Yareynta sonkorta ka hor da'da labo sano oo lala xiriiriyo caafimaad maskaxeed oo ka wanaagsan

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, James Gallagher
- Role, Wariyaha caafimaadka iyo sayniska
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Saynisyahannadu waxay soo jeediyeen in cunista sonkor aad u yar ilaa laga gaarayo da'da labo sano ay ka caawin karto ilaalinta caafimaadka maskaxda tobnaan sano ka dib.
Cilmi-baaristu waxay falanqeysay saameynta ka dhalatay dhammaadkii nidaamkii xaddididda sonkorta ee Boqortooyada Midowday (UK), kaas oo sababay koror degdeg ah oo ku yimid xaddiga sonkorta ee dadka ay cunayeen.
Natiijooyinka waxay muujinayaan in dadka yaryaraa xilligii la xaddidayay sonkorta ay lahaayeen 23% halis ka yar oo ah inuu ku dhaco xanuunka qofku lumiyo xusuusta.
Si kastaba ha ahaatee, daraasaddu ma bixiso caddayn kama dambays ah oo arrintan xaqiijinaysa. Khubaradu waxay sheegeen in cunto caafimaad leh ay si kastaba faa'iido u leedahay caafimaadka maskaxda.
Tani ma aha daraasaddii ugu horreysay ee soo jeedisa in 1,000-ka maalmood ee ugu horreeya nolosha ay door aad u muhiim ah ka ciyaaraan caafimaadkeenna mustaqbalka.
Daraasado isdaba joog ah ayaa baarayay waxa loo yaqaan "tijaabo dabiici ah", taas oo ka dhalatay soo kabashadii Boqortooyada Midowday (UK) ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo dhammaadkii nidaamkii raashinka lagu xaddidayay.
Markii la soo afjaray xaddididdii sonkorta bishii Sebtembar 1953, waxaa la qiyaasay in celceliska sonkorta ay dadku cunayeen uu si degdeg ah uga kacay qiyaastii 41 garaam maalintii (oo u dhiganta 10 xabbadood oo sonkor ah) ilaa 80 garaam maalintii (oo u dhiganta 20 xabbadood oo sonkor ah).
Cilmi-baaris hore ayaa arrintan ku xiriirisay kororka cudurka macaanka nooca 2-aad iyo cadaadiska dhiigga oo sareeya sannado badan ka dib.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraasaddii ugu dambeysay ayaa baartay xogta ku dhowaad 65,000 oo qof oo ka qayb qaadanayay mashruuca UK Biobank.
Falanqaynta, oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Hong Kong, ayaa isbarbardhigtay carruurtii ku soo kortay ka hor iyo ka dib dhammaadkii xaddididdii sonkorta.
Waxay ku doodeen in carruurtii sonkorta laga xaddiday ilaa ay ka gaareen da'da laba sano ay lahaayeen halis 23% ka hooseysa oo ah inuu ku dhaco cudurka qokfu lumiyo xusuusta, isla markaana cudurka lagu ogaaday celcelis ahaan labo sano iyo bar ka dib marka loo eego dadka kale.
"Waxyaabaha aan helnay waxay soo jeedinayaan in xaddididda sonkorta inta lagu jiro marxaladaha ugu horreeya nolosha ay yeelan karto faa'iidooyin waara oo ku saabsan caafimaadka maskaxda," ayay tiri cilmi-baare Jiazhen Zheng.
Xogta daraasaddan waxaa lagu daabacay joornaalka Neurology.
Si kastaba ha ahaatee, Zheng ayaa sheegtay in "cilmi-baaris dheeraad ah loo baahan yahay" si loo fahmo in sonkortu dhab ahaantii sabab u tahay saameyntan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxay u muuqataa inay heleen arrin mudan in si dhow loo sii baaro," ayay tiri Rachel Richardson, oo ah madaxa qaybta taageerada habraacyada cilmi-baarista ee Cochrane, oo ah hay'ad madaxbannaan oo aan macaash doon ahayn, kana shaqeysa ururinta iyo soo koobidda cilmi-baarista caafimaadka.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in daraasaddani "aysan ahayn caddayn kama dambays ah" oo muujinaysa in cunista sonkor badan xilliga hore ee nolosha ay sababto xanuunka dementia.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ayaa ah in aan la ogayn xaddiga sonkorta ee qof kasta oo daraasadda ku jiray uu dhab ahaantii cunayay. Waxa keliya ee la ogaa waxay ahayd goorta ay dhasheen marka loo eego xilligii la xaddidayay sonkorta.
"Caddayntani waxay ku saabsan tahay dadkii dhashay sannadihii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, sidaas darteed si toos ah looguma dabaqi karo carruurta maanta. Tusaale ahaan, waagaas carruurta waxaa cuntada adag lagu bilaabi jiray xilli ka duwan kan maanta, taas oo saameyn weyn ku yeelan karta nafaqadooda hore," ayay tiri Richardson.
Borofaysar Ian Maidment, oo ah borofaysarka farmashiyaha caafimaadka ee Jaamacadda Aston, ayaa yiri: "Waa fikrad xiiso leh oo gacan ka geysan karta doodda cilmiyeed, laakiin aniga aragtidayda waxaa loo baahan yahay caddayn dheeraad ah."
Wuxuu intaas ku daray in isku xirka "wax dhacay 80 sano ka hor" iyo caafimaadka dadka maanta ay adag tahay, maaddaama ay jiraan arrimo badan oo kale oo saameyn ku yeelan kara natiijooyinka.
Dr Sara Rodrigues, oo ka tirsan Alzheimer's Research UK, ayaa tiri: "Waxaa muhiim ah in la xusuusto in tani ahayd daraasad ku salaysan kormeer iyo xog ururin.
"Taas macnaheedu waa inay muujin karto xiriir ka dhexeeya cuntada iyo halista cudurka waallida, balse ma caddayn karto in cunista sonkor yar ay si toos ah uga hortagto cudurka.
"Cunista cunto caafimaad leh oo dheellitiran waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo caafimaadka maskaxda, mana aha goor dambe in la sameeyo isbeddello caafimaad u wanaagsan."











