You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cumar Cartan iyo dadka kale ee u socday Koobka Adduunka ee loo diiday in ay galaan Maraykanka
Sida aad la wada socotaan, garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dunida la hadal hayaa maanta, kadib markii loo diiday in uu gudaha u galo dalka Maraykanka si uu garsoore uga noqdo koobka adduunka.
Cumar oo lagu waday in uu noqdo garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya fianaalka Koobka Adduunka ayaa loo diiday inuu gudaha u galo waddanka.
Sida sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN sheegay, Cumar Cartan ayaa loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baaritaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.
Balse waxaa jira dad kale oo ka socday kooxo caalamka ah oo loo diiday in ay galaan Maraykanka iyada oo loo maray siyaabo kala duwan.
Waxaa ka mid ah shaqaalaha Xulka Qaranka Iran oo sida ay sheegtay Iran dowladu Maraykanku uba diiday dalkugalkii.
Warbaahinta ku hadasha afka Iran ayaa sheegtay in 15 ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka oo ay ku jiraan madaxa xiriirka kubadda cagta, ku xigeenkiisa iyo agaasime warbaahinta ay ka mid yihiin dadka loo diiday inay galaan Mareykanka.
Arrintaan ayaa timid ka dib markii Washington ayaa shaacisay in ay ogolaanshaha socdaalka siisay dhammaan ciyaariyahanada Iran si ay ugu safraan Koobka Adduunka.
Dadka loo diiday fiisaha ayaa sida ay sheegtay Iran waxa ay ahaayeen kuwo ka caawin lahaa maamulka kooxda shaqooyin kala duwan oo muhiim ah.
Saraakiisha Mareykanka ayaa iyagu dhankooda sheegay in fiisaha la siiyay dhammaan ciyaartoyda iyo "shaqaalaha lagama maarmaanka ah" Jimcihii, 10 maalmood ka hor kulanka furitaanka Los Angeles ee 15ka Juun.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in Iran aan loo ogolaan doonin "in ay ku xadgudubto nidaamkan si ay argagixisadu ugu soo dhuunto Mareykanka iyada oo istimaaleys been ".
Safaaradda Iran ee Turkiga ayaa ku eedeysay Mareykanka "faragelin siyaasadeed oo dhanka ciyaaraha ah" iyadoo loo diiday fiisaha "qayb weyn oo ka mid ah shaqaalaha maamulka iyo fulinta" iyo "la-taliyeyaasha farsamada".
Marka loo eego shuruudaha fiisahooda, kooxdu waa inay galaan oo ka baxaan Maraykanka isla maalinta ay ciyaarayaan, safiirka Iran ee Mexico ayaa sheegay Sabtidii.
Marka laga yimaado xirfadlayaasha ciyaaraha waxaa iyaguna wajahaya caqabado dadka ka soo jeeda wadamada ka qayb galaya koobka adduunka.
Taageerayaasha in ka badan rubuc ka mid ah dalalka ka qeyb galaya koobka adduunka ayaa wajahaya xayiraad dhanka socdaalka ah, xayiraad adag ama heer sare oo diidmada fiisaha ah, sida ay muujineyso falanqaynta xogta safarka ee laanta caalamiga ah ee BBC.
Dadka loo diiday fiisooyinka waxaa ka mid ah muwaadiniin ka soo jeeda Ciraaq. Ciraaq qayb kama ahan wadamada ku jira liiska xayiraadda socdaalka ee Trump, taa oo lama filaan ku noqotay dad uu ka mid yahay Abdulla Adnan oo markii uu maqlay in waddankiisu uu ka qayb gali doono Koobka Adduunka markiiba iibsaday tikid uu ku daawanyo ciyaarta dhexmari doonta dalkiisa iyo Norway iyo Faransiiska taa oo magaalooyinka Boston iyo Philadelphia ka dhici doonta bishaan.
Ka dib markii uu bilowday dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran, Mareykanka ayaa joojiyay adeegyadii caadiga ahaa ee qunsuliyadiisa Ciraaq, sababo la xiriira amniga gobolka. Tani waxay la macno tahay in aanay jirin meel dalka ka mid ah oo ay Cadnaan iyo taageereyaasha kale ee Ciraaq ka heli karaan fiisaha, maadaama ay tahay inay ka qaybgalaan waraysiga shakhsiga ah.
Sidaa daraadeed Cadnaan waxa uu u safray dalka ay jaarka yihiin ee Urdun si uu isugu dayo in uu fiisaha ka helo safaaradda Maraykanka ee halkaas ku taal. Laakin markii uu u yimid balantiisa, shaqaaluhu waxay u sheegeen in maadaama uusan ahayn muwaadin Jordan u dhashay, safaaradu aysan siin karin fiisaha.
Maraykanka & Iran: Markii ugu horeysay ee waddan martigeliya ah uu dagaal kala dhexeeyo waddan ka qayb qaadanaya
Ma jiro Koob adduun oo lagu kala qabtay saddex waddan. Sidoo kale ilaa 48 kooxood iyo 104 kulan ma uusan noqon Koobku.
Laakiin marka laga soo tago baaxadda wayn ee uu leeyahay, tartankani waa mid aan siyaabo kale horay loo arag. Waligeed, tusaale ahaan, dal martigelinaya lama dagaallamin qaran ka qayb qaadanaya.
Bishii la soo dhaafay, Fifa waxay xaqiijisay in kooxda Iran ay ka guureen saldhigooda Arizona una guureen Mexico, taasoo ah natiijadii ugu dambeysay ee ololihii militari ee billowday bishii Febraayo, markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerareen Iran, taasoo dhalisay weeraro aargoosi ah oo ka dhacay Bariga Dhexe. Iyadoo xabad joojin ay dhaqan gashay horraantii bishii April, ayaa waxaa sii socday weerarada u dhaxeeya labada dhinac.
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, jahawareer ayaa ku hareeraysnaa ka qaybgalka Iran, iyadoo madaxweyne Trump uu mar uu ka digayay in aanay "ku habboonayn" in kooxdu ay uga qayb-gasho koobka. Ergaygiisa gaarka ah ayaa xitaa soo jeediyay in Iran lagu badalo Talyaaniga oo afar jeer ku guuleystay, kaasoo ku guuldareystay inuu u soo baxo.