Laga bilaabo 83 sano ilaa 15,000 sano: Xayawaannada qaarkood Soomaaliya laga helo ee ugu cimriga dheer dunida iyo waxa aan ka baran karno

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga bilaabo feraanferka ilaa shark-ga Greenland, kuwan waa noolaha leh cimri aan caadi ahayn oo aad u dheer.
Fikradda waqtigu wax yar ayuu muran ka taagan yahay. Tusaale ahaan, Albert Einstein wuxuu sharraxay sida waqtigu u yahay wax ku xiran xaaladda, iyo sida walxuhu waqti uga duwan u dareemaan iyadoo ku xiran xawaaraha ay ku socdaan. Arrintani waxay u baahan tahay in si qoto dheer looga fiirsado si loo fahmo.
Si kastaba ha ahaatee, xayawaanno badan oo dunida ku nool ayaa ku guulaystay inay noolaadaan muddo ka dheer inta caadi ahaan laga filayo, iyagoo leh cimri aan caadi ahayn oo jebiya rikoodhadii cimriga ee la filayay. Laakiin xayawaankee ayaa ugu cimri dheer dunida?
Saynisyahannadu waxay sannado badan ku bixiyeen raadinta sirta cimri-dhererka, waxaana laga yaabaa in qaar badan oo ka mid ah noolaha ku jira liiskan ay bixiyaan tilmaamo ku saabsan sida aan mustaqbalka ugu noolaan karno nolol caafimaad leh oo cimri dheer.
Haddaba, waxaan eegeynaa qaar ka mid ah noolaha ugu cimriga dheer dunida.
Naasleyda dhulka ku nool ee ugu cimriga dheer – bini'aadamka

Xigashada Sawirka, Pascal Parrot/Sygma/Getty Images
Jeanne Calment, oo loo aqoonsan yahay qofkii ugu da'da weynaa adduunka ee abid la diiwaangeliyo, waxay noolayd nolol aan caadi ahayn oo dhan 122 sano iyo 164 maalmood. Waxay ku dhalatay Arles, Faransiiska, sannadkii 1875, waxaana lagu yaqaannay inay sheegan jirtay inay la kulantay Vincent van Gogh, inkastoo aysan si wanaagsan ama ammaan leh uga hadlin.
Calment waxay cimrigeeda dheer ku sababaysay inay ka fogaan jirtay walbahaarka, isla markaana ay awood u lahayd inay nolosha ku raaxaysato oo ay qosol badneyd. Ma aysan samayn dadaallo gaar ah oo ay ku ilaalinayso hab-nololeed caafimaad leh; xitaa waxay sigaar cabi jirtay cunto kasta ka dib, ka hor intii aysan ugu dambayn joojin iyadoo 117 jir ah.
Waxay geeriyootay sannadkii 1997, iyadoo cimri ahaan ka dheeraysay gabadheeda keliya iyo awowgeed, kuwaas oo labaduba geeriyoodeen iyagoo ka da' yar.
Noolaha badda ku nool ee ugu cimriga dheer – Isbuunyada muraayadda

Xigashada Sawirka, National Marine Sanctuaries/Wikipedia
Isbuunyada muraayadda waxay ka mid yihiin noolaha ugu cimriga dheer dunida. Inkastoo muuqaalkoodu u muuqdo mid jilicsan, haddana waxaa lagu qiyaasaa inay noolaan karaan ilaa 15,000 sano. Inkastoo ay yihiin kuwo aan si weyn loo arag, haddana waxaa laga heli karaa dhammaan badaha dunida, badanaa meelaha qoto-dheerkoodu ka badan yahay 450 mitir.
Waxa ka dhiga kuwo gaar ah waa awooddooda ay jirkooda uga dhex abuuri karaan dareenno koronto. Qaybaha yaryar ee u eg jeedal ama timo yaryar, kuwaas oo biyaha ka qabta bakteeriyada, ayaa joojiya dhaq-dhaqaaqooda marka ay dareemaan khatar. Si kastaba ha ahaatee, si ka duwan noocyada kale ee isbuunyada badda, isbuunyada muraayaddu ma isku ururaan mana beddelaan qaabkooda marka la kiciyo.
Shimbirkii ugu cimriga dheeraa – Baqbaqaaqii Cookie

Xigashada Sawirka, Nimesh Madhavan/Wikipedia
Shimbirkii ugu cimriga dheeraa ee abid la diiwaangeliyo wuxuu ahaa Cookie, oo ahaa baqbaqaaq lab ah oo ka tirsanaa nooca pink cockatoo ama Major Mitchell's cockatoo (Cacatua leadbeateri), kaas oo ku noolaa Beerta Xayawaanka ee Brookfield ee magaalada Chicago, dalka Maraykanka.
Sannadkii 2014, Guinness World Records ayaa Cookie u aqoonsaday baqbaqaagii ugu da'da weynaa dunida. Xilligaas, wuxuu jiray 81 sano, waxaana laga joojiyay bandhigyada dadweynaha si loo ilaaliyo caafimaadkiisa. Nasiib-darro, wuxuu dhintay sannadkii 2016 isagoo jira 83 sano.
Waxa layaabka leh ayaa ah in Cookie uu 52 sano ka cimri dheeraa shimbirkii noocaas ahaa ee ku xigay ee ugu cimriga dheeraa.
Jiirka ugu cimriga dheer – Feraanferka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Feraanferku waa jiir runtii aan caadi ahayn. Wuxuu leeyahay awood weyn oo uu ugu adkaysan karo xaaladaha adag, waxaana uu noolaan karaa ilaa 18 daqiiqo isagoo aan oksijiin helin. Sidoo kale, wuxuu leeyahay difaac dabiici ah oo ka dhan ah noocyo badan oo kansar ah. Sababta kale ee ka qayb qaadata cimrigiisa dheer ayaa ah inuu ku nool yahay gudaha godad qoto dheer oo dhulka hoostiisa ah, taas oo ka dhigan in ay yar yihiin ugaarsadayaasha dabiiciga ah ee ugaarsada.
Cilmi-baaris ayaa muujisay in khatarta uu ugu jiro dhimashadu aysan kordhin marka uu sii weynaado, si la mid ah sida ay ugu dhacdo naasleyda kale. Waxaa u sabab ah sifooyinkiisa hidde-sideyaasha gaarka ah, unugyadiisu si sax ah ayay u kala qaybsamaan, waxaana yaraada fursadda ay ku dhaawacmaan ama khaldamayaan.
Sannadkii 2020, waxaa la sheegay in xayawaankani gaaray da'da 37 sano, taas oo ka dhigtay jiirka ugu cimriga dheer dunida.
Diidiinka

Xigashada Sawirka, Deshakalyan Chowdhury/AFP/Getty Images
Diidiinka ugu da'da weynaa ee la diiwaangeliyey wuxuu ahaa mid lab ah oo la oran jiray Adwaita, waxaana lagu qiyaasaa inuu jiray 255 sano markii uu ku dhintay Beerta Xayawaanka ee Alipore, magaalada Kolkata ee dalka Hindiya, sannadkii 2006. Waxaa la rumaysan yahay in Adwaita uu dhashay sannadkii 1750, wuxuuna in ka badan 100 sano nolol kelinimo ah ku qaatay beerta xayawaankaas.
Sida magaciisuba tilmaamayo, Aldabra waxay asal ahaan ka soo jeedaan jasiiradda Aldabra Atoll ee dalka Seychelles, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 100,000 qoolley oo noocan ah. Tani waa tirada ugu badan ee hal meel ku wada nool dunida.
Eyga ugu cimriga dheeraa – Bobi

Xigashada Sawirka, Patricia De Melo Moreira/ AFP/Getty Images
Bobi, oo ahaa eey ka tirsan nooca Rafeiro do Alentejo, wuxuu gaaray da' aan caadi ahayn oo ahayd 31 sano, ka hor intii uusan dhiman Oktoobar 2023. Horaantii isla sannadkaas, Guinness World Records ayaa xaqiijisay da'diisa, waxayna u aqoonsatay inuu yahay eygii ugu cimriga dheeraa ee abid la diiwaangeliyo, isagoo jebiyey rikoodhkii hore oo ahaa 29 sano iyo 5 bilood. Hase yeeshee, tan iyo markaas waxaa soo baxay sheegashooyin sheegaya in da'diisa laga yaabo inaysan sax ahayn.
Eeyaha nooca Rafeiro do Alentejo waxay asal ahaan ka soo jeedaan Boortaqiiska, waxaana lagu yaqaannaa degganaanshahooda iyo awooddooda weyn ee ilaalinta. Waa eeyo waaweyn oo leh madaxyo waaweyn iyo dhogor badan oo cufan, taas oo ka caawisa inay kulaylka jirkooda ilaashadaan.















