You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Maxay Xisbullah ka samaynaysaa dalka Brazil?
Maxaad kala socotaa darbiga Maraykanka ee Soomaali badan ay ka boodeen
Maxaa u sabab ah in garoonka Beledweyne uu sannad kasta xirmo?
Xanuunnada halista ah ee laga yaabo inuu wax ka taro subagga ay Soomaalidu isticmaasho
Askar Yugaandhees ah oo maxkamad ay shaqada uga ceyrisay fulaynimo ah inay Al Shabaab ka carareen
Ayaan Kaaba iyo jaceylkii ay u tahriibtay: ‘Sababta aan ninkeyga ugu tilmaamay Walaal, Soomaaliduna waa wada sirdoon’
Intaas waxaa inoogu eg tebinteenii toska ahayd ee saaka ilaa caawa fiidkii. Hoos u deg si aad uga bogato wararkii ku dhaafay 24-kii saac ee u dambeeyay.
"Maraykanku ma doonayo dagaal ka dhaca isbitaalada"
Warbixin cusub ayaa hadda soo baxday taas oo ku saabsan falcelinta Mareykanka ee dagaalka laga soo sheegay agagaarka isbitaalka Al-Shifa, oo ah kan ugu weyn Qaza.
Israa'iil ayaa lagu eedeeyay inay weerartay xaruntaas, taasoo ay beenisay. Ururada bini'aadantinimada ayaa qeexaya xaalad adag oo soo wajahday bukaanada iyo shaqaalaha - oo ay ku jiraan laba ilmood oo dhicisoobay oo la sheegay inay dhinteen.
Isaga oo la hadlaya CBS, Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan waxa uu xusay walaaca ay Israa’iil ka qabto in Xamaas ay u adeegsanayso isbitaallada iyo kaabayaasha kale ee rayidka ah “taliska iyo xakamaynta, kaydinta hubka, [iyo] in ay hoy u noqoto dagaalyahannadeeda”. Xamaas waa ay diiday arrintaas.
"Taas waxaa la yiri...Mareykanku ma rabo in uu arko dagaallo ka dhaca isbitaallada, halkaas oo dadka aan waxba galabsan, bukaannada helaya daryeelka caafimaadka, ay ku dhacdo rasaastu," ayuu yidhi.
Mr Sullivan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay doorka Mareykanka uu ku leeyahay wada xaajoodka sii deynta laheysteyaal ay gacanta ku dhigeen Xamaas oo qaarkood heystaan dhalashada Mareykanka.
Waxa uu sheegay in wadahadal ay u socdaan Israa’iil iyo Qatar, kuwaas oo xiriir la leh Xamaas iyo in Maraykanku "aad ugu lug leeyahay doodahaas".
Dagaalka Xisbullah iyo Israa'iil oo sii xoogaysanaya iyo khasaaraha kasoo gaaray Israa'iil oo la shaaciyey
Waxyaabo dhowr ah ayaa ka dhacay xadka woqooyi ee Israa’iil saacadii la soo dhaafay. Toddobo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye ah. Israa’iiliyiintu waxay sheegeen inay taas kaga jawaabeen madaafiic.
Ka dibna waxaan maqalnay in 15 gantaal laga soo tuuray Lubnaan. Kadib lix qof oo rayid ah oo Israa'iili ah ayaa ku dhaawacmay, oo mid uu aad u daran, waxaa la adeegsaday gantaalka lidka taangiyada.
Dhacdooyinkan ayaa yimid kadib markii Yoav Gallant, wasiirka gaashaandhigga uu sheegay in Xamaas iyo Xisbullah ay tijaabinayaan Israa’iil, ayna isku dayayaan inay ka mashquuliyaan howlgalka Qaza.
Israa'iiliyiintu waxay yiraahdeen kuwani hadda ma ahan daandaansi oo kaliya - tani waa gardaro. "Haddii ay nagu sii wadaan weerarka waxay samayn doonaan khaladkii ugu weynaa noloshooda," Gallant ayaa yidhi.
Maraykanku waxay ka walaacsan yihiin sare u kaca xaaladda dhanka woqooyi e Israa’iil. Ma rabaan inay arkaan waxa Qaza ka dhacaya oo isu badala colaad goboleed aad u weyn, mar walbana khatartaas ayaa jirta.
Ma run baa in haweenku ay ka been sheegaan qanaacada gogosha?
Gabar magaceeda lagu sheegay Maariya, laakiin aan ahayn midkeeda rasmiga ah, oo da'deedu ay tahay 30 jir, ayaa sheegtay inay jirto arrin inta badan haweenka sir u ah, laakiin ay tahay lagama maarmaan in laga wada hadlo.
Sirtaasi waxey haweeneydani ku tilmaantay qanaacadda gogosha.
"Waxa ku dhacaya hooyada, ayaa ah xanuun nafsi ah oo ku yimaada sababo heerka qanaacadda gogosha,“ ayey tiri Maariya.
"Dumarka qaarkood aad bay u dheereeyaan."... sii akhri
Daawo dab meelo kala duwan ka kacay magaalo ku taal Ingiriiska
Kooxo dab-damis oo badan ayaa ku sugan goobta uu dabku ka kacay ee qashinka weyn ee warshadaha gobolka Nottinghamshire.
Dabka ka kacay Northgate, ayaa qiiq madow oo aad u weyn u diray samada magaalada.
Adeegga Badbaadinta iyo Dabka ee Nottinghamshire ayaa baraha bulshada ku sheegay 15:00 GMT in dabdemiska ay ku sugnaayeen goobta. Qiiqa ayaa laga arki karaa wadooyinka A46 iyo A1.
Dabdamiska ayaa dadka ka codsaday inay ka fogaadaan goobta oo ay xiraan daaqadaha iyo albaabada inta ay la tacaalayaan dhacdada.
Dabdamiska ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay ay ku sugnaayeen lix baabuur oo kuwa dab-damiska ah, kuwa samafalka iyo kuwa taliska.
Booliiska Nottinghamshire ayaa sheegay in saraakiishooda ay sidoo kale caawinayeen oo aysan jirin wax waddo ah oo hadda la xiray.
Haatan ma jiraan wax waddo ah oo xiran balse fadlan ka fogow aagga inta dhacdadan wax laga qabanayo, ayey yiraahdeen.
War deg deg ah, Dhimashada ka dhalatay dagaalka Israa'iil ee Marinka Qaza ayaa gaartay 11,180 oo ay ku jiraan 4,609 carruur ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee marinka Qaza.
Daawo muuqaalka laga duubay dibad baxii ugu weynaa ee lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay Ingiriiska
Ilaa 300,000 oo mudaaharaadayaal ah oo ku baaqaya xabbad-joojin ka dhacda Qaza ayaa socod ku maray badhtamaha London Sabtidii, sida lagu sheegay qiyaast ay soo saareen boolisku.
Daawo muuqaalka hawada iyo dhulka ee isu soo bax kii ugu weynaa ee Falastiiniyiinta ee UK ka dhacay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel iyo Qaza.
Turkiga oo Maraykanka ka dalbaday inuu Israa'iil ku qasbo joojinta dagaalka
Mareykanka waa in uu saameyntiisa u adeegsadaa si uu u joojiyo duulaanka Israa’iil ee Qaza, ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.
“Maraykanku waa inuu kordhiyaa cadaadiska uu saarayo Israa’iil. Reer Galbeedku waa inay kordhiyaan cadaadiska Israa'iil… Waa muhiim inaan gaarno xabbad joojin," ayuu yiri Erdogan. "Dalka ugu muhiimsan ee u baahan in uu ku lug yeesho waa Maraykanka, kaas oo saameyn ku leh Israa’iil. »
Erdogan ayaa sheegay in Mareykanka ay waajib ku tahay inuu Qaza u aqbalo dhul Falastiin. "Kuma heshiin karno Biden haddii uu u soo dhawaado [dagaalka] isagoo u arka Qaza inay tahay dhulka la deggan yahay ama Israa'iil, halkii ay ka ahaan lahayd dhulka dadka Falastiiniyiinta. »
Shimbiro loogu magac daray rag cunsuriyiin ahaa oo hadda magaca dib looga badalay
Magacyada taariikhiga ah ee loo bixiyay qaar ka mid ah noocyada shimbiraha ee ku nool Maraykanka iyo Canada ayaa loo badali doonaa khilaaf ay abuureen.
Sidaas awgeed, 80 nooc oo shimbiro ah ayaa dib loo magacaabi doonaa.
Shimbirahaas qaarkood waxay wateen magacyada dadka lagu xasuusto cunsuriyaddoodii hore.
Ururka Ornithological Society ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in isbeddelkani uu ujeedkiisu yahay in la abuuro jawi ka qaybqaadasho badan oo loogu talagalay daawashada shimbiraha.
Sida laga soo xigtay Judith Scarl, agaasimaha bulshada, shirarka magacaabista ayaa si gaar ah loo qaban jiray sannadihii 1800-aadkii, waxaana inta badan hadheeyay cunsuriyad iyo fikrado u arkayay haweenku inay liitaan.
Waa kuma ninka aan la aqoon ee ay Israa'iil ugu cabsida badan tahay?
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Xoogga Falastiinyiinta iyo Israa’iil u dhaxeeya, 31 maalin ka hor, magaca ugu badan ee ay Falastiiniyiinta, dadka Carabta ah iyo bulshooyinka kale ee taageera qadiyadda reer Falsatiin ay ku celceliyaan ayaa ah “Abu Cubeyda,” oo ah afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, ee garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Ninkan wajigiisa aan la arag ayaa ka mid ah shakhsiyaadka caanka ah ee saameynta xooggan ku leh kooxda dhexdeeda, waxaa uu kasoo muuqday, baraha bulshada kooxda iyo warbaahinta kala duwan, ka dib markii toddobadii Oktoobar, Maxamed Al-Deif, oo ah taliyaha guud Al-Qassam, uu ku dhawaaqay billowga hawlgalka Daadka Al-Aqsa ....sii akhri
Sida ay qoyskan ugu dhacday labo geeri oo ka dhalatay youtuber la soo dhaweynayey
Webiga shabeelle oo mar kale qararka ku jabsaday Baladweyne iyo dadka oo ka mahad naqaya nimcada Eebbe
Wabiga Shabeelle ee ayaa fatahaada xoogan horena loogasii digay ka sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo saameyn xoogan ku yeeshay Xaafadaha degmadaas.
Waddooyinka mara xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag ayaa la arkayaa biyaha oo buux dhaafiyey kadib markii oo qararka jabsaday webigu xalay saqdii dhexe.
Inkasta oo ay dadkii deganaa xaafadahan hore uga barakeceen hadana waxaa jiray dad aan badnayn oo ku harsanaa, isla markaana ay xalay biyuhu soo galeen
Weli lamasoo sheegin khasaare nafeed oo ay biyuhu geysteen, waxaana laga arkayaa muuqaal uu telefishanka qaranku soo duubay, dadka oo ka mahad celinaya nimcada eebbe.
Madaafiic lagasoo ganay Lubnaan oo kusoo dhacay gudaha Israa'iil
Siidhiga digniinta ayaa maanta ka dhawaaqay magaalada Kiryat Shmona iyo Galiil ee waqooyiga Israel, kadib markii laga war helay gantaalo laga soo tuuray koonfurta Lubnaan kuna sii jeeday galbeedka Galiil.
Ciidamada Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in rag hubeysan ay gantaallada lidka taangiyada ku soo rideen meel u dhow xadka Lubnaan iyo Israa’iil, ayna ku dhaawacmeen tiro Israa’iiliyiin ah, iyagoo intaa ku daray in ay ku jawaabeen madaafiic.
Ambalaaska Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 6 qof oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo mid ka mid ah ay xaaladdiisu aad u liidato, ka dib markii gantaal lidka taangiyada ah uu ku dhacay magaalada Avivim ee ku taalla xuduudka Lubnaan ee aagga woqooyiga ka xiga Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Israa’iil.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israel oo lagu magacaabo Avichai Adraee ayaa tilmaamay in laba qof oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen gantaal lidka taangiyada ah oo laga soo riday Lubnaan oo lagu garaacay magaalada Doviv.
Ciidamada nabad ilaalinta ayaa horay u shaaciyay in mid ka mid ah xubnahooda lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan, iyadoo aan la cadeynin sida ay wax u dhaceen.