You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

Ku soo dhawaada tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, DEGDEG:Qarax hadda ka dhacay magaalada Muqdisho

    Qarax dhawaaqiisa laga meelo badan oo kamid magalada muqdisho ayaa goor sii horesay ka dhacay magaaladaas.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa is-miidaamin, in kastoo weli aan la helin xogta rasmiga ah ee qaraxaas.

    Wixii ka soo kordha waan idin la socod siin doonaa.

  2. Aqalka Ruushka looga arrimiyo oo beeniyay in uu tageero siin rabo Hezbollah

    Kremlin-ka ayaa meesha ka saartay warbixin ay faafisay warbaahinta Mareykanka oo sheegaysa in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay qorsheynayaan in ay Hezbollah u fidiyaan nidaam difaaca hawada sare ah.

  3. Maxay diyaaradaha Drones-ka ee Maraykanka u dul heehabayaan Israel?

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa dul heehaabaya marinka Qaza si ay gacan uga geystaan ​​baadigoobka la haystayaashii lagu qabtay bilowgii dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil 7-dii October, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

    Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Maraykan ah oo magacooda la qariyay ayaa ku warrantay in duullimaadyada Drones-ku ay socdeen muddo toddobaad ka badan.

    Laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa u xaqiijiyey duullimaadyadan warbaahinta CBS, oo ay wadashaqeyn kala dhaxeyso BBC-da.

  4. Mareykanka oo mar kale ku celiyay xaqa ay Israel u leedahay inay isdifaacdo

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku celiyay taageerada Washington ee xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo. Balse waxa uu sheegay in sida ay Israa’iil isu difaacday ay muhiim tahay, ayna muhiim tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah,lana keeno gargaar bini’aadantinimo oo ay aad ugu baahnaayeen.

    Isagoo hadlayay ka dib wadahadal uu la yeeshay hogaamiyayaasha Israa’iil, Mr Blinken ayaa sheegay in wax kasta oo suurtagal ah la sameeyay si loo sii daayo la haystayaashii ay Xamaas qafaasheen bishii hore.

  5. War deg deg ah, Dad ku dhintay musiibo ka dhalatay roobabka ka da'ay degmada Celwaaq

    Wararka ka imaanayo degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ku dhinteen inta la xaqiijiyay 2 gabdood musiiba ka dhalatay roobabka sacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada.Wax yar ka hor ayaa magaaladaasi lagu aasay .

  6. Qoyska Wasiirkii koowaad ee Scotland Humza Yousaf oo xadka ka gudbay

    Waxaan hadda maqalnay in qoyska wasiirkii koowaad ee Scotland Humza Yousaf ay ka dhoofeen Gaza iyagoo aaday Masar, iyagoo ku xayiranaa dhulkaas tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar.

    Waxay ka mid yihiin in ka badan 100 qof oo ku qoran qaybta UK ee dadka loo oggolaaday inay maanta ka baxaan Gaza .

    Bayaan ay soo saareen Yousaf iyo xaaskiisa Nadia El-Nakla ayaa u dhignaa sidan: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xaqiijino in waalidiinta Nadia ay saaka u suurtagashay inay ka baxaan Gaza iyagoo sii maraya marinka Rafah.

  7. Madaxweynaha Israa'iil oo sheegay arrinka ay sameyaan mar walbo ka hor inta aysan weerarin Gaza

    Madaxweynaha Israel ayaa sheegay in dawladda Israa'iil ay u hogaan sameyso sharciga caalamiga ah maadama dignino udiraan shacabka Gaza ka hor inta aysan weerarin.

    Waxa uu sii raaciyay in Israa'iil ay dadweynaha Gaza. u dirtay "in ka badan lix milyan oo fariimo qoraal ah oo ay samaysay afar milyan oo wicitaan taleefoon ah" "Sida uu qabo qawaaniinta sharciga caalamiga ah," ayuu sii raaciyay, Israa'iil waxay digniin u dirtay muwaadiniinta ka hor talaabo walbo oo ay Israel qaaddo, "oo uu ku jiro weerarkii Jabalia".

    "Waxaan rabnaa inay ka guuraan goobaha la duqeeyay...inaad ka guurtaan si aan u galno Gazo iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah oo aan u difaacno dadkeena."

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay jireen "xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah" oo Gaza ka dhacay .

  8. Sawirada: Dadka haysta dhalashooyinka wadamada kale ee ku sugaya isgoyska Rafah inay ka gudbaan

    Dadka haysta Baasaboorrada Ajnabiga ah ee ku sugan Qaza ayaa u socdaalay dhanka koonfureed ee Marinka, iyaga oo sugaya in ay magacooda ka helaan liis u sahlaya in ay uga baxaan Qaza iyaga oo sii maraya soohdinta Rafax ee Masar.

  9. Mareykanka iyo Israel oo ka wada hadlaya 'tallaabooyin la taaban karo' oo lagu badbaadinayo shacabka Qasa

    Xafiiska raysal wasaaraha Israel, Banjamin Netanyahu, ayaa baahiyay sawirrada kulanka u dhaxeeya raysal wasaaraha iyo Xighayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken.

    Wuxuu xafiisku sheegay in raysal wasaare Benjamin Netanyahu uu haatan kulan albaabada u xiran yihiin uu Xogyahay Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken, kula qaadanayo aagga Kirya ee magalada Tel Aviv.

    Blinken, waa booqashadii labaad uu ku tegayo Israel tan iyo markii ay Xamaas weerar ku qaaday Israel 7-dii bishii Oktoobar.

    Waxaa la filayaa in labada mas'ul ay ka wada hadlaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Qasa.

  10. Duufaan ku dhufatay Ingiriiska oo dhibaato geysatay

    Duufaanta Ciaran oo ku dhufatay Koonfurta dalka Ingiriiska iyo qeybo kale oo kamid ah Yurub, ayaa geystayay burbur xooggan.

    Kumanaan guryo ah ayaa wajahaya koronto la'aan, waxaana albaabada loo laabay boqolaal xarumo oo waxbarasho, ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray.

    Duufaanta ayaa sidookale sababtay daadad, iyo burbur soo gaaray dhismeyaal halka ay sidookale hakad gelisay safarrada dadka.

  11. Xaafadaha degmada Luuq oo biyo galay iyo barakac ka dhashay

    Kadib roobab lixaad leh oo da'ay, ayaa waxaa webiga Juba uu ku fatahay xaafado ka tirsan degma Luuq ee gobolka Gedo, waxaana taasi ay sababtay in dadku ka barakacaan guryahooda tan iyo shalay ilaa xalay.

    Haddaba si aan wax badan uga ogaano saameynta fatahaadda uu sameeyay webiga, ayaa waxaan ka wareysannay Maxamed Axmed Muxumed oo ku sugan degmada Luuq.

  12. Waa maxay Rafax maxayse muhiim ugu tahay nolosha dadka reer Qasa?

    Rayidkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Qasa ayaa ka ka gudbay xadka Rafax ee Masar tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas bilowgii bishii Oktoobar.

    Tobaneeyo Falastiiniyiin ah oo si xun u dhaawacmay ayaa lagu qaaday ambalaasyo, boqolaal baasabooro ajnabi ah wata ayaa sidoo kale u talaabay dhanka Masar.

    Masar ayaa sheegtay in marka hore ay ogolaan doonto in ka badan 80 qof oo dhaawac ah iyo in ka badan 500 haysta baasabooro anjabi ah, ayna wadar ahaan ka soo gudbi karaan xadka ka dib heshiiskaas la sheegay in Qadar dhexdhexaadinaysay.

  13. Xamaas oo qaadeysa weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo Israel oo sheegtay inay hareereysay Qasa

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in ay gebi ahaanba hareereeyeen magaalada Qasa, iyadoo raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, uu sheegay in dagaalka meeshii ugu sareysay uu gaaray.

    Militariga Israa'il ayaa waxay sheegeen, in dagaal dhulka ah ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas, oo soo qaadayay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ka dhacaya godad dhulka hoostiisa mara.

    Dhanka kale, waxaa weli socota daad gureynta dadka ajaaniibta ah oo la sii marsiinayo marinka rafax ee xuduudda dalka Masar.

    Waxay ciidamada Israa'iil sheegeen, in dagaal fool ka fool ah ay la gali doonaan ururka Xamaas.

    Dagaalkaas, waxaa Israa'iil ugu dhimatay ilaa afar askari oo hor leh, taas oo tirada guud ee ciidamada Israel ee lagu dilay Qasa ka dhigeysa 23.

  14. War deg deg ah, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo markii labaad gaaray Israel

    Waxaa goor dhow ina soo gaaray war ah in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken gaaray Israel.

    Waxaa la filayaa inuu wadahadallo la yeesho dowladda Israa'iil, waana markii labaad oo uu halkaas tegayo tan iyo weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel, 7-dii bishii Oktoobar.

    Safarkiisa ayaa waxaa uu diradda ku saari doonaa, tallaabooyin lagu dhimayo dhibaatooyinka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool marinka Qasa.

    Blinken ayaa sidoo kale wadahadallo ku qaban doona Jordan.

    Safarkiisa ayaa ku soo aadaya kadib markii miletariga Israa'iil ay sheegeen inay gebi ahaanba hareereeyeen Qasa.

  15. War deg deg ah, Ciidamo hor leh oo Israa'iiliyiin ah oo lagu dilay weerarka dhulka ee Qasa

    Milatariga Israa'iil ayaa shaaciyay dhimashada afar askari oo hor leh, kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dagaalka dhanka dhuulka ah oo lagu qaday Qasa.

    Tani ayaa waxay ka dhigeysaa tirada guud ee ciidamada Israa'iil ee lagu dilay Qasa 23, sida laga soo xigtay wargeysa Haaretz.

  16. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Qasa iyo halka uu dagaalku marayo

    Halkan ka dhageyso wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Qasa iyo halka uu marayo dagaalka.

  17. Warbaahinta Xamaas taageerta oo soo qaadatay hadalkii raysal wasaare Xamsa

    Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa.

    Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’.

    Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.

    Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa.

  18. War deg deg ah, DEG DEG: Labo askari oo Israiili ah oo la dilay

    Laba askari oo ka tirsan ciidamada dhulka ee gudaha u galay Qaza ayaa la dilay, taas oo kor u qaadaysa tirada askarta la dilay tan iyo 7-dii October ilaa 20.

  19. Sarkaal sare oo Israa'iil ah oo ku dhintay dagaal ka dhacay daanta galbeed

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda dhulka ay si qoto dheer ugu sii gudbeen marinka Qaza, halka ay weli sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dhulka, cirka iyo badda ee go’doomiyay dhulka go’doonsan.

    Israa'iil waxay sheegtay in taliyihii guutada gaashaaman uu ku dhintay dagaal culus oo habeen hore dhacay - askarigii ugu sarreeyey ee Israa'iil ah oo lagu dilo hawlgal dhulka ah ilaa hadda.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan sagaal kun oo qof oo Gaza ku nool lagu dilay tan iyo bilowgii duqeynta Israa’iil – qiyaastii boqolkiiba afartan ayaa ah carruur.)

  20. Milateriga Myanmar oo sheegay inuu lumiyay gacan ku haynta magalo ku taal xadka Shiinaha

    Milateriga Myanmar ayaa sheegay in ay lumiyeen gacan ku haynta magaalo ku taal waqooyiga dalkaasi oo ku taal xadka Shiinaha, kadib dagaalo maalmo qaatay oo ay kula jireen saddex qawmiyadood oo hubaysan oo dabada ka riixayay in ay helaan madax banaani.

    Milatariga Myanmar ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa iyo hay'adaha ammaanka aysan hadda joogin Chinshwehaw, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga gobolka Yunnan ee Shiinaha.

    Beijing ayaa ku baaqday xabbad joojin. Waxa ay qorshaynaysay in ay dhisto isku xidhka tareen oo balaayiin dollar ku kacaya taas oo qayb ka ah hindisaheeda kaabayaasha Wadooyinka.

    QM ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaallo la rumeysan yahay inay burburiyeen xarumaha korontada, taawarrada isgaarsiinta iyo buundooyinka.