Dal dhallintiisa lacag ku siinaya in ay dibadda kusoo caweeyaan

Sanadkii 2019-kii, Yoo Seung-gyu, ayaa wuxuu ka baxay aqalkiisa markii ugu horeysay muddo gaareysa shan sano.
30-jirkan ayaa marka hore nadiifiyay "gurigiisa qasnaa ee isku dhax yaacsanaa" kaas oo ka dhaxeeyey isaga iyo walaalkiis.
Ka dibna waxa uu tagay badda, si ay u kaluumeystaan isaga iyo saaxiibadiis uu kula kulmay urur aan faa'iido doon ahayn oo ay kawada tirsanaayeen.
"Waxay ahayd dareen cajiib ah in aan ku sugnaado badda, isla markaana aad ayaan ugu raaxeystay. Waxaan dareemey waxyaabo kala duwan, laakiin hubaal anigu halkaas ayaan niyad ahaan joogay. Maskaxdayduna ma aanay ka maqnayn goobta, " Yoo ayaa sidaasi yiri.
Tiro sii kordheysa oo dhalinyarada Kuuriyada Koonfureed ah, ayaa dooranaya inay naftooda go'doomiyaan, iyaga oo si buuxda uga gaabsanaya dhex galka bulshada, taasoo ugu kacaysa qiimo sare, iyaga oo ku guul dareysta inay u hoggaansamaan waxa laga filayo.
In taas dib loogga soo celiyo waxaa loo yaqaan Hikikomori, oo ah erey markii ugu horreysay laga sameeyay Japan sanadkii 1990-meeyadii, si loo qeexo ka dhex bixista bulshada ee daran, kaasoo ah dhaqan ka dhex jira dhallinyarada.
Kuuriyada Koonfureed, oo la daalaa dhacaysa heerkeeda ugu hooseeya ee dhalmada adduunka, iyo hoos u dhaca taranka, ayey tani ku noqotay walaac xooggan.
Illaa iyo haatan mas'uuliyiinta, ayaa siinaya gunno yar oo bille ah da'yarta la kulma dabeecadda xun ee bulsho ka fogaanshaha, si ay uga soo saaraan guryahooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kuwa da'doodu u dhaxayso sagaal iyo 24 sano ee kasoo jeeda qoysaska dakhligoodu hooseeyo, ayaa waxay heli karayaan gunno nololeed bishii ah oo garaya illaa 650,000 won oo u dhiganta $ 490 oo doolar.
Waxa kale oo ay dalban karaan kabitaanka adeegyo fara badan, oo ay ku jiraan caafimaadka, waxbarashada, la-talinta, adeegyada sharciga, dhaqanka iyo xitaa "sixitaanka muuqaalka iyo nabarrada" ku yaalla jirkooda.
Dhiirigelintan ujeedadeedu waxay tahay "inay awood u siiso dhalinyarada is-dhex-galka bulshada, si ay u soo kabtaan nolol maalmeedkooda, oo ay dib ugu soo biiraan bulshada", ayay tiri Wasaaradda Sinnaanta Jinsiga iyo Qoyska ee Kuuriyada Koonfureed.
Wasaaradda ayaa ku qeexday dhallin-yaradani inay yihiin "dhallinyaro muddo dheer ku noolaa meel ka baxsan bulshada oo bannaanka ah, oo ay dhib weyn ku qabaan inay nolol caadi ah ku noolaadaan".
Laakin in lacag la siiyo dhalinyarada, meesha kama saarayso dhaqankan is go'doominta , ayay yiraahdeen dhallinyaradii goonida isu faquuqday.
Yoo ayaa hadda waxa uu maamulaa shirkad taageerta dhalinyarada is-xilqaanka ah oo lagu magacaabo 'Not Scary' – isagoo aad uga duwan maalmihii aanu ka bixi jirin qolkiisa, xitaa si uu u isticmaalo musqusha.
Laakiin hannaankii uu dib ugu soo noqdey bulshada dhexdeeda, ayaa waxa uu lahaa caqabado badan oo ka hor imanayey. Waxa uu markii ugu horeysay go'doomiyey naftiisa isaga oo 19 jir ah, waxa uu kaga soo baxay muddo laba sano ah, isagoo qaatay tababar ciidan oo qasab ah, ka dibna wuxuu mar kale is go'doomiyay laba sano markaa ka dib.

Park Tae-hong, oo ah isna ruux kale oo la dhaqan celiyey, ayaa sheegay is godoominta ay "raaxo" u noqon karto dadka qaarkood.
"Marka aad isku daydo waxyaabo cusub, waa wax xiiso leh, laakiin isla markaa, waxaad u baahan tahay inaad u adkaysato daalka kaasoo wajahaya arrintani iyo walaaca. Laakiin markaad qolkaaga kaliya ku jirto, maaha inaad dareento taas. Si kastaba ha ahaatee, ma fiicna is go'doominta mudada dheer,” ayuu yiri 34-jirkan.
Qiyaastii 340,000 oo qof oo ay da'doodu u dhaxayso 19 ilaa 39 oo kunool dalka Koonfurta Kuuriya - ama 3% kooxda da'daan ah - ayaa loo arkaa inay bulshada ka dhex baxeen ama go'doon yihiin, sida uu sheegay machadka caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Kuuriya.
Cilmi baaristu waxay sidoo kale muujisay saamiga sii kordhaya ee qoysaska ay xubin kamid ah ku biireyso dhalinta noocan ah ee Kuuriyada Koonfureed, oo u dhiganta saddex meelood meel dhammaan qoysaska dalkaas sanadkii 2022-kii. Isla mar ahaantaana, tirada dadka ku dhintay "kelinimada ama cidlada" ee dalka ayaa kor u kacday.
Laakin lacag heysasho, ama lacag la'aan, maaha waxa dhalinayarada ku riixaya inay is go'doomiyaan.
"Waxay ka kala yimaadeen dhalinyarada ay heysato dhibaatada bulsho ka dhex bixista qoysas heerkooda dhaqaale uu kala duwan yahay," ayuu yiri Park.
"Waxaan la yaabanahay sababta ay dowladdu isugu xirto dib-ugu-celinta dhalinyarada ee bulshada iyo heerka dhaqaale, ma'ahan in mid kasta oo is-godoomiyey ay haysato dhibaatooyin dhaqaale."
"Shakhsiyaadka aadka ugu baahan lacag waa laga yaabaa in lagu qasbo inay dib ugu noqdaan bulshada. Waxaa jira kiisas badan oo kala duwan," ayuu raaciyay.
Isaga iyo Yoo labadooduba, tusaale ahaan, waxaa dhaqaale ahaan taageerayey waalidkood, markii ay ku jireen dhaqankii is go'doominta.
Waxaa caadi ka ah da'yarta is go'doomisa oo ay aaminsan yihiin, haddii aysan ku noolayn heerka bulshada ay la nool yihiin- ama qoysaskoodaba - heerka guusha, in markaa ay is go'doomiyaan.
Qaarkood waxay dareemayaan inay khaldan yihiin, sababtoo ah ma hayaan wadadii lagu dhisi lahaa aqoonta ay ku heli karayaan shaqo, halka qaar kalena laga yaabo in lagu dhaleeceeyay natiijooyinkooda tacliimeed ee liita.
Yoo ayaa waxa uu sheegay in uu jaamacad ku biiray, sababtuna ay tahay aabbihii ayaa doonayay inuu tago jaamacadda, balse wuu ka tagay bil kadib.
"In aan tago iskuul, ayaa waxa uu dhaxal siiyey yaxyax, sidoo kale waligiis muusan ku dhiiran inuu arrintan kala hadli karo waalidkiis.
"Dhaqanka' xishoodka ee Kuuriya, ayaa ka dhigaya mid aad u adag in dadka is go'doomiya ay ka hadlaan dhibaatooyinkooda," ayuu yiri Yoo. "Maalin maalmaha ka mid ah, waxaan gaarey go’aan ah in qaabka aan u noolahay ay khaldan tahay, oo waxaan bilaabay inaan is go'doomiyo."
Inta uu go'doon ku jiro, xitaa ma aadi jirin qolka musqusha, sababtoo ah ma uusan rabin inuu arko qoyskiisa Park, cadaadiska bulshada, ayaa waxaa ugu sii darsamay xiriirka qoyska oo xumaaday.

"Hooyaday iyo aabahay marar badan ayay ila dagaalameen tan iyo yaraanteydii, sidoo kale wuxuu saameeyey dagaalku, nolosheyda iskuulka - Iskuulka Kuuriya mararka qaarkood wuxuu noqon karaa mid aad u qallafsan, waana igu adkaaday. Ma awoodin inaan is daryeelo," ayuu yiri Park.
Wuxuu bilaabay is dawaynta sanadkii 2018-dii markii uu ahaa 28 jir, wuxuuna mar kale hadda si habsami leh dib ugu dhisayaa nolol bulsho .
Dhallinyarada ku nool dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa waxay dareemayaan "cadaadis" sababtoo ah bulshada, ayaa iyaga waxay ka filaysaa inay noqdaan hab gaar ah marka ay gaaraan da'da qaangaarka ah," ayey tiri Kim Soo Jin, oo ah maamulaha sare ee dugsiga Seeds, oo sidoo kale ku takhasusay barnaamijyada hikikomori.
"Marka ay ka soo bixi waayaan filashooyinkan, waxay u maleynayaan 'in da yarta ay guuldareysteen', - jawiga bulsheed ee noocan oo kale ah wuxuu hoos u dhigaa isku-kalsoonidooda, waxaana laga yaabaa inuu ugu dambeyntii ka gooyo bulshada dhalinyarada," ayay intaa ku dartay Kim.
Xarunta Seeds ayaa waxay waddaa meel bannaan oo lagu magacaabo " tunnel-ka mole", halkaasoo dadka bulshada iska go’doomiyey ay u tagi karaan nasasho, ay ku helaan waqti xasilloon oo ay talo ku raadsadaan. Barnaamijyada xaruntani, waxay u furan yihiin qof kasta, iyadoon loo eegayn heerka dakhligiisa.
"Bulsho ay dhallinyaradu ka heli karaan shaqooyin iyo fursado waxbarasho oo kala duwan, ayaa ah mid dhiiri galinaysa shakhsiyaadka kasoo baxaya nolosha is go'doominta," ayay tiri Ms Kim.
"Dhallinyarada isku duuban waxay rabaan goob shaqo oo ay ku fikiri karaan, waxaan sameyn karaa wax badan, ma ahan wax adag. Waxaan u maleynayaa inaan wax badan ka baran karo halkan, ka dibna aan geli karo adduunka dhabta ah'," ayay tiri.
Mr Park, ayaa waxa kale oo uu rajaynaya in maalin maalmaha ka mid ah bulshada Kuuriya ay aad u soo dhaweeyaan dhalinyarada danta ka leh ee kasoo noqday waddadii qaloocneyd.

"Haatan waxaan kaliya ku qasabnaa inay wax bartaan, waa xal hal nooc oo kali ah, waxaan u baahanahay inaan dhalinyarada siino xoriyad ay ku helaan waxyaabaha ay jecel yihiin oo ay ku fiican yihiin," ayuu yiri.
U fidinta Kaalmada nolosha, ayaa laga yaabaa inay noqoto "tallaabada koowaad" ee wax ka qabashada dhibaatada is godoominta, laakiin shaqaalaha dhalinyarada ah, ayaa sheegaya in lacagta si wanaagsan loo isticmaali karo.
Waxay aaminsan yihiin maalgelinta hay'adaha iyo barnaamijyada bartilmaameedka u ah dhalinyarada isku-duuban, iyadoo la siinayo la-talin ama tababar shaqo, taasoo ku yeelan doonta saameyn ballaaran.
"Tallaabada xigta waa in ay noqotaa in loo diyaariyo barnaamijyo heer qaran ah oo bilaash ah, tayo sarana leh oo looggu tala galay dhalinyarada dib uga soo baxeysa nolosha is godoominta.
Hadda, waxaa jira barnaamijyo iyo xarumo tiro yar oo ay dhallinyaradu qayb ka yihiin, oo ay ka helaan dareenka ah lahaanshaha," ayuu yiri Kim Hye Won. Agaasimaha guud ee PIE for Youth, oo ah hay'ad bixisa barnaamijyo kala duwan oo looggu tala galay dhallinta isku-duuban iyo daryeelayaashooda.
Sidaas oo ay tahay, waxay aad ugu faraxsan yihiin dhalinyarada in dawladda Kuuriyada Koonfureed ay isku dayayso inay wax ka qabato dhibaatada is godoominta oo in muddo ah soo jiitamaysay.
"Waa wax fiican in la arko in [tallaabooyinka cusub] oo diiradda lagu saarayo dhalinyarada. Waxaan u maleynayaa in dhalinyaradu ay tahay waqtigoodii dahabiga ahaa ee loogga hortagi lahaa habdhaqanka xu nee is godoominta, sababtoo ah inta badan dhalinyaradu waa qayb ka mid ah bulshada, marka ay iskuulka dhameeyaan, markaa ka dib, aad ayay u adag tahay in la saxo dhalinyarada dhaqamadooda iyo afkaarahooda. "
Yoo ayaa waxa uu sheegay inuu si qunyar ah uga soo baxay go’doonka, ka dib markii uu la kulmay oo kaliya kooxihii baxnaaninta ee dadka baadi gooba ee lagu magacaabo K2 International.
"Markii aan caawimaad ka helay kuwa kale, waxaan bilaabay inaan ogaado in tani aysan ahayn dhibaatadayda oo keliya, laakiin ay tahay dhibaato bulsho," ayuu yidhi.
"Ugu dambayntiina waxaan awooday inaan si tartiib tartiib ah uga baxo is-godoominta."
















