You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

Ku soo dhawaada tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Miltariga Israa'iil oo hanjabaad cusub soo saaray xilli xaaladda bini-aadanimo ee Qasa ay cakirantahay

    Milatariga Israa'iil ayaa "duqeynaya dhammaan qaybaha marinka Qasa sida uu sheegay afhayeenka ciidamada difaaca Israa'iil Korneyl Jonathan Conricus oo gor dhowed warbixin soo saaray.

    "Waxaan diiradda saari doonaa dhaq-dhaqaaqayada dhanka waqooyiga ee Qasa, taas oo ah xudunta Xamaas… laakiin waxaan sii wadeynaa duqeynta qaybaha kale ee Qasa. Waxaan ugaarsaneynaa taliyayaashooda, waxaan weerareynaa kaabayaashooda, mar kasta oo bartilmaameed muhiim aan helnana waanu garaacaynaa,” ayuu yiri afhayeenka milatariga Israa’iil.

    Conricus waxa kale oo uu ku celceliyay in Israa’iil ay samaynayso wax kasta oo ay ka fogaan karto in ay waxyeelleyso dadka rayidka ah, waxaase uu Xamaas ku eedayay in ay isbitaalka weyn ee magaalada Qasa ee Al Shifa u adeegsato meel ay ku dhuuntaan.

    Laba toddobaad ka hor, Israa'iil waxay ugu baaqday dadka rayidka ah ee ku go'doonsan deegaanka inay aadaan koonfurta webiga Wadi QaSa si ay uga fogaadaan dagaalka iyo duqeymaha, waxaase muuqata in dadka xitaa looga deba tagay aagagga ay miciinka badeen.

  2. Xamaas oo ka hadashay tirada dhimashadu marayso hadda

    Ugu yaraan 8,306 qof - oo ay ku jiraan 3,457 carruur ah - ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markii Israa'iil ay billowday duqeymo aargoosi ah oo ay ku hayso deegaanka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

    Tirada ayaa sidoo kale waxaa ku jira 2,136 haween ah, iyo 480 waayeel ah, sida lagu sheegay warbixinta.

    Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in isbitaallada Qasa ay si dirqi ah u shaqeeyaan sababo la xiriira koronto yaraan iyo sahayda oo gabaabsi sii noqonaysa.

  3. Dhageyso: Xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka Qasa

    Xaalad adag ayaa ka taagan Qasa, oo ay wayjahayaan dadka reer Falastiin, xilli weli diyaaradaha Israa'iil ay sii wadaan qudeymaha ay gaysanayaan. Waxaa adag in dadku helaan biyo, cunto iyo dawo sida ay sheegtay Qaramada Midoobey oo shir degdeg ah ka yeelatay xaaladda.

    Waxaa soo badanaya baaqyada ku aaddan in xabad joojin la sameeyo si ay suurta gal u noqoto in dadka dhibaateysan gargaar la gaarsiiyo, hase-yeeshee raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda in baaqyadaas ka imaanaya madaxda caalamka uu dhegaha ka fureystay.