"Qof walba wuxuu rabaa gabar siddeed iyo toban jir ah, ama sagaal iyo toban sano jir ah inuu guursado,".

.

Xigashada Sawirka, HUM TV

Published

Haweeney Jilaa ah oo lagu magacaabo Hina Altaf ayaa waalidiinta dalka Pakistan kula talisay in ay baraan gabdhahooda arrin muhiim ah oo ku sabasan in dhaqaale ahaan ay madax bannaanadan.

Waxay sheegtay in guurka lagula degdego gabdhaha iyadoo lagala cararayo isbedelka ku imaanaya quruxdooda maadama tintu caddaaneyso da’duna sii kordheyso, markaa su’aashu waxay tahay yaa guursanaya?. Halkaan qof walba wuxuu rabaa gabar da’deedu u dhaxeyso  18 ilaa 19, inuu guursado.

Maalmahaan, Hina Altaf waxay ku howlaneed sameynta riwaayad lagu magacaabo  'Agar',  taasoo ka hadlaysa gabdhaha iyo guurka gaarahaanna kuwa guurka ka daaha.

Iyadoo BBC-da la hadlaysay Hina Altaf waxay sheegtay  “dhaqankeennu wuxuu qabaa marka ay gaaraan gabdhuhu da’da 20, 22 iyo 23, in lagu bilaabo  in la yiraahdo waad weynaataye guurso”.

Laakiin Hina waxay aaminsan tahay in guurka la sameeyo oo keliya marka gabadhu ay leedahay doorasho. "Tani waa waxa ay diinteenu ina barayso, waana in aan raacno," ayay tiri. Waxaan filayaa in tani ay dhibaato weyn ku tahay bulshadeena. Marka lagu daro madax-bannaanida dhaqaalaha, waalidiintu waa inay sidoo kale baraan gabdhaha xirfado ka caawin doona wakhtiyada wanaagsan iyo kuwa adag.'

"Waxaa jira qoysas badan oo leh ma rabno inaan gabadheena ka saarno guriga. Waan ixtiraamayaa (go'aankooda) laakiin waxaa jira xirfado badan oo gabdhaha lagu bari karo guriga,”.

Waxay aaminsantahay in la tixgaliyo xulashada haweenka

Hina ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in gabdhaha aan lagu cadaadin inay guursadaan. “Waxaynu aragnaa guur badan oo aan shaqeyn oo guryihii la burburiyay, hablihiina la dayacay,”.

Waxay riywaad ka sameysay arrimahn la xiriira gabdhaha iyo guurka waxayna ku hoga tusaaleynaysaa dhibaatooyinka qabsada marka gabdhuhu guriga iska joogaan oo aaney shaqeysan isla markaana waxaa sidoo kale riwaayaddu ka hadlaysaa mas'uuliyadda gabdhaha marka ay timaaddo maareynta nolasha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka la isku soo xooriyo hadalka iyo ujeedka Hina, waxay u muuqataa mid xoogga saaraysa in gabdhaha inta anaey guursan la baro sida loo shaqeysto loona sameeyo dhaqaale, taas oo meesha ka saaraysa in xitaa haddii ay guursato gabadhu oo ay ninka kala tagaan ay cid wax ka sugto.

Waxyaabaha kale ee ay muhiimadda siinayso waxaa ka mid ah in gabdhaha lagu tix galiyo doorka ay ku leeyihiin xilliga iyo qofka ay guursanayaan, taasna waxay u aragataa Hina in ay meesha ka saarayso in qaab caburin ah gabdhu u yeellato reer. Arrintaan waxaa ka dhalan kara burbur degdeg ah sida ay aaminsantahay haweeneydan riwaayadaha jisha.

Muran horey uga dhashay da'da guurka gabdhaha

Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga ee Republican People's Party ayaa ku baaqay in baarlamaanka dalkaasi ay u saaraan guddi baara in gabdhaha iyaga oo aadka u da'yar la guurasanayo.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii hay'ada awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Turkiga ay sheegtay in sida sharciga islaamka uu dhigayo la guursan karo gabdhaha 9 jirka ah.

Hadalka ka soo baxay golaha fulinta ee arrimaha diinta ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan.Kooxaha u ololeeya arrimaha haweenka ayaa si wayn ugu canbareeyay baraha bulshada arrintani.

golaha fulinta ee arrimaha diinta ayaa dhankooda iska fogeeyay murankan, waxayna sheegeen in ay qeexayeen oo kaliya sharciga Islaamka.

Wuxuu goluhu sheegay in uusan ansixin guurka la guursado gabdhaha yaryar.

Sharciga dalka Turkiga ayaa dhigaya in haddii ay gabadhu gaarto 17 sano ay guursan karto balse uu guurkaasi dhacayo oo kali ah marka ay waalidiinta aqbalaan.

Laakiin kiisaska qaar maxkamadaha ayaa fasaxi kara in gabdhaha 16 jirka ah la guursado.