Turkiga oo sameeyay fal ay Xamaas ku boorisay inay dalalka kalena sameeyaan
Dalka Turkiga ayaa u yeertay safiirkiisa Tel Aviv “si ay wada tashi loola yeeshe” iyada oo ay socdaan weerarada Israel ay ka geysaneyso Qaza, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidan sheegtay Sabtidii maanta.
“Marka la eego musiibada bini’aadantinimo ee Qaza ka taagan oo ay sababeen weerarrada joogtada ah ee ay Israel ku hayso dadka rayidka ah, iyo diidmada Israa’iil ee baaqyada xabbad-joojinta iyo fasaxa gargaarka bini’aadantinimo si aan hakad lahayn, waxa la go’aamiyay in dib loogu yeedho safiirkeenna Tel Aviv Mudane Sakir Ozkan Torunlar, oo Ankara u tagay la tashi,” ayay wasaaraddu tiri.
Ciidamada Israa’iil ayaa balaariyay weerarada cirka iyo dhulka ah ee ay ku hayaan marinka Qaza oo duqeymo aan kala joogsi lahayn ay ku hayaan tan iyo markii ay weerarka lama filaanka ah ku qaadeen kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas 7-dii Oct.
Mar kale ayey ciidamada circa ee Israa’iil waxay duqeyn la beegsadeen iskuul, kaas oo ay maamulaysay wakaaladda qaxootiga ee Qaramada Midoobey.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay iskuulkaas.