Waa imisa tirada askarta Maraykanka uga dhimatay ama uga dhaawacantay dagaalka Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Brandon Drenon
- Role, Weriye BBC
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Ugu yaraan 624 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ku dhaawacmay tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay weerarrada ka dhan ah Iiraan bishii Febraayo, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Pentagon -ka ee soo baxday 25-kii Luulyo.
Dadka dhaawacmay ayaa 417 ka mid ah waxaa lala xiriirinayaa hawlgalka "Operation Epic Fury", halka 207 kalena ay la xiriiraan "Hawlgallada Dibadda" (Overseas Operations).
Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay xabbadjoojin bishii Abriil, waxayna kala saxiixdeen heshiis is-faham bishii Juun, hase yeeshee weerarrada ka imaanaya labada dhinac ayaa sii socday muddadaas oo dhan.
Toddobaadkii hore, Pentagon-ka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dagaalka, isagoo magacyada afar qof oo ku dhintay hawlgalka "Operation Epic Fury" u wareejiyay liiska dhimashada ee "Hawlgallada Dibadda".
Nidaamka Pentagon-ka ee lagu diiwaangeliyo khasaaraha (Defense Analysis Casualty System), tirada dhimashada ee hawlgalka "Operation Epic Fury" oo ah magaca loo bixiyay weerarkii ugu horreeyay ayaa ilaa maalintii Talaadada lagu sheegay inay tahay 18 qof, halka dhaawacuna uu ahaa 482.
Mar ayaa afar ka mid ah magacyadaas waxaa laga saaray liiska, maalintii Khamiistana tirada dhimashada ayaa hoos loogu dhigay 14 qof.
Magacyada afarta askari ee dhintay ayaa hadda ka muuqda qaybta "Hawlgallada Dibadda" taas oo lagu sheegay inay diiwaangeliso "khasaaraha dhacay laga bilaabo 7-dii Luulyo 2026". Waa afarta kaliya ee liiska dhimashada ku jira qaybtaas.
Beddelka aamusan ee aan sharraxaadda lahayn ee lagu sameeyay tirakoobka khasaaraha, ha ahaato kuwa dhaawacmay ama kuwa dhintay, ayaa lagu dhaliilay inay wiiqayso daah-furnaanta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Maamulka waxaa u muuqda inay aad ugu adag tahay inay runta ka sheegaan waxa socda, ma aha oo kaliya khasaaraha nafeed, balse dagaalka oo dhan guud ahaan," ayuu yiri Jeneraal Ben Hodges, oo hoggaaminayay ciidamada Mareykanka ee Yurub markii Trump uu markii ugu horreysay xilka qabtay.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayaa xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Thomas Massie, kaas oo inta badan dhaliila Trump, wuxuu ku tilmaamay kala qeybinta dagaalka ee qaybaha kala duwan "xeelad aan macquul ahayn".
BBC-da ayaa la xiriirtay Waaxda Difaaca si ay uga hadlaan arrintan.
Barta X, ayaa afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell wuxuu ku tilmaamay isbeddelka tirooyinka "carqalad ku meel gaar ah oo ku timid xogta".
"Carqaladahan xogta hadda waa la xallinayaa iyadoo lala kaashanayo laamaha kala duwan ee ciidamada," ayaa lagu yiri bayaanka.
Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social, 21-kii Luulyo, ayuu Trump ku sheegay in "Dagaalka Milatari ee Iiraan" uu sababay dhimashada 18 qof.
Qaybta "Hawlgallada Dibadda" (Overseas Operations) ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqatay bogga internetka ee Pentagon-ka maalintii Axadda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Waxaa ku jiray magacyada afar askari oo ka tirsan Ciidanka Dhulka oo dhawaan dhintay, waxaana tirada dadka dhaawacmay lagu sheegay 207 qof. Ma cadda in dhammaan 207-da qof ay ku dhaawacmeen dagaalka Iiraan.
Isbeddelka magacyada ayaa u muuqday mid la xiriira afartii askari ee Mareykanka ahaa ee dhintay bishii Luulyo, ka dib markii heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee uu Trump saxiixay bishii hore uu bilaabay inuu burburo, iyo ka dib markii madaxweynuhu ku dhawaaqay in xabbadjoojintii Iiraan ay "dhamaatay".
Saddex askari oo Mareykan ah ayaa dhintay ka dib markii gantaallo ay Iiraan ridday ay ku dhaceen saldhig ku yaalla Urdun 17-kii Luulyo, mid kalena wuxuu ku dhintay Ciraaq intii lagu guda jiray qarxin la xakameynayay oo lagu sameynayay diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo laga leeyahay Iiraan.
Tan iyo bartamihii bishii Luulyo, Mareykanka ayaa weerarayay kaabayaasha milatari ee Iiraan, wuxuuna wajahayay ciidamo Iiraan ah oo weeraraya saldhigyada Mareykanka ee waddamada deriska ah muddo 13 habeen oo xiriir ah.
Ka dib, laga bilaabo maalintii Jimcaha waxaa jiray hakad, iyadoo wixii markaa ka dambeeyey aysan jirin wax weerar ah oo ka imaanaya labada dhinacba, hase yeeshee weerarrada ayaa 24kii saac ee u dambeeyey dib u soo cusboonaaday.











