Arrimaha ugu waaweyn ee uu Madaxweyne Ruto u ballan-qaaday shacabka

Xigashada Sawirka, Getty Images
William Ruto Talaabbadii ugu horeeyay ee uu qaaday waxay ahayd in uu magacaabo lixda garsoore ee dallacsiintooda uu iska indhatiray madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta bishii Juun ee 2021 inkastoo uu soo jeediyay Guddiga Adeega Garsoorka (JSC).
Lixdan oo kala ah; Aggrey Muchelule, Weldon Korir, Joel Ngugi, George Odunga, iyo Judith Omange waxay ka mid ahaayeen koox ka kooban 40 garsoore, kuwaas oo ay ahayd in la dallacsiiyo kaddib markii ay soo jeedisay JSC. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in lixdaas qof aysan u qalmin xilalkooda.
Isagoo ka hadlayay xarunta Isboortiga caalamiga ah ee Moi ee Kasarani wax yar un kaddib markii Talaadadii shalay ahayd loo dhaariyay xafiiska, ayuu madaxweyne Ruto wacad ku maray in maamulkiisu uu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha garsoorka si loo xaqiijiyo caddaalad, dhex-dhexaadnimo iyo maamul madax-bannaan oo ay helaan dhammaan dadka Kenyaanka ah.
Tallaabada ugu horreysa ee arrintan ayuu madaxweyne Ruto ku daray in ay tahay in uu magacaabo lixda garsoore, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo 300 oo milyan oo doollar oo dheeri ah in loo qoondeeyo garsoorka sanad maaliyadeedka 2022/23.
“Si aan u sii caddeeyo sida ay iiga go’an tahay madax-bannaanida garsoorka, waxaan galabta qalinka ku duugi doonaa lixdii garsoore ee hore loogu magacaabay inay ka mid noqdaan Maxkamadda Racfaanka oo saddex sano ka hor uu soo-jeediyay dallacsintooda Guddiga Adeegga Garsoorka,” ayuu yiri.
Dr Ruto ayaa sidoo kale xusay in maalinta Arbacada ah uu guddoomin doono dhaarinta lixda garsoore si magacaabistooda ay u noqoto mid rasmi ah.
“Aniga ayaa guddoomin doona dhaarintooda si ay ugu soo laabtaan shaqada ay u hayaan shacabka Kenya,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidaas si la mid ah wuxuu amray in Miisaaniyadda Ciidanka Booliska Qaranka laga soo wareejiyo Xafiiska Madaxweynaha, laguna wareejiyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo noqon doona sarkaalka lacagahaas lagala xisaabtami doono.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Taliyaha Guud, ciidanka booliska uma madax-bannaaneyn si buuxda, ku-tiirsanaanta maaliyadeed ee joogtada ah ee xafiiska madaxweynaha awgeed.
"Madax-bannaanida maaliyadeed waxay siin doontaa dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo hubaynta siyaasadeed ee nidaamka caddaaladda dembiyada," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.
Wuxuu ka dayriyay qiimaha sare ee maciishadda ee laga arkay guud ahaan dalka, taasoo uu ku sheegay inay sabab u tahay kor-u-kaca qiimaha wax-soo-saarka beeraha. Madaxweyne Ruto waxaa kale oo uu ku dhawaaqay in la dhimay qiimaha kiishka 50 kg ee bacriminta ah oo laga dhigay 35 doollar.
"Roobabka yar ee da'aya ee aan doonayno inaan uga faa’iideysanno wax-soo-saarkeenna, waxaan horeyba u diyaarinnay 1.4 milyan oo bac oo bacrimin ah, kuwaas oo caalaa kontonkii kiilo lagu heli doono 35 doollar oo hoos uga dhacday marka la fiiriyo qiimihi hore ee 65 doollar , kuwaas oo la heli doono isbuuca soo socda," ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa xusay in ka-qaybgalka maaliyadeed iyo helitaan deymo ay muhiim u yihiin wax ka qabashada arrimaha aasaasiga ah ee qiimaha nolosha, shaqo-abuurka iyo wanaagga dadka.
Wuxuu sheegay in maamulkiisu uu kala shaqayn doono hay'adaha Credit Reference Bureaus (CRBs) abuurista nidaam cusub oo qiimeyn, si amaah-qaateyaashu ay u helaan fursad ay ku maareeyaan deymaha ay qaateen.
"Galinka dambe, waxaan soo saari doonaa awaamiir dhamaan alaabta la soo dejiayo iyo kuwa la dhoofinayo in lagu celiyo Mombasa. Tan waxay soo celin doontaa kumannaan shaqo oo magaalada Mombasa ah."
William Ruto ayaa horay u ballanqaaday in Dekeda Mombasa uu howlaheeda dib u soo celin doono, kaddib markii howlaheeda loo wareejiyay Naivasha xilligii dowladii hore ee Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka haysta dadka Kenyaanka ah ee ku nool qurbaha, isagoo xusay in xawaaladaha iyo lacagaha ay soo dirayaan aysan noqon doonin waxa kaliya ee mudnaanta la siinayo.
“Waxaan ballan-qaadayaa in aan kor u qaadi doono arrimaha qurba-joogta ilaa heer wasaaradeed, xoojinta adeegyada qurba-joogta ee safaaradaha oo dhan, in aan baarlamaanka kala shaqeeyo sidii loo soo dhisi lahaa guddi si gaar ah uga shaqeeya arrimaha qurba-joogta, in la sameeyo hannaan ay jaaliyaddu uga qayb-qaadan karto bulshada iyo in aan si dhow ula shaqeeyo guddiga IEBC si loo ballaariyo loona wanaajiyo ka qaybgalka qurbajoogta ee doorashooyinka," ayuu yiri.
Dhanka ‘manhajka’, waxa uu sheegay in uu samayn doono guddi dib-u-habeyn waxbarasho oo xog ka soo ururin doona dadweynaha sida ugu habboon ee manhajka loo hirgelin karo.
“Dalka waxaa ka socda wadahadal adag oo ku saabsan waxbarashada, gaar ahaan hirgelinta manhajka CBC, ka qeybgalka shacabka ayaa ah arrin aad muhiim u ah, waxaan sameyn doonaa guddiga dib-u-habeynta waxbarashada ee madaxtooyada oo lagu dhawaaqi doono toddobaadyada soo socda,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in manhajka CBC isbeddelo lagu sameyn doono si loo yareeyo welwelka waaliddiinta.












