Sidee buu Elon Musk u lumiyay laba toddobaad ka dib maqaamkiisii 'Tirilyaneer'?

Xigashada Sawirka, Reuters
Elon Musk, oo dhawaan noqday qofkii ugu horreeyay dunida ee hantidiisu gaarto hal tirilyan oo doolar, ayaa lumiyay maqaamkaas laba toddobaad oo keliya kadib. Sababta arrintan keentayna waa hoos u dhaca joogtada ah ee qiimaha saamiyada shirkadihiisa hawada sare iyo tiknoolajiyadda ee SpaceX iyo Tesla.
Kadib markii SpaceX si taariikhi ah loogu diiwaangeliyay suuqa saamiyada 12-kii June, qiimaha saamiyadeedu si weyn ayuu u kacay, isagoo mar gaaray $225 halkii saami. Taas ayaana kor u qaaday hantida guud ee Elon Musk ilaa $1.32 tirilyan.
Waa inaad ogaataa in hal tirilyan (trillion) uu la mid yahay kun bilyan (1,000 billion).
Hase yeeshee, isbadalku dhaca suuqa maalgelinta maalmihii la soo dhaafay awgeed, hantidiisa guud ayaa hoos ugu dhacday $957 bilyan maalintii Talaadada.
16% hoos u dhac ku yimid qiimaha saamiyada SpaceX maalin kaliya 22 June ayaa hoos u dhigtay wadarta hantida Elon Musk $240 bilyan, laakiin weli waa qofka ugu taajirsan adduunka.
Lahaanshaha 42% ee Elon Musk ee SpaceX ayaa siinaysa in uu si buuxda u maamulo arrimaha shirkadda, waana sababta uu awood ugu leeyahay in uu ku kharash gareeyo maalgashiga uu helo iyada oo loo eegayo mudnaanta uu siinayo.
Sida ay sheegtay Bloomberg, qiimaha saamiyada SpaceX ayaa gaaray $767.1 bilyan markii uu xirmay ganacsigii suuqa saamiyadu, waxaana intaas u dheer xuquuq saamiyo oo SpaceX ah oo lagu qiimeeyay $53.8 bilyan.
Sidoo kale, saamiyada uu ku leeyahay Tesla ayaa lagu qiimeeyay $168 bilyan, halka uu leeyahay xuquuqo saamiyo oo dheeraad ah oo lagu qiimeeyay $116.4 bilyan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kaalinta Elon Musk ee ah qofkii ugu horreeyay ee hantidiisu gaarto hal tirilyan oo doolar ayaa isla markiiba dhalisay dood ku saabsan sinaan la'aanta hantida. Hantidiisa ayaa hadda la sheegay inay la mid tahay wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha dalal ay ka mid yihiin Poland ama Switzerland.
Hantidan aan hore loo arag ayaa Musk ka dhigtay shaqsi awood badan leh isla markaana muran badan ka dhex dhaliya siyaasadda caalamka.
Wuxuu boqolaal milyan oo doolar ugu deeqay ololihii dib-u-doorashada madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, waxaana muddo dhowr bilood ah sannadkii hore uu hoggaaminayay hay'adda loo yaqaan Department of Government Efficiency (DoG).
Iyadoo la sameeyay dhimista kharashaadka dowladda oo aad u ballaaran, Musk waxaa lagu tilmaamay inuu door ku lahaa xiritaanka hay'dda USAID.
Sida ay ku daabaceen cilmi-baarayaal natiijooyinkooda ku daabacay joornaalka caafimaadka ee The Lancet, dhimistaas miisaaniyadeed waxay sababi kartaa in ka badan 14 milyan oo dhimasho oo dheeraad ah marka la gaaro sannadka 2030.
Wuxuu sidoo kale dhaliilay dowladaha UK iyo dalal kale arrimo ay ka mid yihiin socdaalka iyo waxa uu ku tilmaamay hurinta kala-qaybsanaanta ku salaysan qowmiyadda.
Senatarro ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka, sida Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta cambaareeyay heerka tirilyaneernimada. Warren waxay sheegtay in tani ay tahay "digniin baraarujin ah"oo muujinaysa baahida loo qabo canshuur lagu soo rogo dadka aadka u hodanka ah.
Inkastoo Elon Musk loogu yeerayo tirilyaneer, hantidan inteeda badan waa waxa loo yaqaan "hanti warqadeed", maadaama ay ku salaysan tahay qiimaha suuqa ee saamiyadiisa, gaar ahaan kuwa Tesla iyo SpaceX.
Ma iibin karaan saamiyadooda SpaceX ugu yaraan muddo hal sano ah, sidaas darteed hantidan looma beddeli karo lacag caddaan ah isla markiiba.
Natiijada ka dhalatay gelitaanka SpaceX ee suuqa saamiyada, in ka badan 4,400 oo shaqaale hadda iyo kuwii hore ee shirkadda ayaa sidoo kale la filayaa inay hodmaan, maadaama qayb ka mid ah mushaharkooda lagu siiyay saamiyo shirkadeed.
Qiimaha shirkadda SpaceX wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay rajada laga qabo faa'iidooyinka ay mustaqbalka samayn karto, halkii uu ku salaysnaan lahaa natiijooyinka maaliyadeed ee ay ilaa hadda muujisay.
Waqtigan xaadirka ah shirkaddu faa'iido ma samayso, taasoo macnaheedu yahay inay kharash gareyso lacag ka badan inta ay ka hesho hawlaheeda ganacsi.
Sida ku cad dukumiintiyada maaliyadeed ee shirkadda, waxay la kulantay khasaare ka badan $9 bilyan intii lagu jiray sannadka 2025 iyo qaybta hore ee 2026, taas oo ka dhalatay maalgelin badan oo ay ku samaysay sirdoonka macmalka ah (AI) iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah.
Ganacsigeeda ugu weyn waa samaynta gantaallada hawada sare iyo dirista dayax-gacmeedyo iyo qalab kale iyadoo adeegsanaysa gantaallo dib loo isticmaali karo.














