You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

Ku soo dhawaada tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Marinka Rafax oo dad la ciirciiraya

    Dad badan ayaa isugu soo uruuray Marinka Rafax, kuwaas oo sugaya in ay halkaa maraan kadib markii la furay dhanka Masar.

    Sawirrada laga soo qaaday dadka ayaa muujinaya tiro badan oo dad ah oo sugaya maritaanka xadka.

    Aroortii hore ee saaka ayaa la sheegay in gawaarida gurmadka degdeg ah oo ka yimid dhanka Masar ay ka gudbeen Marinka Rafax una gudbeen dhanka Qasa, kuwaa oo doonaya in ay halkaa ka soo qaadaan dhaawacyada, laakin BBC-du ma xaqiijin karto in ay dib ugu soo laabteen Masar.

    Kumanaan qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka Qasa tan iyo markii uu bilowday toddobadii bishii Oktoobar, iyadoo dadka reer Falastiin ay go'doon ku jireen kaas oo xaaladda bini-aadanimo ee Qasa adkeeyay.

  2. Somaliland oo fulisay dil toogasho ah

    Wararka aanu ka heleynno deegaanka Mandheera ee Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanid ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in dil qisaas ah lagu fuliyay shan nin oo hore maxkamadi ugu xukuntay dilkan saaka dhacay.

    Mandheera ayaa u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, wax faahfaahin dheeri ahna lagama hayo dilka toogashada ah.

  3. Dhimashada milatariga Israa'iil oo korortay

    Israa’iil ayaa sheegtay in in ka badan 11 askari la dilay shalay oo Talaado ahayd. Milatariga Israa’iil ayaa tiradaan sheegay xilli ay ka hadlayeen guudahaan dadka ku dhintay dagaalka ay Xamaas kula jiraan.

    Tirada guud ayaa hadda gaartay 326 qof, oo ay ku jiraan 11-ka askari ee shalay lagu dilay Qasa. Askarta laga dilay Israa’iil aya ada’doodu u dhaxaysaa 19 ilaa 20.

    Wararka ayaa sheegaya in askartaan intooda badan dilkoodu uu dhacay toddobadii bishii Oktoobar markii Xamaas weerar ku ekaysay qaybo badan oo ka mid ah aagagga ay joogaan milatariga Israa'iil.

  4. Dal Israa'iil xiriirka diblumaasiyadeed u jaray iyo kuwa kale oo safiiradooda u yeertay

    Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay xiriirka diblumaasiyadeed ay u jartay Israa’iil, iyadoo sababtana ku sheegtay “weerarada gardarrada ah ee aan loo meel dayin ee ay Qasa ku hayso.

    Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani ayaa wariyaasha u sheegay in go’aankoodu yahay in ay ku cambaareeyeen Israa’iil weerarada gardarrada ah ee milatarigeedu ku hayo Marinka Qasa.

    Hoggaamiyaasha Colombia iyo Chile ayaa iyaguna safiiradoodii u fadhiyay Israa’iil u yeertay sababo la xiriira duqeymaha iyo weerarada Israa’iil ay ka gaysanayso Qasa.

    Madaxweynaha dalka Chili Gabriel Boric Fonts ayaa bartiisa X, ku sheegay in dalkiisu uu si xooggan u cambaareynayo isla markaana aan wax la aqbali karin ay tahay xadgudubyada bini aadanimo ee halkaa ka dhacaya?

    Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isna bartiisa X, ku baahiyay “haddii Israa’iil aaney joojineynin xasuuqa Falastiiniyiinta halkaa ma sii joogi karno,”.

  5. Faahfaahin ka soo baxaysa dilal xalay ka dhacay degmada Matabaan

    Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay laba nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka lagu dilay halka.

    Falkaan dilka ah ayaa lala xiriiray dilal aanooyin qabiil salka ku haya oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacyay deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xuduud la leh gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

    Dad deegaanka ah oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in labada nin ee la dilay mid ka mid ah uu horey degmada uga soo noqday guddoomiyaha dhalinyarada Matabaan kaas oo lagu magacaabi jiray Faarax Cabdi Towle, halka kan kalena lagu magacaabi jiray Galad Cabdi Qowle.

    Dilka Matabaan ka dhacay ayaa yimid saacado uun kadib markii laba nin oo kale oo ganacsato ahaa iyagana aano qabiil loogu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug.

    Dilka Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed ayaa argagax ku abuuray dadka magaalada, iyadoo boolisku ay sheegeen in ay ku raad joogaan kuwii ka dambeyay dilka oo sida la sheegay baxaday.

  6. Madaxwaynihii hore ee Galmudug oo London ku geeriyooday

    Waxaa alle ha u naxariistee goor dhaweyd magaalada London ku geeriyooday madaxwaynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

    Caalin ayaa wuxuu ahaa madaxweynihii 2-aad ee Galmudug, waxaa uuna door muhiim ah ka soo qaatay hanaankii maamul u sameynta Galmudug.

    Waxaa uu xilka hayay intii u dhaxeysay bishii August 2009 illaa 1 August 2012.

  7. Xamaas oo sheegtay inay qarxiyeen gaari soo galay xaafadda Zeituun ee Qaza

    Guutada al-Qassam - garabka hubaysan ee Xamaas - ayaa sheegaya in dagaalyahannadoodu ay "la dagaalameen" gawaari "soo galay" bartamaha xaafadda Zeitoun ee Qaza.

    Sida lagasoo xigtay warbaahinta Aljazeera waxay sheegtay kooxdu in dagaalyahanadeedu ay awoodeen in ay "mid ka mid ah gawaarida ku qarxiyaan" dhinaca bari ee xaafadda.

  8. Milatariga Israa'iil weli kama hadlay qaraxa ka dhacay xerada qaxootiga ee Jabalia

    Wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP ayaa ku sugneed goobta uu qaraxu ka dhacay ee Jabalia kadib markii ay duqeyn ku dhacday xerada ay ku badan yihiin dadka qaxootiga ah.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in muuqaal laga soo duubay goobtaasi ay muujinayaan ugu yaraan 47 mayd oo laga soo saaray burburka.

    Raggheb Aqal, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in wax la moodo "dhul gariir" uu ka dhacay deegaanka.

    Milatariga Israel ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Qaza.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza ayaa ku eedeysay duqeynta cirka ee Israa’iil inay ka dambeysay qaraxa, iyadoo sheegtay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen.

    Sawirro uu soo qaaday sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo goobta ku sugnaa ayaa muujinaya dhismayaal dhulka lala simay iyo meydad laga soo qaadayo burburka.

  9. Boqorka Ingiriiska oo booqasho ku jooga Kenya

    Gumeystihii hore ee Kenya - Ingiriiska, ayaa qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada ee Kenya Talaadadii iyadoo Boqor Charles uu halkaas ka bilaabay booqasho afar maalmood ah, isagoo u diyaar ah inuu qirto "dhinacyada xanuunka leh" ee taariikhda dheer ee waddammadu ay wadaagaan iyadoo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ay dalbanayaan magdhow.

    Charles oo ay ku wehlinayso Boqorad Camilla booqashadiisii ugu horreysay ee heer boqortooyo ah oo ay ku tagtay dhul ay hore u gumaysan jirtay, Charles waxa uu habeennimadii xalay gaadhay caasimadda Nairobi.

    Subax roobaad ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay madaxtooyada iyadoo 21-madfac oo salaan ah loo riday iyo ilaalo sharafeed uu ku wehliyo madaxweynaha dalka William Ruto oo geedo ku beeray barxadda madaxtooyada. Lammaanaha boqortooyada ayaa markaas ubax dhigay qabriga halgamaaga daahsoon ee beerta xoriyadda, halkaasoo Kenya ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda bishii December 1963-dii.

  10. Sawirradii u horeeyay oo kasoo baxay duqeynta ka dhacday xerada qoxootiga ee Jabalia

    Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sawiradan ka soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ee xerada qaxootiga ee Jabalia.

    Sawirro kale oo laga soo qaaday xerada ku taal waqooyiga Qaza ayaa muujinaya dad raadinaya dad nool iyo meydad ku hoos jira burburka.

    Dhimasho iyo dhaawac kala duwan ayaa laga soo sheegayaa xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Qaza.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo agaasimaha isbitaalka Indonesia ee ku dhow, ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof la dilay.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in qaraxu uu ka dhashay duqayn dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil geysatay.

    Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku aadan qaraxa la sheegay. BBC-da ayaa ku howlan xaqiijinta tafaasiisha dhacdada.

  11. Xuutiyiinta Yemen: Saddex jeer ayaan weerarnay Israa'iil welina waan kusoo soconnaa

    Sida aan horeba soo sheegnay, rabshado ayaa ka socda gobolka oo dhan - Marinka Qaza, Daanta Galbeed ee la haysto, xadka Israel ay la wadaagto Lubnaan, iyo meelo kale.

    Hadda, Xuutiyiinta Yemen oo boqollaal mayl ka xiga koonfur-bari ee Israa'iil - waxay xaqiijinayaan inay mar horeba "tiro badan" oo gantaallaha ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen Israa'iil.

    Sida aan wararkeena hore ku sheegnay, dhawaaqa dayuuradaha ayaa laga maqlay magaalada Eilat ee koonfurta Israa’iil talaadadii ka dib markii ay “soo gashay diyaarad shisheeye”, taasi oo ay Israa’iil ku soo riday badda cas.

    Af hayeenka militariga Xuutiyiinta Yaxya Saree ayaa hadal laga sii daayay taleefishinka ku sheegay in uu yahay howlgalkoodii saddexaad oo ay ku bartilmaameedsanayaan Israa’iil kuwa kalena ay xigi doonaan.

    Xoogagga Xuutiyiinta "waxay sii wadi doonaan fulinta howlgallada gaarka ah ilaa ay ka dhammaanayso gardarrada Israa'iil", ayuu yiri Saree.

    Toddobaadkii hore, Israa’iil waxay ku eedaysay fallaagada Yemen ee ay Iiraan taageerto inay soo dirtay diyaarado aan duuliye lahayn oo duqeymo ka geystay laba magaalo oo Masar ah – iyadoo sheegtay in la doonayay in lagu duqeeyo Israa’iil.

  12. War deg deg ah, Hay'adda Xuquuqul insaanka ee Amnesty International oo Israa'iil ku eedaysay inay adeegsatay hub la mamnuucay

    Baaritaan ay samaysay hay'adda xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay Ingiriiska, ayey ku sheegtay in "lagu ogaaday in ciidamada Israa’iil ay si aan kala sooc lahayn oo sharci darro ah, ay u adeegsadeen hubka fosfooraska cad ee weerar ka dhacay Dhayra, koonfurta Lubnaan 16kii Oktoobar. Weerarka waa in loo baaraa inuu yahay dambi dagaal." ayey hay'addu ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda X ee hore loo odhan jiray Twitter.

    Waxaa jiray eedayma hore oo sheegayay Israa'iil ay hubkan dunida ka mamnuuca ah u adeegsatay Qaza.

  13. War deg deg ah, Khasaarihii u dambeeyay oo ay ku dhawaaqday wasaarada caafimaadka ee Xamaas

    Ugu yaran 8,525 qof ayaa lagu dilay Qaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sadaasana waxaa sheegay wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay Xamaas maamusho.

    in ka badan 3,542 ka mid ah dadkaasi waa caruur halka 2,187 ay yihiin dumar iyo sidoo kale 130 shaqaale caafimaad ah, ayey sheegtay wasaaraddu.

    Isniintii shalay dhimashadu waxay ahayd 8,306.

  14. Xamaas oo sheegtay oo ka war bixisay jab ay soo gaarsiisay ciidamada Israa'iil saaka

    Waxaan saaka ka warbixinay wararka Israa'iil ee ku saabsan weerarka dhulka ee Qaza - waxay sheegtay in ay u burburinayso Xamaas si "tartiib tartib ah".

    Kanaalka Telegram-ka ee ay maamulaan Xamaas iyo kooxda kale ee Jihaad Islaami oo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale qeexaya dagaalka Qaza. Saacadihii la soo dhaafay, garabka hubaysan ee Xamaas guutooyinka Al Qassam waxay sheegeen:

    • In ay dileen askari ka tirsan ciidamada IDF waxaana ay burburiyeen laba baabuur oo isku dayay in ay u sii gudbaan waqooyi-galbeed ee Qaza
    • Inay ku gubeen taangi Israa’iili leedahay agagaarka xaafadda Zeitoun, ka dib markii ay ku dhufteen madfac lidka taangiyada ah.
    • Askarta la weeraray oo gudaha u galay dhismo ku yaalla Beit Hanoun oo ay ku dhuumaalaysanayaan rag hubeysan oo ka tirsan ururka Xamaas, ayaa beegsaday cagaf-cagaf iyo gaari ay wateen ciidamada IDF.

    Guutooyinka Al-Qudus ee garabka hubeysan ee Jihaad Islaami ayaa sidoo kale sheegay in ay madaafiic ku weerareen laba kooxood oo ka tirsan ciidamada Israa’iil iyo gaadiid dagaal meel u dhow Erez iyo Al-Atatra ee waqooyi-galbeed ee Qaza.

    Xusuusin ahaan, BBC-du ma awoodo inay isla markiiba xaqiijiso inta badan sheegashada goobta dagaalka.

    Horaantii bishan – ka hor inta uusan bilaaban howlgalka ballaaran ee dhulka – Israel ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay ka fulisay gudaha marinka Qaza.

  15. Putin oo ka hadlay Israa'iiliyiin lagu weeraray Ruushka iyo Mareykanka oo ka jawaabay hadalkaas

    Mareykanka ayaa wax aan macquul aheyn ku tilmaamay sheegashada Ruushka ee ah in rabshado ka dhan ah Israa’iilee ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee Dagestan ay soo abaabuleen Ukraine iyo reer Galbeedku.

    Khudbadalaga sii daayay telefishinka shalay ayuu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku sheegay in dhacdadani ay qayb ka ahayd isku daygii lagu doonayay in lagu faafiyo "qalalaasaha".

    Boqollaal qof ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Makhachkala wax yarka hor inta aysan soo degin diyaarada ka timid magaalada Tel Aviv eeIsraa’iil

    Qaar badan oo ka mid ah dadkaas ayaa lulaya calanka Falastiin waxayna ku dhawaaqayeen erayo naceyb ah.

    Dagestan oo kamid ah jamhuuriyada Ruushka ayaa waxaa ku nool Muslimiinaad u badan, waxaana dhacdadan loo maleynayaa inay xiriir la leedahay caro ka dhalatay colaadda Qasa.

    Ciidamada ammaanka ayaa ugu dambeyntii xaaladda dejiyay, waxaana ilaa hadda la xiray in ka badan 60 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

  16. Daaw: Qiiq cirka isku shareeray oo ka dhashay duqeynta Israa'iil la beegsatay Qasa

    Ciidamada milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay duqeynayaan dhamaan Qasa iyo aagagga ku hareeysan si gaar ah goobaha ku dhow meelaha Xamaas xaruumaha ku leeyihiin.

    Muuqaalkan hoose ayaa muujinaya Israa'iil oo beegsanaysa qaybo ka mid ah Qasa, iyadoo la arkayo qiiq iyo boos hawada sare isku shareeray.

  17. Sawirrad qoysas murugeysan oo ka qayb galaya aaska eheladoodii geeriyooday

    Tirada Falastiiniyiinta ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Israa'iil iyo guudahaan dagaalka Qasa ayaa gaartay 8,306, iyadoo tirada dadka ku dhawaacmay colaaddan la filayo in ay gaarto 20,000 oo qof, xilli ay weli sii socdaan duqeymaha Israa'iil ay ka gaysaneyso Marinka Qasa.

    Sawirradan aad hoos ka arki kartaan ayaa muujinaya qoysas mureygsan oo qaarkood ka qayb galaya aaska eheladoodii ku dhintay dagaalka.

  18. Xamaas oo weerar gaadmo ah ku qaadday gawaarida ciidamada Israa'iil

    Barta bulashada eeTelegram ee Ururka Xamaas gaarahaan garabka hubeysan ee Al Qassam, ayaa lagu shaaciyay in guutadaan hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadday saddex gaari oo ay Israa’iil leedahay oo marar waqooyiga Qasa.

    Weerarka ayaa Xamaas u adeegsatay gantaallada lidka taangiyada ka hortaga,xilli ay doonayeen gawaairdu in ay gudaha u sii galaan Qasa gaarahaan aagga Al-Tawam.

    Horey ayaa Xamaas u sheegtay inay ciidamada dhulka ee IDF ku weerartay madaafiic hoobiyeyaal ah meel u dhow isgoyska Kerem ee koonfurta Qasa.

  19. War deg deg ah, Liiska wariyaasha ku dhintay colaadda Qasa oo la soo saaray

    Ugu yaraan soddon iyo kow (31) wariye ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markii ay Xamaas weerarka ku qaadday soddex toddobaad ka hor Israa’iil.

    Guddiga difaaca wariyaasha ee fadhigiisu yahay Mareykanka ee CPJ, ayaa sheegay in tiradaan ay ka dhigantahay colaaddii ugu dhimashada badneed dhanka suxufiyiinta tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

    Lix iyo labaatan ka mid ah wriyaashaan waa Falastiiniyiin halka saddex ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin midna waxaa uu u dhashay dalka Lubnaan.

    Ma cadda in dhamaan wariyaashaan ay tebinayeen colaadda ka aloosan Qasa markii ay geerida la kulmeen iyo in kale.

    Milatariga Israa’iil ayaa ee dagaalka ka wada Marinka Qasa ayaa warbaahinta u sheegay in aysan damaanad qaadi karin dadka ku sugan aagga dagaalladu ka socdaan.

    Wariyaasha dagaalka Qasa ku dhintay waxaa ku jira Roshdi Sarraj, oo aad looga yaqaaney dhulka Falastiin ahaana filim-sameeye iyo Issam Abdallah,oo ahaa wariye muuqaallada duuba fadhigiisuna ahaa Bayruut.

  20. Magaca Xamaas halka uu ka yimid iyo ujeedkii lagaa ururkan markiisii hore

    Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay sanadkii1987, ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go'an in ay burburiso Israa'iil.

    Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ahaa: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

    Hase yeeshee kadib markii ay Israa'iil ka soo baxday Qasa sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Qasa kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

    Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa'iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go'doomiyay Marinka Qasa si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan in ay joojiyaan weerarrada.

    Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa'iil, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo dalal kale.