You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

Ku soo dhawaada tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Israel oo ka hadshay talaabo uu dhawaan qaaday dal Muslim ah

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in aan lagu wargelin go’aan kasta oo ay Baxrayn ku doonayso in ay safiirkeeda ugala baxdo Israa’iil, inkasta oo uu ku dhawaaqay aqalka hoose ee baarlamaanka Baxrayn.

    Golaha ayaa sheegay in safiirka Baxreyn dib loogu yeeray, isla markaana safiirka Israa’iil uu ka tagay Baxreyn, wixii ka dambeeyay weerarkii Israa’iil ee Gaza.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon in dib loogu yeeray danjiraheeda u fadhiya Baxreyn sidoo kale, iyadoo intaas ku dartay in xiriirka labada dal uu yahay mid deggan.

    Baxrayn waxa ay ka mid ahayd afar waddan oo Jaamacadda Carabta ka mid ah oo heshiis caadi ah la saxeexday Israa’iil sannadka 2020-ka, kaas oo loo arko horumar weyn oo lagu dejinayo colaadda Israa’iil iyo Carabta ee tobannaan sano jirsatay.

  2. Xidigta caalamiga ah ee Angelina Jolie oo la damqatay dadka Gaza

    Xiddigta caalamiga ah, Angelina Jolie, ayaa cambaareysay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Qaza, iyadoo ku tilmaantay mid ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah.

    Faallo ay ku soo qortay barteeda Instagram-ka oo la daabacay Arbacadii, Jolie ayaa bartaas ku wadaagtay sawirka weerar ay Israa’iil dhawaan ka geysatay waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo tiri: “Gaza waxay ahayd xabsi furan ku dhawaad ​​labaatan sano waxayna si degdeg ah isugu beddelaysaa xabaal wadareed. 40 boqolkiiba dadka dhintay waa carruur, qoysas aan waxba galabsan. "Waxay dishaa dhammaan."

    Waxay intaas ku dartay: "Sida ay dunidu u daawato oo ay taageerto dawlado badan, malaayiin Falastiiniyiin rayid ah - carruur, haween iyo qoysas - ayaa lagu hayaa ciqaab wadareed iyo wax-ka-xun bani'aadantinimo, waxaana laga reebay cunto, dawo iyo gargaar bini'aadantinimo. Tani waa ku xadgudubka sharciga caalamiga ah”.

    Waxay sii wadataa, iyadoo leh: "Iyadoo diidaya inay dalbato xabbad-joojin sababo bani'aadamnimo awgeed iyo ka hortagga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay xabbad-joojin ku soo rogaan labada dhinac, hoggaamiyeyaasha adduunku waxay ku lug leeyihiin dembiyadan."

  3. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Soomaaliya oo xukun ku riday Sheegow iyo koxdiisa

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyaayaa ku riday Sheegow iyo Maleeshiyadiisa Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.

    Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku dhintayFal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

    Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.

    18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

    Labada dhaca gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.

    Deeqow oo ahaa maal geliyaha kooxdan ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

  4. War deg deg ah, Waddaankii sedexaad oo sacaado gudahood safiirkiisa kala baxaya Israel

    Boqortooyada Baxreyn ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah inuu safiirkooda ka soo baxayo Israa’iil iyo inay joojinayan xiriirkii dhaqaale ee Tel Aviv.

  5. Xadka Rafah oo sii furnaan doona

    Dad badan ayaa rajeynaya inay maanta ka baxaan Gaza ka dib dadaalo caalami ah oo lagu furayo marinka Rafah ee Masar. Saraakiisha xuduudka Gaza ayaa sheegay in marinku uu sii furnaan doono.

    Ilaha diblumaasiyadeed ayaa tilmaamay in ilaa todobo iyo shan boqol oo kun oo qof oo haysta baasabooro ajnabi ah ay awood u yeelan doonaan inay ka baxaan Gaza ilaa laba toddobaad.

  6. War deg deg ah, Dhimashada Gaza oo kor u dhaaftay 9,000

    Wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in 9,061 qof lagu dilay Marinka Gaza tan iyo markii ay colaadda hadda bilaabatay 7-dii Oktoobar.

    Tan waxaa ku jira 3,760 carruur ah, ayay wasaaraddu ku dartay. In ka badan 32,000 oo kale ayaa ku dhaawacmay.

  7. Xamas oo sheegtay tirada dadka la haystaasha ah ee dhintay

    Af hayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa sheegay in milatarigu ay la xiriireen qoysaska 242 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza.

    Tirada ugu dambeysay ee la soo sheegay in la haysto waxay ahayd 239.

    Xamaas ayaa sheegtay inay ku qariyeen la haystayaasha guud ahaan Gaza, oo ay ku jiraan godad dhulka hoostiisa mara. Toddobaadkii hore, waxay sheegeen in ugu yaraan 50 la haystayaal lagu dilay duqaymaha cirka ee Israa'iil - tiradaas oo aan la xaqiijin karin.

    Shalayna, Xamaas waxay sheegtay in toddobo la haystayaal lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday xerada qaxootiga Jabalia.

  8. Roobab dad ku dilay Bari

    Ayadoo maalmahan laga digayey in cimilada oo aad u xamaata ay keeni karto dhibaato ayaa khasaarihii ugu horreeyey ee ah mid nafeed waxaa laga soo sheegay Gobolka Bari ee Puntland.

    Roobab xoog leh oo ka da’ay dgaanka Bandar Beyla ee gobolkaas ayey wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa laba qof.

    Geerida labadaas qof ayaa timid ka dib markii roobab xoog leh ay deegaankaas ka da’e en.

  9. Webiga Jubba oo ku fatahay Baardheere

    Wararaka ka imaanaya magaalada Baardheere ayaa sheegaya in xaafadaha magaaladaas ay kala xiran yihiin ka dib markii wabiga Jubba uu ku fatahay.

    Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u sheegay in heerka biyaha ay ka sare mareen buundada magaaladaas.

    Fatahaadda wabiga waxaa dheer Roobab seddex maalmood oo xiriir ah da’ayey, inkastoo maanta uu hakaday roobka.

    Sidoo kale meelaha qaar waxaa laga so sheegayaa in dadka qaar ah ka qaxeen, ayadoo dadku marka ay biyaha dhex socdaan ay mararka qaar ilaa feeraha gaarayaan biyaha.

  10. Puntland oo ku gacan sayrtay baaqii Isimada

    Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay xalay soo saareen qaar ka mid ah isimada deegaannadaas, kuwaasoo xal u raadinayey khilaafka doorashada la xiriira ee soo dhex galay dawlad goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

    Isimada ayaa soo jeediyey in doorashada ay noqoto mid la mid ah tii lagu soo doortay “Madaxweynaha iyo baarlamaanka" oo la micne ah in ay iyagu soo xulayaan. Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada.

    Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu ku tilmaamay arrintaas “fikir” isimada u gaar ah, wuxuuna ku adkaystay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.

  11. Urdun oo u yeeratay safiirkeeda ka fadhiya Tel Aviv

    Dalka Urdun ayaa noqday dalkiiugu horreeyey ee Carab ah ee ay xurguf diblomaasiyadeed soo kala dhex gasho Israa’iil.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii Urdun ay u yeeratay danjiraheeda ka fadhiya Tel Aviv, ayadoo ka caraysan dhibaatada xoogga leh ee bani aadminimo ee ka dhalatay duqaymaha Israa’iil ee Qasa.

    Boqortooyadaas ku taal bariga dhexe waxay sheegtay kaliya inay soo celinayso danjiraheeda marka Israa’iil ay joojiso mushkiladda bani’aadminimo ee ay abuurtay

  12. Booliska Somaliland oo baafinaya taleefan Iphone 11 ah

    Ciidanka booliska Somaliland ayaa raadinaya qofkii lahaa taleefan ay sheegeen in uu baadi yahay.

    Qoraal ay kusoo daabeceen barta ay ku leeyihiin Facebook ayey ku sheegeen in taleefanka lagusoo qabtay eedeysane ay ciidanku gacanta ku hayaan.

    Qoraalka oo ah mid kooban ayaa ahaa sidan,”Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa waxa uu raadinayaa qofkii lahaa Mobile (iPhone 11Pro max ) ah oolagu qabtay eedaysaneBadri Xasan Gaas ina Sacda Axmed D/34 jira kaasi oo ciidanka boolisku kusooqabteen.Eedaysanihiina gacanta Ciidanka ayuu ku jira”.

    Ciidanka ayaa sheegay in qofkii sheegta lahaanshaha moobilka laga doonayo caddaymo muujinaya in uu leeyahay, iyadoo loogu baaqay qofkii ay baadi ka maqantahay in uu xafiiska booqdo.

  13. War deg deg ah, Tirada ciidamada laga dilay Israa'iil oo korortay

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askar kale looga dilay weerarro ka dhacay gudaha Qasa.

    Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 15 ka mid ah askartooda lagu dilay Gaza tan iyo talaadadii.

    Waa kororka dhimashadii hore ee lagu sheegay 11-ka ah oo ay saraakiisha saaka shaaciyeen.

  14. Maxay tahay sababta uu ninkan ku diiday in uu isaga baxo Qasa maadaama uu haysto basaboor British ah?

    Muhammad Al-Ghalayini waa cilmi-baare dhanka sayniska ah waxa uu horraan ku noolaa magaalada Manchester ee waqooyiga England, wuxuuna tan iyo bilowgii dagaalka ku sugnaa Gaza isagoo booqday qoyskiisa.

    Al-Ghalayni ayaa u sheegay barnaamij ka baxa BBC-da in uu Arbacadii booqday marinka Qaza ee xadka Masar, maadaama qaar ka mid ah qoyskiisa ay haystaan baasaboorka Urdun ah, waxaana loo sheegay in ay ku jiraan liiska dadka loo oggol yahay in ay ka baxaan marinka Qaza ee Masar.

    Maxamed waxa uu sheegay in uu jiro sarkaal jooga isgoyskaas oo haystay liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka la ansixiyay, "laakin liiska kuma jirin British", inkastoo jinsiyado kala duwan ay ka diiwaan gashan yihiin, sida Austrian. Urdun, Indonesian, iyo Australian, sida uu tilmaamay.

    Laakiin Al-Ghalayni laftiisu waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Qaza, uusanna bixi doonin, waxa uu sheegay in uu rabo in uu caalamka u soo bandhigo waxa ka socda Qasa.

  15. Xamaas oo ku dhawaaqday in ay burburiyeen baabuur dagaal oo ay leedahay Israa''iil

    Guutada Al-Qassam ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadooda ay u suurtagashay in ay burburiyaan 4 baabuur oo ay leeyihiin ciidamada Israa’iil oo wada gantaalaha “Al-Yassin 105”.

    Waxa ay sheegeen in ay ka saareen ciidan kuwa dhulka ah oo ku sugnaa dhismo ku yaalla Beit Hanoun.

    Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan la shaaciyay inta uu la'egyahay khasaaraha ciidamada Israa'iil kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Xamaas

  16. Jordan oo kamid noqoneysa wadamada safiiradooda kala baxay Israa'iil

    Boqortooyada Jordan ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Israa'iil, iyada oo muujineysa halka ay ka taagan taha dagaalka Gaza, kaas o sababay dhimashada Falastiiniyiin badan, sidoo kalana sababay xaalad bani'aadanimo oo daran, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibadda ee Jordan.

    Dhanka kale war uu soo saasaaray wasiirka arimaha dibadda ee Jordan ayuu ku sheegay in Safiirkii Israa'iil ee Jordan uusan ku soo noqon karin waddanka. Safiirka ayaa dhawaan isaga tagay Jordan.

    Wasiirka ayaa sheegay in hadii safiirku soo noqdo ay micnaheeda tahay in Israa'iil ay joojineyso dagaalka ay ku wado Gaza, sidoo kalana ay joojineyso waxa uu ugu yeeray musiibo bani'aadanimo, taas oo Falastiiniyiinta u diiday inay helaan cunto, biyo, daawo, iyo xaqa ay u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan iyaga oo ku sugan caradooda.

  17. BBC oo si degdeg ah u fureysa laan gaar u ah reer Qasa

    BBC ayaa fureysa laan qaas u ah reer Qasa taas oo baahin doonta barnaamij raadiye oo laga dhagaysan doono mawjadaha gaagaaban.

    Laanta degdeg ah oo loogu magac daray Gaza Daily macanaheeduna yahay (Gaza maalinwalba) ayaa warar maalin le ah u baahin doonta dadka reer Gaza, sidoo kale dhagaystayaasheeda ayay siin doontaa talooyin ku saabsan sidii ay amnigooda uga taxadari lahaayeen, tusaale ahaan meelo gabaad ay ka dhigan karaan iyo meelo ay ka heli karaan cunto iyo cabitaan.

    Barnaamijkana ayaa laga soo baahin doona magaalooyinka Qaahira iyo London, isaga oo maalin walba sii deyn doona hal barnaamij oo soo gali doona shanta galabnimo ee xilliga Gaza, barnaamijka ayaana bilaaban doona jimcaha soo socda.

  18. Uganda oo lamaane Maraykan ah ku xukuntay kumanaan doolar kadib markii ay danbi ku heleen

    Maxkamad ku taal Uganda ayaa ganaaxa lacageeda oo gaaraya $28,000 oo dollar ah ku riday lamaane Mareykana ah kadib markii qirteen danbi lagu soo eedayay oo ahaa in ay si xun oo bini'aadantinimada ka baxsan u garaaceen cunug 10 sano jira ah oo ay korsadeen.

    Nicholas iyo Mackenzie Spencer ayaa qirtay eedeymaha lagu soo oogay oo ay ka mid yihiin tahriibinta caruur, jirdil iyo in ay si sharci darro ah ku joogeen Uganda.

    Xaakim ka tirsan maxkamadda sare ee Ugand oo lagu magacaabo Alice Kyomuhangi ayaa sidoo kale ku xukuntay lamaanaha inay bixiyaan magdhow dhibbanaha la siinayo oo dhan 100 milyan oo shilinka Uganda ah oo u dhiganta 26,000 oo dollar.

    Kiiskan ayaa caro weyn ku abuuray qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda carruurta ee Uganda, waxayna ku tilmaameen in cadaaladii lagu jees,jeesay.

    Proscovia Najjumba oo Dhaqdhaqaaqa xaquudda caruurta ayaa is weydiiyay sida loogu oggolaaday lammaanaha inay "xor ahaadaan " ka dib markii ay qirteen inay "si xun ula dhaqmeen ilmo", ayuu u sheegay Wakaalada AFP.

  19. Xubin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo shaqadii iska casilay Falastiin darteed

    Agaasimaha xafiiska New York ee Qaramada Midoobay ee gaar ahaan qaybta xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Maraykanka, Ingiriiska iyo wadamada Yurub in raali ka yihiin werarada wuxuushnimada ah ee Israa’iil ka wado Gaza.

    Shaqadiisa ayuu joojiyay isaga oo ka qayb qaadanayay mudaharaad ka dhacayay Maraykanka oo ka dhan ahaa sida uu ugu fashilmay waddanku waajibkiisii ahaa inuu ka hortago “xasuuq lagu hayo dadka reer Falastiin.”

    “Tani waxay noqon doontaa xiriirkii ugu dambeeyay ee aan idinla lahaa ka gaasime ahaa,” ayuu Craig Mokheiber qoraal ahaan ku yiri.

  20. Sida loogu baroortay askari Israa'iili ah oo ay Xamaas ku dishay Gaza

    Qabuuraha ciidamada Israa'iil ee Buurta Herzi ee ku yaala magaalada Jerusalam ayaa duug loogu sameeyay askarigii Israa'iiliga ahaa Lavi Lipshitz ee labaatan jirka ahaa ee lagu dilay dagaalka dhulka ee Gaza ku dhexmaray Xamaas iyo Israa'iil.

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa maanta ka tacsiyeeyay 'dhimashada xanuunka leh' ee 11 askari oo shalay ku dhimatay dagaalka.

    "Askarteenu waxay ku dhinteen dagaal, dagaal ay ku difaacayaan gurigooda," ayuu yiri Natenyahu.