"Sawir aan iska qaaday ayaa caddeeyay in la i afduubtay markaan dhashay"

Sawirka Miche iyo walaasheed
Qoraalka sawirka, Sawir kale oo la qaaday sanado ka dib ayaa muujinaya sida ay isugu egyihiin labada gabdhood
Published

Bishii April sanadku markuu ahaa 1997-kii haweenay u labisan sida kalkaalisooyinka ayaa ka baxday qolka umusha ee isbitaal ku yaal magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika iyada oo wadata ilmo saddex maalmood dhallan.

Waxay ka xadday hooyadii dhashay ilmaha yar oo jiifta. Muddo 17 sano ayey qaadatay in la ogaado aqoonsiga rasmiga ah ee ilmahan yar.

Waxay ahayd maalinta kowaad ee sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Zwaanswky ee ku yaal magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika iyo sidoo kale billowga sanadkii ugu dambeeyay wax barashada dugsiga sare ee Miché Solomon.

Maalintaas bisha Jannaayo ee 2015, Miché oo markaas 17 jir ah ayaa saaxiibaddeed u sheegayeen gabadh cusub oo dugsiga kusoo biirtay, Cassidy Nurse oo saddex sano ka yar iyada ayaa aad ugu ekayd.

Markii u horreysay Miche ma aanay wax weyn kasoo qaadin isu ekaanshaha aan caadiga ahayn ee iyada iyo gabadha cusub.

Balse mar dambe oo labada gabdhood ku kulmeen dugsiga dhexdiisa, waxay Miche sheegtay in ay dareentay xiriir isla markiiba ah oo aanay sharrixi karin.

“Waxaan dareemay sidii inaan aqaannay oo kale,“ ayey tiri. “Waan cabsaday, ma garaneyn sababta aan sidan u dareemayo.“

Ka sokow farqiga da’da ee u dhexeeya, Miche iyo Cassidy waxay billaabeen inay waqti badan wada qaataan.

“Waxaa waxaan dhihi jiray, haye yaraanteena, waxay ku jawaabi jirtay, ‘haye walaasha weyn‘ ayey soo xasuusanaysaa Miche.

“Mararka qaar waxaan aadi jirnay qolka is qurxinta gadibna timaha ayaan u shanleyn jiray,“.

Muuqaalka Miche ee hadda

Xigashada Sawirka, MPHO LAKAJE

Qoraalka sawirka, Muuqaalka Miche ee hadda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka qof uu weydiiyo Miché iyo Cassidy inay walaalo yihiin waxay ku kaftami jireen, "Ma garanayno – malaha nolosheennii hore ayaan walaalo ahayn!"

Kadib maalin ayaa labadii gabdhood waxay isla galeen sawir nooca Selfie loo yaqaan ah oo ay tuseen saaxiibbadood. Qaar baa Miché waydiiyay in ay hubto in aanay ahayn gabar qoyskeedu soo korsaday oo aanay dhalin. "Maya! Ma waalan tahay!" ayey ku adkeysatay.

Ka dib Miché iyo Cassidy waxay tageen gurigoodii waxayna tuseen qoysaskooda sawirka ay wada galeen. Lavona, oo ah Miché hooyadeed, oo gabadheeda ugu yeerta "Amiiradda" oo gabdheeda geysay suuqa iyo halka filimada laga daawado ayaa ka faallootay sida ay labada gabdhood isugu egyihiin.

Michael, oo asna ah aabbaha Miché ayaa sheegay inuu aqoonsaday aabbaha saaxiibka cusub ee gabadhiisa - Cassidy wuxuu lahaa dukaan koronto oo uu mararka qaarkood wax ka iibsan jiray.

Balse waalidka Cassidy, Celeste iyo Morne Nurse ayaa si aad ah u eegay sawirka. Waxay u sheegeen Cassidy inay su'aal weydiinayaan Miché, markii ay labadii gabdhood ee ku xigay la kulmeen Cassidy waxay hal mar iska soo goysay: "Ma waxaad dhalatay 30 Abriil 1997?"

"Waxaan ku idhi, 'Sabab? Miyaad igu daba jirtaa, ma Facebook baad daba gal igaga haysaa?'" ayey Miché tiri.

Cassidy ayaa u xaqiijisay Miché in aysan ku daba jirin, kaliya ay rabtay in ay ogaato goorta ay Miché dhalatay. Markaa Miché waxay ku jawaabtay haa, waxayna u xaqiijisay inay dhalatay 30 April 1997.

Laba toddobaad waxaa si lama filaan ah ugu wacay xafiiska maamulaha, macallinkeeda xisaabta, halkaas oo lab aka mid ah shaqaalaha bulshada ay ku sugayeen. Waxay u sheegeen Miche sheeko ku saabsan ilmo saddex maalmood jira oo lagu magacaabayey Zephany Nurse oo laga afduubtay 17 sano ka hor isbitaalka magaalada Cape Town ku yaal ee Groote Schuur taas oo dib dambe loo arag.

Miche ayaa sheekada dhageysata si nxuxurka loogu dhoco iyada oo aan fahansanayn sababtay ay sheekada ugu sheegayaan. Ka dib waxay u sharraxeen inay hayaan caddeymo muujinaya in ilmaha ay uga sheekaynayaani iyada yahay.

Si ay u saxdo shaqaalaha bulshada waxay Miche u sheegtay in aanay kuba dhalan isbitaalka ay sheegeen ee Groote Schuur oo ay ku dhalatay isbitaalka Retreat oo labaatan daqiiqo oo gaari ah u jira Groote. Sidaasi waa sida ku qorneyd warqaddeda dhalashada. Balse saraakiisha shaqaalaha bulshada ayaa ku jawaabay in aanay jirin wax laga diiwaan galiyey oo muujinaya inay halkaas ku dhalatay.

Aabaha runta ah ee dhalay Miche oo kasii baxaya maxkamadda xukunka ka dib

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aabbaha runta ah ee dhalay Miche oo kasii baxaya maxkamadda xukunka ka dib

Iyada oo aaminsan in waxan oo dhan ay yihiin khalad ay ku khaldameen shaqaalaha buslhadu ayey ogolaatay inay gasho baadhitaanka DNA.

"Waan aamin sanahay hooyada isoo korisay- marnaba been iima sheegi karto, weliba qofka aan ahay iyo meesha aan ka imid,“ ayey tiri Miche. “Marka waxaan iska dhaadhiciyey in tijaabada DANN ay noqon doonto mid taban oo ka hor imaan doonta malihii shaqaalaha bulshada.“

Balse sidii ay rajeynaysay wax meysan u dhicin. Maalinkii xigayba waxaa soo baxay natiijada waxayna si aan muran ku jirin u muujisay in Miche iyo Zephany, ilmaha laga xaday isbitaalka Groote sannadkii 1997 ay isku hal qof yihiin.

“Meel ayaan amakaag la fadhiistay,“ ayey tiri Miche. “Nolosheyda oo dhan gacanteyda ayey ka baxday.“

Ugu dambeyntii Lavona Solomon oo ah hooyadii xadday gabadha ayaa maxakamad lasoo taagay iyadoo garsooraha u sheegtay in ay marar badan isku dayday inay uur qaaddo balse ilmuhu kasoo dilmi jireen saas darteedna baahida xad dhaafka ah ee ay ilmo u qabtay ay ku kalliftay inay gabadhan yar xaddo.

Waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah iyada oo loo cuskaday jabinta xeerka caruurta. Waxa uu garsooruhu ku eedeeyay in aanay wax shallaay ah xataa muujin inta ay maxkamadeyntu socotay.

Miche ayaa dooneysa inay ogaato waxa dhacay maalinka ay Lavona ka af duubanaysay isbitaalka.

Miche ayaa sheegtay in ay Lavona cafisay iyada oo og in aanay dhiiggeeda ahayn wax cuqdad ahna aanay u haynin.