku dhacay qaar ka mid ah dadka ay haysteen

    Garabka militariga Xamaas ayaa sheegay in ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen qaar ka mid ah kooxaha mas’uulka ka ah maxaabiista lagu hayo marinka Qaza.

    Af hayeenka ayaa yiri: "Masiirka maxaabiista iyo kuwa haysta ilaa hadda lama garan karo ka dib markii aan luminay xiriirkii aan la lahayn."

    Cod uu sii daayey telefishanka Al-jazeera ayaa laga maqlayaa afhayeenka oo sheegay in Israa'iil kaliya aysan iska indha tiraynin bedqabka dadka reer Qaza balse sidoo kale maxaabiistooda.

  9. Erdogan oo ballan qaad u sameeyay reer Qaza

    Turkiga ayaa dadaal ku bixin doona dib u dhiska kaabayaasha burburay, isbitaallada iyo iskuullada Qaza haddii xabbad joojin laga gaaro halkaas, warbaahinta Turkiga ayaa Sabtidii sidan ka sheegtay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan.

    "Haddii xabbad joojin la gaaro, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah si aan kabasho uga samayno burburka ay geysatay Israa'iil," ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta isagoo ku jira diyaaradii uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Jarmalka, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda Jarmalka.

    “Waxaan ku dadaali doonnaa dib-u-dhiska kaabayaasha burburay ee Qaza iyo dib-u-dhiska dugsiyadii burburay, isbitaallada, biyaha iyo tamarta,” ayaa lagu yiri war ay boggeeda ku baahisay baahisay A Haber.

    Horraantii todobaadkan Erdogan waxa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu in uu ku dhawaaqo in Israa’iil ay haysato hubka Nukliyeerka ah iyo in kale, wuxuuna arrintan ku soo noqday hadal uu u jeediyay suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la baaro hubka Nukliyeerka ah ee halkaasi ka jira.

  10. Hay'adda Caafimaadka aduunka oo sheegtay inaysan suurta gal ahayn raridda bukaanada isbitaalka Al-shifa

    Isku dayga in bukaanno badan laga raro isbitaalka al-Shifa waxay noqon doontaa "dhibaato aad u weyn", afhayeen u hadashay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa tiri.

    Mar ay la hadashay BBC Margaret Harris ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah bukaannada isbitaalka ku jira ay yihiin kuwa "aad u xanuunsan, dhaawacya daran qaba, ama dhallaanka yaryar ah, oo kaliya lau qaadi karo gaadiid dhab ah , oo aan lug lagu rari karin".

    Waxay sheegtay, dhakhaatiirta al-Shifa waxay ogaayeen raridda bukaannada inaysan suurtagal ahayn "haddii uusan qof bixineynin ambalaas daryeel degdeg ah."

    "Waxaan sidoo kale ku aragnaa Qaza in helitaanka sariiraha isbitaallada iyo adeegyadu ay sii yaraanayaan sida baahida ay kor ugu kacdo tirada aan suurtagal ahayn in wax laga qabto ee xaaladaha caadiga ah," ayay tiri.

    Horaantii maanta wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in 120 bukaan ay weli ku jiraan Al-Shifa, oo ay la socdaan "tiro aan la cayimin" oo ah dhallaan dhicis ah.

    BBC si madaxbanaan uma xaqiijin karto tirooyinkan.

  11. Daawo marka la ganayey iyo sida uu u burburay gantaalka ugu weyn dunida oo dayax-gacmeed sida

    Ganacsade Maraykan ah oo lagu magacaabo Elon Musk ayaa markii labaad gantaalkiisa Starship ka riday xarunta gfantaalada ee gobolka Texas, waana markii labaad.

    Gantaalka ayaa socday ilaa siddeed daqiiqo ka hor inta aysan SpaceX sheegin in uu lumiyay xiriirkii, oo uusan soo afjarin duulimaadka tooska ah.

    Qaybta sare ee gantaalka ayaa si guul leh uga go’day qaybta hoose, kaas oo markaa qarxay.

    Weriyaha BBC-da Jon Amos ayaa sheegaya inuu ku burburay badweynta Atlantic.

    Markii ugu horeysay ee la riday gantaalkan bishii Abriil, gantaalkii weynaa ayaa kala go'ay oo qarxay afar daqiiqo ka dib.

  12. Weerarada ka dhanka ah dugsiyada Qaramada Midoobay waa 'wax laga argagaxo', 'waa in la joojiyo'

    Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiin (UNRWA) ayaa sheegay inay heleen sawirro "naxdin leh" iyo muuqaal dad badan oo lagu dilay laguna dhaawacay weerar lagu qaaday dugsi kale oo ay leedahay hay’adda Qaramada Midoobey uqaabilsan Garkaarka ee UNRWA oo ku yaalla waqooyiga Qaza.

    "Weeraradani ma noqon karaan kuwo caadi ah, waa in la joojiyo. Xabbad joojin bini'aadantinimo lamasii sugi karo intan ka badan," Guddoomiyaha UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay boggisa X oo ay tixraacday UNRWA.

  13. Xaguu ku dambeeyay gantaalkii cirka loo diray maanta?

    Waxay ahayd gantaal diris cajiib ah oo lagu riday gantaalka ugu wayn aduunka uguna awooda badan.

    Guud ahaan waxay u muuqatay inay wax walba wanaagsan yihiin.

    Duulimaadka tijaabada labaad ayaa ka sii fogaaday kii hore - labadii qaybood ee gantaalka ayaa loo kala saaray sidii loo qorsheeyay.

    Laakiin markaa arrimuhu waxay bilaabeen inay xumaadaan - kor u qaadaha hoose ayaa qarxay ka dib markii uu go'ay - maahan dhibaato aad u weyn, maadaama ay qaybtani horay u soo qabatay shaqadeeda ah inay gantaalka u dirto marxaladda sare ee cirka.

    Laakin dhowr daqiiqo ka dib waxaa soo baxay warka sheegaya in qeybta sare ee gantaalka - ay Iyana luntay.

    Haddaba tani ma guul baa mise waa guul darro?

    Gantaal lumintu ma aha wax wanaagsan sida caadiga ah, haseyeeshee Space-X waxay leeytihiin falsafad ka duwan taas waxayna darsayaan xogta habraacan iyo halka ay wax ka qaldameen kadibna mar kale ayey didri doonaan.

  14. War deg deg ah, Ninka ugu taajirsan dunida oo markii labaad kor u diray dayaxgacmeedkii ugu weynaa abid oo hore u fashilmay

    Gantaalka ugu awooda badan ee abid la sameeyay ayaa markii labaad ka tagay xarunta laga ganao gantaalada sida dayax gacmeedyada ee Texas, iyadoo 33 matoor ay ku xiran yihiin si awoodiisa ay u xoojiyaan.

    Marxaladda kala soocidda ayaa hadda dhacday, iyada oo qaybta dayax gacmeedku ay wali ku jirto duulimaad iyada oo dhammaan lixdeeda matoorba ay shaqaynayaan.

    Laakiin xoojiyaha Super Heavy ayaa qarxay, taas oo aanka mid ahayn qorshaha injineerada SpaceX.

    Intaas kadib waxay joojiyeen tebintii tooska ahayd kadib markii uu go’ay xiriirka gantaalka oo ay u suurta gali weyday inay xogta si toos ah usoo tabiyaan.

  15. Duqeymaha ay Israa'iil ka geysatay koonfurta Qaza oo ay ku dhinteen 32 qof

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqaymo ay ka geysteen xaafado ku yaal koonfurta Qaza waxay ku dileen 32 qof oo Falastiiniyiin ah Sabtidii, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, ka dib markii Israa’iil ay mar kale ku amartay dadka rayidka ah inay u guuraan koonfurta siay u weeraraan Xamaas ka dib markii ay gooyeen waqooyiga.

    Talaabadan noocan oo kale ah ayaa ku qasbi karta boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo u qaxay koonfurta weerarka Israel ku hayso magaalada Qaza awgii, inay mar kale guuraan, iyaga iyo dadka deggan Khan Younis, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000, taas oo uga sii dari karta dhibaatada bini'aadantinimo ee daran.

  16. Kuwani waa waxyaabihii u dambeeyay ee ka dhaca Qaza tan iyo saaka

    Saacada labadii iyo barka duhurnimo xaaladda Qaza iyo Israa’iil, waana tan waxa aan ka ognahay waxa ilaa hadda socda maalintii 43-aad ee dagaalka:

    • Boqolaal bukaan ah iyo inta badan shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka weyn ee Qaza, Al-Shifa, ayaa ka baxay dhismaha iyaga oo ku sii jeeda meel aan la cayimin oo ku taal koonfurta marinka Qaza.
    • Wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in 120 bukaan ah oo dhaawac ah oo ay weheliyaan tiro aan la cayimin oo carruur dhicisoobey ah laga tagay.
    • Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in ciidamada Israa’iil ay amreen daad-gureynta dadkaas – balse Israa’iil waa ay beenisay arrintaas, waxayna sheegtay inay heleen codsi daad-gureynta ah oo uga yimid agaasimaha isbitaalka.
    • Daad-gureyntan ayaa timid iyadoo Israa’iil ay ku amartay dadka deggan Khan Younis, ee koonfurta magaalada Qaza, inay ka baxaan aagga halka lagu gaaro afarta galabnimo oo ay hadda wax yar uun ka harsantahay
    • Ilaa 26 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow Khan Younis subaxnimadii Sabtida, sida uu sheegay sarkaal caafimaadka Falastiini ah
    • Khan Younis ayaa durba la daalaa dhacaya boqolaal kun oo qof oo kasoo qaxay waqooyiga Qaza kadib markii ay amartay Israa’iil
    • Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa BBC u sheegay in Gaza aysan helin wax shidaal ah tan iyo markii Israa’iil ay ogolaatay in la geeyo shidaal
  17. Dhakhtar Irish-Falastiini ah oo sheegay in aanu ka baxaynin Isbitaalka Al-shifa

    Dr Ahmed El Mokhallalati, oo ah dhakhtar Irish-Falastiiniyiini ah oo ka shaqeeya isbitaalka weyn ee Al-Shifa, ayaa sheegay in isaga iyo shan dhakhtar oo kale ay ku sugan yihiin isbitaalka oo ay la joogayaan 120 bukaan oo halkaas ku haray.

    "Bukaanno badan kama bixi karaan cisbitaalka maadaama ay ku jiraan sariiraha ICU ama kuwa caruurta," ayuu soo dhigay barta X (Twitter).

    El Mokhallalati ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay ku amreen qof walba inuu ka baxo isbitaalka. IDF waa ay beenisay arrintaas, iyadoo sheegtay inay ogolaatay codsi daadgureyn ah oo uga yimid agaasimaha isbitaalka.

    Wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa goor sii horeysay sheegtay sheegtay in boqolaal qof ay saaka lug uga carareen isbitaalka Al-Shifa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Waxa ay sheegtay in 120 bukaan oo dhaawac ah ay ku harsan yihiin isbitaalka, oo ay la socdaan tiro aan la cayimin oo dhallaan dhicisoobey ah.

    Mar sii horreysay, saraakiisha caafimaadka ayaa AFP u sheegay in "450 dhaawac ah iyo bukaanno qaba xanuunno daba-dheeraaday" aan la bixin karin, tiro shaqaale caafimaad ahna ay joogi doonaan isbitaalka si ay u daryeelaan.

  18. Isbitaalka Al shifa ee Qaza oo laga daad guraynayo bukaanada

    Wariye ku sugan gudaha isbitaalka Al-Shifa oo aan todobaadka oo dhan la hadlaynay ayaa sheegay in isaga iyo qaar kale oo badan ay hadda ka baxeen xarunta, iyagoo sita calan cad.

    Horaantii todobaadkan Khader Al Zaanoun waxa uu ka hadlay rasaas culus iyo su'aalo la waydiinayay iyadoo ciidamada Israa’iil ay baarayeen goobta.

    "isbitaalka waa laga baxay marka laga reebo bukaanno aan dhaqdhaqaaq lahayn iyo tiro aad u yar oo dhakhaatiir ah," ayuu sheegay.

    Wuxuu intaas ku daray:

  19. Wiil Afrikaan ah oo ay horay u qafaasheen Xamaas oo geeriyooday

    Dowladda Tanzania ayaa xaqiijisay dhimashada mid ka mid ah ardaydii lagu qafaashay weerarka Xamaas ee Israa'iil ku qaaday 7dii Octoobar.

    Clemence Felix Mtenga, oo 22 jir ah, wuxuu ahaa mid ka mid ah laba qof oo Tanzanian ah oo ay kooxdu qaadatay 7dii Oktoobar. Ma cadda sida uu u dhintay.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sheegtay in ay Israa'iil kala xiriirtay la haystaha kale ee Tanzania u dhashay oo lagu magacaabo Joshua Mollel.

    In ka badan 230 la haystayaal ayaa lagu qafaashay weerarka Xamaas, waxaana lagu dilay ugu yaraan 1,200 oo qof.

    Israa'iil waxay sheegtay in la-haystayaasha - laga soo kaxaystay Israa'iil oo la geeyay Marinka Qaza - ay ka yimaadeen 25 waddan, oo uu ku jiro hal qof oo Koonfur Afrikaan ah oo aan weli la aqoonsan.

  20. Maxay yihiin hadalada uu horay u yiri Osama Bin Laden ee hadda TikTok tirtireyso?

    Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, warqad uu qoray hoggaamiyaha Al-Qaacida Osama Bin Laden ayaa ku wareegayay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok. Warqadan oo markii hore lagu daabacay mareegaha Sacuudi Carabiya ayaa lagu daabacay luqadda Carabiga, waxaana markii dambe loo turjumay Ingiriis, waxaana daabacay wargeyska The Guardian. Waraaqda, Bin Ladin waxa uu qiil uga dhigayaa weerarrada ka dhanka ah Maraykanka oo uu kaga hadlay xorriyadda Falastiin.

    Hashtag-ka 'Letter to America' ee TikTok waxa uu helay 1.8 milyan oo daawasho, taas oo keentay in madashu meesha ka saarto waxyaabaha la xiriira warqadda loo arkay in ay taageerto argagixisada. Sidoo kale, The Guardian-ka ayaa warqadda ka saaray website-kiisa, isagoo ku sababeeyay in si khaldan u isticmaaleen.

    Nikki Haley, oo u sharaxan doorashada madaxtinimada Mareykanka ee soo socota, ayaa ku dhaleeceysay TikTok inay ogolaatay taageerada bin Laden, iyadoo ku baaqday in la mamnuuco madasha. Iyada oo laga jawaabayo, TikTok waxay sheegtay in nuxurka warqaddu ay ku xad-gudbeen xeerarkooda ku aaddan taageeridda argagixisanimada iyo inay si dhaqsi ah meesha uga saareen waxyaabahaas.