You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay

Tebin toos

Tebin toos ah

  1. Wiilal Soomaali ah oo dhawaan galay Canada oo ku dhintay shil baabuur

    Gobolka Alberta ee dalka Canada waxaa ka dhacay shil baabuur oo uu ku dhintay hal wiil oo Soomali ah halka laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal.

    Laba kamid ah wiilasha ku waxyeeloobay shilka ayaa todobaadyo un ka hor galay dalkaasi.

    Wiilka dhintay ayaa magacisu yahay Muxumed Muuse Muxumed labada dhaawacu soo gaaray ayaa kala ah Maxamed Xassan Ibraahim iyo Mustaf Cismaan Maxamed.

    Wiilasha ayaa ka baxay magaalada Calgary ee gobolka Alberta waxayna ku sii jeedeen magaalo kale oo ku taala isla gobolkaas ka hor intaysan shilka galin.

  2. Israa'iil oo qarxisay tuubada ugu muhiimsan ee biyaha siisa Qasa

    Agaasimaha cisbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-shifa ayaa sheegay in Israa’iil ay qarxisay tuubadii ugu muhiimsaneyd ee biyaha siisa isbitaalka.

    Wuxuu intaas ku daray in isbitaalka uu yahay biyo la'aan iyo in uu sidoo kale wajahayo biyo la'aan.

    Dr Maxamed Abu Salmiya ayaa sheegay in dadka aysan isu socon karin gudaha isbitaalka, iyagoo ka baqaya weerrada qarsoon ee Israa'iil.

    Dhanka kale, ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in aaga isbitaalka laga helay meydka haweeney kamid ah dadkii ay Xaamaas ka qafaalatay Israa'iil.

  3. Maxay tahay sababta uu ninkan Soomaaliga ah uu xaaskiisa ugu dilay hoteelka ay u dalxiis tageen ee ku yaala Turkiga?

    Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday hoteel ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kadib markii nin Soomaali ah uu gudaha hoteelkaas ku dilay xaaskiisa.

    Lamaanahan ayaa la sheegay in u dalxiis tageen halkaas iyagoo ka yimid dalka UK. Sababta uu ninkaas u dilay xaaskiisa ayuu ku sheegay inay siisay waxyaabo maanka dooriyada sidaasina uu ku bilowday muran dhexdooda ah.

    Waxaa jira sawir ay baahisay warbaahinta Turkiga oo ay ku sheegeen inay tahay gabadha la dilay balse markii dambe la ogaaday inay khalad tahay.

    Ninkan ayaa qirtay dambiga uu galay wuxuuna haatan ku jiraa gacanta booliska. Hadaba si aan wax badan ugu ogaanno dhacdadan, ayaa waxaan khadka telefoonka ee magaalada Istanbuul kula xirriirnay Bashiir Macalin oo mudo dheer degenaa Turkiga.

  4. Xisbiga talada haya ee Konfuur Afrika oo sheegay inay taageerayaan mooshin ay mucaraadka wadaan oo la xiriira Israel

    Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ee ANC ayaa sheegay inay taageerayaan mooshin mucaaradka ay wadaan oo baarlamaanka laga keeno "in la xiro safaaradda Israa'iil ee Koonfur Afrika, lana joojiyo dhammaan xiriirrada diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dalkaas illaa ay ka aqbalayaan xabbad-joojin".

    ANC ayaa sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in Israa'iil "ay ka go'an tahay in ay ogolaato wadaxaajood ay fududaysay Qaramada Midoobay".

    Xisbiga mucaaradka dhaqaalaha xorta ah (EFF) ayaa sidoo kale ku baaqaya in la joojiyo dhammaan cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin Israa'iil si ay ula midoobaan dadka Falastiiniyiinta.

    Dareenka Koonfur Afrika ee dagaalka Falastiin si ay u helaan dowlad madax-bannaan ayaa dib ugu laabaneysa waayihii halyeeygii ka soo horjeeday midab-takoorka ee Nelson Mandela.

    Wuxuu si caan ah u yiri 1997, saddex sano ka dib markii uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto ka dib tobanaan sano oo halgan looga soo horjeeday xukunkii caddaanka tirada yar: "Waxaan si fiican u ognahay in xorriyaddeennu ay tahay mid aan dhammaystirnayn haddii ay xoriyad haysan Falastiiniyiinta."

  5. Ciyaarta Algeria iyo Soomaaliya oo kaambiyo loo dareeraray iyo Soomaaliya oo goolal lagu leeyahay

    Kulanka xiisaha badan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa haatan loo dareeray kaambiyada.

    Soomaaliya ayaa lagu leeyahay labo gool walow ay heleen fursado ay goolal u bedeli kareen. Riyad Mahrez ayaa goolka koobaad soo laaday iyadoo ay Soomaaliya iska dhalisay.

    Halkan kala soco natiijada ugu dambeysa ee kulanka dhammaadka ciyaarta kadib

  6. Milatariga Israel oo sheegay in ay qaadan karto todobaadyo in si buuxda loo baaro cisbitaalka Al-Shifa

    Wax yar ka hor, afhayeenka milatariga Israa'iil, Lt Col Jonathan Conricus ayaa la hadlay barnaamijka BBC Radio 4's World at One, iyadoo uu socdo hawlgalka isbitaalka Al-Shifa.

    Conricus waxa uu sheegay in Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ay ka shaqaynayaan in ay "si sax ah u soo bandhigaan inta ay le'eg tahay" waxa ay ku andacoonayaan in ay tahay shabakada Xamaas ee ka hoos jirto cisbitaalka magaalada Gaza - laakiin waxa uu muujiyay in tani ay qaadan karto "dhowr toddobaad".

    Xamaas ayaa diiday in leedahay xarun milatari oo ku hoos jirta Cusbitaalka.

    Habeenimadii xalay, Ciidamada Israel waxay u ogolaatay weriyaha BBC Lucy Williamson gudaha Al-Shifa - waxayna tuseen alaab ay sheegeen inay Xamaas leedahay, oo ay ku jiraan hub iyo hanti kale.

    IDF weli ma muujinayso caddaynta saldhigga Xamaas ama dhisme tunnel oo hoos mara isbitaalka.

    Si kastaba ha ahaatee, Conricus wuxuu leeyahay: "Weli ma baarin cisbitaalka oo dhan oo xitaa ma dhowa."

    Kaabayaal kasta oo dhulka hoostiisa ah, wuxuu yriri: "Waxaan awoodi doonaa inaan qiimeyno waxaana rajeyneynaa inaan idina la wadaagno xoogaa muuqaal ah."

  7. Bankiga Afrika oo sheegay in labo kamid shaqaalahooda lagu xiray Itoobiya

    Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee Itoobiya inay "si sharci darro ah u xireen" oo ay "weerareen" laba ka mid ah shaqaalahooda.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay bangiga oo la sii daayay Khamiistii, dhacdadan ayaa laba toddobaad ka hor ka dhacday caasimadda Addis Ababa.

    Shaqaalahan oo aan la magacaabin ayaa la xiray saacado badan – iyadoo aan la ogeyn sabab rasmi ah – ilaa, markii uu ogaaday in la xiray, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu soo dhexgalay oo amray in si degdeg ah loo sii daayo, ayaa lagu yiri bayaanka bangiga.

    AfDB ayaa dhacdada ku tilmaantay "dhacdo dublamaasiyadeed oo aad halis u ah," isaga oo intaa ku daray in ay cabasho rasmi ah u gudbisay maamulka.

    Bangigu waa mid ka mid ah saaxiibada dhaqaale ee muhiimka ah ee Itoobiya, waxaana madaxiisa, Akinwumi Adesina, uu xiriir diirran la leeyahay Ra’iisul Wasaare Abiy.

  8. Koonfurta Suudaan oo ciidamo geysay dalkaas si ay qayb muhiim ah uga noqdaan heshiiska nabadda

    Xukuumadda midnimada ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday in ay gobollada kala duwan ee dalka u daabusho ciidammo mideysan oo ka tirsan labada dhinac ee colaadda soo afjartay 2018-kii.

    Hawlgalintan ayaa loo arkaa inay halbeeg muhiim ah u tahay heshiiskii nabadda ee dib loo soo nooleeyay ee Sebtembar 2018, oo ay kala saxiixdeen madaxweyne Salva Kiir iyo ninka ay isku hayeen ee Riek Machar, oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka koowaad.

    Qeybtii hore ee ciidamada oo ka baxay caasimadda Jubba subaxnimadii Arbacada. Waxa ay ahaayeen guuto ka kooban 750 askari oo u socday Malakal, oo ku taalla waqooyiga dalka.

    Koox kale ayaa aadi doonta Waqooyiga Bahr El-Ghazal ee waqooyi-galbeed ee dalka.

    Bishii Agoosto ee sannadkii hore 53,000 oo askari - oo ah kuwii ugu horreeyay ee ka mid ah ciidammada qalabka sida - ayaa qalin-jabiyay - iyaga oo noqday askartii ugu horreysay ee booliis iyo ciidan ah oo loo tababaro shaqada qaranka tan iyo markii Koonfurta Suudaan ay xornimada qaadatay 2011.

  9. Booliska Jarmalka oo fuliyay howlgal dalka oo dhan ah

    Boqolaal ka tirsan booliska dalka Jarmalka ayaa howlgalo ka sameeyay guud ahaan dalka Jarmalka guryo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto.

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka, Nancy Faeser, ayaa sheegtay in xarunta Islaamka ee Hamburg iyo kooxaha xiriirka la leh la bartilmaameedsanayo xilli ay Yuhuud badan dareemeen khatar badan.

    Waxay sheegtay in Jarmalku aanu u dulqaadan doonin hurin naceybka ka dhanka ah Israa'iil.

    Baaritaanada laga sameeyay afar iyo konton (54) goobood ayaa yimid kadib markii Jarmalku uu mamnuucay Xamaas iyo kooxaha taageera horaantii bishan, kadib weeraradii ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii October.

  10. Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo ka hadlay xaalka Gaza

    Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah 57kii qof ee ku nool Marinka Gaza “la dilay ama la dhaawacay shantii toddobaad ee la soo dhaafay”, sida laga soo xigtay tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas ay maamusho.

    Volker Türk hadal uu soo saaray ka dib booqashadiisa Masar iyo Urdun ayuu ku muujiyay xanuunka iyo "murugada" dadka rayidka ah ee Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ay wajahayaan inta uu socdo dagaalka Gaza,

    Waxa uu intaa ku daray in dadka rayidka ah ee Gaza - "kuwaasi oo sannado badan si weyn ugu saboolsanaa xayndaabyada siliga ah" - ay u adkeysanayaan duqeymo xooggan oo dhif ah oo ay la kulmeen qarnigan.

  11. Madaxweynaha Afrikaanka ah ee isaga iska mamnuucay safarada dalka dibadiisa

    Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa si degdeg ah u joojiyay dhammaan safarradii caalamiga ahaa ee isaga iyo dowladdiisa, si uu lacago u badbaadiyo.

    Tallaabadan ayaa daba socota qiimo dhac weyn oo ku yimid lacagta iyadoo Malawi ay deyn ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) si kor loogu qaado dhaqaalaheeda liita.

    Mr Chakwera ayaa sidoo kale ku amray dhamaan wasiirada hadda ku sugan dalka dibadiisa in ay dalkooda ku soo laabtaan.

    Gunnada Shidaalka ee madaxda sare ee dawladda ayaa la jaray 50%.

    Dhaqaalaha Malawi waxa uu soo maray waqtiyo qallafsan, oo ay ku sifoobeen shidaal yari iyo naafto, iyo sidoo kale sicir barar sare.

    Khudbad uu telefishinka ka jeediyay, Mr Chakwera wuxuu ku sheegay in tillaabooyinka ay sii jiri doonaan illaa dhammaadka sanad maaliyadeedka ee Maarso 2024.

    Tillaabooyinka kuwan la mid ah ayaa lagu dhawaaqay intii lagu jiray masiibada Covid-19 laakiin waxay lahaayeen saameyn xaddidan maadaama aan si adag loo dhaqangelin.

    Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday wasiirka maaliyadda inuu sameeyo qodobbo ku saabsan kordhinta mushaharka macquulka ah ee dhammaan shaqaalaha dawladda xiliga ee dib u eegista miisaaniyada ee soo socota.

  12. Xildhibaanada Kenya oo taageeray in cidamada booliska loo diro Haiti

    Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in 1,000 askari oo booliis ah loo diro Haiti si ay gacan uga geystaan ​​daminta rabshadaha kooxaha gaangiska ah in kasta oo ay jiro amar maxkamadeed oo diiday in la geeyo dalka Haiti inta laga dhageysanayo dacwada.

    Xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa sheegay in dalka uu ka mid yahay beesha caalamka, isla markaana aan la iska indha tiri karin marka dalalka kale ay u baahan yihiin.

    Waxa ay sidoo kale ku doodeen in Kenya ay taariikh u leedahay howlaha nabad ilaalinta sida Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Sierra Leone.

    Dadka ka soo horjeeda ayaa sheegay in dalka uu wajahayo caqabado dhanka ammaanka ah, isla markaana uusan awoodin inuu u diro mid ka mid ah saraakiishiisa.

    Ansixinta ayaa lagu meel mariyay cod-cod daqiiqado ka hor inta uusan bilaaban kalfadhiga Maxkamadda Sare kaasoo dhageysanayay kiis ka dhan ah howlgalka.

    Maxkamada ayaa horay u hor istaagtay in la soo daabulo iyadoo sheegtay in dadka dacwada soo gudbiyay ay soo bandhigeen arimo muhiim u ah qaranka.

  13. War deg deg ah, Baarlamaanka Kenya oo ansixiyay arrin la xiriirta ciidamada oo ay horay maxkamad u joojisay

    Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in ciidamo booliis ah loo diro dalka Haiti, si ay gacan uga geystaan ​​daminta rabshadaha kooxaha burcadda ah ee ka socda dalka Haiti, inkastoo ay maxkamaddu soo saartay amar lagu joojinayo in askartaas loo diro dalka Haiti.

    Go’aanka Xildhibaanada ayaa yimid maalintii Khamiista, xilli ay Maxkamaddu dhageysaneysay dacwad la xiriirta sharci ahaanshaha in ciidamada la geeyo halkaa.

  14. Raysal wasaaraha Israa'iil oo loogu baaqay inuu is casilo

    Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa ugu baaqay raysal wasaare Benjamin Netanyahu inuu xilka ka dego, sababo uu ku sheegay inay dowladdiisu ay si xun u maamushay dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

    Lapid waxa uu sheegay in uu doonayo in la sameeyo "dawlad dib u dhista qaranka" - waxaa laga yaabaa inuu hoggaamiyo xisbiga Netanyahu ee Likud, laakiin waxaa uu sheegay inuu door bidayo in raysal wasaarahu uu meesha ka baxo.

    Lapid ayaa bartiisa X, ku qoray in ciidamada Israa’iil iyo dadweynaha ay muujiyeen adkeysi tan iyo weerarkii Xamaas ee toddobadii Oktoobar, laakiin " xagga gabaisku ka jiro waa dowladda, gaar ahaan raysal wasaaraha".

    Yair Lapid ayaa ku dhaliilay xukuumadda waqtiga dagaalku qaatay ee bisha ka badan.

  15. Milatariga Israa'iil oo shaaciyay tirada kaga dhimatay dagaalka iyaga iyo Xamaas u dhaxeeya

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in in ka badan 2 askari looga dilay dagaalka Qasa, tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ah dabayaaqadii bishii aan ka soo gudubnay ee Oktoobar.

    Labada askari ayaa tirada Israa’iil kaga dhimatay dagaalka ka dhigeysa 50 sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in Kfir Itzhak Franco iyo Asaf Master ay yihiin labada askari ee uga dhintay dagaalka dhulka.

  16. Ismaaciil Haniyah oo hadda gurigiisa la weeraray horey ayuu dil uga badbaaday

    Madax siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu ku nool yahay dibeda Qasa, si gaar ah Qatar. Ma ahan meel ay si fudud u bartilmaameydsan karto Israel.

    Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muujinayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaaldegaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israa'iil toddobadii bishii Oktoobar.

    Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlgalka daadka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israa'iil’ sida uu sheegay.

    Waxa uu intaa ku daray IN kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.

    Waxa uu horey uga badbaaday isku day shirqool dil oo ay fulisay Israa'iil, isaga oo ka qaxay Qasa sanadkii 2016-ka markaas oo uu u guuray dalka Qatar.

  17. David Cameron oo booqasho shaqo tii ugu horreysay ku tagay Ukraine

    Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda dalka Ingiriiska David Cameron ayaa safarkiisii shaqo ee ugu horreyay ku tagay dalka Ukraine, isagoo kulan ku leh magaalada Kyiv madaxweyne Volodymyr Zelensky.

    Mr Cameron ayaa ku celiyay sida ay uga go’antahay Ingiriiska ka taageeridda Ukraine ee dagaalka.

    Wuxuu ballan qaaday in Uk ay sii wadi doonto taageeridda diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo mid milatariba.

    Mr Zelenksy ayaa ka Mr Cameron uga mahadceliyay teegarada UK ay siinayso dalkiisa.

  18. War deg deg ah, Degdeg: Ciidamada Israa'iil oo weeraray guriga Ismaaciil Haniya madaxa siyaasadda Xamaas

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen guriga hoggaamiyaha sare ee Xamaas Ismaaciil Haniyah oo ku yaalla Qasa.

    Qoraal ay soo dhigeen barta X, ayay Ciidamada Difaaca Israa’iil ku sheegeen in ay adeegsadeen diyaarado dagaal habeenimadii Arbacada si ay u duqeeyaan guriga madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas

    Ciidamada ayaa ku andacoonaya in guriga Ismaaciil Haniya loo isticmaalayay qalabka argagixisada iyo "goob ay ku kulmaan madaxda sare ee ururka".

    BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto warka ka soo baxay ciidamada Milatariga Israa’iil.

  19. Khariirad muujineysa godadka dhulka hoostiisa ah ee Xamaas ku leedahay gudaha isbitaalka Shifa

    Israa'iil iyo Maraykankuba waxay sheegeen in Xamaas ay saldhig ku leedahay isbitaalka ugu weyn ee marinka Qasa, arrintaas oo Xamaas ay si joogto ah u beenisay.

    Israa'iil waxay sheegtay in saldhiggan uu qayb ka yahay nidaamka qallafsan ee ururka ee dhulka hoostiisa mara.

    Khariidaddani waxa ay muujinaysaa halka ay ku yaallaan kanaallada dhulka hoostiisa mara ee Xamaas, sida milatariga Israa’iil ay sheegen.

    Israa’iil waxay sheegtay in loo isticmaalo saldhigyadan hawlgallada kooxdu ay fuliso.

  20. Dhageysiga dacwado musuqmaasuq oo loo haysto saraakiil kala duwan oo Muqdisho ka bilaabatay

    Magaalada Muqdisho waxaa saaka loo fariistay dhegeysiga dacwad loo haysto agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo saraakiil kale oo sida la sheegey ka tirsan wasaaradda maaliyadda.

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dacwadda agaasimaha saaka u fariisatay isagoo dalka ka maqan, waxaana maxkamadda tagey qareen isaga difaacayay.

    Waa dhegeysigii ugu horreeyey ee dacwaddaas oo sidoo kale dad 10 qof ka badan kiisaskooda lagu dhegeysanayo, kuwaasoo lagu eedeyay musuqmaasuq.