Iran oo digniin u dirtay dalalka martigaliya ciidamada Mareykanka

Jeneraal Maxamed Bagheri

Xigashada Sawirka, FARS

Qoraalka sawirka, Jeneraal Maxamed Bagheri
Published

Jeneraal Maxamed Bagheri, oo ah madaxa guud ee ciidamada qalabka-sida ee dalka Iran, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu isku dayayo inuu isku-xir ka sameeyo Gacanka Beershiya iyo Badda Cumaan isagoo "isku xiraya Israel iyo Taliska Dhexe ee Mareykanka ee la yiraahdo (CENTCOM). Waxaa la sheegay in Iran ay “digniin qoraal ah” u gudbisay dalalka ay martida u yihiin ciidamada Mareykanka.

Sarreeye Gaas Bagheri waxa uu ka digay in “macnaha falkan uu yahay in marka la eego aragtideenna basaasnimada iyo xitaa xarumaha howlgalinta ee Mareykanka iyo xulafadiisa ay gacanta ku dhigi doonaan taliska Israel, wuxuuna sheegay in xaaladdan ay noqon doonto khatar ku soo wajahan Iran.

Maamulka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uma aqoonsana Israel dowlad, maaddaama ay xiisad u dhaxeyso.

Digniinta sarkaalka sare ee ciidamada Iran ayaa la shaaciyay xilli ay wali taagan yihiin xiisadaha u dhaxeeya Iran iyo Israel ee ku aaddan dhaqdhaqaaqyada militari ee Iran ay ka waddo gobolka iyo muranka mustaqbalka ee heshiiska nukliyeerka ee JCPOA ee ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iran.

Bagheri waxa uu yiri, “marka laga soo tago ku dhawaaqista iyo digniinta qoraalka ah iyo gudbinta farriinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee la i soo mariyay, dalalka ay martida u yihiin ciidamada Mareykanka, waxa aan diyaarinaynaa oo aan ka digaynaa in aan sii ballaarino joogitaanka iyo seeto-dheeraynta ilaalinta hawada iyo badda, iyo in la ballaariyo madaxda sirdoonka iyo samaynta dhoolatusyada kala duwan ee ciidamada badda, gantaalaha iyo diyaaradaha aanu duuliyaha saarneyn."

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa ciidamada Iran waxa ay sameeyeen dhoolatus diyaaradeed. Ciidamada badda ee Iran ayaa dhawaan Badda Cas ku qabtay labo markab oo aanay cidina wadin oo uu Mareykanku leeyahay.

Israel ayaa si joogto ah u bar-tilmaameedsata xarumo ay Suuriya ku leeyihiin kooxo ay sheegtay in Iran ay tagaeerto.

Digniinta Iran ayaa timid labo maalin un kaddib markii duulimaadkii diyaaradaha Mareykanka ee B-52 la arkay iyadoo ay la socdaan kuwa Israel.

CENTCOM, ama Xarunta Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo Iran ay sheegtay in Mareykanka uu ku xirayo Israel, waa mid ka mid ah lixda xarun ee taliska ee lagu qeexay qaab-dhismeedka Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Kaddib markii Mareykanku uu ku daray ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah kooxaha argagixisada ah, uuna garab dhigay ururro ay ku jiraan Al-Qaacidda iyo Daacish, Iran ayaa iyaduna CENTCOM ugu yeertay urur argagixiso.

Duulimaadka diyaaradaha Maraykanka ee B-52 ee gobolka ayaa yimid iyadoo xiisadda ay weli ka taagan tahay gobolka Gacanka Faaris.

Xigashada Sawirka, CENTCOM

Qoraalka sawirka, Duulimaadka diyaaradaha Maraykanka ee B-52 ee gobolka ayaa yimid iyadoo xiisadda ay weli ka taagan tahay gobolka Gacanka Faaris.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labo maalin ka hor, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in labo diyaaradood oo Mareykan ah oo B-52 ah ay dul mareen gobolka iyo Gacanka Beershiya, waxaana galbinayay diyaaradaha militariga ee Israel, Sacuudiga iyo Kuwayt.

Duullimaadka diyaaradaha Mareykanka ee B-52 ee gobolka ayaa yimid iyadoo xiisadda ay weli ka taagan tahay gobolka Gacanka Beershiya.

Warbaahinta Mareykanka ayaa Duullimaadkan ku macneysay mid ay Iiran u aragtay inuu muujinayo wada-shaqeynta ay Israel la leedahay Mareykanka si loo sugo ammaanka Israel iyo gobolka Bariga Dhexe.

Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaaradaha Mareykanka ay dul maraan gacanka Beershiya.

Bishii Juun ee sanadkan iyo bishii Nufeembar ee sanadkii hore, nin ka mid ah ciidamada Mareykanka ayaa diyaarad tababar ku dul maray Gacanka, iyadoo ay la socdeen diyaarado dagaal oo xulafada la ah dalkaas oo ay ku jiraan Israel, Sacuudiga iyo Baxreyn.

Sarreeye Gaas Bagheri ayaa isaga oo dhawaan ka hadlayay xaaladda gobolka yiri, "Taladeenna saaxiibtinnimo ee aan u jeedinayno dalalka deriska waa walaaltinnimo iyo iskaashi si aan u sugno amniga gobolka oo ay leeyihiin dalalkeenna ee yaan la isku halleyn shisheeye."

Booqashadii Joe Biden ee gobolka Bariga Dhexe iyo booqashadii Benny Gantz, oo ah wasiirka gaashaandhigga Israel, ayaa keentay in ay soo jeediyaan in la xoojiyo militariga dalalka Carabta ee gobolka iyo Israel oo uu hoggaamiyo Mareykanka, tallabadaas oo ka dhan ah Iran.

Gantz ayaa sheegay in "Israel iyo dalalka Carabta oo wadaaga walaaca ay ka qabaan Iran ay xoojiyaan awooddooda ciidan, iyagoo taageero ka helaya Mareykanka."