You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay

Tebin toos

Tebin toos ah

  1. Wasaaradda Bisha cas ee Falastiin oo shaacisay tirada dadka ku xanninban burburka hoostiisa

    In ka badan 3,250 qof ayaa ku hoos jira burburka: Wasaaradda Caafimaadka Qaza ayaa sidaas sheegtay

    Tirada naxdinta leh waxaa ku jira 1,700 oo carruur ah oo aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin, wasaaraddu waxay tiri.

    Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay wicitaanada magaalada Qaza iyo aagagga waqooyiga ee ku saabsan "tiro aad u badan oo dad ah oo ku hoos xayiran burburka hoostiisa, iyo tobanaan dhaawac ah oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah, halkaas oo ambalaasyada ama difaaca madaniga ah aysan awoodin inay gaaraan".

  2. Soomaaliya oo sheegtay inta dugsi ee ay maamusho iyo tirada caruurta waxbarasho la'aanta ah

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulanka 7-aad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

    Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarasha Soomaaliya ahna kusimaha wasiirka, Marwo Nuura Mustaf oo si rasmi ah u furtay shirka ayaa sheegtay in ku dhawaad 4 milyan oo caruur ah ay Soomaaliya wax barasho la’aan ka yihiin halka tirade hadda dugsiyada u aadda ay ku tilmaamtay 1.7 milyan oo arday.

    “Waxaan ku faraxsanahay inaan soo kabaynayno, oo ku dhawaad 1.7 milyan ay waxbarasho maanta noo aadayaan, nidaamkii aan kula socon lahayn ee aan kaga warqabi alahayn waxbarashadoodana aan maanta haysanno, sidoo kalena waxaan aad ugu faraxsanahay inaan cagta saarnay wadadii aan waxbarashada dalkeena dib ugusoo celin lahayn” ayey tiri marwo Nuura.

    Boqolkiiba 33 caruur ah ayaa hadda wax barata halka 67% ay wax barasho la’aan yihiin, waxayna wasiirku sheegtay in lagu qiyaasay baahida Soomaaliya ee macalimiinta ilaa 120 kun oo macalin halka ay hadda haystaan 3 kun oo macalin, waxayna sheegtay in la filayo in macalin kasta oo kusoo biira macalimiinta dawladda, uu soo kordhin doon ilaa 40 arday.

    Sida ay sheegtay wasiirku, Soomaaliya waxay hadda maamushaa 200 oo dugsi.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo sida ay wasaaraddu sheegtay u hadlaayey dhammaan wasiirrada Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in wax badan laga qabtay waxbarashada Soomaaliya sanadkii tagay.

  3. Markab Turkigu leeyahay oo qalab muhiim ah u sida reer Qaza ayaa gaaray Masar

    Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo sida agab loogu tala galay in lagu dhiso 8 isbitaal oo laga hir galiyo dalka Masar ayaa soo gaaray deked ku taal dalka Masar oo ku dhow xadka Rafah iyo Qaza.

    Saraakiisha caafimaadka Turkiga ayaa sheegay in markabkan uu sido matoorro, ambalaasyo iyo agabyo kale oo caafimaad.

    Saraakiisha caafimaadka ee Xamaas ee Qaza ayaa sheegay in dhammaan isbitaallada ku yaal waqooyiga gobolku ay “shaqo gabeen” dagaalka awgii.

  4. Israa'iil oo shaacisay tirada askarta uga dhimatay hawlgalka gudaha Qaza

    Ciidamada Israel ayaa Isniintii sheegay in laba askari oo kale ay kaga dhinteen dagaalka ka socda waqooyiga Qaza.

    Sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil tirada askarta Israa’iil ee laga dilay tan iyo markii uu billowday howlgalka dhulka ee gudaha Qaza ayaa gaartay 44 askari.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka wadaan duleedka xerada qaxootiga ee Al-Shaati ee galbeedka magaalada Gaza.

  5. Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska oo loo magacaabay wasiir

    Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa loo magacaabay, xog hayaha arrimaha dibadda ee dalkaas kadib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada.

    Isku shaandhayntan waxaa shaqadeeda ku wayday xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo aad ugasoo horjeeday dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin ee dalkaas ka socday tan iyo bilowgii dagaalka Xamaas iyo Israa'iil.

    David Cameron ayaa raysal wasaare ka ahaa dalkaas 2010-kii ilaa 2016 kii oo uu is casilay kadibna ay ka dambeysay Theresa May.

    Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay shirkii ballaarnaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo uu ka dhashay waxa hadda loo yaqaano 'New Deal'.

    Dhawaan ayey ahayd markii Raysal wasaare ka dambeeyay David ee lagu magacaabo Boris Johnson uu helay shaqo saxafinimo.

  6. Rasaas culus oo ka socota agagaarka isbitaalka Al-qudus ee Qaza

    Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa agagaarka isbitaalka al-Qudus ee magaalada Qaza, sida ay ku warameyso hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

    "Duqeymo iyo qaraxyo ayaa laga maqlay aagga", ayay kooxdu ku sheegtay barteeda X.

    Waxaa intaa dheer, PRCS waxay sheegtay in gawaadhida u socday al-Qudus si ay bukaannada u daad gureeyaan lagu joojiyay Gobolka al-Wusta. Ma aysan sheegin sababta loo joojiyay kolonyada.

    Axadii, PRCS waxay sheegtay in cisbitaalka, oo ah kan labaad ee ugu weyn Qaza, uu joojiyay shaqadiisa sababtoo ah shidaal yari iyadoo ciidamada Israel ay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan marrinka go’doonsan.

  7. War deg deg ah, Dowladda Ingiriiska oo tillaabo ka qaaday wasirad ku baaqday joojinta dibadbax lagu taageerayay Falastiin

    Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa shaqada laga eryay.

    Ra'iisul wasaare Rishi Sunak ayaa isku shaandheyn ku sameyn doona golihiisa wasiirada, sida ilo ka tirsan dowladda Britain ay u sheegeen BBC-da

    Dhawaan, Ms. Braverman waxay ku eedaysay booliiska London inay "ay dhinac la safteen" marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbax ka dhigay London.

    Wasiiraddaan ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xillia ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa'iil ay ka gaysanayaan marinka Qasa

    Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbaxii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta.

    Dhowr oo hore ayaa wasiiraddaan waxay ku baaqday in xakameeyo dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen arrintaa.

  8. Xaalad adag: Dhaqaatiir iftiinka telefoonka u isticmaalaya daweeynta dhaawacyada

    Dhakhaatiirta isbitaalka Indonesia ee ku yaalla Qasa ayaa isku dayaya inay dadka dhaawaca ah daweeyaan x iyagoo isticmaalaya nalka talefanka gacanta ah,kadib markii gabi ahaanba uu isbitaalku noqday koronto la’aan.

    Isbitaalk awaxaa buux dhaafiyay dhaawacyada ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayana Marinka Qasa.

    Xaruumaha caafimaad ee ku yaalla waqooyiga Marinka Qasa ayaa waxaa saaran cadaadis xoogan kadib markii ay sii xoogeysteen duqeymaha ay Israa’iil ka geysaneyso halkaa.

    Xaaladda bini aadanimo ee Qasa ayaa walaac xooggan laga muujiyay waxaana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya dhimashada iyo dhawaaca dadka rayidka ah.

  9. Hadalladii madaxda Soomaalidu ay ka yiraahdeen Xamaas iyo xaaladda Qasa

    Dalal badan oo dunida ah oo ay ku jiraan kuwa Muslimiin ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka muddada bisha ka badan socda ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.

    Soomaaliya

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, ayaa muujiyay in dowladda Soomaaliya ay garabtaagantahay Falastiin, waxaana uu yiri ” Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo isana dhawaantaan ka hadlay Xamaas iyo waxa ay ka aaminsanyihiin ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso taa badelkeedana waxaa uu tilmaamay in ay yihiin urur xorriyad doon ah hadalkaas oo si weyn warbaahinta iyo baraha bulshada u qabsday.

    “Xamaas argagixso maaha waa urur xoreyn,” ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

    Jabuuti

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isana sheegay mar uu arrinta Qasa ka hadlayay in hoog u sugnaaday kuwa ku duulay Falastiiniyinta.

    Waxaa uu yiri “Falastiin way guulaysanaysaa Islaamkuna waa guulaysanayaa,”. Wuxuu intaa ku daray in ay hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin Falastiinyiinta.

    Somaliland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa isana sheegay in reer Falastiin la dulmiyay isla markaana ay ceeb ku tahay caalamka islaamka in ay ka aamusanaadaan dhibaatada lagu hayo dadkaas.

    “Waxaa uu yiri Waan garab taagannahay Falastiin in ay hesho xorriyadooda”

  10. Qarax ka dhacay dibadda kuliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho

    Qof walxo qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay dibadda ilinka laga galo kuliyadda ciidamada ee Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho sida ay BBC-da u sheegeen illo dhinaca amniga ah.

    Qofka xirnaa walxaha qarxa ayaa ku soo dhawaaday albaabka laga galo kuliyadda, balse askarta ilaallada ka ahayd ayaa u sheegay in uu joogsado, wuu ka dhaga adeegay, deetana waxay ku fureen rasaas, isagoo halkaa ku qarxay.

    Illo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa BBC-da u sheegay in kaliya qofka xirnaa walxaha qarxa uu goobta ku dhintay, isla markaana aanay jirin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa, laakiin qaraxyada noocan ah ee ka dhaca Soomaaliya waxa fuliya rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

    24-kii Luuliyo ee sanad kan ayay ahayd markii qof isku soo xiray walxo qarxa uu beegsaday askar saf ku jirtay gudaha Kuliyadda Jaale Siyaad, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

  11. Israa'iil oo weerar ku qaadday xero qaxooti iyo hub laga helay

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka geysanayaan duleedka xerada qaxootiga ee Al-Shati, oo dhacda galbeedka magaalada Qasa.

    Waxa ay sheegeen in howlgalladooda ciidan ay ka mid yihiin Jaamacadda Al-Qudus iyo Masjidka Abuu Bakar, iyagoo sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay ka howlgalaan halkaas.

    Waxay baahiyeen sawiro muujinaya sida ay sheegeen dhowr iyo toban hub iyo agab ciidan oo lagu soo qabtay howlgalladaas, iyo kuwa la sheegay in laga soo saaray guryo ay deganaayeenxubno ka tirsan Jabhadda hubeysan ee Islaamig Jihaad, iyadoo aan la sheegin magacyadooda.

    Israa’iil ayaa u sheegtay Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Marinka Qasa in ay halkaa ka baxaanayna aadaan dhanka koonfureed toddobaadyo ka hor. Askarta Israa’iil ayaa aaggaas ka hawlgalayey muddo ku dhow toddobaad.

  12. Israa'iil oo ku hanjabtay in wixii Qasa ay ka sameysay ay Beirut ka sameeyn doonto

    Xasan Nasrallah oo ah hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ee Lubnaan ayaa khudbadiisii labaad ee uu kaga hadlayay dagaalkii Israa'iil iyo Xamaas jeediyay Sabtidii lasoo dhaafay.

    Khudabaddan oo laga sii daayay TV-ga Xisbullah ee Al-Manar ayaa Nasrallah ku sheegay in Israa’iil aysan marnaba awoodi doonin inay gaarto hadafkeeda ku saabsan dhulka Falastiin, waxaana uu yiri “waxaa aad uga soo horjeedi doona jiilalka soo socda.”.

    Nasrallah ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah Israa’iil ee ka dhacaya koonfurta Lubnaan ay sii socon doonaan. Wuxuu sheegay in weeraradan ay yihiin kuwo lagu taageerayo Falastiiniyiinta.

    Narsallah ayaa ku andacoodey in todobaadki ugu dambeeyey ay Xisbullah kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Israa'iil ayna adeegsadeen gantaallo aad u awood badan marka laga soo tago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxa uu sheegay in Xisbullah ay weeraro hor leh ku qaadeen deegaanada gudaha ee Israa’iil

    Nasrallah ayaa khudbadiisa sidoo kale ka codsaday wadamada Islaamka inay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Israa’iil.

    ​Israa'iil ayaa si adag uga jawaabtay hadalka Nasrallah. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa khudbadii Nasrallah ka dib sheegay in Xisbullah ay sameynayso khalad weyn, isagoo ku hanjabay in wixii ay Israa’iil Qasa ka sameysay ay Beirut ka dhici doonaan.

    “Xaaladda Beirut waxa ay la mid noqon doontaa tan Qasa oo ay dadku ka baxayeen guryahoodii oo ay ka cararayeen,” ayuu yiri Yoav Gallant.

  13. Dad ka argagaxay Libaax ku dhex baxsaday magaaladooda

    Libaax ayaa la arkay isagoo dhex maraya Ladispoli oo ku taal galbeedka Rome ee dalka Talyaaniga, kaas oo la qabtay isla markaana dib loogu celiyay goobtii uu markii hore ka baxsaday.

    Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo aad uga naxay markii ay arkeen Libaax weyn oo dhex mushaaxaya waddooyinka magaalada xeebta ku taal.

    libaaxa, ayaa la qabtay in ka badan shan saacadood ka dib markii la baahiyay diginin dadka loogu sheegayay in ay iska jiraan Libaaxa baxsadka ah.

    Mas’uuliyiinta goobta uu ka baxsaday Libaaxu ayaa sheegay in libaaxa xaaladiisu wanaagsan tahay, islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sida uu u baxsaday.

  14. Arrin dhici karta oo ku saabsan dadka Israa'iiliyiinta ah ee Xamaas u afduuban

    Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la weydiiyay haddii uu jiri karo heshiis lagu sii deynayo qiyaastii 240 qof oo Israa’iiliyiin ah oo Xamaas ay ku afduubtay weerarkii 7-dii Oktoobar.

    Isagoo ka jawaabayay su’aashaas Netanyahu ayuu yiri "waa jiri karaa," uu dhigmaysa in heshiiskaasi suurta gal yahay.

    Hadalkaan ayuuna u sheegay warbaahinta Mareykanka laga leeyahay ee NBC.

    Mr Netanyahu ma uusan bixin wax faahfaahin dheeri ah balse waxa uu sheegay in "halka arrin " ee qasbi karta in heshiis la gaaro ay tahay "cadaadiska militari" ee ciidamada difaaca Israa’iil ay ku hayaan Xamaas.

    Laakiin sarkaal Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa ku dooday in loo baahan doono hakinta colaadda si ay suurta gal in noqoto sii daynta dadka Xamaas ay haysato.

    Raysal wasaare Netanyahu ayaa diiday baaqyada isa soo taraya ee ku saabsan in xabbad joojin la garao si dadka reer Falastiin gargaar loo gaarsiiyo.

  15. Dhageyso: Kulankii xiisaha badnaa ee xalay dhex maray Chelsea iyo Manchester City

    Kulan aad u xiiso badan ayaa xalay dhex maray kooxaha waaweyn ee kubadda cagta ee Chelsea iyo Manchester City. kaas oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

    Ciyaarta oo laheed wax badan oo madadaalo ahaa ayaa ku soo idlaatay 4-4, waxaana hoos ka dhageysan kartaa ciyaartaas iyo warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira ciyaaraha.

  16. Xaalad quus ah oo ka taagan xaruunta caafimaad ee Qasa ugu weyn

    Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka jirto koronto la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an.

    Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in "rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada" ee ka dhacaya agagaarka isbitaalka ay "sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa" iyo in Al-Shifa "uusan hadda u shaqeyn sidii isbitaal oo kale".

    Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo isbitaal kale.

    Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa BBC-da u sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan.