Wiil webi ku dhinay isagoo isku dayaya badbaadinta saaxiibtiis oo hafaneysa

Logan Folger

Xigashada Sawirka, Family handout

Qoraalka sawirka, Logan Folger
Published

Hooyada dhashay wiil 14 sano jir ah oo geeriyooday kaddib markii uu isku tuuray webiga si uu u badbaadiyo saaxibaddiis ayaa sheegtay inay ku "faaneyso" wiilkeeda.

Baaritaan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in Logan Folger uu webiga agtiisa fadhiyay, kahor inta uusan go'aansan inuu badbaadiyo saaxiibtiis oo ku harqaneysay gudaha webiga.

Gabadha waa la soo badbaadiyay, balse Logan ayaa ku quusay biyaha. Waxaa loola cararay isbitaal halkaas oo saddex maalin kaddib uu ku geeriyooday. Hooyada dhashay wiilkaas oo lagu magacaabo Stacey Bentley ayaa sheegtay in wiilkeeda uu lahaa "qalbi nadiif ah"

Maxkamadda Chesterfield Coroner's ayaa dhegeysatay xog ku saabsan in Logan "muddo kooban" lagu quusiyay biyaha webiga oo ku yaalla Staveley oo ka tirsan Derbyshire.

Maxkamadda ayaa loo sheegay inuu wiilka dhaawac aan "laga badbaadi karin" ka soo gaaray xagga maskaxda sababo la xiriira naqaska oo ku dhegay.

Coroner Peter Nieto ayaa ku soo gabagabeeyay in dhimashadii Logan ay ahayd mid si lama-filaan ah u dhacday.

Logan Folger iyo Stacey Bentley

Xigashada Sawirka, FAMILY HANDOUT

Qoraalka sawirka, Logan Folger iyo hooyadiis Stacey Bentley

Hooyada dhashay wiilka oo hadal jeedineysay kaddib dhageysiga maxkamadda, ayaa sheegtay in "qoyskiisa iyo saaxibaddiis ay mar walba muhiimad gaar ah u lahaayeen, sida daraadeedna ay ka go'neyd inuu caawiyo mar kasta oo ay kaalmo uga baahdaan".

Waxay intaas ku dartay in aabbaha wiilka oo lagu magacaabo Jonathan Folger iyo adeerkii Mark Squires ay labadooduba ka "niyad-jabeen" dhimashadiisa, isla markaana ay dareemayaan inuu ka baxay wiilkooda iyo weliba saaxiibkood.

Waxaa ay intaa ku dartay in iyaga aysan "nolosha sidii hore u sii ahaan doonin". "Dhamaanteen waan ku faraxsanahay waxa uu sameeyay wiilkeenna, balse waxaan dareemeynaa niyad-jab aad u weyn, sababtoo ah dib dambe noolama joogi doono, wiilkeygase wuxuu ahaa geesi," ayay tiri.

Logan adeerkiis Mark Squires (bidix) iyo aabbihiis Jonathan Folger (midig)

Xigashada Sawirka, FAMILY HANDOUT

Qoraalka sawirka, Logan adeerkiis Mark Squires (bidix) iyo aabbihiis Jonathan Folger (midig)

Det Con Paul Butler, oo ah sarkaal boolis ah oo ka howlgala Derbyshire ayaa baaray sida ay wax u dhaceen, wuxuuna dabadeed sheegay in Logan uu ahaa halyey.

Wuxuu xusay in Logan aanu waqtigaa dabaalan, balse markii uu arkay waxa dhacaya, "isla markiiba wuxuu isku tuuray webiga, isaga oo dharkiisii oo dhan xiran si uu wax u caawiyo isagoo aan ka fikirin badqabkiisa gaarka ah."