Maxkamad xukun ku riday gabadh dooneysay inay keydsato ugxaanteeda

Teresa Xu

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Teresa Xu waxay sheegtay inay racfaan ka qaadaneyso go'aanka
Published

Maxkamad ku taal dalka Shiinaha ayaa gacan seyrtay dacwadda gabadh aan la guursan oo dooneysay in ugxaanteeda loogu keydiyo cisbitaal ku yaalla dalkaas.

Teresa Xu waxay sanadka 2019-kii martay hannaan sharci ah ka dib markii Cisbitaalka qaabilsan arrimaha taranka iyo dhallaanka ee Beijing uu u diiday inuu u keydiyo ugxaanteeda halka cisbitaalka uu u sheegay in arrintaas oo kaliya ah loo sameyn karo dumarka la qabo ee la daalaa dhacayo dhibaatooyinka dhanka dhalmada la'aanta ah.

Laakiin maxkamadda waxay ogaatay in isbitaalku uu ka hor istaagay xuquuqdeeda.

Ms Xu ayaa xukunka ku tilmaantay "dib u dhac" ku yimid haweenka gaar ahaan tarankooda. Teresa Xu oo aan ku faraxsaneyn go'aanka kasoo baxay maxkamadda ayaa ballan qaaday inay racfaan ka qaadan doonto.

Sida laga soo xigtay maamulka cisbitaalka waxay sheegeen inay fahmeen cabashada ay ka gudbisay gabadha balse ay tahay inay raacdo shuruucda dalka marka ay timaaddo go'aan noocan ah oo ay qaadatay.

Markii ugu horreysay ee Ms Xu ay gudbisay kiiska, Chao Wei, oo ah afhayeenka isbitaalka, ayaa sheegtay in shaqaalaha ay u hoggaansameen qawaaniinta dowladda ee tignoolajiyada qaabilsan arrimaha taranka , sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Teresa Xu oo 30 jir ah waxay sanadkii 2018-kii isku dayday inay keydiso ugxanteed si ay diiradda u saarto shaqadeeda maadama ay tahay tifaftire madax banaan.

Laakin waxay sheegtay in shaqaalaha isbitaalka ay ku dhiiri galiyeen in ay ilmo dhasho xilliggii ay u gudbisay codsi ahaa inay u keydiyaan ugxanteeda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii dambe ayaa loo sheegay in arrintaas loo sameyn karo dumarka aan uurka yeelan karin ee xanuunsan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Isbitaalka waxa kale oo uu sheegay in uurka dumarka da'da ah uu halis yahay, waxana uu xusay caqabadaha ay la kulmaan hooyooyinka qaar.

Ugxaanta dumarka ayaa sii xumaadaa marka ay da' noqdaan, waxaana ku adkaaneysaa inay ilmo dhalaan.

Shiinaha waxaa ka jiraa baahi weyn oo loo qabo keydinta ugxaanta iyadoo haween badan oo awood u leh inay sidaas sameeyaan ay u safraan dibadda.

Ms Xu ayaa sheegtay in ay ku fikirtay in ay aado dibadda basle caqabadda heysta ah inay howshaas uu dhaqaale badan ku baxayo aynta mid qaali ah.

Dacwadda gabdhan ay u gudbisay maxkamadda ayaa si weyn looga hadal hayay gudaha Shiinaha kaas uu ka jiro xeerar adag oo ku saabsan xakameynta dhalmada iyo xuquuqda taranka.

Muuqaal lasoo dhigay barta bulshada ee WeChat, waxay Xu sheegtay in aysan ka hari doonin go'aankeeda isla markaana ay arrinta sidaa ku dhammaan doonin.

"Ma dhihi karno tani waxay dhabarjab ku tahay xuquuqda taranka ee haweenka, laakin go'aanka waa horseedayaa dib u dhac aan sidaa u weyneyn oo ku meel gaar ah." Ayay tiri Xu.

Sanadkii 2019-kii Teresa Xu sheegtay in bulshada ay cadaadis kala kulantay taas oo ku saabsan inay ilmo dhasho baddalkii ay diiradda saari laheyd shaqadeeda.