Labo dal oo saameyn leh oo u midoobay Reer Galbeedka

Xigashada Sawirka, TASS/GETTY IMAGES
Waddanka Ruushka ayaa noqday sida jasiirad oo kale kaddib markii ay go’doomiyeen dawlado badan oo caalamka ah, arrintaas oo xigtay duullaankii uu ku galay dalka Ukraine, xaaladdaas oo keentay in dalkan uu raadiyo sidii uu xulufo ula samaysan lahaa waddamada kale, kuwaas oo horay aanay isugu wanaagsanaan jirin; taas oo ay ka mid tahay xiriirkii adkaa ee kala dhaxayn jiray waddanka Iiraan.
Waxaa u dhaxeeyay dhowr arrin oo ay ugu horrayso arrinta taariikhda gashay ee ah in dad badan oo u dhashay Iiraan ay caddaalad-darro kala kulmeen Boqortooyadii Ruushka iyo Midowgii Sofiyeeti. Arrinta kale ayaa ah mid dhaqaalaha la xiriirta, halka sidoo kale ay ku loollamaan dhanka tamarta.
Laakiin, waxa ay labada dalba cadowtinnimo kala dhaxaysaa Reer Galbeedka, taas oo ah midda inta badan isu soo dhoweysa.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, waxa uu dibadda ku aaday 5 socdaal, dhamaantoodna waxa uu ku tegay dalal horay uga tirsanaan jiray ama xiriir la lahaa Midowgii Soofiyeet, marka laga reebo safarkii uu ku tagay Tehran bishii Luulyo ee aynu ka soo gudubnay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrinta xiisaha leh ayaa aheyd, intii uu Iiraan ku joogay booqashada, Putin uu ku soo jeediyay in xal diblomaasiyadeed oo sugan laga gaaro colaadda Suuriya, laguna saleeyo “mabaadii’da aasaasiga ah, iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed”.
Safarka Iran uu Putin ku tegay ayuu u isticmaalay si uu isugu dayo inuu ku muujiyo, in Ruushku uu weli leeyahay xulafo, walow la isku dayay in la go'doomiyo dalkiisa, sidoo kalena uu dowr muhiim ah ku leeyahay masraxa caalamiga ah.
Hase yeeshee, dhab ahaantii, waxay dad badan u arkeen inay caddayn dheeraad ah u tahay go'doominta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee uu Ruushku wajahayo.
"Waxay muujinaysaa heerka Putin iyo Ruushka ay gaareen, taas oo sii kordhinaysa go'doonka ay ku jiraan. Haatan waxaa qasab ku noqotay inay maciin-bidaan Iiraan," ayuu yiri John Kirby, afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhowaan ayay aheyd markii Ruushku uu kaalmo milateri ka helay waddanka Iiraan. Weerar maalintii Isniinta lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv ayay ciidamada Ruushku ku adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 ee ay farsameyso Iiraan, kuwaas oo masaafo dhan 2,000km iskood u duuli kara.
In kasta oo Tehran ay si rasmi ah u beenisay inay qalabkan u dirtay Ruushka, haddana saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in shixnaddii ugu horreysay loo raray Ruushka bishii Agoosto.
Warbixin uu dhowaan soo saaray machadka sameeya daraasaadka dagaalka ee uu fadhigiisu yahay magaalada Washington, ayaa lagu sheegay in laga yaabo in koox Iiraaniyiin ah ay u safreen goobaha uu Ruushku ka qabsaday Ukraine si ay u baraan ciidamada Ruushka sida loo isticmaalo diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn.
‘Saaxiibbo’ mise ‘dalal xifaaltama’

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo dhiggiisa Iiraan, Ibrahim Raisi, ayaa waxa ay hoggaamiyaan dalalka ay saaran yihiin cunaqabateynta ugu badan ee caalamka, waxaana ku soo xiga dalalka Suuriya, Belarus iyo Venezuela, kuwaas oo ay ka taliyaan maamullo ay dhaleeceeyaan Reer Galbeedku.
Hase yeeshee, xiriirka Ruushka iyo Iiraan ayaa ka adag sidii uu Putin jeclaan lahaa, sida uu ku doodayo, Hamidreza Azizi, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka Iran iyo Ruushka, kana tirsan machadka daraasaadka caalamiga ah ee Jarmalka, kaas oo sheegay in Moscow iyo Tehran uu ka dhexeeyo xiriir lagu tilmaami karo inuu jilicsan yahay oo isugu jira xifiiltan iyo saaxiibtinnimo.
"Hoggaamiyeyaasha hadda ee labada dal waxay jecel yihiin inay ku nuux-nuuxsadaan inay leeyihiin xiriir istiraatiiji ah iyo inay yihiin shuraako," ayuu u sheegay BBC Mundo.
"Balse dhanka kale, haddii aad eegto sida ay uga wada shaqeeyaan Suuriya iyo sida ay ugu kala aragti duwan yihiin arrimaha tamarta, waxaa kuu soo baxaysa inay dalalkan yihiin kuwo uu tartan u dhaxeeyo," ayuu raaciyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Walow Ruushka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen in Bashaar Al-asad uu sii hayo hoggaanka Suuriya, haddana Moscow iyo Tehran waxay muujiyeen dano is-diiddan.
Waxa kaliya ee ay ilaashadaan ayaa ah halgannada gacan ku haynta deegaannada ay maamusho dowladda Suuriya, waxayse leeyihiin aragtiyo aad u kala duwan oo ku aaddan sida ay Suuriya u ekaan doonto dagaalka kaddib.












