You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Salomon Kalou oo lagu soo celiyay xulka qaranka Ivory Coast
Tababaraha cusub ee Ivory Coast ayaa magacaabay xulkiisii u horreeyay tan iyo markii uu shaqadan la wareegay bishii saddexaad ee sanadkan.
Xulka qaranka Ivory Coast ayaa ciyaar saaxiibtinimo ah la leh dalka Netherlands afarta bisha lixaad ee sanadkan, shan maalmood ka dibna ciyaar kale oo ka tirsan isreebreebka koobka Qaramada Qaaradda Afrikana wuxuu la yeelan doonaa dalka Guinea
Salomon Kalou oo ka tirsan naadiga Jermalka ka dhisan ee Hertha Berlin ayaa lagu soo daray 27ka ciyaartooy ee xulka qaranka loo magacaabay.
Kalou ayaa ka baaraan dagayay mustaqbalkiisa ciyaaraha qaranka ka dib markii sanadkan laga reebay Koobkii Qaramada Qaaradda Afrika ee ay difaacanayeen.
Ciyaartoygan 31 jirka ah ayaa sheegay in Koobkii Afrika ee gaaboon lagu qabtay bishii koobaad ee sanadkan uu ahaa kii ugu dambeeyay balse uu ka fikirayo in uu Ivory Coast u dheelo ilaa sanadka 2018ka oo Ruushka lagu qabanayo Koobka Adduunka.