“Waxba ma qori karin markaan ahaa 18 jir, waxaan se noqon doonaa barafasoor Jaamacadda Cambridge”

Aqoonyahan Jason Arday

Xigashada Sawirka, Jason Arday

Published

Jason Arday ayaa isagoo da’ yar waxaa laga helay xanuunka autism. Hadalka waxa uu bartay isagoo 11 jir ah, halka qoraalka iyo wax akhrintana uu la qabsaday markii uu 18 sano gaaray.

Hase yeeshee haatan oo uu 37 jir ah, ayaa waxa uu noqon doonaa qofkii ugu da’da yaraa ee madow ah ee gaara darajada barafasoornimada ee jaamacadda Cambridge.

Arday ayaa ku koray xaafadda Clapham ee koonfur galbeed London. Carruurnimadiisii waxa uu xusuustaa inuu telefishinka ka daawaday markii Nelson Mandela laga sii daayay xabsiga iyo guushii uu xulka ciyaaraha Rugby-ga Koonfur Afrika ku qaaday koobka adduunka.

Aqoonyahankan oo ku takhasusay cilmiga bulshada ayaa sheegay in markii hore uu doonayay in heer uu ka gaaro kubadda cagta.

Hooyadii ayaa ku dedaashay oo waxa ay gacan ka siisay inuu barto hadalka, isla markaana uu isku kalsoonaado.

Waxa uu ku biiray jaamacadda Surrey oo uu ka bartay maadooyinka tacliinta iyo jimicsiga, kadibna waxa uu noqday macallin ciyaaraha bara ardayda.

Waxa uu tilmaamay in markii uu noqday macallinka uu arkay dhibaatada haysata carruurta qowmiyadaha laga tiro badan yahay, gaar ahaan kuwa madow.

Markii uu 22 sano gaaray, waxa uu go’aansaday inuu xoogga saaro waxbarashada oo waxa uu diyaariyay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

“Marka aan dib u eego, xilligaas waxa uu ahaa markii ugu horreeyay ee aan nafteyda ku kalsoonaaday. Waxaan garawsaday waxa uu yahay yoolkeyga,” ayuu yiri aqoonyahan Arday.

Aqoonyahan Jason Arday

Xigashada Sawirka, Jason Arday

Hase yeeshee waxbarashada heerka sare ah ayaa caqabadeeda wadatay, maadaama aanu Jason Arday horey u lahayn aqoonta asaasiga u ah cilmi baarista.

Maalintii waxa uu u shaqo tegi jiray iskuulka uu macallinka ka yahay, habeenkiina waxa uu xoogga saari jiray waxbarashadiisa.

“Markii aan billaabay in aan diyaariyo darasaadaha, waxaan fahmi waayay sida loo sameeyo. Wax kasta oo aan gudbiyo waa la soo diidi jiray. Kama niyad jabin, oo wax kasta oo la iga saxay waxaa u qaatay qeyb kamid ah horumarkayga,” ayuu yiri aqoonyahan Arday

Waxaa markii dambe u suuragashay inuu qaato laba shahaado oo masters iyo shahaado PhD ah oo uu ku qaatay tacliinta.

Waxa uu sheegay in sanadkii 2015 uu oggaaday inuu yahay aqoonyahan bartay cilmiga bulshada.

Jaamacadda Cambridge

Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cambridge

Jaamacadda Cambridge ayaa lagu wadaa in Jason Arday ay u magacowdo barafasoor dhiga cilmiga bulshada ee tacliinta.

Barafasoorrada jaamacaddaas waxaa haatan kamid ah shan aqoonyahan oo madow ah.

Guud ahaan barafasoorrada wax ka dhiga jaamacadaha UK oo tiradoodu ka badan tahay 23,000 oo qof ayaa 155 keliya waxa ay yihiin dad madow.

Aqoonyahan Arday oo lagu wado in jagada barafasoornimada jaamacadda Cambridge si buuxda loo siiyo 6-da March, ayaa sheegay inuu ku dedaali doono sidii loo dhimi lahaa farqigaas aadka u weyn.