You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Magaalada Maqale dadku masaajidda iyo kaniisadaha ayay maciin bideen"
Iyadoo uu sii kordhayo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa isa soo taraya dadka rayidka ah ee ka qeyb qaadanaya dagaalka.
Taliyeyaasha xoogagga Tigrayga ayaa billaabay olole cusub oo dad ku qorayaan, iyadoo horay loogu eedeeyay inay dadka ku qasbeen inay ku biiraan dagaalka.
Eedeymo kuwan la mid ah ayaa loo jeediyay Eritrea oo iyadu dagaalka la safatay dowladda Itoobiya.
BBC-da ayaa warbixin gaar ah ka heshay wariye ku sugan caasimadda Tigray ee Maqale, taasoo ku saabsan sida dadka deegaanka ay ula tacaalayaan xaaladda.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa maalinkasta dul heehaabaya hawada sare ee magaalada Maqale, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 300,000 oo qof.
Hadda waqti xaadirkan oo aan qorayo maqaalkan waxaan maqlayaa dhawaqa mid ka mid ah diyaaradahaas. Waxay i dareensiisaa kalsooni darro aad u weyn. Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay duqeymo xagga cirka ah ayaa lagu garaacay garoomo lagu ciyaaro iyo goobo la deggan yahay - ma cadda waxa bartilmaameedyadu ahaayeen.
Toddobaadkan ciidanka Tigrayga ayaa qof kasta oo awood leh ugu baaqay inuu ku soo biiro dagaalka iyadoo dadku ay aad uga daaleen colaadda 23-ka bilood socota, balse dadku waxay u muuqdaan in ay qaateen baaqa.
"Waxaa loo arkaa inay mabnuuc tahay in aan lagu biirin ciidanka," ayay tiri haweeney magaceeda ay BBC-da u qarisay sababo amni dartood.
Qof kasta oo halkan jooga wuxuu rabaa inuu difaaco xuquuqdiisa. Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa billowday dabayaaqadii Ogosto ka dib markii ay burburtay xabbad-joojin bini'aadannimo oo shan bilood ahayd.
Qaybaha kala duwan ee dadwaynaha oo isugu jira haween iyo dhalinyaro ayaa ka jawaabaya baaqa ah in ay ku biiraan ciidanka Jabhada TPLF.
Haweenka ayaa qaatay tababar ciidan, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay dagaallamaan haddii loo yeero.
Waxaa ka mid ah gabar 23 jir ah oo ii sheegtay in ay "ku faanto in ay Tigray tahay ayna aad ugu faraxsan tahay in loo tababaray ilaalinta xuquuqda iyo ilaalinta dhulkeeda".
Tigray waxa ay go'doon ku jirtay tan iyo bishii June ee sannadkii 2021, xaaladaha nololeedna marba marka ka danbaysa way sii xumaanayeen.
Hadda waxa in ka badan hal sano laga joogaa markii ay hawada ka baxaeen khadadkii telefoonada iyo adeegyadii internetka, taas oo gobolkaas ka goysay adduunka intiisa kale.
Dadku waxay dib ugu noqdeen in waraaqo ay farriimaha ugu qoraan qoysaskooda iyo asxaabtooda - ama waxay aadaan xuduudka gobolka Axmaarada ee Itoobiya si ay u soo wacaan oo ay lacag uga helaan eheladooda dibadda jira.
Dadku waxay isugu yimaadaan hal raadiye oo meel waddada dhinaceeda ah la dhigo si ay u ogaadaan waxa dhacaya. Qof kastaa wuu ka hadlaa geeddi-socodka nabadda, wuxuuna si feejigan ula socdaa warka arrintaas ku saabsan, laakiin dad badan oo halkan jooga ayaa rumeysan in dowladda Itoobiya aysan diyaar u ahayn wadahadal nabadeed, sababtoo ah ma aysan joojin duqeynta.
Dadka halkan jooga lacag ma samayn karaan, mana kala bixi karaan lacag caddaan ah bangiyada sababtoo ah waa la xiray sidaa darteed ganacsiyadu ma shaqeeyaan.
Dadku waxay ku nool yihiin lacagta ay qoyskoodu uga soo diraan Maraykanka iyo Kanada.
Mid ka mid ah dadka deriska ah ayaa ii sheegay in uusan quudin karin shan carruur ah oo uu dhalay haddii aysan ehelkiisa soo dirin lacag caddaan ah.
Laba gabdhood oo walaalihii ah ayaa ku nool Maraykanka, waxana uu afar jeer lacag ka helay walaalihiis tan iyo markii go'doominta la bilaabay.
Colaadda ayaa ka hor istaagtay in badeecadaha muhiimka ah oo uu shidaalku ka mid yahay ay gaaraan Tigrayga. Dad badan baa lugta maala, ama gaari-dameerro ku socda.
Qiimaha maciishadda ayaa sii kordhaya. Teff, oo ah qamaddiga aynu sida caadiga ah ugu isticmaalno samaynta canjeerada dhaqanka Itoobiya, waxay kor u kacdaa todobaad kasta.
Qiimaha hadda ee 100 kiilogaram ku dhawaad waa 265 oo doolar, marka la barbar dhigo sanadkii hore oo uu qiimaheedu ahaa 85 doolar.
Dadku waxay u dhimanayaan dawo la'aan sababtoo ah dawooyinka lama keeni karo go'doominta awgeed. Qiimaha dawooyinka cudurrada daba-dheeraada( chronic diseases) ayaa kor u kacay toban laab.
Iyadoo duqeyn kasta oo cusub ay ku dhintaan dad badan oo rayid ah, ayaa hadana dhalinyaro badan la kaxeeyaa si ugu biiraan ciidamada.
Haweeney 29 jir ah ayaa ii sheegtay in saddex ka mid ah qoyskeeda - laba walaalo ah iyo gabar walaasheed ah- ay hadda ku biireen ciidanka Tigrayga.
Labadii bilood ee la soo dhaafay waxay ku bixinaysay waqtigeeda, waxayna isticmaaleysay inta yar ee ay haysato, si ay cunto ugu diyaariso dagaalyahannada jiidda hore ku jira.
Dadka kale dadka deegaanka ayaa cuntadooda la wadaagaya qoysaska dadkii dagaalka aaday.
Markii todobaadkii hore uu soo baxay warka sheegaya in wada hadalo nabadeed oo ay garwadeen ka tahay Midowga Afrika ay ka bilaaban karaan Koonfur Afrika, dadku waa ay ku farxeen.
Balse wadahadallada ayaa guul darreystay sababo aan la caddayn awgood. Qaar badan oo ka mid ah dadka halkan jooga ayaa rajo ka qaba nabadda, kaniisadaha iyo masaajidda ayaa habeen walba la buux dhaafiya, iyadoo dadku ay ku duceeysanayaan in dagaalkan uu joogsado.